Magaciin ba'ye yaan meel looga dhicin magacii iyo sharaftii Xooga Dalka Soomaliyeed

Cumar Sh. Maxamud
August 14, 2005

Waxay beryahaan dhagahayagu maqalayeen erayo meel ka dhac iyo ihaana ku ah guud ahaan ummadda Somaaliyeed, gaar ahaanna Ciidankii Xoogga Dalka Soomaliyeed. Masuuliyiinta ugu saraysa ee DMG oo qaarkood ay leeyihiin daraja milatari kuna abtirsada XDS ayaa waxay ku hadaaqayaan in dalkeennu u baahan yahay ciidan Afrikaan ah oo ujeeddooyinka ugu waawayn ee laga leeyahay ay yihiin ilaalinta xarumaha dawladda iyo tababaridda ciidankii Xoogga Dalka   Soomaaliyeed. Ciidamada la doonayo in ay tababar iyo dhaqan celin u fidiyaan XDS waxay ka mid yihiin kuwa ugu liita xagga anshaxa iyo aqoonta markii loo fiiriyo ciidamada Afrikaanka, waxaaba ka sii daran iyadoo dalalkoodana ay ka jirto fowdo, xasillooni darro, iyo dagaallo sokeeyaba, tasoo sawir cad ka bixinaysa dhaqanka ay la imaan doonaan dalkeenna.

Haddaba maxay tahay ujeeddada arrintaan ka dambaysa? Mise loo baahanyahay ciidan Afrikaan ah oo tababaro XDS? Waxaan aamminsanahay in uu jiro qorshe daahsoon oo laga leeyahay ciidanka Afrikaanka, gaar ahaan kuwa safka hore ee hadal hayntiisu dhammaan la'dahay, caqabadda ugu weyna ku noqday nabaddii iyo dib u heshiintii awalba tabarta darnayd.   Arrintu waxay u egtahay “baroortu orgiga ka weyn”, waayo ma filayo haddii daacadi jirto in Dawladdu weydey ciidan Somaaliyeed oo suga nabadgelyada madaxda dawladda iyo xarumaheedaba, waxayna ku xiran tahay oo kaliya meelmarinta iyo ka dhabaynta barnaamijkii dib u heshiisiinta ee DKG. Anigu, waxaan geesinimo iyo dadnimaba u arki lahaa haddii Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaruhuba ay ujeeddada ciidamada ajnabiga u rabaan ku sheegaan hub ka dhigista maleeshiyooyinka hubaysan ee dhibka ku haya dadka, dawladnimaduna ka hirgeli la'dahay muddo 15 sano ku dhow.

Ujeeddada ugu weyn ee aan ka lahaa maqaalkaan waxaa weeye in aan aragtideyda uga jawaabo su'aasha labaad ee ah “Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ma u baahan yahay ciidamo Afrikaan ah oo tababar siiya? waxaanan leeyahay MAYA , oo caqligu ma oggolaan karo qof aad ka aqoon badan tahay kana waaya aragsan tahay in uu macallin kuu noqdo, haddii aysan xaajadu la mid ahayn tii dugsigii Xalane ee lagu xarayn jiray aqoonyahannada, agaasimayaasha, mareeyayaasha, macallimiinta, iyo culimaaudiinka oo dad badan aysan weli garan ujeeddadii dawladdii Kacaanku ka lahayd.

Waxaa kaloo caqligu diidayaa in nin colaadi idinka dhexeyso oo laga yaabo in aad beri legdantaan, in aad weydiisato inuu ku baro tabta iyo tabcaha legdanka. Haddiiba ay sidaan daacad ka noqotay oo uusan jirin ajenda u qarsoon Madaxweynaha iyo Wasiirka Koowaad, anigu aad ula yaabi maayo in ay argtidaan ku dhagganaadaan oo ay geed dheer iyo geed gaabanba u fuulaan helitaanka ciidan Afrikaan ah oo dib u arbbiya ciidankii XDS (sida ay sheegeen).   Waayo midkoodnna xog badan uma hayo heerka aqoontoodu ay gaarsiisan tahay saraakiishii iyo S/xigeenkii Xoogga Dalka Somaliyeed. Madaxweynahu isagu waa hore ayuu ciidanka ka dhex baxay oo marna xabsi ayuu ku jiray marna wuxuu ku absaamay nidaamkii jabhadaynta ee ku salaysnaa tolbeelayda iyo yaa reer hebel ah. Waxaanse islahaa mar dhexe ee uu mudda kooban ku soo dhex noqday ciidankii XDS (Taliyihii Kulmiskii Durdur ee dagaalkii 77) ayuu wax badan ka qiimeyn karay aqoonta iyo heerka diyaargarowga ciidankii XDS, gaar ahaan kulmiskii uu madaxada ka ahaa oo aan aniguba ka midka ahaa.   Wasiirka Koowaad, isagu waa gartii oo waxaa dhici karta in ay isaga khaldan yihiin ciidankii XDS iyo maleeshiyooinka ka soo naq raacay baadiyaha, xaalkuna wuxuu ka yahay “Ciidanku carbbisoow rabaa”

Waxaanse la qaadan karin in masuuliyiinta ay ka midka yihiin Wasiirka Gashaandhigga DFKMS Jen. Cabdiraxman M. Cali, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Jen. Naaji, Jen. Badmaceeye, iyo kuwa kale oo badan iney maantay u olaleeyaan ihaanaynta saraakiishii Xoogga Dalka Somaliyeed oo aan hubo in ay aqoon fiican u leeyihiin waxa ay gudaan iyo kaalinta ay ka qaadan karaan dib u dhiska iyo tababaridda XDS.

Soomaaliyey, la yaab yeysan idinku noqon aragtiyadaan gurracan ee ay masuuliyiinta qaarkood qabaan ee ku wajahan bah dilidda iyo hoos u dhigidda qabkii iyo aqoontii saraakiisha XDS, maxaa yeelay waa qorshe uu cadadawga ummadda Somaaliyeed wax badan ka shaqeynayey kuna guulaystay in uu garashada iyo waddaninimada kala dagaallamo in badan oo ka mid ah madaxda iyo saraakiisha Somaaliyeed.   Waxaad markhaati ka tihiin in Jennaraalo iyo Korneello magac dheer lahaa ay ugu dambayntii kutaab (arday) u noqdeen Xiddiglayaal Tigre ah oo tala iyo tababarba u hoos fariisteen.

Sow weli maanta ma maqashaan, masuul hebel ama hoggaamiye hebel ayaa ciidamadiisa tababar lagu siinayaa gudaha Itoobiya?   Markaad arrimahaan oo dhan dib u jelleecdid, sow kuuma sawirmayso ujeeddada cadowga iyo kuwa uu horay qalbigooda u daciifiyey?   Sarkaal aan saaxiib ahyn oo ka mid ahaa dadkii u xereystay xaggaa iyo Itoobiya, ayaa maalin iiga sheekeeyey wadahadal isaga iyo sarkaal hoose oo Tigre ah dhexmary. Wuxuu ii sheegay ka dib markii uu sarkaalka yar ee Tigre ah malaysan waayey qabyarida iyo waddaninimo xumida ka muuqata saraakiisha sare ee Soomaaliyeed ee markaas iyaga hoos joogay; ayuu weyddiiyey in ay dhab tahay iyo in kale darajada ay nimankaani sheeganayaan, markii uu u xaqiijyeyna wuxuu sarkaalkii yaraa yiri “kuwaani ma aha saraakiishii Somaaliyeed ee naloo sheegi jiray”.

Ka dib markii cadawgeennu dhudhumiyey heerka waddaninimo ee qaar naga mid ah, ogaadaynna sida ay daciifka u yihiin, ayuu ku dhiiraday in uu hawaysto sidii uu dhammaanteen nooga tirtiri lahaa nuxurka waddaninimada isagoo nagu soo dhexgelaya ciidan baan idiin tababaraynaa iwm. Haddaanan garan oo aan aqbalno in cadowgeennu tababaro ciidankeenna mustaqbalka sow mar walba macallinkeenni weynaa ma noqonayo oo aannan marna hawaysan karin inaan isbarbardhigno ama tilaabo aan ka hormarnno?   Isaga sheekayn maynno heerkii aqooneed, tababareed, iyo diyaargarow ee uu gaaray Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) sanadihii 70dii iyo siddeetamaadkii. Waxaa xilliyadaas lagu tiring jiray ciidanka seddexaad ee qaaradda Afrikada ugu sareeya xagga aqoonta iyo diyaargarowga.


Waxaa u dhammaystirnaa oo u taabbagalay haykalkii waxbarasho laga bilaabo tababarada aasaasiga ah ilaa midka ugu sareeya ee barashada dagaalka iyo difaaca (War and Defense institutes). Sarakiishii macallimiinta ka ahaa kulliyadaha sare ee dalka, kuwii wax ku bartay dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba in badan oo ka mid ah ayaa maanta la hawlgelin karaa loona adeegsan karaa tababaridda ciidan cusub ama dhaqancelinta kuwii hore.   Ciidanka milatarigu waa astaanta Qaranka waxaana lagama maarmaan ah in ay meesha ka baxdo hadal haynta ay dadka wax magaradka ah ay ka soo xigannayaan cadowga Soomaaliya ee oranaya “Soomaaliya uma baahna ciidan millatari oo xoog leh, ee waxay u baahan tahay ciidan booliis oo xoog leh”. Soomaliya waxay u baahan tahay ciidan milatari oo xoog leh, tababar casri ah leh, isla markaasna ku filan ilaalinta xudduudda dheer, jawiga iyo baddeeda baylahda ah, markii loo baahdana cadowgeeda baqdin gelin kara (deterrence). Soomaaliya waxay leedahay xaalado u gaar ah oo khasbaya inay cudud milatari samaysato, mana jirto cid kula talin karta ama ku khasbi karta ka tanasulidda qaddiyaddeedii soo jireenka ahayd.

Saraakiishii iyo S/xigeenkii aqoonta lahaa ee Xooga Dalka Soomaliyeed dagaalkii sokeeye ka dib waxay u qaybsameen seddex qaybood :

1- Kuwo dalka dibaddiisa u hayaamay oo ka dhursugaya in ay maalin un arkaan dalkoodii oo nabad ah iyo ciidankii XDS oo mar kale la yagleeley oo magaciisii iyo sharaftiisiba la soo noqda. In badan oo kuwaan ka mid ah ayaa aqoontoodii ciidan ku darsadey aqoon iyo xirfada kale oo madani ah, looga faaideysan karo dhisidda ciidan la tillaaba qaadi kara wacyiga maanta oo ah mid la adeegsanayo farsamo casri ah. Waxaa kaloo xusid mudan in badan oo kuwaan ka mid ay doonayaan in ay ka qayb qaataan dib u soo noolyanta XDS; waxaase nasiibdarra ah inaysan jirinba cid hadal haysa ama soo dhawaysanaysa.

2- Qayb dalka gudihiisa ku firarsan oo dani seeto ku noqotay kana dhowrsaday in ay ka qayb qaataan dagaalladii sokeeye, ishana ka fiirsanaya ihaanada iyo tacadiga joogtada ah ee lagu samaynaya magacii XDS. Qaybtaan hadba qolaa u gacan haadisa iyagoo awrkooda ku kacsanaya, waxaana loogu baaqaa in ay ku soo uruuraan qaar ka mid ah xeryihii hore ee ciidanka oo aan lahayn wixii nolosha qofka aasaaska u ahaa iyo wax barnaamij ah oo loogu talagalay midnna; Beryo markii magacooda meelaha looga qaraabto ayey u kala tagaan gaajo iyo dayac. Waxaa xaqiiq ah haddii qaybtaani si dhab ah loo abaabulo isla markaasna daryeel iyo xurmaynba helaan in ay asaas fiican u noqon karaan ciidanka XDS.

3- Qaybta seddexaad waxay noqdeen kuwo ka mid noqday maleeshiyooyinkii qabaailka iyagoo si weyn ugu lug yeeshey dagaalladii sokeeye ee lagu hoobtay. In badan oo ka mid ah naftoodii ayey ku waayeeyeen, qaarnna waa ku curyameen, qaarkoodka weli waxay xubno firfircoon ka yihiin maleshiyooyinka qabaailka.   Kuwaani waxay u baahan yihiin dhaqan celin iyo hub ka dhigis.

Gabagabadii, waxaa loo baahan yahay in aanay arrintu maanta nagu noqon mid aan berri ka qoomamaynno oo aan waa dambbe ku calaacallo “Illeen talo isuma kaa sheegto”.   Waaxaan masuuliyiinta dawladda KMG u soo jeedinayaa in ay iska dayso musas wareegga iyo ka shakiga shacabkeeda kuna tashato aqoonta dadkeeda.   Waxaan qabaa in aanay waxba kordhinayn ujeeddo gaaban oo awr ku kacsi ah, mustaqbalkana wax u dhimi karta Qaranimadeenna iyo karaamada dalkeenna.

Cumar Sh. Maxamud (Cumar Yare )
USA  

E-mail: omarabdulle22@hotmail.com

Copyright © 2005 Wardheernews.com