|
![]() |
Xasan Shiikh Muumin: Abwaan Dalkiisa iyo Dadkiisa JeclaaLiibaan Axmed Allaha u naxariisto Xasan Shiikh Muumin wuxu ahaa abwaan Soomaaliyeed oo raad lama illoobaan ah kaga tagay fanka Soomaalida. Waan yaraa markii aan magaca abwaanka bartay. Heeso badan oo uu curiyey oo laga sii dayn jiray Raadiyo Muqdisho ayaa ii fududeeyey inaan wax ka ogaado hal-abuurkiisa. Dugsiga sare markii aan soo gaaray ayaan si wanaagsan wax uga sii ogaaday baaxadda hal-abuurka marxuum Xasan Shiikh Muumin. Buugga suugaanta ee fasalka seddexaad ee dugsiga waxa qeybta ugu dambeysa—waa buugga barkii—lagu baran jiray riwaayadda Shabeel Naagood.
Waan akhristay haasaawaha iyo heesaha riwaayadda ku jira; wax ka gartay kaalimaha jileyaasha. Calaacalka gabadha Shebeel Naagood meesha xun dhigay ( Shamado) ayaan ka xusuustaa ereyadan: War ma intaad i balaysay Waxa kale oo aan xusuustaa heesta caanka ah ee Gorayada Ilmaheeda oo si gaar ah uga mid ahayd manhajka maaddada af Soomaaliga. Markii dambe ee aan isla helay cajalad ay riwaayaddu ku duuban tahay iyo buugga lagu qoray riwaayadda, waan ka sii bogtay. Nin dalkiisa xaasiday xagluhuu is gooyey Waxa heestan—haddii xusuustaydu hagaagsan tahay-- ku luuqayn jirtay Maryan Cali Muuddey. Hees kale ayaa jirtay oo lixdamaadkii uu sameeyey Marxuum Xasan Shiikh Muumin oo muujinaysa ka warheyntiisa waayaha nololeed ee dadka iyo waxa loo baahan yahay si loo gaaro isku-filnaansho. Waxa ereyada heestaa oo kooxdii Raadiyo Muqdisho la oran jiray si wadajir ah ugu luuqaynayeen, abwaankuna marka muusiqa la hakiyo uu ereyo heesta ka mid ku tiraabayey muusiq la’aan, ka mid ah: Dhaqaalaheenna dheelliyaaya waa inaan dhisnaa Ereyada abwaanka heesta ka dhex yiri waxaan ka xusuustaa: Dhunkaal weeye gaajadu…. Waxaa xusid mudan in Macallin Guush (B. W. Andrzejewski ) uu af Ingiriis u tarjumay Shabeel Naagood. Margaret Castagno oo 1975kii gorfaynaysay riwaayadda waxay xustay in Af Soomaaliga la qoray 1972kii, ka hor lama qori jirin riwaayadaha. Waxa lagu curin jiray af Soomaali. Tuducyada maanso ee riwaayadda waxa far u gaar u ku qori jiray riwaayad sameeyaha , qeybaha riwaayadda waxa xafidi jiray jileyaasha oo kaashanaya riwaayad sameeyaha. Maansada Soomaaliyeed oo leh qaab-dhismeed adag iyo daawadayaasha Soomaaliyeed oo dhuuxa maansada awgood waa arrin waxtar weyn leh in maansada ka mid ah riwaayadaha loogu celiyo sida riwaayad sameeyuhu u curiyey. Shabeel Naagood waxay taabanaysaa xurmo-darrida dhallinyarada magaalada u hayaan guurka. Riwaayaddu waxay ahayd mid lagu guulaystay oo dad badan daawadeen oo sida uu Andrzejewski sheegay Shabeel Naagood waxay ka mid noqotay manhajka suugaanta Afrika ee laga dhigo Jaamacado badan. In hal-abuurka marxuun Xasan Shiikh Muumin loo bandhigo malaayiin dad oo aan af Soomaaliga aqoon waxaa suurto-geliyey Macallin Guush ( B. W. Andrzejewski) oo af Soomaaliga iyo daka ku hadla jeclaa. “Xasan Shiikh Muumin waa maansoyahan, riwaayad sameeye, weriye iyo jilaa laga yaqaan dhulalka dadka af Soomaaliga ku hadla deggan yihiin ee waqooyi-bari Afrika,” ayay Margaret Castagno ku soo gunaannadday gorfeynta. Hal-abuurka marxuum Xasan Shiikh Muumim oo ah mid baaxad weyn ayaa ah mid hal-abuureyaasha Soomaaliyeed oo maanta nool iyo kuwa soo socdaba higsan doonaan. Liibaan AxmadE-Mail:Libahm@gmail.com _________________
_______
Alle ha naxariistee bahda WardheerNews waxa ay tacsi u dirayaan qoyskii iyo eheladii uu ka baxay Abwaan Xasan Sheekh Muumin oo bishan 16 keedii ku geeriyooday magaalada Oslo ee dalka Norway. Waxa aanu Eebbe uga baryaynaa in uu naxariistii janno ka waaraabiyo. Aamiin.
|
||||||||||||||||||||||