|
![]() |
|||||
Waraysigan aan ku tilmaamay in aanu caadi ahayn laba masalo ayaa ugu wacan. Waa marka hore e, ma'aha mid la qaaday iyadoo fool ka fool la isu horfadhiyo, ama qaab kale oo toos ah la isu waraysanayo. Waa marka kale e, ka ba sii daran ee xilligii waraysigaasi dhacay iyo maanta oo ay ugu horrayso daabacaadiisu labaatan sano wax dheer ayaa ka soo wareegay.
Fasiraad:Inj. Caydaruus Cismaan Yuusuf oo qoyska uu ka dhashay qaarkood ay aqoon iyo saaxiibtinimo na dhex martay ayaan magaalada Cadan ku kulannay bishi Oktoobar 27 keedii, 1991. Sheeko, kaftan iyo is-xogwaraysi ah ayaan wada yeellannay. Taas oo ay isbarasho shakhsi ahi ka billaabantay. Muddo aan dheerayn, isla sannadkaa gudihiisa, ayaan Caydaruus magaalada Sanca ee Yamanta ugu tagay isaga oo gurigiisa igu marti-qaaday. Isla xilligaas oo aan bilaabay inaan xarxarriiqo wax lagu sheegi karo ‘sheekooyin gaagaaban’ ayaan niyaystay in si uun haddii ay u suurowdo in sheekooyinkaasi tisqaadaan oo la soo daabaco inaan u hibeeyo Cismaan Yuusuf Cali - ‘Keenadiid’ qadderinta aan marxuumkaas u hayay awgeed. Caydaruus ayaan arrintaa la socodsiiyay oo dhawr sheeko oo iska filiqsan farta ka saaray. Markaas ayaan ka codsaday Caydaruus in uu dhawr meelood aniga iyo qayrkayba inta danayn karta uga iftiimiyo geeddi nololeedkii aabbihii Cismaan keenadiid. Dabadeed su’aalo taxane ah oo Af-Carbeed ku qoran ayaan u gudbiyay si uu uga soo jawaabo. Isagoo ku mahadsan ayuu su’aalihii si waafi ah uga soo wada jawaabay. Far Soomaali xarfuhu kala furfuran yihiin oo si qurxoon gacan ugu qoran ayuu igu soo simay. Labaatan sano ayay qaadatay inta sheekooyinkaygii ku soo baxayeen buug daabacan. Kaas oo aan u bixiyay “SHUFBEEL”, xaaladda dalka ka taagan darteed. Waa tan keentay in waraysigii labaantaka sano raagay aan maanta ku soo bandhigo WardheerNews mar haddii buuggii uu ku cindanaa ifka u soo baxay. Waana kan waraysigii iyadoo aan markan qaab su’al iyo jawaab isugu xejinayo iyadoo ereyadii Caydaruus aan haba yaraatee waxna lagu darin waxna laga beddelin. Inj. Caydaruus warbixinta noloshii aabbihii ka sokow, wuxuu ii soo raaciyay oo iigu deeqay qayb ka mid ah mansooyinkii Cismaan Keenadiid xilligiisii caanka ku ahaa. Kuwaas oo iyana xarfo kala furfuran oo qalin ah ku qoran xilkasnimo darteed. Dhawr aan akhristayaasha u xulay ayaa waraysigan la socda. Waxa aan isna halkan mahadnaq uga soo jeedinayaa Axmed Cabdiraxmaan X. Xasan oo ka tirsan bahda WardheerNews oo iga kaalmeeyay garaacidda, habaynta iyo tififaftirka Wareysigan. Ugu dambayn waa kan wareysigii ee iga guddooma:
Siciid Jaamac Xuseen: Caydaruus waxa aad bal marka hore guudmar kooban noogu samaysaa dhalashadii (goobta & taarikhda) iyo carruurimadii (korriimadii iyo barbaarintii) Cismaan Yuusuf Keenadiid.Enj. Caydaruus Cismaan Keenadiid: Cismaan wuxuu ka mid ahaa 5 tii wiil ee Suldaan Yuusuf Cali, ee Suldaan Cali Yuusuf curadka u ahaa. Cismaan Yuusuf Cali Yuusuf Maxamuud Yuusuf.Hooyadiis waa Dahabo Islaan Adan (Islaankii Cumar Maxamuud) iyadoo islaanka haatan joogaa (Islaan Cabdulle Islaan Faarax Islaan Faarax) uu ina abtigii yahay. Wuxuu ku dhashay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug. Magaaladaas oo ahayd xaruntii saladanadii reer Keenadiid. Cismaan Keenadiid wuxuu dhashay sannadkii 1899. Waxa durba la baray Qur’aanka iyo Carabiga, iyadoo ay dhaqan ahayd in xubnaha qoyska taliya lagu ababiyo barashada dhaqanka Islaamka iyo tarbiyadda diinta. Maadaama uu fardafuulku ka mid ahaa waxyaalaha xarunta mudnaanta iyo ahmiyadda gaarka ah ku leh, waxa oday Cismaan, yaraantiisiba la siiyay tababar, waxaanu aakhirkii ku caanbaxay xeeldheeri dhaqankaas ah. Inkasta oo aanu Cismaan tabaha fuullaanka u adeegsan duullaan-ku-gal iyo socdaallo hawleed, haddana waxa in badan la sheegay in farta lagu fiiqi jiray. Waxa gabayadii iyo geerarradii uu tiriyay laga dareemayaa siduu fardafuulka niyadda uga jeclaa.
Siciid Jaamaca Xuseen (SJX): Bal waxa aad iyana wax nooga sheegtaa heerarkii waxbarsho ee Cismaan Yuusuf Keenadiid.Enj. Caydaruus Cismaan Keenadiid: Cismaan markii uu ku aflaxay gacantii culumadii xarunta, gaar ahaan dhinaca diinta iyo afka Carabiga, waxa uu sii kororsaday barashada culuum dheeraad ah, sida axkaamta, fiqiga, taariikhda, juqraafiga iyo felegga. Waxa uu urursaday kutub arrimahaas ka kalmeeyay, waxaana si weyn waxtar ugu noqday luqadda Carabiga oo uu ku mutaystay in wax laga weydiiyo, loogana dambeeyo naxwaha iyo fasiraadda afka Carabiga. Siciid Jaamaca Xuseen (SJX): Bal waxa aad iyana guudmar noogu samaysaa halabuurka maskaxeed ee Cismaan, qoraaladiisa kala duwan.. dhanka suugaanta iyo siyaasaddaba. Goormaase lagu arkay amase uu billaabay curinta gabayada iyo maansooyinka kale?Enj. Caydaruus Cismaan Keenadiid: Markii uu Taabbagal noqday, qaangaarna ku dhawaaday ayaa waxa lagu calaamadihii gabayaaga, iyadoo aqoontiisa afka Soomaaliguna noqotay mid isha lagu hayo, aadna loo danneeyo (qaar ka mid ah gabayada oday Cismaan ka eeg dhmmaadka wareysigan). Dhinaca ebyidda qoraalada iyo halabuurka maskaxeed, qiyaastii 1918 kii waxa uu oday Cismaan si buuxda isugu taxallujiyay qorista afka Soomaaliga. Waxa uu darsay afaf dhowr ah, wuxuuse si gaar isugu deyey in uu af Soomaaliga ku qoro xuruufta carbeed.
Waxa la sheegaa in markii uu arrintaas ebyey ay u muuqatay in habkaasi aanu ballan qaadi Karin af Soomaaliga oo si toolmoon u qorma. Waxa uu yaqiinsaday in qaabkaasi Soomaalida qalleyf ku yahay. Waxa iyana sidoo kale la wareiyay in habkaas uu oday Cismaan ku tijaabiyay Xaaji Cabdiraxmaan oo lagu tirin jiray nin afka Carabiga aan laga daba qaadan jirin. Si kastaba ha ahaatee waxa uu muddo ka dib (1922) uu soo saaray fartii Soomaalida ee loo bixiyay Fartii Cismaaniyada. Waxa guud ahaan la isku waafaqsan yahay in Cismaan waqtigiisa inta badan ku jeedin jiray cilmi raac. gaar ahaan waxa uu laasimi jiray culuumta diinta, taariikhda, juqraafiga, felegga afka Carabiga iwm. Cismaan Keenadiid waxa la qiray in uu si aan caadi ahayn ugu xeeldheeraa cilmiga xiddigiska (Felegga). Waxa la hayaa qoraallo uu ku dersay, lana filayo in faaqidaaddoodu marag u noqon doonto sarraynta aqooneed ee lagu tebeyay. Dhinaca suugaanta iyo aqoonta Soomaalida waxa uu ururyiyay ereyada af Soomaaliga, abtirsiinyaha, taariikhdii iyo maansooyinkii xilliyadii ka horreeyay, kuwii la waaga ahaa, marxaladii gobonimo doonka iyo xilligii xorriyadda la hantayba. Dhinaca siyaasadda waxa Oday Cismaan ahaa taageraha weyn ee xisbigii waddaniga ahaa ee SYL. Waxa uu cod iyo talaba ku taakulayn jiray dhaqdhaqaaqii gobanimodoonka. Arrintaas oo uu dhibaatooyin badan, carqalado iyo dibindaabyaba dhankii gumesiga kala kulmay. Waxa uu si weyn isugu taxalujiyay baahinta waxbarashada, ilbixinta iyo wacyigelinta dadweynaha. Waxa uu ku guulaystay taabbagelinta toogadii iyo hawlihii goosanka. Waxa ugu dambayntii fartii Cismaaniyadu noqotay tigin adag oo xiriirya hawlihii xisbiga SYL iyo dadweynaha.
Siciid Jaamac Xuseen: Waxyaalaha uu Oday Cismaan aad u dhibsado maxaa ka mid ahaa? Inj. Caydaruus: Waxa damiirka Oday Cismaan dhaqaajin jiray dareenka bulshada. Taas oo uu si cad ugu cabbiri jiray gabayadii, doodihii iyo faallooyinkii uu ku muujin jiray is maandhaafka jeylalka is cirbinaya iyo iska soo horjeedka garaadka iyo kasmada. Siciid Jaamaca Xuseen: Bal iyana wax yar nooga iftiimi Oday Cismaan, Shakhsiyaddiisii, shakhsiyaadkii iyo dhacdooyinkii saamaynta ku lahaa noloshiisa.Enj. Caydaruus Cismaan Keenadiid: Sida Dareenka iyo bulshada iyo isbedellada ku lug lihi u saameeyeen Cismaan Yuusuf waxa laga garan karaa suugaantiisii uu ugu tala galay ilbixinta iyo waxbarashada. Kuwaas oo uu ku tilmaami jiray isa-saamayska dhaqanka iyo horumarka, isaga oo fiiro iyo garasho dheer u lahaa baahida loo qabay akhlaaq san, xiriir suubban oo bulsho iyo qofnimada oo la weyneeyo. Waxa gabayada uu arrimhaas ku tilmaamayo ka mid ahaa:
Iyo kuwo kale oo ay soo dhufsashadooda xusuustu ii diidday. Shaki kuma jiro in ay garaadkiisa siyaasadeed ay saamayn ku lahayd korriimadii uu ku soo koray gurigii saldanadda looga talinayay. Wuxuu aaminsanaa xukun furfuran oo dimuqraadi ah sida laga fahmi karo suugaantiisa. Maansooyinkiisii, sheekooyinkii iyo dhammaan xubnaha suugaantiisu waxa ay ka marag kacayaan in uu si wacyi ku idil yahay ugu soo noolaaday boqortooyo, xilli gumeysi, xilli gobanimodoon iyo xilli ay dhulkii Soomaaliyeed qaybo ka xoroobeen. Waxa iyana saamayn weyn ku lahaa noloshihiisa iyo dadnimadiisaba dadkii qaybta ka qaatay koriimadiisii, barbaarintiisii iyo waxbarashadiisiiba. Maansooyinka Cismaan Yuusuf waxa ay kuwa badan uga duwanaayeen, iyagoo ka maran faan, qabyaalad, diradiro, aflagaaddo iyo iin kale. Waxa guud ahaan la qiray in suugaantiisu ahayd risaalad ama farriin insaani ah oo idilkoodba sifaha samaantu ku dhan tahay. Cismaan Yuusuf uma turin, wuxuuna af adag kula hadli jiray kuwii guumeysigu leexsaday ee soortu duwatay. Waxaan iyana sidoo kale far ku fiiqa ka qadin, sedkoodiina ka helay qoonkii maamulka qallooca iyo jahawareerka geliyay. Baaqii Cismaan Yuusuf ee ku aaddanaa u hiilinta gobanimadu kuma ekeyn Soomaali oo keli ah, ee wuxuu si cad uu suugaantiisa ugu muujiyay halgankii ay shucuubta itaalka yari ugu jirtay xorriyadda. Cismaan Yuusuf waxa uu ka tegay kayd qaali ah oo leh culuum, suugaan iyo taariikh. Wuxuu keydkaasi la kulmay xilli uu xadan ku joogay, mana dhici Karin in uu ka bedbaxo kadeedkii Soomaali oo idil saameeyay. Waxaanse shaki ku jirin in keydkaasi noqon doono albaab ay ku awdan yihiin asraar qiime weyn u leh taariikhda, dhaqanka, iyo ilbaxnimada Soomaalida, haddii loo helo cid maasha iyo shacbi manaafacaadsada. Cismaan Yuusuf insaan ahaan ma fududa in shakhsiyaddiisa la tilmaamo, si sugganna loo asiibo. Si kelimadda xaqa ah arrintaas looga yiraahdana waxa loo baahan yahay daraasad gudagal ah iyo fasiraad cilmi oo hawlihiisii iyo afkaartiisii lagu sameeyo. Waxaase isku si loogu arkay xikmad, xishood, naxariis, deeqsinimo, iyo miyir. Wuxuu ahaa nin aamus badan, marmar kaftami jiray, xurmo iyo marxabbays badan taqwo iyo cibaado badan. Siciid Jaamaca Xuseen: Ma jireen safarro uu galay Oday Cismaan –Gudaha dalka iyo dibeddaba, sababaha ku dhaliyay iyo waxa uu kala kulmay?Enj. Caydaruus Cismaan Keenadiid: Waxa la qiyaasyaa in ay jireen in safarro xilliyo kala duwan oo uu Cismaan Keenadiid ku tegi jiray dalalkii uu qoysku xiriirka la lahaa. Waxaase arrintan laga xaqiijin lahaa, iyadoo laga hubiyo kaydkii taariikheed oo aan haatan Xamar ka sokeyn. Markii Talyaanigu saladanada qabtay, waxa uu Cismaan ka mid ahaa xubnihii qoyska ee Xamar, maxaabiis ahaanta loo geeyay. Xilligaas oo uu qiyaas ahaan jiray 26 illaa 27 jir ahaa.
Siciid Jaamac Xuseen: Ubad muxuu ka tagay Cismaan Y. Keenadiid, sidee baase uu u ahaa xiriirka isaga iyo ubadkiisa u dhexeeyaa?Enj. Caydaruus Cismaan Keenadiid: Carruurta Cismaan Yuusuf , intooda hanaqaadday ama taabbogal ku dhawaatay waa 13 wiil iyo 2 gabdhood. Dhanka xiriirka uu uu ubadkiisa la lahaa, waxaan filayaa inuusan jirin aadane aabbe la yiri oo Oday Cismaan ka carruur jeclaa. Siciid Jaamac Xuseen: Ugu dambayn maxa kale ee intaas noogu dari lahayd?Dad badan oo daneeyay taariikhdii Cismaan Yuusuf oo Soomaali iyo shisheeyaba leh waxa ku adkaatay su’aasha ah Cismaan ma Faylasuuf baa, ma mufakir baa, ma buuni baa, mise si wadar ah bay arrimahaasi shakhsiyaddiisa u astaameeyeen. Dhinaca maansooyinka haddaan wax idhahdo gabayda iyo tixaha kale ee kala duwan ee Cismaan tiriyay aad ayay u badan yihiin, in badan ayayna boqol dhaafsiisan yihiin, waxaanse ka xumahay in aanan wax badan ka xafidsanayn, iyagoo qoranna aanan wadin, hase yeeshee waxaan kuu soo gudbinayaa dhowr aan hubo in ay kuu ifin doonaan Cismaan Yuusuf, shakhsiyaddaas weli dahsoon, Soomaalina weli meel dhigi la’dahay. Walaal Siciid, waan malaynayaa in aad iga sugaysay kaalin intan ka hodansan, kana cayilan, waxaadse raalli ku noqotaa in sababtu tahay aqoontayda dhankaas oo weyd ah iyo anigoo aan haatan aan wax qoraallo ah gacanta ku hayn. Waxa keliya ii haray waa aniga oo Cismaan Keenadiid naxariis Eebbe uga barya. Siciid Jaamac Xuseen: Aamiin Eebbe ha aqbalo.Dhowr ka mid ah maansooyinka Cismaan Yuusuf Keenadiid:- Maanyari
|