|
|
|
GO'AANKII MAXKAMADDA SARE EE MAREYKANKA (Keyse Jama Vs Immigration and Custom Enforcement) SIDEE BUU INOO SAAMEEYNAYAA ? Cabdiweli Cabdi Haybe Jan 07, 2005 Maxkamadda ugu Sarreysa ee dalkan Maraykanka (Supreme Court) ayaa waxaa dhawaan la hor keeney dacwo racfaan ah oo uu wiil dhallinyaro Soomaaliyeed ah uu kaga codsanayo in aan dalka Mareykanka laga dhoofin (Tarxiilin). Waxaa dacwaddaas watey Laanta Socdaalka (Immigration) iyo Canshuuraha (Customs) oo aan ku qancin go'aankii maxkamadda hoose oo diidey in qof Soomaali ah aan dalkiisii loo dhoofin karin inta ay dawlad la'aan tahay. Ogaanshahey waa dacwaddii ugu horreeyey ee qof Soomaali ahi uu wato ee gaadhey maxkamaddan. Haddaba su'aashu waa kuma qofka watey dacwadani ? Maxkamadduse maxay go'aan ku gaadhey ?
Dacwaddan waxaa watey wiilka la yidhaahdo Keyse Jaamac. Bal Keysow kumaad ahayd ? maxaadse kasbatey oo kar-kaarka ku weydaarshey ? Haddii aan arrintaas indiin soo koobo Keyse Jaamac waa nin dhallinyaro Soomaaliyeed ah, da'diisuna ay tahay 25 jir. Keyse wuxuu dalkan Mareykanka qaxootinimo ku soo galay sannadkii 1996 dii isaga iyo qoyskoodaba. Keyse wuxuu ku noolaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnessota. Keyse waxaa uu sannadkii 1999 galay dagaal gacan qaad ah. Dagaalkii gacan keliya kuma ekaan ee, Keyse wuxuu mindi lugta ka galiyey ninkii ay dagaalamayeen. Falkaas uu Keyse galey oo ah noocyada dembiyada waaweyn ee loo yaqaanno (Felony) ayaa lagu xidhey, kadibna maxkammad lagu soo oogey. Keyse dembigii lagu soo eedeyey maxakamaddu waa ay ku xukuntay. Xabsiga lagu xukumey keliya loogama hadhinee, Laanta Socdaalka iyo Canshuuraha (Immigration and Custom Enforcement- ICE) ayaa codsatey inaan Keyse la sii deyn marka uu dhammeysto ciqaabtaas ay maxkamaddu ku xukuntay si ay ugu dhoofiyaan dalkii uu u dhashay (Soomaaliya). Sannadkii 1999kii ayaa Laanta Socdaalku maxkamadda ka codsatey in Keyse laga dhoofiyo dalkan Maraykanka. Waxaa ay codsigooda sabab uga dhigeen inuu Keyse khatar ku yahay nabadgelyada shacabkeeda. Sannadkii 2001dii, Maxkamaddu waxay go'aan ku gaadhey in Keyse dalka laga dhoofiyo. Haddaba waxaa isweydiin leh, halkee baa loo dhoofinayaa maaddaama ay Soomaaliya dawladi ka jirin ?. Waxaa Keyse la weydiiyey dal kale oo uu doonayo in loo dhoofiyo. Keyse waa uu diidey inuu magacaabo dal kale oo aan ahayn dalkiisii hooyo. Dacwaddii maxkamaddana waxaa uu ka qaatey racfaan. Maxakammaddii racfaanka waxay go'aan ku gaadhey inaan Keyse loo dhoofin karin dalkiisii hooyo maaddaama aaney wax dawlad ahi oo arrintiisa lagala xaajoodo aaney jirin. Waxay maxkamaddu tix-raacdey dacwaddii maxkamadda gobollada galbeed ee Mareykanka ee ku yaalla magaalada Seattle- Ali Ali v. Ashcroft. La antii Socdaalku waxay arrintan ku noqotey dhirbaaxo xun oo lama filaan ah. Hasayeeshee waxay iyaguna go'aankii maxkamadda ka qaateen racfaan waxayna ka codsadeen in arrintan loo gudbiyo maxkamadda ugu sarreysa ee dalkan Mareykanka (Supreme Court). Maxkamaddani waxay sannad walba dhageysataa dacwooyin kooban oo ay tiradoodu yar tahay. Waxay maxkamaddu ugu xisheen garan maayee way oggolaadeen in ay dhageystaan racfaankaas. Waxaa intaas dheer in go'aanka maxkamaddani uu noqodo sharci raad-raac ah (Case Law) oo wixii arrintan oo kale ah laga raad raaci doono mustaqbalka. Sharcigani wuxuu saameyn doonaa cid kasta oo dalkan Mareykanka joogta oo la rabo in dalka laga dhoofiyo oo loo dhoofiyo dalkii ay ku dhasheen xitaa haddii aynan dawladi ka jirin dalkooda. Maxakammadu oo ka kooban sagaal garsoore, markii ay dhageysatey dooddii labada dhinacba waxaa ay go'aan ay ku kala jaban tahay (5 -4) ku gaadheen in iyadoo oo la og yahay in aaney Soomaaliya dawladda ka jirin, haddana Keyse loo dhoofin karo Soomaaliya oo ah dalkiisii hooyo. Go'aankani wuxuu noqdey go'aan taariikhi ah oo uu magac Keyse Jama vs ICE uu ka galay taariikhda sharciga Mareykanka. Waxay arrintan Keyse ummaddii qaxootiga ahayd ku noqotey “Ayax tag, Eelna reeb”. Keyse hala dhoofiyee, maxaa ka dambeyn ? Waxaa ay jaraa'idada Maraykanku ku qiyaaseen in 8,000 oo qof oo Soomali ahi ay hadda qaarkood ku xidhan yihiin xabsiyada, qaar kalena ay sugayaan go'aanka maxkamaddoda racfaanka. Dadkaas waxaanan hadda la filayaa in ka dhoofintooda dalkan wax hortaagan oo sharci ahi aanu jirin.Waxaa kale oo intaas dheer, dad badan oo galay falal damiyeed hadda ka hor ay suurtogal tahay in arrintooda dib loogu noqdo. Oo haddii debiyadii ay galeen ay noqdaan kuwo sharciga ka mudan in dalka lagaga dhoofiyo, laga yaabo in maxkamada Laanta Socdaalka la hor keeno oo la dhoofiyo. Haddaba waxaa is weydiin leh waa noocee dembiyada marka aad gasho dalkan laagaga dhoofin karo ? Sidee baase looga hor tagi karaa arrintan dhoofinta Soomaalida ee ay Maxkamaddu albaabada u furtey ? Marka hore, dambiyada dalkan lagaaga dhoofin karo waa kuwa waaweyn ee fooshaxun (Aggrevated Felonies) iyo dambiyada damiirka qofku uu ka danqado (crime of moral Turpitude) oo ay ka mid yihiin:
Haddaba dembiyada aan galno kee baa ugu badan weeyey su'aashu ? Falal damiyeedka ay Soomaalidu gasho waxaad mooddaa inuu ugu badan yahay dagaalka qoyska (Domestic Violence). Haddii dagaalkaas ka dhex dhaca labada qof ee is qaba uu keeno nabar (xagtinna ha ahaadee) wuxuu dembigii noqon karaa dembiyada waaweyn ee dalka lagaaga dhoofin karo haddii ay maxkamaddu kugu xukunto. Haddaba haddii aan rabno inaan ka badbaadno dhoofintan, waa in sharciga loo hoggaansamo. Tan kale waxaan dhawaanahan arkey dad badan oo Soomaaliyeed oo wakhtigoodii ay dhalashada Mareykanka qaadan lahayeen ay dhaaftey oo aan weli codsanin. Haddii aan u soo noqdo xaalladda Keyse, waxaaba laga yaabaa iney kheyr u jirto ku noqoshada dalkiisa hooyo.
Cabdiweli Cabdi Haybe San Diego , CA – USA E-mail at Heibeh@Cox.Net
|