Related Topics

Somalia 's Hope Should Not Remain Hostage to the Warlords

WardheerNews

Editorial

The momentum of this important occasion should not be lost at this juncture in the history of Somalia when millions of Somalis, both at home and the Diaspora anxiously await for the reestablishment of a functioning recognized government, which would occupy its rightful place in the family of nations. Despite the present challenges, this cherished goal should be within our reach sooner than later.

Warlord Yalaxow Should not be Allowed to Derail Efforts to Pacify Mogadishu

WardheerNews

Editorial

Ill-informed he is. But, fool Yalaxow is not. He intentionally fired his comments at an opportune time – when a high delegation of the government, including him, was sent to Mogadishu as part of a comprehensive fact finding mission prior to the relocation of the government to Mogadishu. Mr. Yalaxow cleverly did not speak his mind in Nairobi, Kenya, for he probably would not have gotten away with it, but waited to do so until he returned to his backyard turf – Mogadishu.

Mogadishu , The Kill Zone : Yalaxow and Radical Islamic Courts vowed to resist change

Ali Bahar

This is not the first time he has drawn attention to himself, but Yalaxow, one of Mogadishu's notorious warlords, vowed to keep Mogadishu “ The Kill Zone” it has been for years now.He vowed not to cooperate with the African Union (AU) in its attempt in bringing African troops to secure Mogadishu . For all the enough and apparent reasons that the AU, or the world for that matter, has agreed to send troops in order to save Mogadishu from the grip of Yalaxow and his likes, Yalahow contends that the foreign troops will bring AIDS to Mogadishu. Give me break! Will you?

Change of tone: The Daily Psychoevolutionary Mode of Mogadishu warlords

Ali Bahar

This change of tone suggests that these warlords are once again going back to their primitive war ritual after they realized that they wouldn't sustain constant attrition if faced with a gorilla war with Ethiopia lest they face extinction. Their wars in the past have become increasingly tied to the achievements of materialistic goals; acquisition, in and of itself, became a primary rationalization for war.

SIWB Press Release English Version

We remind you that these born-again nationalists were at one time or another, client rebels of Ethiopia and that they owe their current economic as well as political power to Ethiopia . And they are not alone because most clan-based militias have at one time or another benefited from Ethiopian patronage and tutelage.

SHACAB DIIFAYSAN IYO
DAWLAD DIBAD JOOG AH
Ismaaciil C. Xasan
March 14, 2005

Dawlad la'aantu waxay ku bartaa qiimaha ay dawaldnimadu leedahay. Taas ayaanan filayaa inay u sabab tahay weedha ay Soomaalidu beryahan dambe sida aadka ah ugu hal qabsato ee “ dawlad xumi dawal la'aan bay dhaantaa ”.

Taas macnaheedu ma ahan in dadka Soomaaliyeed ay raalli ka yihiin in ay hogaanka u qabato dawlad ku sheeg ku shaqaysa caddaalad darro, musuqmaasaq iyo caddaadinta bulshada. Balse waa arrin kuu muujinaysa sida ay ugu boholyoobeen nidaamkii dawladnimo ee 14kii sanno ee aan soo dhaafnay ka maqnaa.

Hadaba shacabka Soomaaliyeed iyagoo aan ku qanacsanayn natiijooyinkii shirkii dib u heshiisiinta ee Nairobi , ayay hadana soo dhaweeyeen dawaladdii shirkaas lagu soo dhoodhoobay. Hase yeeshee niyadsamidaas iyo qalbi furnaantaas ay muujiyeen waxay u muuqataa mid maalinba maalinta ka dambeysa sii gudhaysa.

Dawladda FKMG ee Soomaaliya oo ay ku bahoobeen shakhsiyaad ay colaad, shaki iyo is aamin darro ka dhexeysay muddo dheer ayaa hadda u eg mid aan ka dhabayn karin ujeedooyinkii loo dhisay, iyadoo isla markaana cagta saartay dhabbihii guuldarro ee ay hore u mareen xukuumaddihii iyada ka horeeyay.

Dawaladdani waa isbahaysi aragti iyo ujeedooyin kala duwan leh oo dantu isku qasabtay. Wax yaalaha mideeya ee ay heshiiska ku yihiin ayaa runtii ka badan inta ay isku khilaafsanyihiin ee aanay ku heshiin karayn.

Waa isbahaysi uu loollan xoog lihi xubnihiisa u dheexeyay intii burburka ka dambaysay iyo xilligii uu socday shirkii dib u heshiisiintuba. Waxa ka dhex muuqda shakhsiyaad miisaan leh oo isbahaysigooduna uu ku caan baxay sannadihii aan ka soo gudubnay is rog rog badan iyo marba dhinac isku xaglin. Kaas oo aan lahayn mawqif loogu soo hagaago.

Waa isbahaysi ay ka buuxaan shakhsiyaadkii 14kii sanno ee aan soo dhaafnay dhibaatada weyn u geystay dadka iyo dalka Soomaaliyeed, iyagoo haddana weli u muuqda kuwo aan ka waantoobin siyaasaddahoodii dagaal ooganimo inkastoo ay markan xilal qaran dusha u riteen..

Waa isbahaysi aanay wax macno leh ula muuqan dastuurka iyo shuruucda ay samamysteen ajandahoodana aanay ku jirin waxa loo yaqaan tanaasul oo la'aantii ayna suurto gal ahayn dhinacyo is hayaa inay heshiis ku gaadhaan miiska wada xaajoodka.

Dawalad iyada dhexdeeda u baahan in loo qabto shir dib u heshiisiineed siday dad iyo dal tabaalaysan u samata bixin kartaa?.

Hadaba dhawr bilood ka dib markii dawladdaas la dhisay ayaa weli waxay soo dhaafi la'dahay magaalada Nairobi iyadoo ilaa haddana marti u ah wadanka Kenya ee gogosha u dhigay Soomaalida, halkaasoo weli hoteelada caanka ah lagu masruufo wasiiradeedii iyo xildhibaanadii inkastoo caddaadis iyo cabashaba ka muujiyeen Kenyaanku.

Waxaa markii ugu horeysay tan iyo intii ay xilalka qabteen booqasho ku tagay gobolo ka mid ah Soomaaliya madaxweynaha iyo ra'iisal wasaaraha dawladda FGMG inkastoy ka maageen inay caasimadda tagaan.

Waxaa laga yaabaa in qofka Soomaaliyeed aanay wax yaab ah ula muuqan in madaxweynahoodu uu booqdo dalkiisa, hase yeeshee bal ka fakir haddii lagu odhan lahaa madaxweyne Bush oo booqday Maraykanka ama Xusni Mubaarak oo booqday dalka Masar.

Waxaan filayaa in weedhaha kor ku xusani u muuqdaan kuwo gurracan laakiin inagu waxaan maanta gaadhnay heer uu madaxweynaheenii uu booqdo wadankiisii isagoo dibbad joog ku ah wadan shisheeye, aaminsanna ciidamo shisheeye la'aantood in aanu dalka ku laaban karin!

Arintaas aan kor ku xusnay ayaa sababtay muran iyo is maandhaaf ka dhex abuurma xubanaha dawladda gaar ahaan habkii ay uga haw geli lahayd Soomaaliya, goobtii dawladda xarunta u noqon lahayd iyo keenidda ciidamo nabad ilaalin oo Afrika ku deeqday.

Ku adkaysashada hogaamiye xookeedyada Muqdisho in dawladda ay ka hawl gasho Xamar iyagoo dhanka kale ka gaabiyay inay qaadaan tallaabooyinkii suurto gelin lahaa arintaa ayaa dadka badankiisu u arkaan qorsho ujeedadiisu tahay in lagu wiiqo awoodda dawladda ay xubnaha ka yihiin.

Xaaladda Xamar oo bilihii ugu dambeeyay soo jiidatay indhaha caalamka ka dib markii ay ka dhaceen dilal qorshaysan oo lala beegsaday saraakiil ciidamada ka tirsanaa iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo ay weheliso dhacdadii dibadda loogu soo saaray maydadkii ku aasnaa xabaalaha Talyaaniga ayaa ahaa arimo sawir aan fiicnayn inaga siinaya khatarta iyo ammaan darrada ka jirta magaalada Muqdisho.

Maleeshiyooyinka hubaysan ee aan cidna ka amar qaadan iyo hanjabaadda ka soo yeedhaysa wadaadada mayalka adag ee fadhiisinada ku lah Muqdisho iyo meelo kale oo ka mid ah dalka ayaa iyana ah airin aan la dhayalsan karin.

Ismaan dhaafka soo kala dhex galay shakhsiyaadka mihiimka ah ee dawladda iyadoo aan weli hawsheediiba bilaabin oo dalka dibaddiisa ku sugan ayaa ifafaale aan fiicanayn ka bixinaya mustaqbalka dawaldda iyo ku guulaysiga hawalaheeda.

Dawladdan oo shacabka badankiisu u arkayeen markii horeba abaal marin la guddoonsiiyay dagaal oogayaashii dalka iyo dadka dhibaatada u horseeday, halkii ay ka ahayd in sharciga la hor keeno ayaa aanay hadana shaqsiyaadkaasi weli ka toobad keenin falalkoodii dulaynta iyo ku danaysiga ummadda.

Hadaba xubnaha dawladda oo hadda u qaybsamay laba garab oo ka qaba aragti kala duwan keenista ciidamada iyo goobta ay dawladdu fadhiisin ka dhiganayso ayaa sababi karta guuldarro weyn oo soo wajahda dawladdan.

Sidoo kale shacabka ayaad moodaa iyana inay ku kala daba safan yihiin hogaamiyayaasha labadan fikraddood isku khilaafsan, waxaana xaaladdan aad uga faa'idaysanaya kuwa aan rabin in dalka nidaamkii dawladnimo iyo kala dambayntii lagu soo dabaalo oo iyaga aanay dani ugu jirin in nidaam dawladnimo dhasho maadaama ay hanti badan oo xaaraaan ahi soo gasho jeebkooda maalin walba.

Waxay kooxdani boodhka ka tumayaan fikradihii gaboobay ee ay ku caano maalayeen 14kii sanno ee aan soo dhaafnay ee ahaa iska hor keenista beelaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah iyo soo cusboonaysiinta colaaddii iyo dhibaatadii soo dhex martay sannadihii dawlad la'aanta iyagoo ku hadaaqaya erayo ay ka mid yihiin aargoosi iyo reer hebel baa loo danleeyahay.

Haya'adaha dastuuriga ah ee dawaladda ayaa iyana ay durtaba ka muuqataa kala daadsanaan iyo daciifnimo weyni, iyagoo isla markaana weli isla meel dhigi la' qorshe iyo hawl gal midaysan oo u suurto geliya inay si dhakhso ah dalkii dib ugu laabtaan.

Waxaa wax lala yaabo ah go'aanka adag ee ay qaateen xubnaha beesha USC ugu jira xukuumadda iyo baarlamaanku kaasoo ina soo xasuusinaya gorgortankii iyo sidii ay hadba kooxi shirka uga dudi jirtay si loogu meel mariyo rabitaankooda xilligii uu socday shirka Soomaalida Kenya .

Sidee bay suurto gal u tahay in beel Soomaaliyeed ay keligeed go'aamiso in arrin baaarlamaanka lagaga doodi karo iyo in kale? Miyaanay ka fiicnaateen in ay rabitaankooda u maraan hab waafaqsan dastuurka iyo shaciga dalka?.

Dimuqraadiyadda iyo u hogaansanaanta tirada badan ayaad moodaa inay weli maskaxdooda geli la'dahay hogaamiye kooxeedyada Muqdisho, maadaama ay ahaayeen kuwo awood iyo amar ku taaglayn ku soo dhaqmayay sannadihii dawlad la'aanta iyo fawdada.

Baarlamaanka oo ah haya'adda sharciyeed ee dalka ugu saraysa ayaa iska leh go.aaminta haddii ciidamo shisheeye la keenayo dalka iyo haddii kale iyo weliba wadamada ay ka imanayaan ciidamadaasi iyadoo loo hogaansamayo rabitaanka inta badan.

Haddii uu xaalku sida uu hadda yahay ku sii socdo oo aanay xubnaha dawladdani dib isugu noqon kana fiirsan dhanka ay dhaanka u wadaan, shaki kuma jiro in ay meesha ku kala tegi doonaan iyagoon Nairobi soo dhaafin.

 

Ismail A. Hassan (khaliil)

London, U.K.

E-mail: khaliilha484@hotmail.com

Copyright © 2005 Wardheernews.com