Waxaad qarsataa wa ay kugu dul qormaan
Mohamed Mukhtar
May 4,2005

Wariye : Mudane waxaa la sheegay in ayaan dhexdaa timihii madaxa in aad iska xiirtay,

halkii aad timo ka sugeysayna qoraal ayaa madaxaaga ka soo baxay ee bal arintaa nooga waran?

Soomali : Adeer waxaan maqli jiray ‘waxaad qarsataa wa ay ku qarsadaan', balse waxaan filayaa in aan noqday ‘waxaad qarsataa wa ay kugu dul qormaan'. Bal ii sheeg maxaa ku qoran?

Wariye : Qabiileysi?

Soomali : Waa kaan ugu jeclaa, waa kii dartii aan qarankii Soomaliyeed u dumiyay. Dumarka da'da ah marka ay maqlaan magaca qabiilkood xilliga buraanburka waa kan u ciyaarsiiya sidii dhalaanka.

Wariye :   Soomalinimo?

Soomali : Ala kaa waa kii la'igu magac daray. Mar walba oo heestii Soomaliyeey toosoo toosoo isku tiirsadayee la qaado, xamaasad ayaa i qaada.

Wariye :   Islaanimo?

Soomali : Ala waa tii la igu dhalay. Soo ma arag sida salaada iyo sunaha aan u jeclahay.

Wariye :   Mudane waan ogahay in aad jeceshahay lakiin ma ku dhaqantaa Islaanimada?

Soomali : Af-ka nool abooto mudac. Adiga waxa meesha ku qoran   ii aqri.

Wariye :   Afrikaanimo?

Soomali : Markaan magacaa maqlo waxaan soo xasuustaa heestii Afrikay Hurudoo. Oo aan ku iri:

habeeno badan baan hurudooy
hamuun ku seexdee hurudooy
hirtaanyo awgeed hurudooy
la hadli wayaa hurudooy

Wariye : Taa macnaheedu miyaa in aad Afrikaanimada jeceshahay?

Soomali : Adeer ma waxbaa kuu dhiman! War habeenkii kama gam'o sida aan Afrika laabta ugu hayo.

Wariye : Daneysi? Horey baa loo yiri ‘Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo'. Marka waxaan filayaa in adigana sidaa aad aaminsan tahay.

Soomali : Adeer   waxaan aamin sanahay in mida shaqsiyadeed laga hormariyo mida qarameed. Waayo anigaba hadaan noolan waayo maxaa iga galay qaran noolada.

Wariye :   Carabnimo?

Soomali : Ala waa dhalashadayda runta ah.

Wariye :   Raalina iga noqo, sideed carab ku noqotay?

Soomali : Adeer horey ayaan u sheegay in aad afka ka falan tahay, waxaa oo kale la isma weydiiyo. Anigu carab ayaan ahay.

Wariye :   Awood jeceyl?

Soomali : Maanta Reer Qansax soo xukunka ma hayaan, Allow yaa yiraahda farta taaga reeraha kale ee xukun sugayaasha ah, markaa ayaa la ogaan lahaa in ayan jirin cid awood neceb.

Wariye :   Arimo kale?

Soomali : Taa waa laguu yaqanaa. Lacag samee damiir hayeelan baa ugu horeysa. Habeen walba waxaan ka fikiraa sidii aan lacag uga sameyn lahaa. Tusaale ahaan, iibinta cuntada dhacday, xaalufinta dhirta, boobka dadka, sii iibinta waxyaabaha macaawinada lagu keeno, u adeega danaha dalal shisheeye, iyo arimo kale oo badan. Waad xiiqdaye, orodoo shaah soo cab.

Wariye :   Sida ka muuqata madaxaada iyo hadalkaada waxyaabo badan ayaad jeceshahay isla markaana aad aminsan tahay, madaama uu qalbiga arimahaan oo dhan aanu qaadi Karin, midee ayaad si daacad ah u aaminsan tahay?

Soomali : Adeer si fiican baad u hadashay oo ileyn shaahbaa ku hayay, oo hadaan laalush ku siin lahaa sida websites-ka qaarkood ayaad u hadli laheyd. Waa runtaa oo qalbigu waa hal waxaas oo wadajeceyl ahna ma wada qaadi karo balse marba kii aan doono ayaan sida shaatiga oo kale u xertaa. Horta aan ka bilaabee mida qabiilka iyo Soomalinimada. Marka aan dad badan meel isla joogno, waxaan jeclahay Soomalinimada, balse marka tolkeyga   isku soo harno, jeceylka waxa uu wareegaa qabiilka. Mida Islaanimada waan iska xaliyay oo Ilaah xaqa uu igu lee yahay sida salaada iyo soonka waan ka soo baxaa. Xaqa dadkase, taa horey ayaa loo yiri ‘Rabi ka cabsasho iyo rag iska celin meel islama galaan'. Taana sidaa ayaan ku xaliyay. Midaan Afrikaanimada ah, qolooyinka Afrika midabka iyo dhulka ayaa naga dhaxeeyo ee dhib iguma hayaan inkasta oo aan dhawaanahan maqlayay kuwa leh Itoobiya ayaan walaalo nahay. Carabnimo, Adeer adba caqli ayaad lee dahay carab ma u ekahay. Nin baahani cidi wax haysta ayuu ku biraa.

Wariye :   Mudane miyaanay haboonayn in aad hal arin aaminto taana daacad u noqoto?

Wariye :   Adeer waxaan qabaa cudur la yiraahdo ‘HA QADIN' oo ma doonayo in Ilaah dhankii aan ku qado sidaa daraadeed ayaan Islaanimada dhinac ugu dheganahay. Taa waxaa la mid ah Jaamacada Carabta. Sidoo kale madoonayo in qabiilkayga uu awooda ka qado ama aniga aan qado marka Soomali jeceylnimo wax lagu qaybsanayo. Intaa oo dhan waxaa iiga sii daran ma doonayo in aan ka qado lacagaha aduunka lakala shubaayo.  

Mohamed Mukhtar

London


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright © 2005 Wardheernews.com