|
SOMALI GALBEED: DADKII IYO DALKII AYAANKA DARRAA
By
Ismail A Hassan.
London, UK
Qormadan oo daba joogta qoraalo isla cinwaankan sitay oo aan hore ugu soo bandhigay internetka ayaa waxaan si gaara ugu eegi doonaa xaaladda ay maanta ku suganyihiin dadka iyo dalka S/Galbeed iyo marxaladda cusub ee ay madaxa la galeen.
Shacabka Soomaali galbeed intii uu isbedelku ka dhacay wadanka Itoobiya ee dhidibada loo taagay ismaamulada qawmiyadaha wax kasta oo ay qabsanlahaayeen iyo horumarkasta oo ay ku tallaabsan lahaayeen waxaa wiiqay duruufo iyo caqabado laba dhinac uga yimid:-
1 Maamul fadhiid ah
2- Iyo mucaarad xornimo doon sheegta oo jibbo qabiil madax martay.
Maamul xumo, colaad, caddaalad darro, qabyaalad, boobka hantida ummadda, karti darro iyo arimo kale oo badan marka aad maqasho waxaa maskaxdaada ku soo dhacaya in laga hadlayo sababihii burburiyay qarankii Soomaaliyeed, balse akhristaw sifooyin kani waa kuwo hadda ka taagan gobolka Somalida ee Itoobiya.
“Waxay mushahar ahaan u qaataan waxaan gaarin kun birr, hase yeeshee qofkiiba wuxuu kharash gareeyaa maalintii lacag aan ka yarayn shan boqol oo Birr, sidaas waxaa yiri nin odey ah oo aan dhawaan kula kulmay magaalada Jigjiga isagoo tilmaamaya raga haya talada gobolka ”
Tan iyo intii uu isbedelku ka dhacay dalka Itoobiya muddo haatan laga joogo 14 sanno nasiib darrada ugu weyn ee shacabka Soomaali galbeed la soo daristay waa iyagoo aan helin hogaan karti leh oo si daacad ah ugu adeega shacabkan mudada dheer cadaadiska iyo dib u dhaca weyn ku sugnaa.
Madaxda gobolku halkii laga rabay inay ka shaqeeyaan horumarka iyo dhismaha wadanka, waxay waqtiga intiisa badan ku lumiyaan loollan iyo isqaqabsi siyaasadeed oo dhexdooda ah, kuna salaysan qabiil iyo danaysi. Taas oo keentay in kursiga madaxweynuhu noqdo mid aan lagu nagaan oo marba qof laga tuuro isagoon dhammaysan xilligiisii. Waxaa ilaa iyo hadda isaga dambeeyay taladagobolka illaa todoba Madaxweyne oo markii talada laga qaaday intooda badani xabsiga soo mareen.
Hoggaan xumadu waxaa kaloo ay dhaxalsiisay geyiga Soomaali galbeed in ay ka hadhaan tartanka qawmiyadaha Itoobiya kana mid noqdo kuwa ugu liita maamulada ka jira dalkaas, iyadoo warar aan si rasmi ah loo shaacini ay sheegayaan in Ismaamulka Soomaalida si toos ah ay ula wareegi doonto dawladda dhexe maadaama ay ku fashilmeen inay danahooda ka tashadaan oo ismaamulaan. Ma jiraan wax mashaariic ah la taaban karo oo laga hirgeliyay waddanka tan iyo intii maamulkani jiray, wax qabadka iyo adeega dawladduna ma aha mid dhaafsiisan magaalada caasimadda ee Jigjiga.
Dadka xoolo dhaqatadaah oo iyagu ugu badan mujtamaca Soomaaliyeed ee deegaankan ku dhaqan ayaanay jirin haba yaraatee wax mashaariic horumarineed oo loo sameeyay. Taas oo sababtay in xaaladda noloshooda wax ka dhaca mooyee aanay jirin wax ku soo kordha. Waxaa in badan laga dhageystaa idaacdaha Itoobiya laanamahooda afka Soomaaliga cabashooyin badan oo ku saabsan wax qabad la'aanta ismaamulka Soomaalida iyo sida uu u dayacay dadkiisa oo ka soo yeeraya dadka xoolo dhaqatada iyo beeralayda carigaas ku dhaqan.
Iyadoo hadaba ay baahida intaa le'eg shacabku u qabaan adeegyada dawladda ayaa haddana dhanka kale ay jirtaa in lacagyawga loo qoondeeyay in wax lagaga qabto adeega dadweynaha in markasta sida la isugu haysto uu waqtigu ka dhaco dibna loogu celiyo inteeda badan dawladda dhexe ee Itoobiya. Hadaba arimahaas aan kor ku soo sheegnay iyo kuwo kale oo la mid ah ayaa waxay keeneen in qaybo badan oo deegaanka Soomaalida ka mid ah ay u gacan galaan qawmiyadda Oromada oo iyadu awood weyn ku leh dawladda dhexe, taageero laxaad lehna ka haysata Tigreega talada haya oo ururadooda qaar ka mid ah ay bahwadaag yihiin..
Deegaanadan oo inta badan ahaa qaar ay sheegato Oramadu tan iyo intii la unkay ismaamulada qawmiyadaha Itoobiya ayaa ah kuwa aanu gaadhin maamulka Soomaalidu isla markaana aanay jirin wax qorshe iyo tabaabushe ah oo loogu talo galay deegaanadaas lagu muransanyhay. Dayacaadaas ayaa maanta waxay keentay ka dib markii afti ku sheeg laga qaaday dadka dhulkaas in ay Oramadu gacanta ku dhigto, duleedkana u soo fadhiistaan magaalada Jigjiga iyagoo isha ku haya illaa Hargeysa. Tani waa mid ka markhaati kacaysa taag darrada iyo qorsha la'aanta maamulka Jigjiga oo waxa keliya ee uu ku caan baxay ay tahay iska daba shaqayn iyo u kala dheeraynta Tigreega si mid kastaa isugu muujiyo daacadnimada ay u hayaan, kalsoonidoodana u kasbado si uu maalmo uga sii far qabsado hantida ummaddan tabaalaysan.
Magaalooyin ay ka mid yihiin Baabili iyo Jinacsani ayaa hadda uu aqalka odayada ee baarlamaanka dawladdda dhexe u ansixiyay inay qaadato Oramadu.(fiiri editorialka Wardheernews.com oo si habsami leh arintan u lafa guray) Hadaba dhacdadan ayaa waxaan ku tilmaami karnaa guul darro weyn oo la soo deristay guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana kuwa S/galbeed.
Haddii awawyaasheen iyo aabbeyaasheen ay waa ku hamiyi jireen Hawaas iyo Herer, maanta waxaa maamulka Oramadu kulaalayaa Jigjiga iyo magaalooyin kale oo badan. Ma ahan markii ugu horeysay ee maamul xumada iyo damiir la'aanta madaxda sare ee gobolku sababto in dhul Soomaaliyeed dhaxal wareego ee waxaa horey loo dayacay magaalada qiimaha badan ee Dirdhaba oo maamulkeedu hadda dawladda dhexe si toos ah u hoos tago. Dhanka kale dagaalada iyo colaada ay ka hurinayaan dhulka Soomaali Galbeed koox qabiileedka ONLF ayaa iyana ah arrin kale oo dib u dhac iyo dhibaato ku abuurtay shacabka dhulkaasi. Kooxdan oo ku guul daraysatay hoggaanka shacabka markii ay hayeen ayaa bilaabay dagaalo ay ugu yeedhaan halgan xornimo doon hase yeeshee bulshada dhulkaas inteeda badani aanay ku waafaqsanayn.
Dagaaladaasi waxay curyaamiyeen wax qabadkii yaraa ee maamulka fadhiidka ah ee Jigjiga ka hirgelin lahaa dhulkaas maadaama ay meelo badan nabad gelyadii faraha ka baxday. Kooxdan ayaa lagu tilmaamaa kuwo aan la socon waaqiciga hadda jira iyo isbedelada dunida ka dhacay. Waan la wada soconnaa xaaladda ay maanta ku sugantahay Soomaaliya in aanay suurto gal ahayn inay wax taageero ah u fidiso sidii looga bartay xornimo doonka S/Galbeed. Haddii waa qofkii ka soo carara cadawga xabashida ay Soomaaliya siin jirtay darajo iyo daryeel maanta inta la qabto oo argagixiso iyo alqaacida lagu sheego ayaa xabsiga loo taxaabayaa ama dib loogu dhiibayaa cadawgii uu ka soo cararay.
Haddii Mingiste uu ka talin jiray dhulka S/galbeed maanta Meles wuxuu xukumaa Hargeisa, Garowe iyo Xamar. Waa taas xaaladda dhabta ah ee maanta taalla geeska Afrika ee la rabo inay ku xisaabtamaan kuwa weli aaminsan in qori caaradii guul lagu gaadhi karo. Hadaba waxaan filayaa in maanta la gaadhay waqtigii qoriga la dhigi lahaa lagana shaqayn lahaa midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaali Galbeed meelna looga soo wada jeedsan lahaa dib u dhiska iyo horumarka wadanka, markii ay haboonaatana laga tashado aayaha danbe maadaama uu dastuurka Itoobiya sidaas qabo.
Ugu dambaystii labadaas kooxood ee aan kor kaga soo hadalnay ayaa loo baahanyhay in shacabka S/Galbeed ka tashado inta ay goori goortahay,waana in si wadajir ah loogu hawl galaa sidii dib loogu hantiyi lahaa dhulalka Soomaalida laga dhaxal wareejiyay iyadoo aan lagu hallayn qabiil gaara.
By: Ismail A. Hassan(khaliil)
London, U.K
Ismaciil Xasan
Copyright © 2004 Wardheernews.com
|