Tuesday, April 16, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay xeerka dhowridda gobanimada iyo midnimada Soomaaliya

Md. Cabdi Xaashi

Muqdishu ( WDN)- Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ansixiyay Xeerka Dhowridda Gobanimada iyo Midnimada Geyiga Soomaaliya. Kaas oo horay ay u soo ansixiyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Labadii maalmood ee la soo dhaacay ayaa xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ay aad uga dooddayeen xeerkaan, iyadoo xildhibaanada qaar ay soo jeediyeen in dib loo dhigo. kulanka maanta ayaa waxaa soo xaadiray 36-xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Waxaa ogolaaday xeerkaan 28-xildhibaan, waxaa diiday 6-xildhibaan iyadoo ay ka aamuseen 2 xildhibaan oo kaliya.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ugu danbayntii ku dhawaaqay in xeerkaan uu sidaa ansax kuyahay.

Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa loo gudbin doonaa xeerkaan maadaama uu ka soo gudbay Baarlamaanka Soomaaliya, marka uu saxiixo madaxwaynaha ayaana lagu soo saari doonaa faafinta rasmiga ah.

Foos Cali Cabdiraxmaan
WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.