Reer Minnesota oo gacan furnaan u muujiyey Jaamacadda Cammuud

Mohamed Abdi

August 15, 2005

Deeq lacageed oo badankeedu yabooh ahayd ayaa waxay kasoo xasishay kulamo dhowr ah oo dhacay intii u dhaxaysay 6dii illaa 10kii bisha August kuwaasoo Prof. Saleebaan Guuleed , madaxa Jaamacadda Cammuud uu kula kulmay dadweyne reer Minnesota ah. Prof. Guuleed oo socdaalkiisa gobollo kala duwan ku maraya ayaa yoolkiisu ugu muhuumsani yahay, dhaqaale u helida ka sokow, baahinta aragtida iyo fariinta fog ee waxbarasho ee ay dirayaan jaamacadaha Soomaaliyeed ee hadda jira, gaar ahaan Jaamacadda Cammuud.

Saleebaan Guuleed - Madaxa Jaamacadda Cammuud (Photo/Courtesy of Eagle Media Pro)

Intii aanu haddaba imaanin gobolka Minnesota waxa uu Prof. Saleebaan Guuleed soo maray magaalooyinka Chicago iyo Dallas. Chicago waxa ay xarun u tahay Amound Foundation oo ah hay'ad taakulaysa Jaamacadda Cammuud .

Imaanshihiisii Minnesota kadib, waxa Prof. Guuleed lagu soo dhaweeyey Jaamacadaha Hamline iyo Augsburg. Kuwaas oo uu la kulmay rektarada kulliyadaha waxbarashada (Deans of Education) ee labada jaamacadood. Waxa kale oo uu isna la kulmay kuxigeenka madaxa Jaamacada Minnesota iyadoo lagu wado, sidii isha warka aan ka helay ay xaqiijisay, in markale Jaamacaddu ay martiqaad u fidiso.

Kulamadii kale ee uu Prof. Guuleed la qaatay jaaliyadda reer Minnesota waxaa ka mid ahaa mid uu la yeeshay barayaashii iyo dadkii ka qalin jabiyey kulliyaddii Lafoole (Lafoole Alumni). Kaas oo ka dhacay Brain Coyle Community Center oo ku taalla xaafadda Soomaalidu u badan tahay ee Cedar iyo mid uu la kulmay dad ku bahoobay meherad ganacsi oo lagu magacaabo “Quickstar ”. Dadka meheradan ku bahoobay ayaa iskugu jira Soomaali iyo ajaanib Hindi u badan. Labada kulan ayaa xiiso gaar ah lahaa; halka ka hore uu Professorka soo xasuuusiyey waayadii barisamaadka ee kulliyadda Lafoole. Ka dambe, oo lagu qabtay Hotelka Sheraton, uu isna dadka ka haqab tiray su'aalo badan oo ay ka qabeen jaamacadaha hadda Soomaaliya ka furan, iyadoo labada kulanba lacag loogu yaboohay Jaamacadda Cammuud .

Kulankii maalinta Sabtida , 6da August ee ka dhacay Jaamacadda Minnesota oo ah kii ugu ballaarnaa ee ay Jaaliyadda Soomaaliyeed kula kulantay Prof. Guuleed ayaa lagu soo bandhigay arrimo badan oo bidhaamiyey culayska ay bulshada ka hayaan Jaamacadaha Cammuud iyo kuwa kale oo xilligan meelo dhowr ah oo Soomaaliya ah ka furan.

Furitaankii kulankan ayaa Sacad Ismaaciil Samatar , oo xubin ka ah hay'adda Amoud Foundation qeybteeda Minnesota, uu dadweynaha usoo bandhigay xog (statistics) ka sheekaynaysa xilliyaddii ay soo martay jaamacadda Cammuud marka laga eego tirada ardayda, tabareyaasha, inta kuliyadood, qalabka, iyo waliba gaadiidka kuwaasoo, sida xogtu tilmaantay, horumar joogto ah ku jira .

Dr. Ali Galaydh, sida Prof. Guulleed , oo isagu ka qalin jabiyey dugsigii sare ee Cammuud ee magaalada Borama, oo ah isla halka Jaamacadda laga aasaasay, magaceedana laga soo dheegtay, ayaa isna tilmaan kooban ka bixiyey waxtarka jaamacadaha hadda jira, kuna taliyey in u gargaarkooda la isku garabsado, isagoo ka digay in waxbarashada la siyaasadeeyo .

Xafladii loo qabtay Jaamacadda Cammuud (Photo/Courtesy of Eagle Media Pro)

Isla kulankan ayaa dadkii ka soo qayb galay ay si gacan furnaan leh ugu yabooheen lacago deeq ah, iyadoo dhiiri galinta in deeqda la bixiyo ay maamulayeen Sh. Ahmed “ Taajir ” oo ah Imaamka Masjidka Ummatu Muxamed ee Minneapolis iyo Maxamed Farid oo ah bare wax ka dhiga dugsiyada sare ee magaalada St. Pual, Minnesota.

Ugu dambeyntii, intii aanu hadalka bilaabin Prof. Guuleed oo ahaa marti-sharafkii aawadii kulanka loo qobtay , ayaa xiriiriyihii barnaamijku taxay heerarkii iyo waxqabadkii tacliimeed ee Prof. Guulleed isagoo tilmaamay in uu waxbarashadiisii sare kusoo kala qaatay Maraykanka iyo Ingiriiska , macallinna ka ahaa dugsiyadii sare ee Cammuud iyo Sheekh kahor iyo kadib waxbarashadiisii dibadda , Wasaaradii Tacliinta ee Soomaaliyana ka noqday Isuduwaha waxbarashada dugsiyada sare ee Soomaaliya .

Fikradii iyo Aasaaskii Jaamacadda Cammuud

Sida uu Professor- ku sheegay, fikradani waxay soo iftiintay sanadkii 1996, waxana si tijaabo ah loo bilaabay 13kii August 1997, iyadoo lixdan arday loogu bilaabay maadooyin aasaas u ah waxbarashada jaamacadda . Prof. Guuleed ayaa tilmaamay in waxyaabaha isku gudbay (challenges) ay ugu weynaayeen xilliga la joogey oo qalafsanaa marka laga eego colaadaha sokeeye, dadka oo kalsoonidii ay isku qabeen ay yaraatay iyo ardaydii dugsiyada sare kasoo baxayey oo sii yaraanayey, dibadna u halqal taagayey maaddaama rajo ay waxbarashada kusii wataan ayna meel dhow uga soo muuqanin. Waxyaabihii kale oo iyaguna kurtunka ku ahaa horumarinta abaabulka Jaamacadda ayaa uu Prof. Guulleed ku sheegay in dadka lagu qanciyo fikradda ah “ Jaamacad baa la furayaa ” iyo in, sida caadiga ah, ay jiraan dad mar walba fikrada iskala col ah. Laakiin, caqabadahaas oo dhan kadib, waxa Jaamacadda si rasmi ah loo furay 4tii November 1998, taasoo lix toddobaad ka horeysay Jaamacadda Muqdishu, oo iyaduna kaalin wacan ka qaadata waxbaridda arday badan oo Muqdisho iyo goboladda u dhow ku dhaqan .

Xiriirka Jaamacadda Cammuud iyo jaamacadaha kale

Sida uu Professorku tilmaamay, Jaamacaddu waa mid aan xuduudo gaar ah lahayn dadka oo dhanna u furan, isla markaana xiriir sokeeye la leh jaamacadaha Soomaaliyeed sida Jaamacadda Hargeysa, East Africa ( Boosaaso ), Muqdisho, Benadir iyo Indian Ocean oo Muqdisho ku yaalla, ardayda dhigatana ay ka kala yimaadaan gobollada Somaliland, Puntland , Hiiraan, Djibouti, Ethiopia iyo waliba arday Soomaali ah oo dibadaha uga yimid.

Waxa uu tilmaamay xiriir soke oo u dhexeeya Cammuud, East Africa iyo ta Hargeysa. Kulliyadaha caafimaadka ee Cammuud iyo Benaadir ayaa uu iyagana xusay in iskaashigooda waxqabad ay hay'adda caalimaga ah ee WHO aqoonsatay. Waxa kale oo iyana xusay in bisha November ay jaamacadaha Jazeera ee Sudan, Ismailia iyo Alexandria ee Masar, iyo Cammuud iyo Benadir ay cilmi-baaris kuwada sameyn doonaan Jaamacadda Cammuud.

Prof. Guuleed oo dhaqaale u helida ayba uga muhiimsaneyd baahinta waxtarka tacliimeed oo jaamacadahani ay leeyihiin ayaa ka sheekeeyey sida ardayda kasoo qalin jabisay kulliyadda Waxbarashada ee Cammuud ay hadda meelo badan oo Soomaaliya ah uga hawl galeen, isla markaana ay Jaamacaddiisu ku kormeerto sida ay wax u dhigayaan, aadna looga jeclaaday meelihii ay illaa hadda ka haw galeen, Jaamacaddan iyo kuwa kale ee Soomaaliyeed ayaa sida cad culays badan ka qaaday bulshooyinka deggan meelaha ay jaamacadahani ku yaalliin maaddaama ay soo saareyaan macalimiin, kalkaaliyeyaal caafimaad, farsamo yaqaaano xaga computerka ah, isla markaana ay rajo galinayaan ardayda dugsiyada sare ee iyagu haddii ayna jaamacadahan haysanin dhib bulshada kula soo noqon lahaa .

Ugu dambeyntii, si uu u sii wado baahinta farriintiisa tacliimeed, Professorka ayaa la filayaa inuu usii gudbo gobollada California iyo Washington D.C. isagoo marka hore tegi doona gobolka Ohio si uu uga qeyb galo kulan-sannadeed 3aad ee Ardayda Soomaaliyeed ee Woqooyiga America oo maalmahan ka socda magaalada Columbus oo gobolka Ohio.

Mohamed Abdi

Minneapolis, MN

E-mail: Sanda90@hotmail.com

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright © 2005 Wardheernews.com