Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Aqbala Xaqiiqada!

W.Q. Mahad Cumar Ducaale.

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Jamaaludiin Mustafa Cumar

Nin la oran jirey john maynar keynes ayaa laga hayey oraah taariikhda gashay oo ahayd “ when the facts change I change my mind” oo micneheedu yahay ; marka ay xaqiiqooyinku isbedelaan ayaan maskaxdayda bedelaa. Hadalkani waa hadal gun iyo sal ballaaran oo dhab ahaantii haddii indha quraanjo lagu eego wax badan oo nolosha ka mid ah xal u noqon karta.

Adduunyada inta aad nooshahay waxaa kugu hareeraysan xaqiiqooyin dhinac walba kaa xiga, haddii aadan xaqiiqooyinkaas aqbalin oo la shaqaynna adiga ayaa hawl kugu keli ah madaxa u ritey, daalkeeda iyo mashaqadeeda na aduunbay kugu koobnaanaysaa.

Haddaba xaqiiqooyinka maxaynu uga jeednaa ? Xaqiiqo waxa aynu uga jeednaa run – runtaasi oo run ahaanteeda aad u qirtaana ay tahay marinka aad ugu talaabi karto halka aad rabto meesha aad rabtaa waxay noqon kartaa inaad Runtan ama xaqiiqadan aad aqbashay been u bedesho oo mid kale samayso.

Xaqiiqo; kama dhiga xaq iyo waajib aan la burin Karin e xaqiiqo waxay ka dhigan tahay arrin dhinac walba kaaga xoog badan oo ka xeeladaysi iyo kaarto mooyee aanad si kale kaga gudbi karin .

Itoobiya iyo Soomaaliya waa laba dal oo deris ah kuna yaalla geeska afrika. Ummadda labadan dal ku nool waxaa soo dhexmaray dagaallo soo taxnaa qarniyo badan, dagaaladaasi waxa ay noqdeen kuwo dhaqan iyo caado ka dhigay nacayb iyo collaytan la hanaqaada jiilkasta iyo shaqsi kasta oo bulshadaasi ka mid ah. Waxa u sal ah colaadda labadan umadoodna waxaa ugu badan kala jiidasho dhuleed, khayraad – taasi oo soo taxnayd qarniyaal badan.

Kama hadlayno yaa gardaran iyo yaa saxan, maanta maqaalkeenani wuxuu si guud mar ah u korka xaadinayaa wixii jirijirey iyo waxa hadda jira, wuxuuna maqaalkeenu isku deyi doonaa inuu ka jawaabo su’aalo khuseeya xaqiiqooyin la isdiidsiiyo se ay tahay in sidooda loo aqbalo.

Dagaaladii soo taxnaa ilaa qarniyada badan ee Soomaalida iyo Itoobiyaanka u dhexeeyey waxaa ugu cadcaddaa dagaaladii dhacay Qarnigii 13aad oo uu hoggaaminayey Soomalida iyo Muslimiinta Imam Axmed Gurey – oo guulo badan kasoo hooyey dagaaladaas, Waxaa sidoo kale ka mid ahaa halgankii Sayid Maxamed Cabdalla Xasan xilligiisii oo ay Xabashidu qayb ka ahayd dalalkii ay Daraawiishtu la dagaamaysay. Waxaa isna dagaalada ugu saamaynta badnaa ee Soomaalida iyo Xabashida (itoobiyaanka) dhexmaray noqday dagaalkii dhacay 1977kii (77) xilligaas oo dawladdii millateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre dagaal aad u ballaaran ku qaaday Itoobiya si looga xoreeyo gobolladii Soomaali Galbeed. Natiijada dagaalkaas inkasta oo markii hore ujeedkii lagalahaa la dhodhoweeyey haddana   dawlado badan oo Soomaaliya isugu tegey una hiiliyey itoobiya waxay Soomaalidii dhaxalsiisay inay ku jabto dagaalkaas.

Haddaba niyadjab wayn oo shacbigii ku dhacay iyo guuldarro siyaasadeed oo laga dhaxlay dagaalkaasi waxay horseed u noqotay burbur baaxad wayn oo maalinba maalinta ka danbaysa kasii dara. Dagaalkaas wixii ka danbeeyey Soomaalidu waa ay kala jajabtay oo iyada ayaa birta iska asashay Waxaa meesha ka baxday dawladdii dhexe, waxaana dalkii ka dillaacay dagaallo qabiileed oo omos iyo holac ku shiday ummaddii dad iyo duunyaba. Sida laga filankaro Itoobiya waxay ku dedaashay inay dabkaas ka kacay Soomaalida dhexdeeda xolod-yo iyo dogobbo waawayn sii saarto, si aanay mardanbe u dhalan dawlad Soomaaliyeed oo danaha itoobiya qalqal gelin karta.

Muddooyinkii u danbeeyey waxay Soomaalidu ka daashey inta badan dagaaladii qabaliga ahaa, waxaana soo ifbaxayey ifafaale nabadeed iyo mid dawladeed balse ay ku hareeraysan yihiin xaqiiqooyin qaraar oo u baahan in si cilmiyaysan looga gudbo.

Si niyadda shacabka Soomaalida ee dawladda dhisidda raba loo jebiyo, dawladda Itoobiya waxay isku deyeysey inay samayso bahdil iyoquursi ay kula kacayso madaxda Soomaalida si ay u lliddo qabkooda, dhulkana u dhigto hanka wayn ee ruuxiyadda Soomaalida ku abuuran, kaas oo ah inuu shaqsiga Soomaaliga ahi aaminsanyahay in dhulka Soomaali Galbeed yahay qayb ka mid ah Soomaaliya oo marnaba aanay Itoobiya dhayal ku hanti karin.

Dhacdooyinkaas bahdilka ah ee aysan madaxda Soomaalidu awood ay ku diidaan lahayn, waxaa ugu waynaa in madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud lagu qasbo inuu booqasho ku tago Deegaanka Soomaalida Itoobiya (kililka 5aad ), taas oo noqonaysey taariikhda markii u horreysey ee madaxwayne Soomaaliya metelayaa booqdo dhul Soomaalidu aaminsantahay inuu ku jiro gumaysi, isagoo islamarkaana madaxweynuhu hadallo Soomaalida badankeeda ku noqday yaab iyo amakaag oo aan madaxweyne Soomaaliyeed laga filayn goobta ka jeediyay.

8dii feb 2017ka waxaa Soomaaliya ka dhacay isbeddel yaab leh oo aan la filanayn- kaas oo soo celiyey rejo ceel dheer kusii socotey oo laga qabey dawladnimada Soomaaliya iyo inay mardanbe Soomaalidu hesho dawlad cago adag ku taagan, waxaana halkaas lagu doortay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ahaa qof shacabka Soomaaliyeed badidiisu rabeen inuu soo baxo laguna yaqaanney Soomaalinimo iyo hufnaan laga arkay muddo gaaban oo uu dawaladdihii KMG ahaa kasoo noqday wasiirka koobaad.

Haddaba Itoobiya oo adeegsanaysa kaartooyinkeedii ahaa in la niyadjebiyo Soomaalida, waxay Soomaaliya usoo magacawday markii ugu horreysey taariikhda safiir asal ahaan kasoo jeeda deegaannada Soomaalida (Soomaali Galbeeed). Waxaa la garan karaa dareenka ka dhalan kara aqballaadda safiirkaas oo dad badani si seef-labboodnimo ah uga falcelin doonaan.

Isla ujeeddadii ay Itoobiya ka lahayd oo ahayd in taageerada loo hayo dawladda cusub ee Soomaaliya ka dhalatay la dhaawac la gaarsiiyo, ayaa waxaa soo ifbaxayey dhaliilo ka dhashay aqbalaad uu madaxwayne Farmaajo u sameeyey safiirkii itoobiya soo magacawday ee Soomaaliga ah.

Si bisayl badan iyo diblomaasiyad qotodheer loo muujiyo loogana fogaado fashil siyaasadeed, waxay dantu ku jirtaa in kaartooyinka iyo jallaafooyinka loo dhigayo Soomaalida ee ujeedkoodu yahay in shacabka la niyad-jebiyo looga falceliyo si ilbaxnimo ah oo aqooni ku dhisan tahay. Waxay garashada sarraysaa faraysaa in aan lagu mashquulin gufagufaynta saqafka sare iyada oo gurigaaga hoostiisa biyo fadhiyaan.

Arrintaas waxaa ka dhigan iyada oo lagu mashquulo safiirka Itoobiya ma la aqbalaa mise maya sababna looga dhigayo muran kii u dhexeeyey Soomaalida iyo Itoobiya ee qarniyada soo socday oo siina socon doona, iyada oo maanta aan waxbaba gacanta inoogu jirin oo iska daa dhulal inaga maqane Jamhuuriyaddii caalamku aqoonsanaa ee Soomaaliya kala qaybqaybsan tahay oo qayb walbaaba si gaar ah Itoobiya gacansaar ula leedahay.

Dooddaydu waxay isugu soo biyo shubanaysaa in la aqbalo xaqiiqada innagu hareeraysan oo meel la iska dhigo caadifadda aan meelna gaarsiisnayn, loona fekero si qoto dheer oo aan lagu dhicin dabinnada iyo jallaafooyinka loogaba gol leeyahay in lagugu xadanteeyo inta laga xaqiijinayo hadafka ah dawaald sharfan oo Soomaaliya ka hana qaadda.

Xaqaa’iqda innagu weegaarsan waxay tahay in maanta aanay ahayn maalin laga dooddo ama waqti lagu lumiyo dhulalka innaga maqan. Xaqiiqada inagu wareegsan waxay tahay inaan Maamul Qabiileed walba oo jira uu si hagar la’aan ah uga amar qaato Itoobiya. Xaqiiqada innagu hareeraysan waxay inna faraysaa in aynu muujinno midnimo oo taageerno dawladda, waxaana lagamamaarmaan ah inaynu fahanno caqabadaha innagu hareeraysan oo u fekerno si ka sarraysa Caadifad, Habaar iyo Nacalad.

W/Q; Mahad Cumar Ducaale.

Email: [email protected]
fb:www.facebook.com/mahadsacky


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.