|
|
|
Curaddo Baaqday!! By Abdulfatah Warsamee Isxaaq Feb. 28, 2005 Dhallinta Soomaaliyeed ee Qurbaha iyo Dhibta ka Haysata Waxbarashadooda. Dhallinta da'da yare ee Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyiga Ameerika iyo Yurub waxaa wakhtigu u saamaxay inay ka qayb qaataan waxbarashada lacag la'aanta ah ee dawladaha ay ku noolyihiin isku waajibiyeen in qof walba oo da'diisu ka yartahay 18 sano uu waxbarasho heer sare ah oo bilaash ah helo. Laakiin, Nasiib darradu waxay tahay in da'- yarta Soomaaliyeed ee qurbuhu aanay sidii la doonayey uga faa'iidin waxbarashadaas la isku baryayo.
Dhibaatada waxbarshadu in kastoo ay kusoo badanayso dugsiyada ay tagaan ardayda Soomaaliyeed ee qurbuhu, haddana waxaa jira dhibaatooyin da' yarteenna u gaar ah. Dhibta ugu weyni waxay tahay in tirsi aad u badan [Tirakoob cilmi ku dhisan oo diiwaan gashan ma jiro, hadduu jirana ma ogi] ee dhallinteennu ay ka saaqidaan waxbarashadooda intaanay dhimmaysan dugsiga sare. Dhibta kasii weyni waxay tahay: Tirada yar ee xitaa dhammaysata dugsiga sare, waxay la soo hoydaan derejo aad u hoosaysa oo aan u qalmin kulliyadaha qiimaha leh ee tartanka xoogga badan lagu galo, taasina waxay dhaxalsiisa in qaar badan oo ka mid ahi haba yaraatee wax waxbarasho ah sii wadin oo ay noqdaan guri-joog, ama suuq-joog, ama xammaali-joog ma-qade-ma-dherge ah. Inta yar ee soo hartayna waxay naftooda ama reerkooda ku qanciyaan inay aadaan kulliyad uun—Kuwo aan sidaas macruuf u ahayn ama waxbarashada dadka waaweyn (Community Colleges or English as Second Language Adult Schools). Laakiin waxaa in la xaqiro aan mudnayn dhallinta Soomaaliyeed ee tiradooda aan la sheegi karin yaraan awgeed oo sida sharafta iyo mudnaanta leh ku soo dhammaysta waxbarashadooda dugsiga sare, dabadeedna safka hore ka fariista fasallada kulliyadaha qiimaha leh ee Waqooyiga Ameerika iyo Yurub. Xaallada waxbarasho ee da'yarteennu waxay maraysaa meel aad iyo aad u liidata. Maalinba maalinta ka sii dambaysana waa ka soo xumaanaysaa. Bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha iyo ciddii kale ee danaynaysa arrimaha waxbarasho ee da'yarteenna waxaa la gudboon inay ku baraarugaan dhibaatadaan dhallinteenna la soo deristey. Waa tacab-khasaar in waaliddiintuna sida ay xammaalayaan ku god-galaan, ubadkeennii mustaqbalka iyo hawl-gab inoo ahaana ay badankoodu derbi-jiif iyo waxaan dhaamin ku dambeeyaan. Wax-garadku waa garanayaa in xaaladdan wax ka qabashadeedu deg-deg (Emergency) tahay, nacasna loo sheegimahayo !! Haddaba Su'aashu waxay tahay: Maxaa ugu wacan dhallinta Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyiga Ameerika iyo Yurub in badankoodu ku guul-darraystaan waxbarashadooda dugsiyada hoose, dhexe, iyo sare? Waxaa Akristayaasha dhambaalkan la ogaysiinayaa in jawaabta laga bixinayo su'aashan aysan ku salaysnayn cilmi-baaris (scientific research) horay loo sameeyey, hadday jirtaba, ama mid cusub oo loo samaynayo si looga jawaabo su'aashaas waqtiga oo aan ogolaanahayn awgeed. Jawaabtu waxay ku salaysantahay uun xogogaalnimo waayaha iyo ag-jooggu ina bareen (personal experiences and observations). Waxaa sabab u noqon kara tacab-khasaarka waxbarasho ee da'-yarteenna qaybaha kala duwan ee bulshada sida: dhallinta laftigooda, waaliddiintooda, maamulka iskoolladooda, macallimiintooda, iyo ardayda sinjiyadaha kale ee ay la fadhi iyo fasalba wadaagaan. Xaaladda waxbarasho ee waqtigan waddammada ay joogaan ku jiraanna waa sabab xusid mudan, laakiin laguma xoojinayo dhambaalkaan. Qormadan loogama wada faallayn karo si xeeldheer dhammaan sababaha kor ku xusan, waana lagama maarmaan in qoraallo is daba-joog ah lagu dhammaystiro. Sababaha Dhallinta Soomaaliyeed Dhibaatada Waxbarasho ee Haysata Iyagaa ka Mas'uul ah!! Dhallinta qurbuhu waxay sabab u noqdeen guuldarrada waxbarasho ee kala soo gudboonaata dugsiyadooda illaa heer dugsi sare. Badankoodu maba ku baraarugsana sababtay waajib ugu tahay inay goolal ka dhaliyaan guulona kala soo hoydaan nasiibka waxbarasho ee Eebbahood ku galladaystay, islamarkaasna iyagoo og nasiib-darrada ku haysata da'-yar fara badan oo weli Soomaaliya ku nool, taasoo ah, waxbarasho la'aan iska daaye, nabad la'aan, hoy la'aan, hu' la'aan, cunto la'aan, dawo la'aan, ama wax walba la'aan. Dhallinta qurbuhu waxay waddammada ay yimaadeen (ama waalidkood yimid) ardayda ay fasal-wadaagga yihiin ka barteen kana badiyeen been . Waxay been u sheegaan naftooda, macallimiintooda, iyo waaliddiintoodba. Waxay isku carbiyaan arrinta khatarta ah ee ah inkiraad, dhankaxid, muran, is-difaac, ama hagag ( plead innocent until proven guilty) . Whaxay been ka sheegaan casharradooda iyo layligooda. Waxay been ka sheegaan gaar ahaan xaaladdooda waxbarasho iyo guud ahaan xaaladdooda nololeed iyo middooda bulshannimo. Bulshooyinka kala duwan ee ay ugu yimaadeen dugsiyada ay dhigtaan, waxay ka doortaan inay ku daydaan kuwa ugu liita: a) xagga edebta, b) xagga waxbarashada, iyo c) dhammaanba xaga horumarka nolosha. Waxay kaga daydaan socodka, hadalka, edeb-darrada, shaqo-nacaybka, waxbarasho nacaybka, caajislownimada, mukhaaddaraadka, maaweelada iyo madaddaalada, muusiko-xumada (Rap or Hip Hop music with vulgar contents), iyo muuqaal-xumada sida wiilasha oo gambo (masar) xirta, ama dhegaha dalooshada oo dhego gashada, ama gabdho iyo wiilalba dhar aad u qaab daran xirta. Dhallinyaradu waxay been u sheegaan naftooda. Waxay isku maaweeliyaan oo waxbarashadooda ku dayacaan riyo been ah, oo qaarkoodba iyagoon arraggeedii iyo abuurteedii lahayn, ay xabaasha isku deeqsiiyaan sida iyagoo iska hadaaqa inay maalqabeen si dhaqso ah ku noqon donaan xirfaddooda xagga isboortiga, quruxda, cod-macaanka, magaalo aqoon , suuqa madow, iyo mukhaadaraadka oo la gado. Faallo dheeraad ah oo dhacdooyin iyo xaqiiqo lagu xoojiyo oo ku saabsan qodobkaan waa lagama maarmaan in lagu falanqeeyo qoraallada soo socda. Faallada sababaha dhimman iyo wixii talo bixin ah waxay haddii Eebe idmo ku soo baxayaan qoraallada is dabajoogga ah ee soo socda aayaha dhow. Sababaha dhimmani waa: 2. Iskoollada –Maamulka iyo macallimiinta 3. Ardayda ummadaha kale ee ay dhallintu kula kulmaan iskoollada 4. Waaliddiinta 5. Arrimaha ay degaanku iyo duruustu abuuraan
Abdulfatah Warsamee Isxaaq abisaac@cox.net;aisaac@sandi.net ___________________________________________ Mr. Abdulfatah is a Chemistry Teacher @ San Diego City Schools, San Diego California.
|