|
|
Arar Aan dawliska ceelka u rita e, waxaa muuqda harraad ba’an oo is-bedal haykal siyaasadeed (political framework), hannaan maamul oo ku salaysan axsaab siyaasadeed (multiparty political system), dhiirigelin xiwaar siyaasadeed oo hufan (body politik), ka tallow nidaamka qabaliga ah (clan structure), ku kalsoonaan hay’adaha dawliga ah (state institutions), iyo xulasho hawlwadeeno dawladeed oo intuba ku salaysan mabda’ siyaasadeed ka qoto dheer kan laga yaabo in ay ku hammiyayaan madaxda maamulka Puntland. Waa mid sahan dheer iyo tacab badan mudan, dawna ay tahay in si haboon loo saafo, kana fac weyn isku shaandhayn lagu qanciyo dhaayaha qubanaha iyada oo aan loo degin ubucda xaajada. Sidaa darteed, aniga oo taa ka duulaya ayaan jeclaa in aan qoorteeyo sida iyo waxa ay ila tahay in ay la gudboon tahay maamulka Puntland ee ay caynaanka u hayaan Cadde, Afqudhac & Dalmar (M/Weyne, M/Weyne ku Xigeen & Af-hayeen Baarlamaan sida ay u kala horeeyaan). Si dadban ayaan u bidhaamin doonaa halka ay Puntland joogto maanta, iyo halka ay tahay in ay hiigsato saadambe aniga oo tusaalayn doonaa waxa la gudboon madaxda Puntland. Bidhaan Haddii aan dib u yara milicsado, nidaamka qabaliga ah oo saldhig u ahaa aasaaskii Puntland ayaa dhab ahaan laga dheefay manfac weyn, lagagana soo gudbay caqabado badan oo la’aantii halligi kari lahaa ummadda. Waxaa uu u sahlay ummadda in la unko nidaam ku yimi rabitaanka madax dhaqameedyada bulshada, sidaa darteedna la odhan karaa rabitaanka bulshada, dhiirigaliyey koboc garaad bulsho, dhisme hay’ado ugub oio dawli ah, horumar nidaam dawli ah, sugitaan amni, iyo loollan siyaasadeed, haba koobnaada e, oo bad qaba. Taas oo jirta ayaa waxaa hadda soo ifbaxay iimo badan oo uu leeyahay oo uu kala mid yahay nidaamyo kale oo isaga ka horeeyey oo hore loo tijaabiyey, balse u cuntami waayey ummadihii hindisay, deetana sidaa lagu rawixiyey. Waxaa muuqata in nidaamka qabaliga ah la soo gaadhay xilligii looga gudbi lahaa nidaam dawli ah oo ka mug iyo qiro weyn si loo dhayo ceebaha uu la yimi, looguna gudbo nidaam asali ah oo u cuntama bulshada. Aan xoodaamiyo e, sida ay qabaan badi dadka darsa culuumta siyaasadda, maamulka, hoggaanka, iyo horumarka bulsho inta la xuso nidaamka keliya ee illaa hadda la isku raacay in uu ugu hufan yahay waa nidaamka dimoqraadiga ah (tala-wadaag) ee ay ka manaafacaadsadeen bulshooyinka hore u maray. Tajriib iyo kufaa-dhac badan kadib ayaa uu nidaamkaasi ku yimid, kuna noqday kan ugu dhaw ee unugyada bulsho ay raali ka wada noqon karaan, ku kalsoonaan karaan, una arki karaan nidaam ay amnigooda, danahooda, mustaqbalkooda, iyo jiritaankooda ku aaminaan. Waa nidaam isaga naf ahaantiisu leh iimo u gaar ah, khaasatan marka lagu dalqiyo ummad aan u qaangaadhin hanashada madhaxiisa, miiddiisa, iyo haykalkiisa siyaasadeed iyo maamul, balse marka loo eego dhigiis cilladihiisu aanay sidaa u xag jidhin. Sifaha toolmoon ee nidaamka dimoqraadiga ahi uu kaga duwan yahay dhigiisa ee mudan in la xusaa ayaa waxaa ka mid ah isaga oo u sahla ummadi in ay aaminto hay’adaha dawliga ah, ayna ku kalsoonaato dadka hoggaanka u haya. Hay’adaha ayaa ah kuwa xaqsoor bulsheed ku dhisan, waxqabadkoodu aanay ka dahsoonayn bulshada, una siman bulshada, halka haddii dadka la doortaa ay ka soo dhallaali waayaan xilalka lagu aaminay si sahlan loo ruqseeyo. Waxaa uu leeyahay haykal sahla in qaladaadka dhaca si sahlan lagu saxo – haddii shakhsi ama xukuumadi ay qaladaad ka gasho dalka iyo dadka, waxaa la arkaa in si sahlan loo arko qaladaadkaa, deetana la turxaan bixiyo. Waxaa uu leeyahay xisaabtan, sidaa darteed waa dhif iyo nadir in xisbi, koox ama ashkhaasi ay ku takri falaan mustaqbalka bulsho, aanan lala xisaabtamid. Ma jiro nidaam kale oo inta la xuso taa suurtageliya, waana sababaha wadamada qaatay, kuna dhabakhay qaybo ka mid ah hab dhaqan-dhaqaaleedkooda bulsho ay uga horumarsan yihiin ummadaha kale. Ma muuqato xilligan la joogo sabab aanay Puntland u hirgalin karin hay’ado dawli ah oo ku salaysan nidaam iyo maamul dimoqraadi ah, aan ka ahayn karti darri ay muujiyaan garwadeenada maamulku. Sida ugu haboon ee taa lagu hanan karaa waa maamulka talada haya ee M/weyne Cadde oo la yimaada straatiijiyad siyaasadeed oo ay ku hawlgasho labada (2) sanno ee soo socda. Aan hoos u daadago e, sida keliya ee is-bedel baahsan lagu gaadhi karaa waa iyada oo xukuumadda M/Weyne Cadde ay hadda u hawlgasho is-bedal nidaam oo rasmi ah, oo ka qoto dheer wasiir jago laga qaaday, mid kalena loo magacaabay. Marka xays da’o, oo ramas baxo, oo geella, adhiga iyo lo’oduna ay maqliyaan xareed muguc ahina ay balliyada wadhan tahay, oo ciirta iyo caanuhu ay barriga wadhan yihiin, oo gaaraa-bidhoodku wiligtaa hayo baalalaydu ay raynrayn wiiqdaa hayso, geeljirka indheergaradka ahi waxaa uu u toog hayaa kaliil daba dheer oo aan la maagi doonin. Sahan, odoros, iyo carro-rogasho ayaana uu markaa tabaabushadeed galaa. Mitaalkaas waxaa ka dhigan madaxda Puntland oo muddo ku jiray majiirasho ramas gu’, oo ay tahay in ay la yimaadaan istiraatiijiyad dhaafsiisan sannad iyo laba, ayna hadda la gudboon tahay in ay ka tabaabushaystaan kalliil daba dheer oo aan la isa seegi doonin – gooray ahaataba. Waxaa lama huraan ah in laga tashado sida ugu haboon ee lagu hirgalin karo dhawr unug oo tiir dhexaad u ah nidaam-bulsheed dawli ah, bad qaba, wadaagna ah. Dhiirigelin xiwaar bulsho Wacyigelin dadweyne Guddi Doorasho Axsaab siyaasadeed Bulshada rayadka ah Gunaanad Sidii aan hore u xusay, waa ay ii sahlan tahay, ilayn bukaan ninba mar u taliyaye, in aan taxo sida ay ila tahay in xal lagu gaaro, hase ahaatee kaalintayda waxaan ku koobayaa tusaalayn iyo iclaamin baahida muuqata, aniga oo ku kalsoon in madaxda maamulku ay ka wabaxsan tahay sida ugu haboon ee hayaanka nidaam lagu hanan karo. Waxaan ku boorin lahaa M/Weyne Cadde in uu si hufan uga baaraan dego arrinka, uu la yeesho wadatashi unugyada bulshada, madax dhaqameedyada, golayaasha dawladda, indheergaradka, iyo qubanaha, lafagur dheer kadibna uu faraska heensaysto, ubada biyaysto, seefta afaysto, deetana bogga iyo baalka isla haleelo. Waxaa la arkaa in wadiiqada loo maro hirgelinta nidaam dawli ah oo wadaag ahi ay gocondho miidhan tahay, ayna u muuqato in aan loo hollan karin, balse sida inta badan dhacda ay iyadu ka toosan tahay wadiiqooyinka kale ee marar badan u muuqda in ay ka sahlan yihiin. Nin aan is hubin iyo fule ayuun bay la dheer tahay, macaluul iyo oonna cidla la habsada inta aan laysba gaadhin – kase dhaw. Waxaan ku dhiirigelin lahaa M/Weyne Cadde, ku Xigeenkiisa Afqudhac, & Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dalmar in ay si wada jir ah isaga kaashadaan hirgelinta maamul u cuntama ummadda, bilaabaan wacyigelin bulsho, dhiirigeliyaan xiwaar bulsho iyo mid siyaasadeed, muujiyaan dulqaad siyaasadeed, la yimaadaan kalsooni iyo bisayl siyaasadeed, una hawlgalaan hirgelinta nidaam wadaag ah oo bad qaba. Maxamed A Cali
Copyright © 2005 Wardheernews.com |