Tuesday, March 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

ANIGA IYO ODEYGII FASHIISTAHA AHAA!

W.Q: Cabdicasiis Maxamed Shidane

Faranjesko waa wadaaygey, marna waxaan nahay daris ood wadaag ah. Aroor kasta waan is ka soo hor baxnaa isaga iyo eygiisa Burukli, ee aadka u quruxda badan, daris wanaaggana yaqaan. Faranjesko waa hawlgab faashiista ah, oo wax waliba kala weynyihiin dadka, deegaanka iyo isirka maqaarka cad ee Talyaanigu ka soo jeeddo. Waxaan is weydaarsannaa fikrad kasta, balse wuxuu igu eedeeyaa in aan ka soo jeeddo sinji doqomo ah, maxaa yeelay waxaad iska burburiseen nidaamkii miletariga ahaa ee dalka dhisay, waxaadna ku hungowdeen oo ku sirmateen wax aadan dhaqan u lahayn, sida dimoqoraadiyad, sinnaan iyo wixii la halmaala.

fashismWuxuu aad ugu celceliyaa in iyagu ku faa’iideen nidaamkii Faashiistaha, Jarmalkuna uusan ku khasaarin nidaamkii Naasiga, Shiinuhuna sidoo kale, iyo kaligood-taliyaal fara badan. Anigu waxaan ku andacoonaya nidaam xun oo musuq iyo cabburin ah ma u dul qaadan karno. Wuxuu aad u taageersanyahay Daacish iyo Daalibaan, wuxuuna rumeysanyahay in ay yihiin rag tubta saxan haya, maxaa yeelay waxa ay aaminsanyihiin ayey dhaqan galinayaan, dhulkoodana ha loo daayo, fikrad wada qaldan ma jirto, wax wada saxanna ma jiraan. Hannaanka hadda reer Galbeedku wado ayaa ka daran kana foolxun waxa ay sameynayso Daacish iyo Al-Qaacida, ama horay aan u soo sammaynay haddii aan nahay Fashiistayaal ama Naasigii

Dhallinyarada soo qulqulaysa ee soogalootiga ah waa addoonsiga casriga ah ee bankiyadu horseedeen. Wuxuu aaminsanyahay gacanqaadku in uu xal yahay, markii loo eego tuugga, siyaasiga, qaniiska, iyo naagaha fadarada ah. Mararka qaar waxaan is la gaarnaa meelo halis ah, ilaa uu si toos ah caay ugu dhaadhaamiyo Kaniisadda, Misaajidka iyo goobaha diiniga ah, maxaa yeelay wuxuu ka aaminsanyahay meelo lagu addoonsado qaybaha liita ee basharka. Wuxuu ka didsanyahay odayga baadariga sheeganaya ee aan shaqo tagayn, misana ilmaha iyo gabdhaha yaryar ku faraxumeeya gudaha aqalka Alle. Saxiibkey waxa qura ee aan ka bartay ayaa ah; in aragti kasto laga miro keeni karo, wax wada qaldanna jirin.

Waxaan la yaabay markii uu ii sheegay in uusan daawan tiifiiga qaranka, oo uusan adeegsanin Taleefannada casriga ah, maxaa yeelay ma doonayo in uu qarash iyo hiillo siiyo marnaba ilaha gumaysiga casriga ah, sida warbaahinta gacanta ugu jirta Maasooniyadda caalamiga ah. Markii laga soo tago labiskiisa aadka u dhisan iyo nadaafadda ka muuqata, haddana waa careysanyahay, maxaa yeelay waxa hareerihiisa ka dhacaya ma aha wixii uu filaayay. Anshaxa iyo ilaalinta xeerka waa waxa ugu muhiimsan ee nolashiisu ku dhisantahay, waana sida uu aaminsanyahay af iyo addinba.

Faranjesko waa saxiib igu qaaliya, adduunkaan holcayana hal daaqad ayaan ka wada aragnaa, inkastoo aan ku diiddanahay aragtiyo badan. Haddana wax badan waan is ku fahannaa.

Nuxurka qormadaan ayaa ah, in wax kasta aan tijaabin karno, oo aan na loo xumeynin figrad ama aragti gaara, meeshey rabto ha nala gaartee.

W.Q. Cabdicasiis Maxamed Shidane
Email: [email protected]

 

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.