Related Articles
Riyaale's Unemployed Wife Dontes Big Money
A generous Somali woman with big heart giving something back to her community is an honorable act. However, the question everyone is asking is where did the money come from? Everyone knows that she came from a very poor family, she never had any job, and her husband was selling “Khat” in Hargaysa before Egal made him the “Vice President”.

Good governance needs an effective parliament and judiciary

Ahmed A. Hassan

A democratically elected government is not necessarily democratic and open government. It has often been found in history that democratically elected government can also be despotic and autocratic in practice. The current Somaliland regime could be a case in point. ...

Banning Plastic Bags in Somaliland is a Step in the Right Direction

WardheerNews Editorial

Plastic bags are a low-density Polyethylene (LOPE), which is a very flexible material, making it utilitarian friendly as a waste material and as a bag for shoppers. Because of its agility to fold, it takes less space in landfills and may go very far before capacity of a landfill is exhausted. It is also shoppers friendly in that it is easily foldable and can carry a lot without tearing unlike paper bags, which fall apart under weight. ...

Faisal Roble

Yesteryear's beautiful panoramic landscape of Hargeysa, ornamented with evergreen Gob and Qudhac trees, seems to have given way to today's poorly maintained public streets scented with foul stench and littered with layers of non-bio-degradable discarded plastic bags.

THE COST OF MALADMINISTRATION AND CORRUPTION IN SOMALILAND

Abdelkarim A Hassan

Urban poverty, unemployment and diseases among the poor is more pronounced in the country's urban center more than any time since Somaliland withdrew from union with Somal ia. Multitudes of people are pouring in from the surrounding rural areas; the ban of livestock export that was generating most of the country's backbone revenue is still in place. Plastic bags, which happened to be a common commodity, are all over the city creating devastating environmental consequences. ....

Previous Editorials

Somalia 's Hope Should Not Remain Hostage to the Warlords

WardheerNews Editorial

The momentum of this important occasion should not be lost at this juncture in the history of Somalia when millions of Somalis, both at home and the Diaspora anxiously await for the reestablishment of a functioning recognized government, which would occupy its rightful place in the family of nations. Despite the present challenges, this cherished goal should be within our reach sooner than later. ...

Report Card for Riyaale: A Failing Grade

WardheerNews Editorial

Nearly two years later, Somaliland is on the verge of collapse and anarchy. The political landscape is bleak and rather gloomy marred by rampant corruption, persistent human rights violations and continuing war in the disputed Sool region...

Zamzam and the Hargaysa Kangaroo Court

WardheerNews Editorial

The Zamzam case is a glaring reminder of the Kangaroo Court in which the rights of the accused and the precepts of justice are totally ignored. The detention and trail of Zamzam Ahmed Dualeh was not only unfair...

RAGGII MA ADIGAA KA HADHAY?
Axmed Carwo
April 3, 2005

Cinwaanka maqaalkan oo uu igu deeqay nin ka tirsan xisbiga UDUB oo waliba ah kuwa ugu adadag, waxaan ku fasili doonaa dhammaadka qoraalkan.

Waxaan cinwaanka u doortay si gaar ah marka aan maqlay xadhiga loo geystay labada weriye Axmed Sulayman Dhuxul iyo Hoda Axmed Qarbooshe, dambigooduna noqday waxaad ka hadasheen, idaacadda HORYAAL. Waxa cad in dawladdu necebtay horumarka, inay cadow u tahay dhismaha dadka iyo dalka, inay doonayso in dadka ay ku haysato jahli iyo gaajo.

Waxaad dhammaan ogtihiin, sida idaacadaha Xamar ay weriyayaashu uga soo waramaan Hargeysa, weliba sida madaxda dalka Somaliland, ay ugu heellan yihiin inay war iyo waraysi siiyaan idaacadaha tirada badan ee laga leeyahay Somalia. Maantana waxay awoodeedoo dhan ay isagu gaysay inay joojiso idaacadda kaliya ee huwan MAGACA SOMALILAND. 

Maanta dawladdani waxay muujisay inay necebtay inay maqasho CODKA SHACABKA SOOMALILAND, OOY DOOR BIDAYSO IN LOOGU YEEDHA MAAMULKA ISKU SHEEGA SOMALILAND! Waa sida dharaar iyo habeenka ay ugu yeedhaan idaacadaha dhegeheena ka batay.Waxa la horjoogsatay tii sida xorta ah dalka uga soo warami lahayd. Tii ay dhaliyeen muwaadiniin, habeen iyo maalinba u xusul duuban ictiraaf doonka iyo dhismaha dalka, rag ka damqaday duuruufaha dalka ka jira, geesiyaal isku xil saaray inay jahliga iyo gaajada lagu xakameeyey shacbka ka saaraan, iyo inay cadowga Somaliland ka been abuurta la dagaalamaan.

Waxa waajibku ahaa in dawladdu noqoto ta taakulaysa, ooy dawlad ahaan u isticmaalaan si ay warkooda u gaadhsiiyaan dalkoo dhan iyo qurbo joogaba. Waxaa laga filaayey Wasiirku inuu hanbalyo soo diro, welibana uu doono inuu helo waraysi khaas ah.

Waa ayaan darro in ninkii loo xil saaray inuu dhismaha dalka iyo horumarkiisa ka shaqeeyaa, noqdo mid ka naxa guusha u soo hoyata dalka iyo dadkaba. Hanbalyadi waxay noqotay in Gabadh iyo nin muwaadin ah loo taxaabo xabsiga, waayo? waxay yidhaahdeen "CODKA SHACABKA SOOMALILAND" MAY XIDHMAYN HADDAY YIDHAAHDAAN" MAAMUL ISKU SHEEGA SOMALILAND!"

Qaybtan aan ku soo gebegabeeyo inaan Axmed iyo Hoda u sheego, in xabsiga gardaro yahay sharaf iyo maamuus.Waxa ay dulmigan la wadaageen min  Nabi Muuse ilaa geesiyadii gobannimo doonka adduun weynaha, iyo raggii iyo dumarkii badnaa ee u soo halgamay jiritaanka Somaliland. Waxa taariikhda u galay magac iyo maamuus. Mid aan duugoobayn, oo gu'yaal iyo gu'yaal la akhrisan doono. Waxa idin barbar taagan shacabka oon u kala hadhin. Waxa dhambaal loo diray meel kasta oo taageero laydinka doonay. Waxa ugu weyn, tan aanu Illaahay u dacwoonay. Isagaa daalim kasta soo gaabiya cimrigiisa, isagaa u gargaara inta la duudsiyey, isagaa siduu doona yeela. Isagaan awoodiisa mid kala la barbar dhigi karin. Allow godka lagu riday Axmed iyo Huda dhakhso uga soo saar. Allow xaqa u gargaar. Allow kuwa ammaanada ummadda ku awood sheegtay, ummaddaada ka qabo.

Qaybta Labaad:

Qaybtan dulucdeedu waxay duraysaa waxqabadka Madaxweynha iyo irbadan inagu mudan ee doorashada.Waxaan ahaa ninkii weydiiyey wafdiga madaxweynaha kolkuu dalkan Ingiriiska yimid goorta doorashada la qabanaayo. Waqtiguu waxuu ahaa bilowgii bisha march 2004, goobtu waa guri ka tirsan dhismayaasha barlamaanka Ingriiska. Waxa jawaabta u baxay Mudane Qaybe, oo si toos ah u yidhi: " Waxay dhacaysaa dhammaadka March 2005, adiga iyo intiina kale ee isa soo sharixi doontana waan idiin yeedhaynaa". Waxa la sheegay in Madaxweynahu isna inuu sidaas ku celiyey mar kale intuu joogay dalkan Ingiriiska.

Waa yaabe, maxaa looga jeeday? Maxay qabteen si taasi u suurtagasho? Ma faalbaa yidhi, ma fooxla tilmaamay, maxaa ka keenay, ooy weliba ilaa dhawaan ay ugu celcelinayaan? Muddaadaas sannadka ah, wax laga qabtay ma jirto. Guddomiye ku xigeenka Wakiiladu, waxuu ka maqnaa dalka muddo ku dhow laba sano, hawsha taalna waxba kama qaban, haddana markuu soo laabtay, waxuu qadimay barnaamaj iska dhan oo meel laga keenay cidi garan, kolkii laga diidaynay, waxuu tibaaxay inayna dawladdu diyaar u ahayn in doorasho dhacdo. Wuxuu sheegay in UDUB iyo wakiiladiisu, iyo wasiiraduba horjoogaan inay dhacdo. Waa yaabe, waxa uu raaciyey in Madaxweyahana la kulmay uuna yidhi, sida uu Londan ka sheegay waxay dhacaysaa 29 March...

Cabdiqadir waa kii casilaadda qadimay.Waxa hawshii la wareegay guddi barlamaan. Inta hawshan socoto, marna Riyaale, ma danayn,uma ololayn, ma cabirin rayi, mana uu muujin wax dadaal ah, oon ahayn dhowrka eri ee aha weeeeey dhacaysaa.Si lama filaan ah, ayaa barlamanki isku raacay sharci ka dhigan middi laba af leh. Waa sharci kii ugu fiicnaa, waa mid ku qotoma dimuquraadiyad taam ah. Haddana waa mid aan suurtagal ka dhigayn dhicitaan doorasho waqtiga dhow.

Madaxweyne halkuu taas u arki lahaa guul, isla markaasna ujeedsan lahaa sida doorasho degdeg ahi u dhici lahayd, waxuu ka door biday inuu fasax iyo ganacsi u tago dalka Koonfur Afrika.Waxa Koonfur Afrika uu ku qaabilay rag ganacsato ah iyo qaar ka tirsan diimaha Islaamka, Kristanka,iyo Yuhuudda. Ma xuma in dadkaas lala xidhiidhaa. Balse safarkaasi ma yahay mid ku habboona xiligan xasaasiga ah.

Intuu Koonfur Afrika joogay, waxuu akhriyey qudbad qaayo leh, quruxi se ka madhantay. Waxuu ku dheeraaday ANC oo ahaa ururkii gobanimada u soo diriray, waxuuna xusay ragii dhaliyey gobanimada dalal Afrkaan ah. MARNA MA SOO QAADIN KUWA SOMALILAND.MA CARABAABIN SNM IYO MADAXWEYNE CIGAAL.DAREEKNA MADAXWEYNAHA WAXAAN U DAYNAYA IN CID WALIBA SIDAY ULA NOQOTO U QAADATO.WAA MADAXWEYNE KA MEERAYSANAAYA TAARIIKHDA DALKIISA.

Marna muu muujin inuu u olaleeyey fikir keeni kara in doorasho dhacdo. Labada Gole oo markuu doono dhabta ku qabto, waxuu iska fogeeyey in farahiisu ka muuqdaan qorshahan oo ah mid aan meel kale ka iman.Waxaana hawsha laga arkaayey sida ragga Golaha ugu dhowdhowi ay u wadan sharcigan uu isagu sida ba'an u canbaareeyey.

Waxa tan caddaysay kolkii maxkamaddu u xukuntay halkuu doonaayey, maxuu uga warwareegayaa inuu saxeexo,haddayna ahayn wax afka laga yidhi, oon uurku la qabin. Maanta  waxaa mar kale laga sheegayaa inayna reer Boorame ogalayn saama qaybsi, aan sed bursi iyaga siin.

Saamaqaybsigii xisbiyada wuu diiday,kii tiro ku qaybsiga umuu shaqayn siduu ku dhici lahaa. Wax soo jeedin aha ma hayo.Taladii loo soo jeediyey min labada Gole ilaa wasiiradiisa ma ogola. YAA GARTAY UJEEDADA MADAXWEYNAHA.GALBEED IYO BARIBA ULA KACAY CID WAX KA SHEEGTA MA HAYO,LA MAARAYN WAA?

Guddoomiyaha Guurtida iyo Golayaasha Xeer Dejintu ma aha kuwii loo qaadi lahaa ...Same Diidow, Dabinbaa kuu Dhigan lagugu dili doono.....Waxa heestaas laga qaaday Radio Hargeysa. Waa ayaan darro in heesaha noocaas ah ummadda la xusuusiyo. Waa boog aan bogsan oo marba la damqaayo. Waa cabsi gelin, iyo niyad jabin loola badheedhay dadweynaha

Maxaa loo cayayaa Guddoomiyaha Guurtida, miyaanu maamuus lahayn. Ceeb taas ka weyni ma jirto.Ummad ninkii Golahu hal dabo la' ku doortay, hayana hawsha labaad ee ugu mudan dalka, oo gudanaayay hawl qaran in la xusuusiyo tallaabooyinkii uu ku caan baxay taliskii askartu. Nin aan saaxib nahay oo ku kaftamo siyaasadda. Ayaa markii Radio Hargeysa hawada laga waayey, yidhi waar Sulayman maanta ayuu muujiyey karaamadiisa. Hadda laga bilaabo waa sheekh Sulaymaan.Sowka cunaha qabtay codkii eeda,ceebta, iyo cagajuglaynta u soo jeediyey. 

Waxaad moodaa inaan la garan hawsha loo dirtay Golayaasha. Sharci dejinta dalka oo loo xilsaaray labada gole ka sakow, waxa loo doortay inay la xisaabtamaan ooy tubta toosan ku ridaan dawladda, xakameeyaana fal kasta oo ka qaloocda . Marna looma dooran inay sidii XHKS ay sacab iyo durbaan ugu lifaaqaan mashxarad iyo miisig, marka dawladdu afka furto.

Haddaba anigoo maqaal kale ka qori doono, fikirka aan arrimaha doorashada ka qabo, anigoo Sheekh Sulaymaan wax kula socda, qaarna ku diidan. Aan idiin sharxo cinwaanka maqaalka. Waxa saaxiibkay ii sheegay inuu daawaday cajalad taageerayaasha UDUB loo soo diray ooy ku jirto xaflad Madaxtooyada lagu qabtay. Waxa goobta ka heesaysay fanaanada caanka ah ee Khadra Daahir. Wax kalaba may qaadin, ee waxay si jeesta ah ugu luuqaysay...heesta loo yaqaan...RAGGII MAADIGAA KA HADHAY....Taas oo dareen xoog leh ku dhalisay intii goobta joogtay.Taasi mey joojin Khadra ee waxay ku xigsiisay hees kale oon cinwaankeeda ka dhigtay maqaalka kan xiga.

Ahmed Arwo  

U.K.

ahmed_arwo@yahoo.co.uk

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright © 2005 Wardheernews.com