|
|
|
Nimcada dal, Eebe ku manaysto waxa ugu qiimo badan dadka. Marka dalkaasi helo madax dhawrsan oo iimaan, karti iyo Alle ka cabsi leh, Ummaddaasi nidaam iyo Qorshaa u dhisma, ididiilaa u abuuranta. Mustaqbal wacanbaa u iftiima. Madaxdaasi waa ta xilka iyo ammaanada loo igmaday ilaaliysa. Dalkase aan Alle la damcin wanaag, waxa uu xilku gacanta uga galiyaa, xayn xumaanta ku bahowda. Faqrigu gadaanka loo sudhay, adduun ururso tacab koodu noqdo. Afrika waa arrinta qayrkeed ka reebtay. Waa halista soo food saartay jiritaanka Somaliland. Mana aha mid la dhayalsan karo, mana aha mid Carta iyo Mbagathi oo qudha ka socota. Waa mid gudaha ka aloosan. Waa mid ay ku shurkeen madaxdii Qaranku; Xukuumadda iyo labada Gole. Waa koox ku heshiis ah sharci jabinta iyo ku tagrifalka hantida Ummadda. Waa koox middi saawir ah dalkii ku qalaysa. 1. Baahinta Maamulka iyo Difaaca Dalka: Dastuurka Qodobka 2-3 Dhulka Qaranku waa muqadas waana laguma xad gudbaan 34-1 Muwaadin kasta waxa waajib ku ah adkaynta midnimada ummada, ilaalinta jiritaanka Qaranimada iyo difaaca dalka iyo diinta si waafaqsan xeerka. Sida ku cad-Qodobka 38-4; Himilooyinka xilgudashada Baarlamaanka waxa ugu muhimsan arrimahan soo socda:- b) Sugidda nabadgelyada iyo ammaanka Jamhuuriyadda iyo madax-bannaanida maamulka dhulkeeda, baddeeda iyo hawadeeda. t) In Jamhuuriyadda Somaliland yeelato dhammaan xeerarka ay u baahantahay dawlad Islaam ahi. j) Hirgelinta xeerarka u degsan Jamhuuriyadda Somaliland iyo xaqiijinta taabbagalka cadaaladda oo sal dhig u ah xasilloonida guud ee Jamhuuriyadda iyo isu-kalsamaanta iyo iskaashiga dadweynaha Somaliland. Waxa aad la socotaan in gobolada Sool iyo Sanaag-Bari aan maamul ka dhismin ilaa 1991 kii, ciidamo shisheeye joogaan, calankii Somaliyana ka lusho. Waxa kale oo aad ogtihiin in madaxweyne Rayaale ka soo raray ciidankii iyo maamulkii Somaliland ee Sool fadhiyay markii uu Laas-Caanood tagay. Waxa iyana jirta in Ciidanka Qaranku muddo heegan ku ahaa Sool. Waxa iyana xaqiiq ah in, Madaxweyne Rayaale faraha uga qaadday Goboladaa Bari Maamulka Cabdillaahi Yuusuf. Xadhigii u dambeeyayna WFP ayaa jartay oo kaalmadii waxay u soo marisaa Boosaaso. Waxa dadweynaha reer Somaliland ka dheregsan yahay in aanay xukuumaddu lahayn qorshe iyo siyaasad maamul fidin oo Gobolada Bariga ah. Taas oo aan ahayn mid tamar-darro keentay balse ula-kac ah. Lacagta loo qoondeeyay 2000 kii ilaa 2005ka maamul fidinta waa $1.8 million oo miisaaniyadda W.Arrimaha gudaha iyo ta maaliyadda lagu shubay. Waxase is-weydiin leh, waxa maamul fidinta u geeyay W.Maaliyadda? Waxa intaa inoo dheer oo shaki iyo dareen xun dadweynaha u muujisay saaxiibnimada xeesha-dheer ee Rayaale iyo madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle. Iyada oo Rayaale yahay madaxweynaha Somaliland, Geellana yahay ninka gooni isutaagga iyo jiritaanka Somaliland si cad uga soo horjeeda. Waa arrinta aan filayo inay Itiyoobiyana fogeysay markay akhriyi kari weyday ujeedada Rayaale. Waxa intaa innoo dheer, dalkii oo galbeedna laga soo riffayo, oo ciidamadii Somaliland ka ilaaliya Djibouti koontra-baanka . Iyo Ina Cumar Geele oo la yidhi wuxu dhisayaa dariiqa Lowya- Caddo ilaa Seylac. Arrintii taagnayd fidinta maamulka Bari, ayaad mooddaa in Galbeed laga soo duubayo. Waa jaahwareerin cusub oo Umaddaa reer Somaliland Shaki xaq u siiyey. Duruufaha siyaasadeed ee Somaliland ku gadaaman iyo hab-dhaqanka madaxda dalku waa laba aad u kala fog. Dalkani wuxu ku nasiib-daraystay in madaxdiisa iyo dadweynuhu ayna jaho u wada jeedin. Madaxdu uma adeegayso horumar iyo aqoonsi raadin dalka ah. Waxa madaxdu ka dhacsan tahay milgaha iyo sharafta xilka loo igmaday. Axdi qarameedkii ( National Charter) Boorame ee May 1993.sharcigii lagu aassaasay wasaaradda arrimaha gudaha, Qodobka 4aad xilka waaxda dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada waxa uu dhigayaa- · Dejinta qorshaha guud ee gobollada iyo degmooyinka ( Horumarin iyo Degaameyn). · Tiro koobka iyo doorashooyinka:- Tiro koobku ma aha shay doorashada oo qudha loogu baahan yahay, faa'iidooyin badan oo kalena wuu leeyahay waxa ka mid ah:tirada caruurta iyo da'dooda. Si tacliinta loogu qorsheeyo, caafimaadka, muruq-maalka, aqoon- yahanka iwm, waa arrin aad muhim u ah. Sidaa darteed waxa ay ahayd in beri hore la billaabo. Sideedaba,xaaladda Somaliland ma ogolaanayso wakhti la lumiyo . sidaa darteed markii golaha Guurtidu gaadhay go,aanka korodhsiimo ee muddada xilka G/wakiilada muddo laba sano ah 25/05/2003, kuna eg 25/05/05, waxa uu goluhu ku xidhay shuruudahan:- a) In doorashadu dalka ka wada dhacdo. b) In la tiro koob la sameeyo. c) In diiwaan gelin la sameeyo. d) In la kala xadeeyo dagmooyinka iyo gobolada. Waxa ay saadaal ahaan tilmaameen, “haddiise uu iman waayo hawl qabad hor lihi,waxa ay Golayaashu ugu muuqanayaan Bulshada dad u fadhiya dantooda oo keliya, rabina in doorasho dhacdo iyo in cid kalaba ay wakhti siiyaan”. Dardaar-warintaa Guuridu waa ta maanta taagan, labadii sano oo dhammaaday iyo hawshii oo weli sidii qabyo u ah. Dawladdii Mbagathi oo la soo dhisay iyo Sool iyo Sanaag-bari oo aan Somaliland gacanta ugu jirin. Waxa dhacay waa khiyaamo qaran,waana in cidda leh loo xambaariyo. a) Maamul fidinta waxa lahaa – Xukuumadda b) Kala xadaynta degmooyinka iyo gobolada waxa lahaa- Xukuumadda c) Tiro koobka waxa lahaa –Xukuumadda d) Diiwaan gelinta waxa lahaa – Koomishanka Doorashada Qaranka e) Sharci dejinta waxa lahaa – G/wakiiladda f) Daba socodka waxa lahaa – G/guurida Su,aasha ah doorashadu ma ku dhacaysaa wakhtigii loo cayimay-29/march-2005, waxa ka horeeya in dambiga Khiyaamo Qaran lagu soo oogo ciddii mutaysatay,dabadeed laga tashado doorashada iyo arrimaha la baajiyay ee kor ku xusan. Marka Dawladdii talax gabto ee ay dhabbada toosan ka lunto, dadkeeday ku rafataa. Runtay dhibsataa, Sharciga ayay baal martaa, hala xidho ayay taladeedu noqotaa. Cabudhinta dadweynaha ciqaab iyo Cadaadis : Xorriyadda Bannaanbaxa, Ra'yi-dhiibashada, Saxaafadda & Warbaahinta kale :- Qodobka 32-1 Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra'yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan 32-2 Muwaadin kasta wuxuu xor u yahay in uu abaabulo kana qayb qaato, kulan ama bannaan-bax nabadeed oo xeerka waafaqsan 32-3 Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xoriyaadka asaasiga ah ee ra'yi dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo kasta oo lagu cabudhinayo; hawshoodana xeerbaa nidaaminaya. (Awoodda & Waajibaadka Golaha Wakiilada) Qodobka 53-3 ku-soo rogida dalka, ama qayb ka mid ah xukun deg-deg ah, waxa Golaha Xukuumaddu u weydiisanayaa labada Gole (Wakiilada & Guurtida) ogolaansho. Qodobka 92-3 Waxa xeerar Deg-degga ah dib u eegid ay labada Gole ku samayn doonaan saddexdii (3) biloodba hal mar iyaga oo go'aankoodu ku salaysnaan doono codka hal dheeriga ah ( Simple Majority). Iyada oo dastuurku sidaa cad u qeexayo xoriyada muwaadinka, ayaa Xaqii Xoriyadda uu laha lagaga qaadday xukunka deg-dega ah oo aan sharciga waafaqsanayn. Waxa dadweynuhu ka dharagsan yahay in labada Gole iyo xukuumaddu ku shurkeen raalina ay iskaga yihiin xad-gudubka iyo cadaalad darrada xukuumaddu ku samayso dadweynaha, sida Guddida Nabad-gelyada ee laga soo minguuriyey maamulkii Maxamed Siyaad Barre. Xukuumaddu iyada oo xakamaynaysa ra'yi dhiibashada Ururada Bulshada, waxa ay is-hortaagtay doodii “Caawa Caqli-keen” . Sido kalena ay u diideen aqoon-yahanadii Burco, dood-cimiyeedkii ay qaban lahaayeen. Axsaabta mucaaridkana u diiday fagaaraha Khayridda inay dadweynaha kala hadlaan, xadhigii dhalinyarta iyo dumarkii banaan-baxay, tafa-tiraha war-geyska Jamhuuriya iyo shaqaale ka tirsan saxaafadda oo marar badan jeelka loo taxaabo. Boqor Raabi ayaa ugu dambeeyay qof sharci darradaa lagu xidho. Qodobka 39 aad (Tilmaanta Guud ee Golaha) Golaha Wakiiladu waa xubno ka wakiil ah dadweynaha; waana Qaybta 1aad ee xeer-dejinta dalka, ansixinta xeerarka, ogolaanshaha iyo ilaalinta siyaasadda guud ee hoggaaminta dalka . Haddaba, Goluhu miyaanu ka seexan xilkiisii dastuuriga ahaa iyo waajibaadkiisii ka saarnaa ummada, maxayse ku doorsadeen ? Mugyarida G/wakiilada iyo sida ay xukuumadu u isticmaasho,waxa ay ku cadahay Qaybta dhaqaalaha. La soco ……… Dhaqaale Bur-burka iyo Saamaynta uu Dalka ku leeyahay:- Aan eegno dhibaatada iyo bur-burka Qaran ee ku gadaaman dhaqaale xumada, musuq-maasuqa iyo sharci jabinta. Dastuurka Qodobka 34-2 Qof kasta wax ku waajib ah in uu xaq dhawro Dastuurka iyo xeerarka dalka. Qodobka 54aad (Awoodaha Xeer-dejinta ee Goluhu waa in ay gaadhsiisnaata arrimaha maaliyadda ee soo socda) 54-1 Jideynta cashuuraha, takaaliifta, iyo tallaabooyin kale oo kor loogu qaadayo dakhliga 54-2 Asaasidda kaydka dakhliga Somaliland ama kaydad kale oo loo qoondeeyey xaalado gaar ah. Habka loo maamulayo, loogu ururinayo iyo looga bixinayo xeer ayaa nidaaminaya. 54-3 In la daabaco lacag, lana soo saaro shahaadooyin rahmadeed, iyo kuwa kale oo leh qiimo damaanadeed. 54-4 Habaynta nidaamyada dhaqaale iyo kuwa lacageedba. Hadaba waxa is-weydiin mudan, mudanayaashu ma ka warqabaan qodobkan dastuurka iyo xilkooda arrimaha dhaqaale ee ku tilmaaman Qodobada kor ku xusan. Dakhliga dawladdu 92% waxa uu ka soo baxaa Kastamada. Taas oo daliil u ah tamar-darrada dhaqaale ee dalka. Waa sawir si wanaagsan uga turjumaya halbowlayaasha dhaqaale ee dalku inay bakhtiisan yihiin. Kuwaas oo ay ka mid yihiin:- Warshadaynta, wax soo saarka beeraha(3% ayaa la beeraa dhulka ku haboon dalaga), khayraadka badda, macdanta, biyaha (water harvesting), xoolaha, baanka ganacsiga iyo baanka hor-u-marinta, kor u qaadka tacliinta, siiba far-samada gacanta (Technical colleges), daryeelka deegaanka. Ummuduhu waxa ay horumar ku gaadhaan: ¨ Maamul wanaagsan ama cuddoon (Good Governance) ¨ Dhaqaale kobcaya iyo nidaam cad (Tansparency) Haddaba si dhaqaalaha dalku u hano-qaado, waxay ahayd in maalgelin lagu sameeyo halbawlayaasha dhaqaale, waxana halkaas ka abuurmi lahaa shaqooyin. Waa xaqiiq in arrimahani u baahan yihiin maalgelin, waxaase isweydiin mudan maal-gelintaa miyaa loo waayay? Ma dalkaa inna gabay? Suaalahan jawaabtoodu waxay u baahan yihiin in la raad-guro habka loo maamulo dakhliga dawladda iyo siyaasadda guud ee dhaqaalaha ee dalka Waxa hubaal ah in xaaladda dhaqaale ee dalku isa soo ooday. Waana mid jiritaankii dalkaba halis galinaysa. Waa mid waajibinaysa: · Is-bedel maamul oo dhakhso ah · Dib-u-habayn lagu sameeyeo cashuuraha iyo kor u qaadida dakhliga. · Lacagta somaliland oo la gaadhsiiyo gobolada oo dhan. · Labada qiime ee sarifka Dolarka Baanka oo mid laga dhigo si musuq-maasuqa loo xakameeyo. Dhaqaalaha dalku hana qaadimaayo, hadii aan dib u habayn lagu samayn Baanka Qaranka. Sharcina loo dejin, Baanka ganacsiga iyo ka horumarinta aan la samayn. Aan la daabicin lacag dalka ku filan oo ilaa sl.sh 500,000,000,000 (shan boqol oo bilyan) ah. Waxa lagu soo daabici karaa wax ka yar 3,000,000 $ (saddex milyan oo doolar) loomana waayin. Dalku dhaqaale ahaan iskuma xidhmi karo hadii aan sl.sh. lagu wada isticmaalin. Gobolada Barina waxay qarka u saran yihiin dhaqaale bur-bur. Waxa iyana xaqiiqo ah Gaboodka musuq-maasuqu inuu yahay dastuurka qabyada ah ee la diiday in la dhamays-tiro iyo in lagu dhaqmo labadaba. Golaha wakiiladu, si badheedha ayay uga gaws qabsadeen dhamays-tirka Dastuurka, sida. Qodobka Dastuurka 130-5 , …….waa in la diyaariyaa xeerarka dastuurka Waafaqsan, waxaana lagu keenayaa xeer walba ugu yaraan muddada uu u xaddido Golaha wakiiladu . Maxaa Goluhu uga gaabiyay arrintan? Taas oo saamayn xun ku leh, mushaharka mudanayaasha 2da Gole, Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka madaxweynaha: Qodobka 47-xubnaha Golaha wakiiladu waxay yeelanayaan mushahar iyo gunno xeer qeexo. Qodobka- 65 xubnaha golaha guurtida waxay yeelanayaan mushahar iyo gunno xeer qeexo Qoddobka- 87 mushaharka, gunnada iyo hantida dawladda ee ay madaxweynaha iyo ku xigeenka madaxweynuhu ku dhaqmaan waxa qeexi xeer . Waa ilaa 1997kii inta la lahaa xeerbaa qeexi. Sidaa daraadeed Madaxdii ka talinaysay dalku waxa ay qaataan mushahar iyo gunno aan la sharciyayn, oo ku sifaysan XAARAAN . Mar labaadka madaxweyne Rayaale waxa uu qaataa mushahar badan oo ku badan dalkan saboolka ah. Waxana Ummadda kaga lumay mushaharka madaxwene ilaa 1997kii, lacag ka badan US Dollar 5 million ($5,000,000 ), (waa haddii mushaharka Madaxweynaha iyo M/Ku-xigeenku kala noqon lahaayeen $3000 iyo $2500) iyada oo W.Madaxtooyadu qaabilsan tahay kharashka Qasriga oo dhan iyo lo sameeyo kharash dheeraad ah (Political Fund) oo qeexan. F:G – Waxa laga bixiyo miisaaniyadda W/Madaxtooyadda waxa ka mid: Mushaharka shaqaalaha joogtada ah, Shidaalka, Raashinka ciidanka, Daawada, Gogosha iyo maacuunka, Marti-qaadka, Isticmaalka nalka iyo biyaha, Gurmadka iyo hawlaha lama filaanka ah, Ilaalinta Qasriga Madatooyada iwm.Laga soo bilaabo xilligii la bilaabay ku dhaqanka Dastuurka (1997), waxay xisaab-xidh W. Maaliyaddu keentay 2000 –2001 kii, taasi oo ayna ku jirin lacagyowga kor ku xusan ee miisaaniyada la baal mariyo. Waxa ay wasaarada maaliyadda iyo golaha wakiilada u caado ah jabinta dastuurka:- Qodobka 55-1 (Miisaaniyada): Golaha wakiiladu waxa uu ka doodi karaa, waxna ka bedeli karaa, miisaaniyadda, kuna ansixiyaa go'aan gole. Golaha Xukuumadda iyo Wakiiladu waxay sannad walba ansixiyaan miisaaniyadda iyagoo og inaan lagu darin dakhliga :Dekeda, Haamaha shidaalka ee Berbera, Xadiidka (oo ay mamnuuc tahay in la dhoofiyo), lacagta adag ee xoolaha la dhoofiyo, qadimaada lacagta kambiniyaasha iyo IWM). Iyada oo la jabinayo qodobadan dastuurka . 55-3 Golaha wakiilada ayaa oggolaanaya gelida kharash kasta oo aan miisaaniyada ku jirin. 55-6 Waa waajib u soo bandhigida Golaha Wakiilada xisaab-xidhka sannad-maaliyadeedkii dhamaaday muddo aan ka badnayn lix bilood oo ka bilaabanta taariikhda dhamaadka sannad-maaliyadeedka, iyadoo Golaha Wakiiladu ka doodayo, go'aanna ka soo saarayaan.55-7 U soo bandhigidda xisaab-xidhka miisaaniyadda waxa u xilsaaran Hanti-dhawraha Guud.Wax mar labaad isweydiin mudan, maxay labada Gole dhaafsadeen waajibaadkoodii Qaran iyo xilkii loo igmaday? Mug-yaraanta G/wakiilada iyo khasaaraha ay dalka u gaysanayaan waxa iftiimin doona arrimahan soo socda. Sannadkii hore 2004 kii. Waxa uu Wasiirka Maaliyaddu u qoondeeyay sl:sh- 500,000,000 (shan boqol oo malyuun) mudanayaasha Golaha, si ay u ansixiyaan miisaniyadda.Taas oo aan Buugaagtii miisaaniyadii 2004ka ee golaha wasiiradu ansixiyeen aan ku jirin. Balse lagu daray buugaagtii loo qaybiyay golaha wakiilada si ay u ansixiyaan miisaaniyada. Arrintan oo sharciga khilaafsan, oo wax aan G/wasiiradu ansixin ayna ahayn in loo gudbiyo G/wakiilada. Sannadkan waxa mudanayaasha miisaaniyadda loogu daray sl:sh-400,000,000 ( Afar boqol oo malyuun), Si ay u ansixiyaan miisaaniyada. Taas oo keentay in buuq ka dhasho mudanayaasha iyo shirgudoonka Golaha Wakiilada, Mudanayaashu waxay ka biyo diideen in lacagtaa lagu daro madax xigeenka – 1.5.14b, Barnaamijka Dhamaystirka Shuruucda, oo hoos yimaad Gudoomyiaha.Taas oo gudoomiyaha ay mudanayaashu ku dhaliileen sidii uu sannadkii hore u qaybiyay sl.sh 500,000,000 (shan boqol oo milyan ) ee loo siiyay inay ku ansixiyaan Miisaaniyaddii 2004kii. Iyada oo cabashada mudanayaashu tahay in aanu si siman ugu qaybin oo qaar uu siiyey afar Malyuun (4,000,000 sl.sh), qaarna siiyay labba malyuun (2,000,000,sl.sh), qaarna malyuun iyo badh,(1500,000 sl.sh), qaarna qadiyay. iyagoo ka cadhaysan shirgudoonkooda ayay sanadkan ansixintii miisaaniyada ku xidheen shardi ah in madax-xigeenka 1.1.3 Gunada, Guri iyo Xil, loogu daro si ay toos gunnadooda u gasho. Heerka musuq-maasaqu gaadhay aad buu halis u yahay.Waa mid ka socda madaxda dalka ka talisa.Waana arrin aan Hanti-dhawr iyo cid ka hadli kartaa ayna jirin. Waa hanti intii ilaalin lahayd ay boobayso (Ilaahow ka dawee – Amiiiiiiiiin). Tusaale ahaan Miisaaniyaddii 2004kii, markaan dhaliilo ka soo jeediyay Madxaweyne Riyaale aad buu uga kululaaday, waxa waajibku ahaa in Guddi loo saaro xaqiiqada raadisa markaana la ciqaabo dadka lagu cadeeyo inay lunsadeen $16 million ee aan anigu xisaabteeda hayo. Inshaa'Allaahu mar dhow ayuu xaq dildilaaci oo Ummaddan nabad jeceli sabirkooda wax ku heli doonaan. Tusaale labaadna, Waa la yaab in Shirgudoonku uu u qaybiyey Mudanayaasha sl .sh. (500)million si ay u ansixiyaan Miisaaniyadda 2004(taasi miyaaney ahayn laaluush) iyo sl.sh.(400)million si ay Mudanayashu u ansixiyaan Miisaaniaddii –2005ka. Cashuuraha dadweynaha laga sooo ururiyo waa in iyaga dib loogu celiyo oo wax loogu qabto. Dakhliga la lunsaday ee ay ahayd in ummaddan saboolka ah wax loogu qabto waa ilaa US$94 million lixdii sannadood ee u dambeeyey. FG: lacagtaas kor ku xusan cadaynteeda hadii loo baahdo waxaan ka hor cadayn karaa Golaha Guurtida. Dadweynuhu xaalad adag oo dhaqaale ayuu ku jiraa. Shaqo la'aan, maceeshad qaali ah iyo ka shaqeeya oo nolol cidhiidhi ah ku nool Iyadoo hantidii ummada sidaa loo lunsanayo, ayey nolashii shaqaalaha caadiga ah waxay maanta ku jirtaa cidhiidhi, inta shaqada dawlada ku jirtaana waxay ku jirtaa nolol aad u xun, Tusaale ahaan- Qofka dawlada u shaqeeya ee qoys todoba qof ka kooban ah waxa uu qaataa :
Danta Dadka iyo jirtaanka Somaliland waxay ku jirtaa: 1. In aduunkaa la lunsanayo laga daba tago. 2. In Maamulka la gaadhsiiyo Sool iyo Sanaag Bari. 3. In xukunka degdeg ah oo aan sharci ahayn la tirtiro. 4. In aan xoriyatul qawlka la cabudhin. 5. In doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo. Waxa cadaan ah inaan Golayaasha iyo xukuumadu kala maarmin, heshiisna lagu wada yahay in doorashadu aanay qabsoomin wakhtigeedii. Arinta markaa dadweynaha u furani ee badbaadada dalkuna ku jirtaa waa in Mudanayaal cusub oo tayo leh la doorto. Dadweynuhu waa inuu ku kalifaa Xukuumada inaan Doorashadu baaqan.Waa xalka keliya ee ummada u furan Qaranimada Somalilandna ku badbaadeyso Inshaa'Allaaahu. WA BILAAHI TOWFIIQ. ENG.MAXAMED XAASHI CILMI
|
||||||||||||||||||||||||||||