|
|
Waxaa naxdin leh geerida ku timid reer Xasan Sheekh Muumin. Ilaahay waxaan ugu baryayaa inuu naxariistiisa ka waraabiyo ehelkiisa, umadda uu ka baxay oo dhanna ka samirsiiyo.
Marxuun Xasan Sheekh Muumin wuxuu ka mid ahaa abwaannada ugu caansan, uguna waaweyn ee carriga Soomaalida. Wuxuu ku dhashay nawaaxiga magaalada Boorama, ee gobalka Awdal, horraantii qarnigii 20naad. Markuu dhamaystay waxbarashadiisii dugsiyada Quraanka iyo maaddiga wuxuu markiiba bilaabay inuu ka shaqeeyo dugsiyo kala duwan. Abwaanku wuxuu soo caan baxay oo aad loo bartay badhtankii lixdameeyadii -1965 ilaa1968- oo uu ka shaqayn jiray Reediyo Muqdisho. Markii dambena waxaa loo qaatay wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare. Marxuunka curintiisu waxay aad u soo shaac baxday oo ummada Soomaaliyeed ku faaftay 1968 kii, ka dib markii uu curiyay riwaayaddiisii ugu caansanayd ee Shabeelnaagood, riwaayaddaas oo ilaa maanta ah riwaayadda keliya ee Soomaaliyeed ee lagu turjumay af Ingiriisi.
Abwaan Xasan waxa kale oo aad loogu xusuusan doonaa inuu ahaa jidfure weyn marka ay noqoto masraxa Soomaalida, isla markaasna uu halabuurnimadiisa uga faa’iidaysan jiray ka hadalka heerarka iyo dhibaatooyinka bulshada haysta. Marka laga tago dhinaca riwaayadaha abwaanku wuxuu lahaa heeso aan lasoo koobi karin oo ay ka mid yihiin:-
Qof walba oo Soomaali ah waxa aanu illaawayn labadiisa heesood oo midna dadku ku soomijiray “Marxab marxab yaa Ramadaan” iyo, heestii Waabberi ku furan jirtay riwaayadaha “Halkan waxa u timaaddeen, waa naga helaysaan” Waxa se aanan anigu illaawayn curintii heesta “Canbihii Jamaame” iyo codkii Marxuun Mahamed Mooge Liibaan, ilaahay ha u naxariistee Fanaan aan aad u jecelahay ayuu ahaa isna. Waxaa nasiibdarro ii ahayd inaan halabuurnimada abwaanka xiisaynteeda bilaabay dhowrsano ka hor kolkaas oo uu soo bandhigay sheeko la yidhaahdo “Basho ama Bisad” Bisadda oo markaas la barbardhigayo Soomaalida sida ay raaxada u jeceshahay shaqada se aan u jeclayn, tusaale ahaan Bisaddu waxay jeceshahay kaluunka laakiin biyaha oo uu ku jiro lama tusikaro. Xiisahaygaasi wuxuu keenay inaan kusoo casuumo abwaanka bandhiggii Somali Week Festival oo aan soo bandhignay 21-28 Octobar 2007. Waxaa laakiin nasiibdarro ahayd inay suurtagal noqonweyday cillad la xidhiidha dhinaca fiisaha awgeed. Bini’aadanku waa daciif oo marwalba wuxuu qorshaystaa arrin aan isaga faraha ugu jirin taas dareeddeed waxaa ii qorshaysnaa inaan Somali Week Festival marlabaad isku dayno inuu nagala soo qaybgalo. Waa dhacaan arimahan oo kale, qorshuhu sida aad ku waddo marwalba ma noqdo. Waxa se jirta in ummadaha kale ee aduunku marka uu ka baxo farshaxan ama halabuur curin sare leh oo ay jecel yihiin aanu noqon taariikh dhimmatay ee laga reebo madxaf ama taariikh ummadeed oo nool. Waan hubaa sida baryahan danbe caado naqotay in Soomaalida laga helo qoraa u fara bannaanaada ururinta halabuurkii sare ee aynu ka dhaxalnay Marxuun Xasan Sheekh Muumin. Weliba waxa aan rajaynayaa in qoraaga arrintan dhexgalaa inoo sheegin oo keli ah halabuurnimadii Marxuun Xasan Sheekh Muumin inay ahayd suugaan qudha ee inoogu daro inay ku dheehnayd farshaxannimo cajiib ah oo weliba aqoon qoto dheeri ka muuqato. Waxaa haddaba isweydiin mudan maxaa sababay in Marxuunku isaga leh shan waddan uu ku geeriyoodo dibadyaalnimo? Maxaa loo waayay shanta waddan iyo maamul gobol ee Soomaliidu in la helo meel qudha oo tol u noqota (sida qoraa Ibraahim Hawd, qoraalladiisa mid ka mid ah noogu sheegay) dhaqanka, fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Weydiintu markaas waxay tahay, yuu xilka ah in jiilka dambe dhaqan, hidde iyo suugaan loo reebaa saaran yahay? Ma laga yaabaa inuu saxsanaa markuu Abwaan Mahamed Xaashi Dhamac yidhi “ Intaan iilka la i dhigin baan kaaga baahnahay inyar oo aqoonsiya oo aan aad u buurrayn….” Ayaan M M Cashuur We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews |