|
|
Dadka Muslimka ah ayaa ku duceysta “Ilaahow ha nagu salladin cadow aan adigana kaa baqayn, annagana noo naxariisaneyn” waxaa taas lagu tilmaami karaa dugaagaan midabka dad leh ee ummadda Soomaaliyeed lagu salladay 15kii sano ee ugu danbeysay. Tan iyo intii dawlad-ku-sheegga ku-meelgaarka ah lagu soo yagleelay dalka aan deriska nahay ee Kenya , wax sii xumaaday ma ahane wax ka soo raayey lama hayo.
Halkii Mooryaanta madax isku-sheegga ahi ay inta wada fariistaan, go'aan ku qaadan lahaaayeen – danbi iyo darxumo in ku filan dalkaan iyo dadkaan waan u geysanaye, aan diirkeenna badbaadsanno oo caano daatay waa la daba qabtaaye, aan qaladkeennii hore wanaag nalooku danbidhaafo aan sameysanno – ayey waxay u guntadeen in ay god dheer ku sii ridaan hammigii iyo rajo-beenaadkii dadku ka qabay in dawladda lagu soo dhisay Nairobi ay wax uun wanaag ah keeni doonto. Waxaa loo kala jabay laba garab, waxaana loo kala guuray dhowr meelood. Waxaa qolo walba ku eedeysay qolada kale in ay iyadu wiiqeyso qarannimadii iyo dawladdii dadka iyo dalka soomaaliyeed loo dhisay! Waxaa dhagaheenna ku soo dhacayey muddo laba bilood ah in Mooryaanta-Madax-isku-sheega ah ee masiirka dalka faraha loo geliyey qaar ka mid ah oo Xamar rug ka dhigtay ay lahaayeen waxaan nabadaynaynaa Caasimadda, waxaan saaraynaa mallayshiyada isla markaasna waxaan qaadaynaa Isbaarada Xamar iyo nawaaxigeeda teedsan. In kastoo hadaaqa iyo sheegashada noocaan ah ay dhammaan ummadda Soomaaliyeed rajo gelisay, dad badanna isku qancinayeen – madax muuqda iyo mindi saawir ah midna lagama samree – bal ha la sugo rag lagama quustee!. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “ Libaax nin aan aqoon baa lax ka dhigta” taas waxaa la mid ah dadkeenna rajada ka qaba in Madax kooxeed xaaraan ku naaxa ah uu habeen iyo dharaar isku baddelo oo ku noqdo nabaddoon waddani ah. Su'aasha isweydiinta mudan waxay tahay: Ma suurtagalbaa mise dhici doontaa in Hogaamiye-kooxeedyada Xamar ay Isbaarada Xamar ka qaadaan, Malleyshiyada dhaqancelin ku sameeyaan, magaaladana nabad iyo kala danbeyn ku soo dabaalaan? Intaan jawaab loo raadin su'aashaan waxaan isku dayeynaa in aan wax ka niraahno sababaha markii hore keenay Isbaaradaan iyo Mallayshiyadaan, haddii sababahaas la waayo ama xal loo helo waxaa sahal noqon doonta in Isbaarada iyo Mallayshiyadana xal loo helo.
Afartaas sababood ayaa ugu weynaa waxa dhaliyey in Xamar lagu kala qoqobo dhowr iyo afartan Isbaaro iyo in jid walba oo Xamar soo gala la dhigo isbaarooyin hadba inta jidkaas dherer le'eg yahay. Si ay haddaba u sahlanaato in jawaab loo helo su'aashii ahayd ma laga yaabaa in Xamar isbaarooyinka laga qaado mallayshiyada la dhaqanceliyo amniga iyo kala danbaynna lagu soo dabaalo, waxaa ka horeeya in jawaab loo helo afartaas sababood ee dhaliyey isbaarooyinkaan hadda weli ma jiraan mise laga gudbi karaa? Sababahaasi weli waa jiraan wax iska badalayna ma laha. Weli sidii baa beel walba ugu oomantahay in ay awood ku maquuniso beelaha kale ee deegaanka Xamar kala dhaxeeyo. Sidii baa beel walba u rabtaa in ay hoggaanka dalka xoog iyo xaaraan tii ay noqotaba ku hantido. Sidii baa amni darradii u jirtaa oo ma jiro hogaamiye kooxeed ku dhaca in uu isbaaradiisa iska qaado, malleyshiyadiisana iska fogeeyo. Sidii baa loogu baahan yahay dhaqaale lagu kala wado hawsha mallayshiyada iyo kala fogeynta shacabka xaqdarada lagu haysto mustaqbalkiisii iyo jiritaankiisii. Sidii baa kalsooni darradu u dhextaal labadii hogaamiye kooxeed ee kasta iyo labadii beelood ee colaadda la dhexdhigay ee kasta. Sidaas baan looga yaabin in hawlgalka Isbaaro qaadka ah iyo Xamar oo mallayshiya laga sifeeyaa ay u noqoto hawl sahlan ama dhib yari ku hirgasha. Waayo iyadoon hubkii iyo mallayshiyadii Xamar yaallay 4% weli la saarin, isbaaradii Xamar iyo agagaarkeeda daadsanaydna aan mid qura laga qaadin balse maalinba maalinta ka danbeysa ay sii kordhayaan ayaa waxaa soo baxaya habacsanaan iyo iska-aaminbax u dhaxeeya hogaamiye kooxeedkii la rabay in ay hurmood ka noqdaan hawsha. Waxaa muuqda daneysi iyo kala aragti duwaan u dhaxeysa mallayshiyaadka kala duwan iyo beelaha kala duwan. Waxaa muuqda in mallayshiyaadkii la saaray ay goobo hor leh ku habsadeen isbaarooyin cusubna dhigteen. Waxaa imaan karta in meelihii mallayshiyaadka laga raray ay mallayshiyaad kale oo aan hawshaan u jajabnayn ama beeshoodu diyaar u ahayn ku habsadaan taas oo keeni karta hurgun iyo dib-isu habayn kale. Waxaa dhici kata ama imaan doonta in hogaamiye kooxeedka isbaaradiisa qaada ama mallayshiyadiisa saara uu nabadgelyadiisa u baqo, ama dhaqaalahiisu hoos u dhaco ama yaraado taas oo meesha ka saareysa awooddii uu caasimadda ku lahaa. Intaas oo mala-awaal oo dhammaantood runta u dhow waxay saadaal ka bixinayaan in hawsha Xamar iyo Isbaaro qaadkeedu aysan ahayn mid ku hirgalaysa habka hadda wax loo wado. Caasimadda oo nabad iyo kala danbeyn lagu soo dabaalaana aysan ku imaan doonin axsaan iyo isxilqaan laga sugo hogaamiye-kooxeedkii halkaas dhigay. Waxaa xusid mudan in dhaqdhaqaaqaan iyo isku daygaan ay hogaamiyeyaasha aan runta looga baran inoo sheegayeen labadii bilood ee ugu danbeysay uu ka dhashay cadaadis ama cabsi ku timid nafsad ahaantooda. Cadaadiskaas ha uga yimaado beesha caalamka oo u sandulleysay shirkii Nairobi ka socday iyo mirihii ka soo baxay. Ama ha ka dhasho dhaqdhaqaaqa iyo hadalada ka soo yeerayey kooxda isla dawladda ay ka tirsanyihiin madaxda ka ah ee ay danta (aragtida maya) ku kala duwan yihiin. Waxaa halkaas laga fahmayaa in markasta oo ay yaraato cabsidii iyo cadaadiskii nimankaan dareemayeen in wax qabadkooduna yaraanayo, waayo markii horaba ma ahayn waxqabad ku yimid daljaceyl, dan guud iyo dar Ilaahay. Gunaanad:
Talooyinkaas afarta ah iyo afartii sababood ee markii horaba isbaarada keenay haddii maanka lagu hayo, loona hawlgalo sidii looga faa'iideysan lahaa, waxaa dhici karta ogolaansha Eebbe kadib in mushkiladda Xamar iyo Isbaaro xal loo helo. Wabillaahi tawfiiq. Cumar C/nuur Nuux - Nabaddoon
Copyright © 2005 Wardheernews.com |