COD AAMUSAY

A. M. Yusuf

December 6, 2005

“Dheecaankaagu meeshuu ku dhici waa laguu dhiginoo
Dhulka waw jeclaan meel haddey dhimasho ku taal’e”
— Afmaal, Lamayaqaan

 Yamyam (1946-2005)       

Sida aan xalay ka bartay Axmed F. Cali (Idaajaa): Yamyam:Gabyaa Laqmaday, Wardheernews.com, waxa isaga iyo Cabdulqaadir Xersi (Yamyam) ay ku kulmeen Nayroobi  — bishii Agoosto toddobaadkii ugu dambeeyey, 2005. Idaajaa ayaa si kaftan ah u weydiiyay:
“Yamyamow, adiguna ma haddaad Maraykan u qaxaysaa?” “… kolley, dal shisheeye in badan kuma negaan doonee, … .”
Ma rumeysan karo in Cabdulqaadir Xersi uu dhintay? Mana rumeysan karo in uu dhintay maalin xuskeeda aanu farxad ugu gabyi lahayn. Ma rumeysan karo in geeridii Yamyam ay ku soo beegantay — Oktoobar 21!

“Duugtu waa dhalashadii xusuusta,” waxa yidhi halqabsigan asle la oran jiray Salvador Dali, oo aan akhriyay beryo fogfog mar haatan laga joogo. Aniguna waxa aan doonayaa in aan ereyadaas ku sii raaciyo dareynkayga. Aasku ma ahan curasho xusuusta. Aasku, aan si kale u iraahdo e, waa saami ka mid ah nolol horleh oo cusub.

Haddeer oo aan sii dhoweynaayo — Cabdulqaadir Xersi — awgeed ayaa ay xusuusteydu u kala qeysamaysaa labo abbaarood: tagto hore iyo timaaddo dambe. Waxa aan iska la soo tirsaneyn jiilkii gobannimada, jiilkii “qabrigii mucaawanada” iyo dowladdi keligii taliyaha. Xilliyo aad u cuslaa: dowladii Jamhuuriyadda Somaaliya iyo dowladdii Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Somaaliya, ayaan ku soo wada hoos noolaannay. Waxa uu ahaa nin wax kasta oo kale beeli karay; hase yeeshee, ma aanu aheyn se nin rajo beeli karay, wax kasta oo dhaca. Si kale, waxa uu ahaan jiray cod  u doodi jiray xaqa ummadda iyo israaca Soomaalida.

Sidee ayuu haddaba soo ahaa halgankiisii abwaannimo? Mid aad u fudud: in alla iyo intii karaankiisu halabuurnimo gaadhi kari karay, si afbuuxda ah oo cad, ayuu uga doodi jiray dulmiga amaba uu ku dooni jiray xaqa. Qareen aan cidi dirsan ayuu xaqa u soo ahaan jiray. Cabdulqaadir Xersi waa nin sokadaadan dhow ag imaan jiray, haddii aad gacan uga baahato.

Malaha waa tan, waxa in badan oo naga mid ah ay tahay, in ay bartaan: in qof kasta oo innaga naga mid ah uu yeesho —  dareen isxilqaamitaan.  Waqtigaan la joogo, oo ay haatan dalkeennii ka aloosan tahay colaad sokeeye, ma ahan oo qura  eedeysane iyo  ma ahan dagaa Ooge oo qura: kuwa hoggaanka u sida taariikhda qarankeenna. Waa innaga oo dhan waxa hagitaanka laga doonayo; qof walibana  wixii uu qaban og yahay ha inoo qabto. Abwaan badan ee Soomaliyeed, ama ha ahaado mid maanso cudureed ummaddiisa ku dhex fidiya ama mid maanso caafimaad ka waraabiya ummaddiisa, mid kast ba waxa uu ku halbeegaa tayo ka mid ah aayahiisa — aayaha afadiisa iyo carruurtiisa[ ] sida walaashay Ambiyo[ ] iyo Ilmahaheeda — aayaha eheladiisa iyo ummaddiisa, intaba. Abwaanka hore (“afkudhiigle[ ]”), waa: afo-laawe, ilmo-laawe, ehel-laawe iyo ummad-laawe.

Adeege qaran ayuu soo ahaan jiray Yamyam. Diiwaankiisu waa dhaxal iyo dhigaal murtiyeed. Taas oo ay aad u qiimeyn doonaan dadka jecel Suugaanta Soomaalida. Nin waxa uu soo ahaa hawlaha qaran si xilkasnimo leh u guta. Nin lagu soo tashan karay, la isku soo halleyn karay — qof kasta oo aadmi ah na uu ku soo hiran karay. Dhoollacaddeyntii iyo wejigiisii furnaa: Ma wax aan dib loo arki doonin baa!

Wax igu qasbaya in aan baroordiiq ku sii sagootiyo, haatan maba jiraan. Sida kale waa in aan ku farxaa beryaha soo socda ee foogta ah. Ma habboona in aan dib dambe uga sii murugoodo, sidii uu u dhintay;  balse aan xusuusto uun sidii uu u soo noolaan jiray. Tan ayaa na mudan in dhoollaha loo caddeeyo! Ma dhiman ee wuu dhuuntay, ayay oran jireen,  dadku. Cimrigii aan la jeclaan lahaa in uu jirsado, intii ka qabyowday, Eebbe ha ugu biiryo cimriga — ilmahiisa.

Uurka ayaa aan ka ooyayaa. Oohin qallalan. Si ayaan u dareemayaa in uu i ag joogo. Cod aamusan ayaan maqlayaa oo igu oran:

“Yeey ku dhicin ilmadu dhir abaarsatee  isha sacabka mari”!

Allahayow Naxariistii Janno Ka Waraabi: Yamyam. Allahayow Ka samirsii eheladii iyo ummaddii uu ka geeriyooday. Aamiin!

Aan ku gunaanado tix yar, taas oo aan ku maamuusayo halyaayga iga hoyday:

Sedka Xabaalaha

Dhulyohow dhismahiisa qaado
Dhiloo waaxyahiisa muuddoo,
Dhiggiisna aboor ha quutoo,
Dhoob iyo ka yeel awaaroo
Dhammaan raacsii dabeylaha.

Dhimirkiyo heddiisuse
Dhoof bay kolhore galeenoo
Dhankaas samadeey qabteenoo
Dhacantana looga jiidyoo
Dhexdeeda ayaa jannada udug —
Dhibtiyo hawshii adduunyada —
Dharaar wali looga nasiyaa.

Dhiggaagii maahayn ruuxoo
Dhaxalba uma ahayn xabaalaha.

A.M. Yusuf
E-Mail: wayeel@operamail.com

1 Carruurta Yamyam waa: Raage, Qamaan, Absame, Ibraahiim, Ayaan iyo Samawada.
2 Waa xaaskii uu ka geeriyooday Yamyam.
3 Oraah ka mid ah weeye ereyadii Yamyam, sida: gacanku-dhiigle, ilku-dhiigle, uurku-dhiigle … iwm.

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright © 2005 Wardheernews.com