A Crisis Management

Jigjiga Jan. 17, 2005 (WDN) - An extra ordinary session between the ruling party of the Somali Regional State and members of the Federal Government of Ethiopia has launched today in the city of Dir Dhabe.

Somalis: You “ain't” seen nothing yet

Faisal A. Roble

Resizing the Somali National State (Region 5) to an ever-shrinking arid area is a politically shrewd way to satisfy Oromo political demands at the expense of Somalis in the Somali National State of Ethiopia.

DAMACA OROMO EE MAANTA

Xasan Cabdillahi (jabhad)

Xaaladdani waxay keentay in si badheedh ah dhulkii ay masuulka ka ahaayeen maalinba qeyb Oromo u goosato. Wax tallaabo siyaasadeed ama sharci ah oo ay ka qaadeen midna lama hayo. Hase yeeshee ficil darradoodu kama tarjumeyso dareenka dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan degaanka Ismaamulka. Kooxahan qayilaada iyo is dibindaabyeynta ku caanbaxa

ETHIOPIA MUST TREAT SOMALI REGIONAL
STATE AND ITS LAND FAIRLY

Eng. Omer Ali

Our people experienced the man made fear, intimidation and gross imprisonment. The denial of democratic rights of 400-2000 law-abiding citizens of the Somali regional state (Ethiopia) in the years 2003-2004, because of their historical work and education background in Somalia, is unconstitutional and inhumane

SOMALI GALBEED: DADKII IYO DALKII AYAANKA DARRAA

Ismail A Hassan.

Qormadan oo daba joogta qoraalo isla cinwaankan sitay oo aan hore ugu soo bandhigay internetka ayaa waxaan si gaara ugu eegi doonaa  xaaladda ay maanta ku suganyihiin dadka iyo  dalka S/Galbeed iyo marxaladda cusub ee ay madaxa la galeen.

 Shacabka Soomaali Galbeed intii uu isbedelku ka dhacay wadanka Itoobiya ee dhidibada loo taagay ismaamulada qawmiyadaha wax kasta oo ay qabsanlahaayeen iyo horumarkasta oo ay ku tallaabsan lahaayeen waxaa wiiqay duruufo iyo caqabado laba dhinac uga yimid:-

 1 Maamul fadhiid ah  

 2- Iyo mucaarad xornimo doon sheegta oo jibbo qabiil madax martay.

 

DHUL NINKIISIIBAA ISKA LEH

Ismail A.Hassan (khaliil)

London, UK. Jan. 12, 2005

Sannadihii sagaashaneeyadu waxay ahaayeen sannado ay isbedelo laxaad lihi ka dhaceen guud ahaanba adduunka gaar ahaana gobolka Geeska Afrika. Dagaalkii qaboobaa ayaa waxaa la dhammaaday talisyadii milateriga ahaa ee muddada dheer soo kala xukumayay waddamadii caddaawadda weyni ka dhexaysay ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Soomaaliya maanay waayin xilligaas xukuumaddii Maxamed Siyaad oo keliya ee waxaa iyana meesha ka baxday dawladnimadii Soomaaliyeed. Waqtigaa wixii ka dambeeyay waxaa maskaxda qofka Soomaaliyeed ka sii nabaad guuraysay aragtida iyo fikirka qawmiga ah oo markiisii horeba iska itaal darraa, waxaana kaalinteedii buuxiyay qabiilka.

Waxaa kala qaybsamay waddankii iyadoo qabiilkuna noqday waxa keliya ee qofka Soomaaliyeed uu qadariyo.Hadaba marka aad fiirisid shacabka Soomali Galbeed dhankooda isbadeladdaasi waxay u ahaayeen waa cusub oo u baryay iyo fursad ay muddo badan sugayeen oo shinkeedii galay. Waxay ahaayeen is bedello dib u soo celiyay rajadoodii dhimatay.

Nasiib darro shacabkaasi si fiican ugama ay faa'idaysan fursaddaas oo waxay noqotay mid baal marta, waxaanay saamayn weyn ku yeelatay xaaladda iyo jaha wareerka ka jira Soomaaliya. Maanay helin hoggaankii siyaasadeed ee la saan qaadi lahaa isbedeladaas, bulshadana u horseedi lahaa horumar, cadddaalad iyo sinnaan, xuquuqdoodana soo dhicin lahaa.

Dadka maamulka qabtay taladoodu kama badan hanti urursi iyo u adeegidda danahooda gaarka ah iyagoo wax walba ka hormarinaya sidii ay xukunka ugu nagaan lahaayeen. Waxay dayaceen himiladii iyo hadafkii shacabka S/galbeed iyagoo isla markaana hal bacaad lagu lisay ka dhigay wixii naf iyo maal loo soo huray geyigan iyo halgankii dheeraa  ee ay soo gashay ummaddani.

Si aan u ogaanno damiir xumida shakhsiyaadka maanta u taliya geyiga S/galbeed bal aan diiradda yara saarno fadeexadda hadda ka taagan magaalada Jigjiga. Dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee bililihii ugu dambeeyay ka dhacay Ismaamulka Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa ka mid ahaa arinta afti ku sheegtii laga qabtay meelo ka mid ah deegaankaas oo Oromadu sheeganaysay.

Wax is daba marin weyn oo dhinaca Oromada ah, iyo tabaabusho xumo iyo dayacaad badan oo ka timid dhinaca Ismaamulka Soomaalida ayaa dhaliyay in natiijadii afti ku sheegtaas meelaha qaarkood la yidhaa Oromada ayaa ku guulaysatay. Waxaa haddaba guud ahaan Soomaalida gaar ahaanna dadka dhulkaas deggan yaab iyo amakaag ku noqotay sidii dhib yaraanta ahayd ee uu Madaxweynaha ismaamulka gobolka mudana Cabdi Jibriil ugu saxiixay in dhulkaas Oromadu la wareegto, isagoon haba yaraatee wax wada tashi ah kala yeelan beelaha deegaankaas ku dhaqan.

Shacabka Soomaaliyeed ee deegaankaas ayaa markii ay ka war heleen tallaabada daciifnimada ah ee uu ku dhaqaaqay ninka madaxweynaha ka ah maamulka Soomaalidu si weyn oo geesinimo leh uga soo horjeestay in dhulkoodii ab ka ab ay ku soo dhaqnaayeen si dhib yar uu uga dhaxal wareego. Waxaa shaki iyo qaadasho waa noqotay mawqifka ay madaxda sare ee gobolku siiba madaxweynaha iyo ninka guddoomaiayaha ka ah xisbiga talada gobolka hayaa ka qaateen qaddiyadan oo ah mid aan laga filayn qof mas'uuliyad sheeganaya.

Waxaan iyana marnaba la qaadan karin sida ay uga aamusanyihiin xubnaha baarlamanka gobolka oo iyagu ah hay'adda sharciyeed ee ugu sarraysa maamulka gobolka Soomaalida. Ma'ahan oo keliya in maamulka Soomaalidu uu bixiyay dhulkaas ee waliba wuxuu bilaabay inuu cabudhin iyo caga juglayn kula dhaqmo cid kasta oo isku dayda in ay ka hadasho go'aankooda danaystanimada iyo dhuuni raacnimada ku dhisan.

Waxay xabsiga dhigeen madax dhaqameedyo iyo aqoonyahannadii ka dhiidhiyay arrintan oo ahaa cidda keliya ee u dhaqadhaqaaqaysa qaddiyadan si ay u aamusiiyaan oo amarkoodu u hir galo. Cabdi Jibriil iyo Maxamuud Dirir waxay hilmaansanyihiin in dhulkan ay hore ugu dhinteen oo ay naftooda u hureen kumanaan Soomaali ah, maantana kumanaan kale diyaar u yihiin in ay naftooda u huraan.

Miyaanay ahayn godob iyo gef laga galay mujaahidiintii marka maanta Oromo lagu wareejiyo dhulkii ay dartiis u dhinteen? Sidee buu Cabdi Jibriil ugu dhiirran karaa tallaabada ay hore ugu dhiirran waayeen madaxdii Jamhuuriyadda Soomaaliya?. Su'aalahan iyo kuwo kale oo badani waxaa jawaabtooda laga sugayaa Cabdi Jibriil iyo Maxamuud Dirir.

Maxamuud Dirir oo dhammaadkii toddobaataneeyadii iyo bilawgii siddeetameeyadii guddoomiye ka ahaa ururkii dhalinyarada Soomaali Galbeed ee xaruntiisu ahayd magaalada Hargeysa ayaa hal ku dheggoodu ahaa “Soomaali galbeed way xoroobi”, waxaa hadaba is weydiin mudan Maxamuud Dirir ujeedadiisu ma waxay ahayd inuu wasiir ka noqdo Addis Ababa ?

Labadan nin difaaca qaddiyada dhulka Soomaaliyeed ee ay mas'uulka ka yihiin waxaa kala weynaatay danahooda gaarka ah iyo u xilashada xilalka magac u yaalka ah ee ay hayaan. Hadana waxaa lagu xamanayaa in lacag xoog lihi door wacan ka ciyaartay mawqifka ay ka qaateen arrinkan dhulwareejinta Soomaaliyeed. Waa ayaan darro iyo wax aan caqliga saliimka ahi qaadan karin in madaxdii gobolku ay maanta la safan yihiin Oromo sidii dhulka ay masuulka ka yihiin qaybo ka mid ah loogu wareejin lahaa!

Waa in ay ogaadaan raggaasi inay taariikhda ka geli doonaan baal madaw. Caddaadis iyo cabudhin kasta oo ay u geystaan shacabka xaqooda u doodayana aanu noqon doonin mid ay ku guulaystaan. Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Soomaali galbeed waa in ay mawqif midaysan ka qaataan qaddiyadan, ogaadaanna in arrinku aanu halkaas ku hakan doonin ee dhulkooda maalinba qayb la wareejin doono.

Ugu dambaystii waxaan qoraalkeyga ku soo gebagebaynayaa murtidii Ilaah ha u naxariistee abwaan Maxamuud Tukaale Cusmaan oo ka soo jeeday deegaankaas maanta muranku ka taaganyhay ee ahayd “dhul ninkiisiibaa iska leh “.

 

Ismail A.Hassan (khaliil)

Email- khaliilha484@hotmail.com

News (WDN)Update Jan. 28, 2005

Copyright © 2005 Wardheernews.com