Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Everyday People
  • History
  • Maqaallo
  • Slideshow

Abaartii Dabadheer, 1974-1975: Xeryihii Gargaarka, Beer iyo Caynabo iyo Kaalintii Takhaatiirtii Xooggii Dalka Soomaaliyeed

W/Q Dr. Axmed Dalmar

Odhaahda Tifaftirka: Guud ahaan Bariga Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, waxaa saamaysay Abaar ba’an ( 2015) oo loogu magac daray “Siman”, taasi oo sintay xoolo iyo dad-ba. Dad lagu qiyaasay 6.2 milyan ayaa la sheegey in ay la il daran yihiin macaluul, islamarkaana qarka u saaran in ay gaajo u dhintaan. Abaartan Siman oo ka hortegeedu iyo wacyigelinta caalamka ee dhinaca Dowladda Soomaaliya uu aad u liitay, ayaa hadda dhibaatadeedii ay sii faafaysaa iyada oo Soomaaliya oo dhan ku fiday. Qoraalkan oo horey ugu soo baxay WardheerNews Seb 23, 2012, oo uu diyaariyay Dr. Axmed Dalmar oo ka mid ahaa Takhaatiirtii u gurmatay Abaartaasi Dhabadheer, ayaa si qoto dheer uga waramaya Abaartaasi Dabadheer ee sanadihii 1974-75 tabaalaysay Soomaaliya, iyo abaabulkii ku aadanaa sidii looga hortegi laha oo loo maareeyn lahaa. Haddaba WardheerNews waxa ay akhritayaasheeda la wadaageysaa qoraalkan ku saabsan qorshayaashii ku aadanaa sidii loo maareeyey Abaartaasi Dabadheer, si markaasi looga faa’ideysto aqoontii laga korodhsaday. Waxaanu dhawaan idinla wadaagi doonaa Insh Aallah, waraysi aanu gacanta ku heyno oo aanu la yeelanayno Dr. Axmed Dalmar, oo ka warimi doona Abaarta hadda dalka ka taagan iyo sidii wax looga qaban lahaa, iyo waayo aragnimadii laga dhaxlay Abaartii Dabadheer.
—————–

“Sida loo il xun yahay looma Alle la’a, wixii rag u koco oo Rabbi aqbalo waa rumoobaan” Maahmaahyo Soomaali ah.

Guudmar:

Abaartii Dabadheer, 1974-1975, gurmadkii Dowladda

Abaaro badan baa soo maray Soomaaliya oo galay suugaanta sida Hawaara iyo Harga-Cuna oo ku jirey gabaygii Hadraawi “abaartii Hawaara iyo Harga-Cuna mar baa tahay”. Laakiin mid aan horay u soo marin baa Soomaaliya asiibtay sannadihii 1974-1975tii. Waxay laysay xoolihii iyadoo hal malyan oo xoolo dhaqata ahi ku cayroobeen, dhaqaalahoodiina ku baaba’ay. Dad badan baa ku le’eday abaartaas nafaqo darro iyo cudurro awgood. Dawladdii Soomaaliyeed oo markaas jirtay ayadoo la kaashanaysay Caalamka iyo weliba Midowga Soofiyeti (Soviet Union) oo ay Soomaaliya saaxiib dhaw ahaayeen, waxay abaabushay xeryo gargaar. Dadkii intii ka badbaaday abaartana waxay dajisey koonfurta Soomaaliya iyo xeebaha dalka, halkaasoo iskaashatooyin beereed iyo kaluumaysi looga abaabulay. Waxaa lagu guulaysaty in badankeed la baajiyo waxyeeladii abaarta.

Qormadani waxay ku saabsan tahay kaalintii ay ka qaateen Takhaatiirtii Xoogga Dalka Soomaaliyeed maamulka xeryihii gargaarka, siiba labadii xero ee ugu darnaa, Beer iyo Caynabo.

Arar

Abaaruhu si wareegta ah bay uga dhacaan Soomaaliya, waxaana la qiyaasaa in 5tii sanaba, laba sano ay abaar yihiin. Saddex xilli roobaad oo baaqday ama roobabkoodu aad u yaraayeen, iyo dalalka dariska ah oo ayagana ay abaari haleeshay, waxay sababeen in Abaar aan horay u soo marin Soomaaliya ay ku habsato sannadkii 1974tii.

Inkastoo abaartaasi ay ka darrayd kuwii horoo dhan, haddana waxay ku soo beegantay xilli ay Soomaaliya ka socdeen arrimo badan oo muhim u ahaa wax ka qabashada abaartaas, waxaana ka mid ahaa:

  1. Dawladdii Soomaaliya oo markaa jirtay, ma yeelin sidii Itoobiyadii Xayle Selaase oo qarsatay abaartaas la mid ahayd; ee waxay adduunka u bandhigtay abaarta baaxaddeeda; madaxweynaha Soomaaliyana wuxuu adduunka ka codsaday in kaalmo lala soo gaaro mar uu ka khudbaynayey Qaramada Midoobay asagoo ahaa xilligaas madaxa Ururka Midowga Afrika (OAU) bishii October 1974; adduunkuna qaylo dhaantaas waa ka jawaabay.
  2. Arrinta kaloo ay ku soo beegan tay waa ololihii horumarinta reer miyiga (Agoosto 1974-Maarso 1975) oo 25,000 oo ardayda dugsiyada sare loo diray miyiga. Waxaa la yiraahdaa sabab ayagaa u ahaa in abaarta baaxaddeeda la ogaado. Ololohii Horumarinta Reermiyiga, Qoriddii afka Soomaaliga iyo Maarayntii Abaartii dabadheer waxaa loo aqoonsaday saddexda arrimood oo lagu xasuusto dowladdii kacaanki, libta xoogeedase waxaa leh dadkii Soomaaliyeed oo hirgeliyey arrimahaas.
  3. Ruushka iyo Soomaaliya oo xiriirkoodu aad u wanagsanaa ilaa xad markii Itoobiya meesha soo gashay in Gromyko (Foreign minister) uu yiraahdo ha laga fiirsado Itoobiya hubka la siinayo (calaaqaadkeena Sooamaliya armay wax yeeshaa). Sidoo kale dibolomaasi Soomaali ah oo markii calaaqaadka la kala goostay safaaradda Soomaaliya ee Moscow joogay, wuxuu ii sheegay in xaalka Itoobiya iyo Soomaaliya uu muran weyn ka dhex abuuray Xisbigii shuuciga ahaa iyo Dowladda USSR, oo xisbiguna Itoobiya la saftay, dowladduna (siiba militarigu) Soomaaliya, xisbigaana adkaaday. Waxaa kaloo xusid mudan in waqtigaas 1974 ay Jaamacadda ummadda Soomaliyeed eeyan weli soo saarin takhaatiir. Takhaatiirta ugu badan waagaas waxay ahaayeen takhaatiirtii xoogga dalka Soomaaliyeed oo tababar ku soo qaatay Kirov Medical Military Academy (St. Petersburg, Russia) oo ka mid ah amaba ugu horeysey kulliyadaha caafimaadka laga barto, ayna ka shaqayn jireen culimo adduunkoo dhan laga yiqiin sida Pavlov, Ivan Petrovic (conditional reflex), Korotkov, Nicolai (korotkov sounds, blood pressure).

Halkan ka akhri: Abaartii Dabadheer, 1974-1975: Xeryihii Gargaarka, Beer iyo Caynabo

Dr. Axmed Dalmar
Email:[email protected]
___________
Dr. Axmad Dalmar wuxuu ka mid ahaa takhaatiirtii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka qayb qaatay taakuleeynta dadkii ku tabaalaysmay abaartii Dabadheer, ee ku habsatay Soomaaliya 1974-75 wuxuuna Dr. Axmed ku kasbaday Bilad Qalin (Silver) ah.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.