|
|
|
Tubta Toosan Yaan Laga Lumin Ibraahin Yuusuf Axmed Feb 20, 2005 Dawladdii Soomaaliya loo dhisay muddo aan yarayn ayey debedjoog tahay, intaasna waxaa xubnaheeda ka dhex aloosan khilaaf iyo isburin joogto ah. Maxaa qaldan? In dawlad la dhisto iyo sida loo dhisayo dadkii weligood isku diiddanaa sow ma aha kuwa tan ku wada jira, marka laga reebo Soomaalilaan oo arrinteeda la isku raacay in si kale loo fardaamiyo? Kooxaha Banaadir ee goor walba lagu eedayn jiray in ay nabadda lugta jiidayaan, iyo cid kasta oo waxa la dhisay diidi lahayd, sow dawladda laguma darin oo tiirarka ay isku taagtey ma aha? Guud ahaan dadka soomaalida sow bisayl kama muuqdo, oo wax badan oo la saluugsan yahay dulqaad looma yeelan? Halkii awel waxa la dhiso markiiba af iyo gacanba lagu weerari jiray tan sow looma noqon in taageersan iyo in isxilqaan uga gaabsatay? Itoobbiya oo siyaasadda gudaha ee soomaalida looga maaro waayey sow sidii ay wax u rabtey looma yeelin? Haddana weli wax baa qaldan; waxaa qaldan waxa dawladdii u didday in ay dalkii ka hawl gasho. Sida muuqata waxaa laga gudbi la yahay laba carqaladood oo kala ah magaaladii xarun laga dhigan lahaa, iyo keenista ama keenis la'aanta ciidan qalaad. Qodobka dambe waxaa ku sii mataansan: haddii ciidan qalaad la keenayo yey noqonayaan? Aragtiyaha taas laga kala qabo iyo faallooyinka laga bixiyey ilaa imika waxaa lagu qeexi karaa tuduc uu C\qaadir Xirsi Yamyam ku darsaday silsiladdii ”Deelleey” kaas oo ahaa: nin waliba dan kaa lehe duqdu yey i raacine Deelleeydu waa shaxe aniguna hog baan degey Innaga oo aan ku dheeraan rabitaanka iyo didmada ciidan shisheeye aynu carrabka ku dhufanno saddex danood oo lagu kala jahaysan yahay. Ugu horrayn waxaa jirta koox dawladda wadata, isla markaas rabta in ay hesho awood ay wax ku muquuniso – cid walba. Koox kale iyada oo dawladda oggol ayey haddana ka baqaysaa in loo helo awood iyada lagu muquuniyo. Koox saddexaadna dawladda sideedaba waa ay ka soo hor jeeddaa, dabadeed diidmada ciidan shisheeye mamarsiinyo ayey ka dhiganaysaa. Intaas waxaa wehelisa bulsho aad u badan oo saddexdaas quwadood ku dhex jaho wareersan. Laga soo bilaabo maalintii uu dagaalka sokeeye soomaalida ka dhex qarxay marnaba lama waayin dhaqdhaqaaq ka taliya nabadayn, marba heer uu ahaadaba. Dhawr iyo tobankii shir ee muddadaas la qabtay ha wada fashilmeen, oo dantii laga lahaa yaan laga gaadhin, haddana run ahaantii waxaa ku jirey waxtarro aan la heli lahayn haddii aan la qaban. ”Rag shir lagama daayo” waxaa loogu maahmaahay in la iska war qabo oo waxa la isku diiddan yahay iyo waxa la isla oggol yahay la isla ogaado, talo iyo tusaalana la isku darsado. Haddiise la kala irdhoobo, oo la isu geli waayo, khilaafka iyo kala duwanaanta ayaa xoogaysta, ilaa shisheeye la kala noqdo. Sidaas darteed shirarkaas waxba yaan dawlad taabbogasha lagu dhisin ee ”Kala lulasho iyo kala go kala lulasho ayaa roon”. Kulan waliba wuxuu sii noolaynayey siina jirsiinayey dareenka ah in weli isku ummad la yahay, wax la wadaago oo maqanna la wada raadinayo (dawlad). Tusaale ahaan kulankii Carta muddadii uu socdey iyada oo si walba loo murmay, si walbana loo xafiiltamay, haddana shaki la'aan waxaa ku xoogaystey wacyiga qawmiyadeed. Odayo dhaqameed, aqoonyahanno, wadaaddo, fannaaniin, abwaanno, siyaasiyiin, warfidiyeen iyo dhammaan xoogagga bulshada ayaa isu yimid. Waxaa la isdhaafsaday isbarasho, aragtiyo iyo aqoon aan xaddi lahayn. Waxaa la wadaagey fan, maanso, majaajillo, wacdi, doodo iyo wax kasta oo xoojiya dareenka bulsho mideeya. Warbaahinta, siiba fogaanaragga Jabbuuti, ayaa dhacdooyikaas qof walba oo soomaaliyeed halkiisa ugu geeyey. Waana khasab waxaas oo dhami in ay sii wadayeen ahaanshaha qawmiyadeed kaas oo qunyar qunyar u dhiman lahaa. Run ahaantii kulankii Carta ma ahayn oo keliya mid siyaasadeed ee wuxuu ahaa dhoollatus iyo bannaanbax lagu muujiyey jiritaan ummadeed. Taas waxaa dareengelin weyn ku lahaa Carta oo ahayd ciid soomaaliyeed. Kulankii Nayroobi in kasta oo uu xagga saamaynta iyo wanaajinta nafsadda dadka soomaalida kii Carta aad uga heer hooseeyey, sabab badan dartood, haddana wuxuu ahaan tallaabo aad u wanaagsan oo hore loo qaaday. Haddiise aynu labadaas kulan dhawr siyood isu dhinac dhigno waxaynu arkaynaa duruufo kala duwan oo natiijadana kala duwaya: 1) Kulankii Carta waxaa abaabulkiisa hormuud ka ahayd Jabbuuti, kii Nayroobina Itoobbiya. 2) Hoggaamiye kooxeedyadii Carta diiddanaa ayaa Nayroobi xiddigo ka ah. 3) Axdi Qarameedka Carta wuxuu u xaglinayey dhinaca diinta, ka Nayroobina dhinaca furfurnaanta (liberalism). 4) Dawladdii Carta kalsoonida ugu badan waxay ka raadisay Dunida Carabta, halka ay ta Nayroobi u muuqato in ay talo saaratay Afrika. 5) Tii Carta Xamar waxay u ahayd caasimad aan gorgortan geli karin meel kalena waa lagu kari waayey, tan Nayroobise iyada oo ay dunidu ku cadaadinayso ayey haddana ku dadaalaysaa in ay ka maaranto. 6) Dawladdii Carta waxaa helay karti darro iyo nadaam xumo laakiin xubnihii ku wada jiray in badan ayey daacad isu ahaayeen, hayeeshee tan Nayroobi la isma aamminsana run ahaantiina isku dhan wax looma wado. 7) Tii Carta waxaa ku badnaa dad leh fikrado waddaniyadeed, tanse fikradahaasi aad ayey ugu yar yihiin waxaana ku badan danaysiga gaarka ah. 8) Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan wuxuu ku dhaqmayey ”ishaafalato” iyo ”bal sida ay wax noqdaan arag”, laakiin Cabdillaahi Yuusuf Axmed wuxuu u muuqdaa nin yoolkiisa ku maqiiqan. Aynu dib u eegno waxa keenay dawladdan in dareen sidaas u kala duwan una kala fog laga kala qaato. Ugu horrayn ma aha in la illaawo in aad la isu dilay oo aad wax la isu yeelay, aadna loo kala aammin baxay. Sidaas darteed dawlad kasta oo maanta la dhiso hawsha ugu muhiimsan ee hor taal waa nabadayn, isu soo dhowayn iyo in kalsoonida la soo celiyo, oo gobol, qabiil iyo qofba laga saaro cabsida, shakiga iyo aammindarrada. Taas waxaa lagu gaadhi karaa in geeddi-socodka nabadda intii la doono la sii wado, dawladduna sidaas wax u aragto ee aysan xaqiiqada dusha kaga iman. Sidaas in guul la mahadiyo lagu gaadhi karo waxaa caddayn u ah sida ay hadalladdii Cabdillaahi Yuusuf iyo xubnaha kale ee dawladdiisu wax weyn uga beddeleen dareenka reer Soomaalilaan.
Iyada oo sidaas loo baahnaa ayey mashaqo dhacday. Mashaqadu waxay ahayd madaxweynaha oo isla markii la doortay dalbaday 20,000 oo ah ciidan shisheeye. Waxay ahayd dhirbaaxo kulul oo weli dadka dhegahooda ka sii qaylinaysa. Labaatanka kun ee hubaysan yaa laga rabaa, yaase loo rabaa? Weydiintu dad badan waxay u dhashay jawaab foolxumadeeda laga diday oo ah: madaxweynuhu labaatanka kun wuxuu ka rabaa maamulka Tigreega Itoobbiya haysta, wuxuuna u rabaa in uu ciddii taladiisa hadal gelisa ku qoor gooyo! Dalalka ciidan laga keeni karaa waa ay badan yihiin, markaas maxaa arrinta Tigree loola doontay, maxaase Cabdillaahi Yuusuf in uu wax qoorgooynayo loogu tuhmay? Jawaabtu waxay noqonaysaa, Cabdillaahi Yuusuf sidiisaba waxaa loo yaqaan nin qoorgooyada iyo kelitalisnimada aad ugu dheereeya. Sidoo kale waxaa la wada og yahay xiriirka aadka u xooggan ee ka dhexeeya isaga iyo maamulka Itoobbiya. Markaas dadka sidan wax u arkay waa gartood. Waxaad mooddaa madaxweynuhu in uu illaaway ama is-illawsiinayo dawladda loo doortay in ay tahay mid ku dhisan xeer jajab iyo qabiil, oo aan xammili karin go'aan qaadasho sidaas u fog iyo dhaqdhaqaaq milleteri oo sidaas u culus. Qaybsanaanta iyo kala feejignaanta bulshada dawadeedu ma aha ciidan la dhaqdhaqaajiyo, ee waa sasabid iyo sabaalin, xataa haddii ay labaatan sano qaadanayso, waayo waxa dhacay waa wax aad u weyn. Lubnaan dagaal sokeeye oo keenna la mid ah ka dib, shan iyo tobanka sano hortood heshiiskii Daa'if ee dawladda loogu dhisay weli waa qabyo, welina geeddi-socodkii nabadda waa la wadaa, oo xataa weli waxaa jira xoogag hubaysan oo aan si buuxda gacanta dawladda u soo gelin. Waa lagu khasban yahay in waqtiga wax lagu daweeyo. Xaaladda Lubnaan waxaa kale oo xiiso leh in la iska xasuusiyo farogelintii ay ciidammada Suuriya berigaas ku sameeyeen oo ay ilaa maanta mushkilad nabadgelyo iyo siyaasadeed ka oogan tahay. Suuriya iyada oo ka faa'iidaysanaysa 15,000 ee askari ee halkaas weli u sii jooga ayey farogelin joogto ah ku haysaa dhammaan siyaasadda gudaha ee dalkaas. Xaalkuna maanta wuxuu taagan yahay in Suuriya loo aaneeyo dilkii ra'iisal wasaarihii hore Rafiiq al-Xariiri, ninkaas oo hormuud ka ahaa olole siyaasadeed oo lagu doonayo in ay Suuriya ciidamadeeda Lubnaan kala baxdo. Bal haddaba malee natiijooyinka ka dhalan kara Itoobbiya oo ciidan Soomaaliya dhigata; Itoobbiya oo colaad dheer oo taariikhi ah ka dib aan weli la heshiin? Weydiinta mar walba isa soo mutuxaysaa waxay tahay: haddii ciidan shisheeye oo xooggaas leh loo baahanayo heshiiskii dawladda lagu dhisay muxuu macno lahaa? Mise iyada oo aan la heshiin ayaa dawlad la dhisay? Waxaa habboon in ciidan shisheeye laga maarmo, waayo nabadda iyo xasilloonida la raadinayo qudheeda ayuu ciidankaasi xumayn karaa. Wuxuu kale oo dhaawci karaa dimuqraadiyada ay tahay in go'aannada lagu qaato, wuxuuna luminayaa miisaanka fikradaha siyaasadeed, iyo xataa dheellitirka ay tolalku dawladda ku leh yihiin. Waa in la gartaa kooxaha Xamar ee laga baqayo qudhoodu in ay baqayaan, taasina ay tahay sababta ay hubka ugu dheggan yihiin. Haddaba dadaalka iyo waqtiga lagu luminayo raadinta iyo diidmada ciidan shisheeye ha lagu bixiyo nabadaynta iyo isu soo celinta kalsoonida qaybaha bulshada. Ibraahin Yuusuf Axmed Email: Ibraahinhawd@hotmail.com
|