Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Afar Maanka Gaddey Meerinteed Bal Hoo!

W/Q: Luul Carraweelo Kulmiye

Dad adduunyo joogoow maxaa aragti kuu laaban. Waxaa beryahan igu batay ahbin iyo talooyin ulajeedkoodu yahay; Luul waad ka badbadisay. Waxaan kuu haystay qof qaran oo Soomaalinimadu ku wayntahay” oo iiga imanaysa rag da’yar iyo da’wayn intaba leh. Amakaag bay i gelisay sheegashadaani, oo way isu kay dirtay oo i baday in aan isu kuurgalo. Waxaan idinla wadaagayaa afar dhacdo oo in ka yar  toban casho gudahood dhacay, sababna u noqotay sawirka raggani igu sheegayaan. Waa hubaal inta aan facshirka u soo bixin ayaa ka badane, fadlan dareen aad heshaba, dhammaadka ila gaar oo ha ka sokoyn adoo mahadsan.

Arrimaha aan soo bandhigayo ma aha kuwo u gaar ah Soomaalida, ee waa kuwo aalaaba ka dhaca wadama ka soo kabsanaya colaaddaha ragaadiyay.

Dhacdada 1aad

Waxay ahayd 6-dii bisha Agoosto, maalin fajac iyo filan waa haween iyo rag badan ku noqotay, oo dammiirkooda ka hadalsiisay. Dhacdada waxaan ka qoray maqaal aan ugu wanqalay “Da’da Guurka iyo Baaluqidu waa kala  laba”! Qormadan ayaan u arkaa in ay noqotay mid horseeday in ay kor u hadlaan dad cilmi tayaysan iyo taariikh diin xiganaya. Waxa kale oo ay soo saartay rag iyo haween, ragguba ha u badnaadaano e, diin ku doodaya oo leh saqiirrada caadada ku dhacdo waa la naagaysan karaa. Raggan sidan ku doodaya ee hoosta gabadha u galmoodkeeda u soo banbaxay ayaa ah sida aan u arko kuwo uu xisku ka daalay wax u sheegooda, dammiirkii ka xishoodsiin lahaana waa hore oowdmay, hogaanka keliya ee u harayna uu noqday dareen shahwo. Kuwaa, ayaga gartay anigu e, haweenka doodan saqiirrada xoojinaya ayaa igu noqday “Hashu maanka gaday ee ma masaar bay liqday”. Isku dar oo lab iyo dheddig waxa jira kuwo hadlaya balse aan ogayn waxa ay ku hadlayaan.

Waa halkii Hadraawi ka yiri:

Murti nimaan gunteediyo
Baran gogol-dhiggeedoo
Gonda-degi aqoonoo
Garab-daar lahayn baa
Gawl-gawla hadalkoo
Kolba dhinac garoocdee
Sida webi Ganaanoo
Cirka godollo maaloo
Biyihii ku gaaxdiyo
Gebiyadii kusoo degey
Ku darsaday gufaaciyo
Gullama diriroo
Galli jabay habeenkii
Kolba gacan masoo rogay …

Taa waxaa dheer gardarro cad oo muuqata ayaan la iska qabanayn oo durbaanno la isigu tumayaa, qarashaad lagu bixinayaa oo shaqsiyaad lagu gaalaynayaa.

Gabaygii “Gardarro” ee Abdullaahi Dhoodaanna (1972) waa kii baydka 4aad ku yiri Gardararada:

Gogoshaana laysugu dhigtaa, goobayoow badane
Mid waliba gafuurkiyo wuxuu, ganafka taagaaba
Guddi loo xilsaariyo waxay, guurti bixiyaanba
Xeerbeegti guushaa waxay, hadal gudoonshaanba
Gabogabo dhigoodii markii, lays af garan waayo
Eey taladu soo giirateey, gowda la istaago
Guracanihii gowdhaafayey baa, aad u goodiya e 

Waxaan qaybtan 1aad ku soo gunaanadayaa maqaal ay barteeda Foolbuug soo dhigtay Mudaney Wilo Cabdulle oo qortay (2018):

“ RAGGA Soomaaliyeed ee RAADINAYA oo RAGAADINAYA gabdhaha sidii Ubax soo hilaacahaya/Dilaacahaya. Waa haddaan si botanical ah ugu qeexno, si biological ah haddaan ula hadalana, waa rag sidii Digaaga ugu habsanaya ukumaha oo FUUBTEYNAYA. Guurka da’yarta aan qaan gaarka 18 sanno gaarin, waa mid dhankasta oo laga eego qill haysan. Ubaxa Qaranka iyo jiritaanka shacabiga Soomaaliyeed ka daaya raadinta, ragaaadinta & fuunteynta. ”

Isku soo duuduub oo waxaad moodaa bulshada inta badan in ay ”Indho ku garaadle” ku koobantahay. Xaqiiqda jirta oo ay arkayaan, dareemayaan ayeey afjig ah ”Diinta Islaamka waa diin xoraysay haweenka, una dhamaystirtay xaquuqdooda” oo keliya la soo taaganyihiin rag iyo dumarba, raggu ha u badnaadaano e. Qofka in uu ogyahay waxa aan u doodayno in ay sax yihiin, waxaa u daliil ah wada-hadalkan qoraalka ah:

Nin dhallinyar: ”Xaquuqda dumarka Muslimka ah kitaabka Quraanka ayaa cadeeyay… The right of Muslim women has been defined by the Holy Quran”.

Haweenay: That`s true, but if that`s not applied then what?

Aniga: Taas noo sheegimaysid oo dad waaweyn oo wax garad ah ayaannu nahay ee ku dhaqankeeda wax ma ka dhihi mise waad iska aamusi?

Nin dhallinyar: Luul walaal naga dhin dhaliisha way jirtaa, waa aragnaa gabdhihi ilmaha lagu dayacay heerka ay u qaxeen… halka Soomaaliya na ay intay subaxii suuqa aadaan ilmaha wax baran qaraxo na u dheer yahay.

Aniga: Adoo taas og maxaa Quraanka xaqa uu sheegay keliya ugu ekaysatay waa mid, midda kale; dhibtaa aan wada aragno ee gudaha iyo dibada haweenka yar iyo wayn heesta miyaadan doonayn in loo hadlo si ay uga baxaan?

Nin dhallinyar: Waa sax in la hadlo, waxaan rabaa dhaliisha in ay la socoto xalka aad rabtaan iyo nooca wax loo badali.

Wada-hadalkan miyuusan ka marqaati ahayn ”Indho ku garaadle” in loo batay oo ogaal la`aan aysan jirin. Miyuusan ka marqaati ahayn mas’uuliyad iska fogayn, saa marka muwaadin kale oo kula mid ah uu ku yiraa «xal la imow,» micnaheedu waa haweenka uun bay u taallaa ee wax igama gelin. Waxaan kor u leeyahay xiska iyo dammiirka xabbisan ha la daayo. 

Dhacdada 2-aad

RW Kheyre, Gamal iyo xubnaha Guddiga Dhaqaalaha Qaranka

Waxa ay ahayd 11-kii Agoosto markii la soo bandhigay Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ee la magacaabay. Markaa baa waxa aan ka mid noqday haween iyo rag ka dhiidhiyay awood qaybsiga aan lagu salaynayn dhammaan xubnaha bulshada. Annaga oo badankeen aysan naga maqnayn in aan qirno tayada ay leeyihiin khuburada guddiga loo magacaabay golaha, ayaa waxaa na raad socday rag kale oo ay dhacdadani bidhaamisay wax aan raggan qaarkood lagu aqoon jirin. Eedeyn iyo maxaa haween qabtay, ayagaa meel loo raaco lahayne baa gunta hadal noqotay.

Haween iyo rag baa si degan oo xog-ogaalnimo leh uga jawaabay, ayaga oo weliba magac dhebaya haween ah xirfadlay cilmiga dhaqaalaha. Waxaad u baratayse waa baaskaa oo kaligii cune haddaad tahay dhaayahaa ku awdan oo gardaro ma daysid. Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)) ayaa asaga oo kaalinta ragga, siiba Aabbaha ee ku wajahan gudashada iyo xil-dhismeedkii qoyska iyo bulshada, oo wax ka yiri, waxaa tuducyada ka mid ah:

Rag siyaasi wada noqoy
Wada furay silsiladaha
Hadba taanu suurayn
Yidhi anigu aan saxo
Sarif hadal ku daal daal
Marwo dumar ku noqoy saxal
Subkey heegaanteedii
Silicana ku keli yeel
Suxullada habaaska leh,
Sabadiyo rugtiisii
Sara-joog ku laallaad
Ama jiif ku siigee,
Ninna sey ku noqon waa
Xil sariirta keliyeed
Adna Hooyo saxarlaay
Surin kugu bannaanaa

Aan soo afjaro e, waa maxay waxa aan murtida  u soo xiganayo xilligan? Jawaabtu waa in aan isu haysto in aan ogahay bulshadu haddii ay isku maamuli wayso sinnaan caddaalad leh oo naxariis iyo ixtiraam ay ku dheehanyihiin ma dhabarjabto. Midnimo qaran, kala danbayn sharci iyo horumar horseeda guul, waxa sababa bulsho aan tafaha isjarin.

Halkan ka akhri maqaalka: Afar maanka gaddey

W/Q: Luul Carraweelo Kulmiye (Oslo, Norway)
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.