|
Ogaysiis: Shaqo Wariye, Somaliland
&
Jabuuti
Jan 29, 2012 (WDN) Maamulka shabakada WardheerNews waxa uu la socodsiinaya dadka Soomaaliyeed ee reer Somaliland, Jabuuti ama Jabuuti ku dhaqan, in ay ka banaan tahay laba (2) jogo oo ah wariye saldhigoodu yahay Somaliland iyo Jabuuti, oo ka soo warama arimha Somaliland iyo Jamhuuriyada Jabuuti iyo deegaanada ku dhowdhow.
Shuuradaha laga rabo qofka buuxinaya labadaasi jago waa:
- In si madax banaan u soo saari karo qoraalo iyo barnaamijyo tayo leh
- Khibrad ku aadan dhinaca saxaafada
- Waxbarasho la xidhiidha Saxaafada
- In si wacan u qori karo una akhriyi karo Af Soomaaliga
WardheerNews waxa ay si gaara ugu boorinaysaa gabdhaha Soomaaliyeed ee reer Somaliland iyo Jabuuti ama degan Jabuuti in ay ka qayb qaataan tartanka jagadani.
Haddaba hadii aad xiisaynayso jagadaasi, fadlan noo soo dir
macluumaadkaaga iyo qoraal kooban oo ka hadlaya mawduuc aad adigu xulato.
Email: admin@wardheernews.com
Copyright © 2012 WardheerNews.com |