|
|
Tan iyo intii xukunka laga tuuray keligii taliyihii ka amar ku taaglayn jiray dalka Itoobiya badhtamihii 1991, waxaa dalka Itoobiya laga hir geliyay nidaamka dimuqraadiga ah ee ku dhisan Axsaabta badan.
Inkastoo doorashooyin la qabtay, qawmiyadaha kala duwan ee Itoobiya ku dhaqanna la siiyay ismaamul hoosaad, haddana taasi ma noqon mid dhalisa in si buuxda ay shacab weynaha Itoobiya awoodda gacanta ugu dhigaan oo ay doortaan ciddii ay iyagu rabaan. Doorashooyinkaasi ma ahayn qaar si xalaal ah u dhaca waxaana mar walba shacabka dusha lagaga keeni jiray dad ay Xisbiga talada haya ee EPRDF wadato. Taasi oo ah mid lid ku ah nidaamka dimuqraadiga ee dalku qaatay. Sida aan la wada soconno nidaamka dimuqraadiga ah waxa saldhig u ah in:
Hadaba doorashooyin la qabto oo keli ahi kuma filna in waddan dimuqraadi lagu tilmaamo. Sababtoo ah xukuumadaha keli taliska laftooda ayaa doorasho ku sheeg u adeegsada si ay u khaldaan ra'yul caalamka, iskuna muujiyaan in ay yihiin dimuqraadi si sharci ah awoodda ku yimid. Si ay hadafkooda u gaadhaan dhawr waxyaabood ayay adeegsadaan sida:-
Hadaba marka aad fiirisid qodobadaas aan sheegnay ayaa waxaa markiiba kuu soo baxaya in doorashooyinkii hore uga dhici jiray waddanka Itoobiya ay ahaayeen kuwa ku sifoobay arrimahaas aan kor ku xusnay oo aan marnaba u dhici jirin si xalaal ah oo ku dhisan nidaamka dimuqraadiga ee dhabta ah. Taasi ayaa ahayd midda u suurta gelisay xukuumadda Meles Zenawi in ay awoodda ku negaato 14 kii sano ee aan soo dhaafnay, una dhiibato wakiilo u daacad ah Ismaamulada qawmiyadaha kala duwan ee Itoobiya. Xaalka waxaad mooddaa in hadda ay wax iska bedeleen. Taasi oo aan ku sababayn karno qodobada soo socda:
Sababahaas ayaanu filaynaa in ay ahaayeen kuwii suurto geliyay guulihii ay xoogagga mucaaridka ahi dhawaan ka gaadheen doorashooyinkii ka dhacay waddanka Itoobiya. Deegaanka Soomaalida Itoobiya Iyadoo hadaba dhawaan wadanka Itoobiya intiisa kale ay ka dhacday doorasho muran badan dhalisay, guulo aan looga baranna ay ka soo hooyeen xisbiyada mucaaridku ayaa waxaa 21 ka bishan August Deegaanka Soomaalida laga qaban doonaa doorashooyinkaas oo aan iyaga deegaankooda hore looga qaban. Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo wax maamul lagu sheegi karaa aanu ka jirin sannadihii aan soo dhaafnay ayaa hadda si aad ah loogu diyaar garoobayaa doorashadaas.
Xisbiga talada Deegaanka haya ee Somali People's Democratic Party (SPDP) oo isagu xulufo la ah xukuuumadda dhexe ee Meles Zenawi ayaa dadaal ugu jira sidii uu mar kale awoodda ugu soo noqon lahaa. Haddaba Xisbigan oo ay hogaamiyaan shakhsiyaad aad u liita ayaa ah mid lumiyay kalsoonidii shacabka mudadii uu talada hayay, ka dib markii ay ku guul daraysteen in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ba'an ee haysta shacabka Soomaaliyeed ee Itoobiya, kana dhabeeyaan balan qaadyadooda af gobaadsiga ah ee ay ku hadaaqaan xilliyada doorashada. Waxaad mooddaa sannadihii dambe in talada maamulka Deegaanka Soomaalidu ay faraha ka sii baxday, iyadoo gobollo badanna aanay ka jirin wax adeeg dawladeed ah oo laga fuliyo. Waxa taas u dheer musuqmaasuq ba'an oo hadheeyay dhammaan hay'ahada dawladda ee kala geddisan. Illaa iyo haatan maamulkii laga soo bilaabi lahaa dhismihiisa illaa iyo heer tuulo oo saldhig u noqon lahaa maamul guud oo degaanku helo wali waxba kama qabsoomin. Maamulka fadhiidka ah ee talada haya ayaa waxay wax walba ka horumariyaan danahooda shakhsiyeed iyo sidii ay kursiga u sii xajisan lahaayeen. Waxa ay maamulka ka sifeeyeen aqoonyahandii, waxgaradkii iyo dadkii waayo aragga ahaa iyagoo ku bedelay kuwa ay soo xusheen oo iyaga daacad u ah oo ay danahooda gaarka ah ku fushadaan. Madax ku sheegta talada haysaa waxay ku kaceen arrimo aan hore loo arag oo ay ka dhasheen fadeexado waaweyn oo ay ka mid yihiin ku wareejinta degmooyin ka tirsan degaanka Soomaalida oo ay u gacan geliyeen Deegaanka Oromada. Waxa uu maamulkani ku guul daraystay in uu wax ka qabto masiibooyinka dabiiciga ah ee mar walba la soo dersa dadka Soomaaliyeed iyo gurmadka degdegga ah ee ay u baahanyihiin. Waxaa batay mudadii uu maamulkani jiray dagaalada sokeeye ee dhex mara qabiilooyinka Soomaaliyeed ee Deegaanka. Taas oo marar badan lagu eedeeyo in maamulka laftiisu uu ka qayb qaato hurinta colaadahaas. Haddii aad maqasho maleeeshiyooyin beeleed ku dirirsan gacan ku haynta magaalo, waxaa laga yaabaa in markiiba ay maskaxdaada ku soo dhacdo Kismaayo, Baydhabo, Ceel Waaq iwm. Hadaba xaalka maamulka Soomaalida Itoobiya wuxuu marayaa maanta mid la mid ah ama ka sii liita ta ka taagan Soomaaliya oo 15 kii sano ee aan soo dhaafnay xaalad dawlad ah la'aan ku sugnayd. Tusaale ahaaan waxa arrintan inoogu filan waxa maanta ka taagan deegaanka Iimay. Halkaas oo ay beelo Soomaaliyeed isku gumaadayaan. Kaas oo maamulka deegaanka Soomaalida iyo kan dawladda dhexena ay indhaha ka qarsadeen, iyadoo aan ognahay waxa ciidan dawladda federaalka ka joogga Degaanka Soomaalida. Ciidamdaas oo masaakiin aan waxba galabsan iyo geel jirayaal maalin walba meelahaas ku toogta ayaan runtii dan ka gelin dagaalada ay beelaha Soomaaliyeed isku gumadayaan mar haddii waxa dhimanayaa labada dhinacba ay Soomaali yihiin. Marka ay laba beelood ku dirirayaan gacan ku haynta magaalo, meeday dawladdii meesha ka jirtay? Dadka heerkaa maamulkoodu taagan yahay ayaa maanta shacabka Deegaanka Soomaalida ka codsanaya in ay codkooda siiyaan oo ay talada dib ugu soo noqdaan. Dadaalada ay wadaan muddooyinkan dambe madax dhaqameedyada iyo wax garadka kale ee Deegaanka Soomaalidu ee ay ku doonayaan in ay ku soo dhiciyaan xuquuqda dastuuriga ah ee shacabka laga duudsiyay mudadii uu maamulkan fadhiidka ahi talada hayay noqon maayaan kuwo midho dhal ah haddii aan isbedel lagu saamayn hogaanka sare ee maamulka Degaanka Soomaalida Itoobiya. Maanta waxaa la joogaa wakhtigii ay shacabku awoodoodda muujin lahaayeen, kana tashan lahaayeen wax matareyaasha beryahan dambe hor boodayay siyaasadda iyo maamulka Deegaanka Soomaalida Itoobiya. WardheerNews waxa ay shacabka Soomaaliyeed xusuusinaysaa in uu Codkoogu qiime weyn leeyahay. Sidaa daraadeed waxa aanu shacbiweynaha ku boorinaynaa in ay codkooda siiyaan qof u qalma, nadiif ah, oo qowl leh, kana dhabayn kara balanqaadyada uu bixinayo. Waa lama huraan in geedi socodkan demuqraadiga ah lala jaanqaado. Waa dhammaaaday waqtigii amar ku taagleynta iyo ku jujuubidda shacbigu in ay doortaan dad damiir laaweyaal ah oo aan meteli karin. Waa in shacabku ay si aad ah uga digtoonaadaan khiyaamooyinka uu waddo xisbiga fashilmay ee SPDP, codkoodana siiyaan xisbiyada mucaaridka ah ee Soomaaliyeed ee ka jira Deegaanka iyo shakhsiyaadka sida madaxa bannaan u sharaxan. Hadii uu shacabku maanta ka faa'idaysan waayo fursadan oo ay dhaafto, waxaa hubaal ah in ay tahay fursad luntay oo sida loo soo celiyaa ay muddo qaadan doonto. Ugu dambeyntii codkaagu ha noqdo mid isbeddel keena si looga takhaluso xaabada hadda talada Deegaanka haysa, ummadduna u hesho hogaan u qalma oo awood u leh soo dhicinta xuquuqaha ka maqan iyo kor u qaadista nolosha muwaadiniinta Soomaalida Deegaanka ee ay jaahilnimada, gaajada, cudurka, masiibooyinka dabiiciga ah, dagaalada sokeeya iyo gumaysigu isugu darsameen. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa hore u tidhi: Lax weliba Shillalka ay is dhigto ayaa lagu qalaa. WardheerNews Editorial Staff Send your Comments to: WardheerNews Editorial Board Copyright © 2005 Wardheernews.com |