Hudeydi Featured On BBC - Radio 3

Uur hooy

mbaroodka with his daughter Zeynab

" My Ud and I"

" I'd really like to have my own school where I could teach the oud. I've taught my own children and grandchildren. The oud is my greatest pleasure. It's music that can satisfy a huge crowd on its own unlike amplified music and keyboards. I'm 74 years old now so I'm really keen to pass on the tradition, especially to young Somalis here." Hudeydi.

Abdillaahi Qarshe

 

 

 

 

 

Boodhari iyo fanka casriga ah
By: Ibraahin Yuusuf Axmed
Feb. 04, 2005

Fekerka iyo dhaqanka bulshooyinku ma aha waxa cirka ka soo daata ama dhulka ka soo fuura, ee waa silsilad ay guntin waliba mid kale haysato. Marxalad walba oo nololeed waxaa saameeya mid ka horraysey, halka ay iyaduna sii saamayso ta xigta. Haddaba dhammaadkii soddonnadii iyo bilawgii afartannadii qarnigii tegey Geyiga Soomaalida waxaa ka abuurmay xaalad ku cusub fanka iyo halabuurka soomaalida taas oo noqotay, ilaa maantana ah, mid aad u xiise iyo taageerayaal badan. Xaaladdaasi waa heesaha casriga ah ee muusigga loo tumo.

Dad bay la tahay muusigga iyo fanka la xiriiraa in uu dhaqanka soomaalida ku yahay soogalooti, laakiin ma aha ee qalabkaas iyo adeegsigiisu siyaalo kala duwan ayuu weligii dhaqanka ugu soo jiray, ay ka mid yihiin durbaanka iyo haanta oo munaasabado faneed badan loo adeegsan jiray. Taas waxaa dheer jiibta, jaanta iyo sacabka lagu qurxiyo dhammaan ciyaar dhaqameedda taas oo iyaduba ah muusig dabiici ah. Noocyada maansada oo dhan mid walba sida loogu luuqeeyaa iyaduna wax kale ma aha ee waa muusig. Taas oo jirta haddana markii la magaaloobay waxaa loo baahday si iyo qalab cusub oo lagu bulsheeyo la iskuna maaweeliyo. Halkaas ayuu fanka casriga ah ee aynu maanta naqaan ka soo baxay.

Marka laga reebo qaddar saamayn ah oo muusigga iyo masraxa (ruwaayadda) ka soo galay dhanka Suudaan iyo Yaman, halabuurka suugaaneed ee casriyaynta fanka loo adeegsaday waa dhalad si walba ugu abtirsada fanka iyo waayaha soojireenka ah ee soomaalida, wuxuuna ka beermay iniino asal ah oo ku aasnaa dareenka bulshada. Dhinac kasta oo aynu ka eegno waxaynu arkaynaa run ahaantii arrintu in ay sidaas tahay. Waxaanse inoo soo qaadayaa waxyaalaha ugu waaweyn ee fanka casriga ah dhaliyey.

1. Cilmi-Boodhari:

Soddonnadii qarnigii tegay waxaa magaalada Berbera caan ka noqday nin barbaar ah oo miyiga kuraynimo kaga yimid. Ninkaas waxaa goor aroor ah ku dhacay jacayl aan xad lahayn uu u qaaday gabadh ay isku magaalo ahaayeen oo lagu magacaabi jiray Hodan Cabdulle Walanwal. Waa Cilmi Ismaaciil Liibaan oo lagu naanayso "Boodhari".

Dadka oo dhan jacayl wuu ku dhacaa, waxaase ninkaas u gooni ahaa dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin: in uu jacylkiisu ahaa mid ka sarreeya heerka caadiga ah, in uu arrintaas darteed noloshii kale oo dhan wadi kari waayey farahana ka qaaday, in uu ahaa afmaal dantiisa iyo dareenkiisa gabay ku sheegan kara - isla markaas oo gabaygu ahaa wax aad loo qiimeeyo - iyo in uu jacaylkiisa u soo bandhigay si cusub oo lala wada yaabay. Taasi Boodhari waxay u soo jiidday in ay dad badani ku jeclaadaan dad kalena ku nacaan. Dadka ku jeclaaday waxay u badnaayeen reer magaalka iyo dhallinyarada, kuwa ku nacayna sida la garan karo waa dadkii dhaqanraaca ahaa ee ragannimada u yaqaanney adkaysiga iyo yasidda nugaylka.

Ugu dambayn markii uu Cilmi-Boodhari jacaylkaas u geeriyooday isaga oo ka tegey gabay iyo sheeko dheer oo xanuun badan wuxuu noqday shakhsi aan qof maqlay ismoogaysiin karin.

Haddaba maansada iyo xaaladdii nololeed ee Boodhari waxay saldhig u noqdeen fanka casriga ah, waxaana dhimashadiisa ka dib tusaale iyo dhiirrasho ka dhigtay fannaaniinta iyo dad kale oo badan. Marxaladdii koowaad ee fanka noocan ah waxaa lagu bilaabay meerisyo gabay ah oo la sawrac ah kuwiisii laakiin lagu qaaday luuq ka duwan tii gabayga. Koox gole wada fadhida ayaa si subcis ah u wareejin jiray, oo qofba markiisa qaadi jiray, beydad tiro yar, kuwaas oo mid waliba uu isagu samaystay. Waxaa ka mid ah afartan meeris oo aan ku arkay hordhaca buug tayo xun oo lagu magacaabo "Diiwaanka heesaha" kaas oo uu qoray Maxamed Sh. Xasan (Stockholm):

jawharad aan shalay arkoo aqal ka soo jeedday

jeedaaladaan eeg is-idhi sow ma jabi gaadhin

...

Muxubbaba tallaabada markay midigta qaadayso

ma malaa'ig baa ruuxu waa muunad gooni ahe

Saamaynta uu Boodhari arrinta ku yeeshay waa mid u muuqanaysa qof kasta oo u wada fiirsada gabayadiisa iyo hees-faneedda. Sida furan ee xorta ah ee uu ninkaasi dareenkiisa u cabbiray ma ay noqon oo keliya mid fanka loo adeegsaday, ee waxay kale oo noqotay si uu qof walba oo caashaq xanuunjiyaa naftiisa ugu baroordiiqo. Isu ekaanta maansada Cilmi-Boodhari iyo fanka cusub tix walba waa laga heli karaa, balse aynu isbarbar dhigno islana aragno dhawr tusaale:

Boodhari:

caashaqa haween waa horaa Caaddil soo rogaye

Sayidkii Carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye

waxaa qaarba cayn looga dhigay ha iscajabiyeene

soomaalidaa caado xune iguma caydeene

Qaraami:

cusbiyo kama maarmo geelu carroo

cirkiyo wuu og yahay halkii cosob lehe = roob

ceeb ma aha in aan ku caashaqaye

cidliyo ha igu dhaafin ciirsila

Boodhari:

hillaac baa Berbera iiga baxay Hodan agteediiye

hurdadana habeenkii ma ledo haddiyo waagiiye

sida hoorrimaad baa qalbigu ii hanqanayaaye

Qaraami:

sidaan kuu bartayba hurdada ma bogtoo

barkimaan hadba beerka saaraa

Boodhari:

sidii qaalin dhugatoobayoo geelii wada dhaafay

dhallinyaro ma raacee kelaan dhaxanta meeraaye

Qaraami:

sidii geed ku yaal Bankii Geriyaad

goonidu waa mid la iigu talo galay

Boodhari:

gadiidkii aan toosaba adaan kuu guntanayaaye

sidii aad gidaar tahay maxaa kaa i garab taagey

Qaraami:

dhillawyahankaa dhirtuun ka baxee = qadow, geed dhirta kale ka dul baxa

maxaa dhexda iigu kaa maray

Tix ka mid ah kuwa ugu qurux badan gabayga Boodhari oo uu naftiisa ku hiifayo gardarrada jacaylkana dusha iska saarayo meeriska dhextaalka u ah ayaa fannaaniin badan u noqday halqabsi joogto ah. Meeriskaas iyo kuwa laga dheegtay waxay yihiin:

gardarriyee maxaan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey

Qaraami:

boggayga waran baad badheedh u dartee

bagaad i dishoodan ii bixin

...

booqasho keliyaa badh iga hadhayee

bagaadan ina soo bariidayn

...

baroordiiqdu maydka waa ka badhe

bagaanad islahayn 'biyaan qubay'

Run ahaantii ujeeddada halkan ku jirtaa ma aha in eedda la isa saarayo ee qofka la jecel yahay ayaa denbiga lagu badinayaa si loo beerlaxawsado. Waxay la mid tahay marka qofka lagu yidhaahdo: Aniga ayaa kaa gardaran oo wax ku waydiistay.

Boodhari:

cududuhu ma naaxaan ninkay talo ku ciirtaaye

casharkay wadaaddadu qoreen cudurkan goyn waaye = tahliil

cilmi iyo dawaba doontay oo waayey cilinkiiye = halka ay cilladdu ku jirto

Hees:

Allaa i badee caashaq waa belo oo

ma buurra ninkuu barriinsadayoo

jidhkayguu beddeluu ka buuxsamayoo

bakhtiin kari waayey boog shidanoo

Burdahaan ku akhriyi in uu baxo

Saamaynta Boodhari ee heesihii hore ku jirta waxaa la mid ah ta ku jirta heesaha dambe. Eeg:

hawada beena xalay baan is-idhi waad la huruddaaye

hareertayda madhan baan is-idhi haabo gacanteede

kolkii aan hubsaday meel cidla ah inaan ku hawshooday

u haylhaylay gogoshii sidii halablihii aare

siday iga halleeyeen maryihii hiifay oo tumaye

Hees:

xalay gelin dhexaadkii

mar aad gacalo ii timid

ooy gacantu laabtiyo

kuu salaaxday gaaddada...

ma ka toosay gagi madhan

gogoshaan ku jiifiyo

ma guhaadshey aqalkii

2. Ciyaarta dhaantada:

Haddii Boodhari lagaga dayday sida iyo ujeeddada fanka loo adeegsanayo, iyo ku dhiirrashada soo shaac bixinta dareenka nafsadeed, maansada muusigga la saaray badankeeda waa laga leexiyey miisaankii gabayga, waxaana loo doortay habdhaca ciyaarta dhaantada. Heesaha maanta loo yaqaan "qaraami" intooda badan midhaha lagu qaadaa waxay la miisaan yihiin kuwa ciyaartaas. Meeriska dhaantadu wuu ka gaaban yahay ka gabayga, wuxuuse la wadaagaa in ay qaafiyaddu laba jeer gelayso isaga oo aan haddana sida ka gabayga laba qaar lahayn ee mid keliya ah, taasina waa dabci yaab leh.

Heesaha qaraamiga ee habdhaca dhaantada ku dhisan waxaa loo yaqaan heello magacaas oo laga keenay jiibta isla ciyaartaas ee caanka ah. Luuqda heelladu waxay ku jaan go'an tahay sidan oo aad loo jiidjiido:

Helleellooy helleellooy hellooy helleellooy

Hellooy helleellooy hellooy helleellooy

3. Dhaqanka guud:

Labadaas arrimood ee aynu soo xusnay (Boodhari iyo dhaantada) ka sokow heesta iyo ruwaayadda casriga ah waxaynu arkaynaa in ay si toos ah uga soo baxayaan dhaqanka iyo caadooyinka soojireenka ah. Waxaa ka mid ah sida ay halabuurkaas ugu badan tahay qiso ku saabsan laba isjecel oo la isu diiday, nin sabool ah oo gabadha uu jecel yahay helisteeda yarad badan lagu xidhay i w m.

Waa maxay "qaraami"?

Heesaha maanta loo wada yaqaan "qaraami" run ahaantii haddii aynu eegno habdhaca murtida loo adeegsaday waxaynu arkaynaa in ay lahaayeen noocyo kala duwan ayse sidii aynu xusnay ugu badan tahay ta dhaantadu. Qaraam waa erey carabi ah oo macnihiisu yahay jacayl. Magacaas marka xarafka i gadaal laga raaciyo wuxuu noqonayaa wax jacayl ku abtirsada. Markaas heesaha qaraamiga waxaa laga wadaa "jacayl ah". Taas waxaa keenay iyada oo ay dadka magaalooyinku waagaas dhaqanwadaag la lahaayeen gaar ahaan Yaman iyo Suudaan. Cilmi-Boodhari qudhiisa ayaa ereygaas jacayl u adeegsaday markii uu lahaa:

hadday ili wax qabanayso oo lagu qaboobaayo

ama qurux la daawado kol uun aadmi ku qancaayo

aniguba Qadraan soo arkiyo qaararkii Hodane = gabadh qurux ku caan baxday

hayeeshee "qaraam" baa igu galay qalay naftaydiiye

Waxaa kale oo jira magac heesaha xilligaas qaarkood loo yaqaanney kaas oo ah Balwo. Balwada macnaheedu wuxuu la asal noqon karaa "balwad" oo ah wax lagu baloobay (balaayo). Sida uu qofku balwadda ugu xidhmo, ugu raaxaysto haddana u eedo, si la mid ah ayaa fanka iyo muusigga bilawgii loo arkayey wax lagu baloobay. Ereyga "balwo" wuxuu kale oo noqday magac jacaylka qudhiisa loo bixiyey taas oo

halabuur badan ka muuqata sida:

balwadaad igu beertay berigii

boggaygay ku taal sidii boog

Qaraamigu muxuu ka hadlaa?

Fanka cusubi wuxuu noqday fursad loo helay in lagu muujiyo jacaylka oo awel cabbudhsanaa. Nin uu caashaq jilbaha u dhigo oo sidii Raage Ugaas qarnigiiba mar soo baxa mooyee inta la og yahay ma jirin qof si fudud ugu dhiirran jiray sheegashada iyo ka maansoodkiisa. Waa xaalad cusub oo uu Boodhari dabarka ka jaray. Taas waxaa xoojiyey, oo xiise dheeraad ah siiyey, gabayga oo gudan kari waayey hawshan dareenka shakhsiga lagu cabbirayo. Gabaygu in kasta oo uu ahaan jiray halabuurka ugu xooggan waxaa loo ogaa shaqo qabiil iyo bulsho, wuxuuna ku sifaysnaa ad-adayg, dagaal, faan, digasho iyo wax kasta oo dhagar ah; ama dhanka kale garnaqsi, talobixin, nabadayn, haasaawe i w m.

Ma jirin gabyaa magac iyo maamuus ku heli lahaa haddii uu maansadiisa ku mashquuliyo sheegsheegidda jacaylkiisa, ama sifaynta quruxda gabadh uu jeclaa. Waxaa lagu tilmaami lahaa liite xilkiisa gabay. Arrimahaasi waxay shiiqiyeen oo qiimo tireen dareenka qofka u goonida ah. Markaas hees-faneeddu waxay buuxisay kaalin bannaan, waxayna noqotay halabuur fudud, isla markaas aan dan ka lahayn cid kale, caqlina aan ku fadhiyin ee dareenka ka imanaya. Fanka cusubi wuxuu meesha ka saaray in la ceebaysto muujinta nugaylka nafsadeed taas oo lagu tarjumayo calaacal, baryootan, eedsheegad, iyo waxyaalaha la midka ah ee ninka geeljirka ahi u arkayey jileec iyo doqonnimo.

Dhanka kale, fanka cusubi wuxuu abuuray in la curiyo lana adeegsado ereyo kooban oo leh murti aad u culus iyo qaafiyad iyo miisaan, iyada oo aan haddana maansoyahan la ahayn. Mana jiro qof aan heli karin meeris, laba ama saddex nuxur badan oo qalbigiisa maasha ka dillaaciya, isaga oo aan ka lahayn ujeeddo tixeed (maanso taxan).

Si xoogga iyo xanuunka caashaqa la qabo loo qeexo, khayaaliga waxaa la gaadhsiiyey in la sawiro qof jacayl u dhintay oo kii uu dartii u dhintay kaga eed sheeganaya in uusan maydkiisa soo booqan, ama u soo baroordiiqin! Qof dhintay maxaa ka galay kii dilay in uu u soo tacsiyeeyo?! Marka koowaad dhimasho run ah looma jeedo ee waxaa laga sarbeebayaa caashaq guul darraystay. Marka labaad waxaa ku jirta ujeeddo ah: noloshayda iska daaye xataa dhimashadayda aad sababtay jacaylkaaga waan u baahan ahay. Marka saddexaad waxaa ku sii jirta: haddii aan jacaylkaaga u dhintay kaama aan quusan ee waan kaa dhur sugayaa, oo haddii aan ifka kugu waayey aakhiro ayaan rajada u riixayaa. U fiirso:

anigu aakhiraan u dhoof ahaye

Dhexyareey qabrigayga soo dhugo

Qofka la jecel yahay aanse isaga jacaylku gelin waa la guhaamay oo lagu habaaray in uu Ilaahay ku rido jacayl halis ah oo la mid ah ka isaga loo qabo, dabadeed uu ku khasbanaado in uu kii isaga jeclaa caafimaad u soo doonto. Bal arag:

dhawaaqaygu dhaawac kugu noqoyoo

anigoon ku dhakhtarin laguma dhayo

...

cishqiga i ribbaday ku soo ridayoo

kuu raray sidii reero geeddiya

...

iskaa siiyey oo si kula noqotee

waan kuu samrayaaye nabsiga sido

Run ahaantii hadalka noocan ah ee aynu ilaa maanta hees-faneedda ku dhex aragnaa habaar ma aha ee waa ducaysi iyo allebari macnuhu yahay: Ilaahay waxaan ka baryayaa in aad sida aan kuu jecel ahay si la'eg ii jeclaatid, igana fursan waydid oo aan anigu noqdo qofka keliya ee ku dawayn kara.

Inta la og yahay halabuurka soomaalida markii u horraysay heesaha qaraamiga ayey la bilaabatay in jacaylka la falsafadeeyo oo waxa uu yahay baadhitaan lagu sameeyo. Sifooyin iyo magacyo badan baa la siiyey ay ka mid yihiin: cudur, boog, nabar, hawo, waalli, sixir, doog, nabsi, boholyoow, hilow, dhaawac, balwo, dabayl... Waxaa la isla qiray in uu hoog oo dhan sabab u noqon karo, sida uu liibaan oo dhan sabab ugu noqon karo.

Falsafadaynta iyo barashada jacaylku waxay gaadhay in la qeexo inta nooc ee uu u kala baxo, waxaana lagu sheegay ilaa toddoba qaybood:

caashaqu waa toddoba haddii la tirshee

mid aan tegin taabka la ii geli = gacanta

Toddobadaas nooc oo malaha laga wado: ka labka iyo dheddigga, ka waalidka iyo ubadka, ka Ilaahay, ka saaxiibbada, ka samaha, ka quruxda, iyo ka dalka. Ka labka iyo dheddigga ka dhexeeya qudhiisa waxaa loo sii qaybin karaa toddoba ay ka mid yihiin: nin isagu gabadha jecel laakiin aanay iyadu jeclayn, nin ay iyadu jeceshahay laakiin aan isagu jeclayn, laba isjecel oo la isu diiday, laba isjecel oo si kale isu waayey, laba isjecel oo is-helay i w m.

Waxaa kale oo la isku hawlay in la baadho sida uu jacaylku ku yimaado, waxaana la qiray in uu ka dhasho muuqa iyo hadalka ugu horreeya ee lagala kulmo qofka la jeclaanayo, natiijaduna waxay noqotay:

nabsigu waa dabayl duufaan wado oo

dibnaha iyo saaran daymada

Waxaa la weheshaday, oo carrabka lagu celceliyey, ereyo ay ka buuxaan cataw, baryootan, eedsheegad i w m. Waxaad arkaysaa iyada oo lagu raaxaysanayo sheegashada kelinnimo, hurdo la'aan, dhaawac, xanuun, oohin iyo xataa dhimasho. Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame "Hadraawi" oo xaaladdaas dhaliilaya ayaa dhowaan laga sheegay: "Haddii heesihii iyo ruwaayadihii qarnigii tegay dib loo eego waxaa la moodayaa in aynu jacayl u baabba'nay!" Runtuse waa arrinta aynu soo sheegnay ee ah in ay bulshadu heshay fursad faneed iyo si cusub oo ay dareenkeeda ku sheegto, siiba dhallinyarada, taas oo ah wax loo baahnaa nafsad ahaan iyo dhaqan ahaanba.

Ku dayashada Cilmi-Boodhari ka sokow sababta ay maansada jacaylka ahi ugu badan tahay calaacal iyo cabasho waxay tahay, dadka jacaylkooda ku guulaystaa waxba ma allifaan sidaas darteed codkooda lama maqlo, waase dadka uu jacaylku xanuunjiyey kuwa qayladooda iyo baroortooda la maqlaa. Garan maayo sababta ay dadka caashaqooda ku liibaanay taasi uga soo burqan wayday.

Suugaanta qaraamiga yaa curiyey?

Heesaha qaraamiga ciddii tirisay lama wada yaqaan, waayo waxay ahayd meerisyo tiro yar oo ay dabayshu si degdeg ah meel walba u duuliso lagana maarmay in qofkii sameeyey la ogaado. Waxaase jira qaar ku baxay munaasabado caan ah taas oo keentay in aan la illaawin. Waxaa ka mid ah kuwo laga hayo Ismaaciil-Cagaf oo ku caan baxay jacayl ribbaday oo uu u qabay gabadh reer Hargeysa ah. Sida la sheegay wuxuu wadi jiray cagafcagaf taas oo ay naanaystu ka raacday. Isaga oo Togdheer shaqo ku jooga ayaa loo sheegay gabadhii uu jeclaa in la siiyey nin lacag leh oo dhulka carabta ka soo degay kaas oo dhowaan la dhoofi doona. Markii uu warkaas maqlayba Hargeysa ayuu u cararay, judhii uu magaalada soo galayna wuxuu arkay dayuuraddii gabadha lagu qaaday oo cirka sii gelaysa! Halkaas ayuu ka mariyey beydadkan aad caanka u noqday, isaga oo eedda saaraya dhakhsaha badan ee dayuuradda:

bilaa la raraa baabuurrada oo

bariidada waad ka bogataaye

biligtaa qudha baa balaayo ah

Hadalkaas haddii aynu dhuuxno waxaa inagoo dhadhamaysa tixdii calaacalka ahayd ee uu Boodhari nasiib xumadiisa ku hiifay mar uu dayacay fursaddii uu Hodan kula kulmi lahaa, taas oo ay ka mid ahaayeen:

hadhka galay hurdadu waa xuntee hohe maxay seexshay

bal in aan habaar qabo maxaa Hodan i weydaarshay

hooygii ay joogtiyo maxaa hilinki ii diiday

Sida la sheegay beri dambe ayuu nin ay Ismaaciil-Cagaf saaxiib ahaayeen gabadhii oo reer leh la kulmay, waxayna weydiisay: "Saaxiibkaa heesihii caashaqa ahaa ee uu tirin jiray ma iska daayey?" Ismaaciil markii hadalkaasi soo gaadhay wuu damqaday, waxaana ku soo kacdoontay doogtii jacaylka, wuxuuna ugu cataabay:

adoo gabaniyo adoo guri liyo

gabawgaagu waa ii gudboon yiin

Gunaanad

Intaas oo dhan ka dib, meerisyada soo socda ee aan ka soo xulay gabayadii Cilmi-Boodhari, iyo kuwa ka sii dambeeya ee aan iyagana ka soo hal qabtay heesaha qaraamiga, isu eeg si aad u ogaatid in aanay haba yaraatee waxba ku kala duwanayn, af ahaan iyo nuxur ahaan toona. Waxaad arki doontaa kala duwanaanta keliya ee meesha ku jirtaa in ay tahay in ay kala yihiin gabay iyo hees.

Boodhari:

dadku waxay u haystaan inaan dhigay hugaygiiye = in aan waashay

haabkooda may gelin cishqiga hawsha daba taale

inta uu hadhuudh-laha ku daray ama hed soo gooyey

hal hal tirada waan lagu heleyn tan iyo Haabiile

anigana hadduu igu shakalay hadimadiisiiye

...

aqal daahyo weyn derged iyo daar middaan galaba

dallaallimo habeenkii haddaan meel dudda ah seexdo

dayax iiga muuq dheer midduu duunku caashaqaye

iga daaya hadalqaadku waa iiga darayaaye

...

intaan adiga kugu gooni ahaa geed haddaan la hadlo

ama aan gawaan qodayo may gama'sanaateene

gaalada ha joogtee sidaa gacal ma yeeleene

gardarriyee maxaan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey

sidii aad go'aygii tihiyo macawistaan goostay

ama aad godkii aakhiriyo geeri iga baajin

ama aan geyiga lagu ogayn gabadh kaloo joogta

gardarriyee maxan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey

gadiidkii aan toosaba adaan kuu guntanayaaye

goobtaan istaagaba dhulkaan godad ka jeexaaye

sidii aad gidaar tahay maxaa kaa i garab taagey

gardarriyee maxaan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey

...

caashaqa haween waa horaa Caaddil soo rogaye

Sayidkii carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye = Nebi Maxamad (scw)

caruurtay sideen meesha iyo Ciise Nebigiiye

cidla lagama beermeen dadkoo cuuddi waaxid ahe

waxaa qaarba cayn looga dhigay ha iscajabiyeene

soomaalidaa caado xune iguma caydeene

sida weelka caanaha haddii laabta la culaayo

bal aan soo cidaadee maxaa cunaha dhaafaaya

in aan cadaydo mooyee waxaan calasho lay diidye

caqliga yaa ka bi'in tuu Ilaah ku circaddaayeeyey = roob aan qaadin

cimrigayga oon jirin intii lagu cirroobaayey

mugga inaan caddaadaan ka biqi Canab daraaddeede = magac-qaafiyad: Hodan

cududuhu ma naaxaan ninkay talo ku ciirtaaye

casharkay wadaaddadu qoreen cudurkan goyn waaye

cilmi iyo dawaba doontay oo waayey cilinkiiye

jeeraanse Canabeey ku helo caafimaad dhimaye

inaan caad noqdaa baa ka roon caawa saan ahaye

illeen caashaq lama maydhi karo kugu cirrooloobey

...

hillaac baa Berbera iiga baxay Hodan agteediiye

hurdadana habeenkii ma ledo haddiyo waagiiye

sida hoorrimaad baa qalbigu ii hanqanayaaye

waa lay horjoogaa sidii horudhacdii geele

in aan haybsigeed dhigay hadday Hodan i moodayso

gabadh kale oo aan haasaawiyaa wayga haniyaade

...

kolba aniga oo sahashadoo saari ka ahaaday

ayuun baa saraab midabkileey lay sawirayaaye = dhalanteed, dhaandabaggaallee

sadrigay ku daabacan tahee uma sakhraameene

sidii saacaddii bay qalbiga iiga socotaaye

habeenkii markaan seexdo way ila safaaddaaye

salaaddii horay iga tagtaa oo siigo noqotaaye

...

mariil baa qardhaas loo tolaa meelo la qabtaaye = bukaan

mirir baa la gooyaa cishqaan cidina maarayne

...

hadday ili wax qabanayso oo lagu qaboobaayo

ama qurux la daawado kol uun aadmi ku qancaayo

aniguba Qadraan soo arkiyo qaararkii Hodane

wax badan baan qummaati u hubsaday qalanjo naagoode

ha yeeshee qaraam baa igu galay qalay naftaydiiye

idinkuna halkii qoommanayd baad i qabateene

qalbigaan bogsiinaayey baad 'qac' iga siiseene

bal qiyaasa waataan qandhaday Qamareey awgiine

qarqarrada jidhkaygiyo gacmuhu way qadhqadhayaane

qosolkaa yaryari waa waxaad nagu qaldaysaane

in aan Eebbahay idin qatalin qariya laabtiinna

...

iftiinka uma soo baxo ninkii iilka jiifsadaye

wixii kaa adkaadaaba waa aakhiroo kale e

waa laygu eemaray cishqiga inaan ku ooyaaye

ha u oonsan aakhiro waxaad urursataa yaalle

Qaraami:

arooryada hore daruur onkoddiyo

ufada roobku way udgoon tahay = dabaysha roob ka soo horraysa

...

boholyoowga naftayda beer qaadiyo

balwada oohinta ah adaa i baray

...

wax badan buste saaray boogtaydoo

markii ay bogsan wayday la i baray

...

la isuma daayo laba isdoonaysoo

dadkeennu waxyeelladuu door bidee

doogteedii weli waan la dacas nahay = darxumo iyo rafaad

...

halkii aad i qoontay way i qiiqdaayoo

qofkaan arko waan ka qariyaa

...

bal qaraamka in ay ku qiirooto

aan qaado qasiidadeedii

...

haddii aanay muuqan oo la magac dhabo

oo aan maqlo soortu waa ii malab.

...

hurdo waan ka caagoo habeenkii ma seexdee = (heestani waa jiifto)

sidii aan hadraayo aduun bay hor joogee

sidii hogosha roobka ah aduun bay hillaacay

_________________________________________

Tixaha gabayga ah ee Boodhari waxaan ka soo qaatay golaha suugaanta Aftahan.com, meerisyaduna sidii ay ahaayeen isguma xigaan, mana dhamma.

Ibraahin Yuusuf Axmed

Ibraahinhawd@hotmail.com

Copyright © 2005 Wardheernews.com