|
|
18ka May oo ku beegan sanadguurada 14naad ee Jamhuuriyadda labaad ee Somaliland, waa maalin qiimo iyo qaaye ku leh dadweynaha Somaliland oo dhan kuwii la socday halganka SNM ee soo celiyey gobannimadii dalka, iyo kuwii ka dhanka ahaa. Waxa la wado ogyahay in Jamhuuriyaddii kowaad dhalatay 26kii Juun ee 1960. Jamhuuriyaddaas cimriga gaabani waxay ku dhammaatay israacii aan lagu reynin ee dhashay 1da July 1960kii. Maalintani waxay xaqiijisay dulqaadka, is-cafiska, iyo hiigsiga mustaqbal wanaag huwiya dhammaan beelaha Somaliland min Loyacado ilaa Ceelaayo.Waa dadweyne gacmaha is qabsaday oo mustaqbalka ka door biday gocashu ay eegaan dhibaato waxay soo mareen. Taas mecnaheedu ma aha in la iloobo taariikhda, waayo ninka ilooba waxii tegay, ma qiimeeyo waxa taagan, mana garto waxa soo socda. Haddaba aan mariyo dhacdo aan mar labaad daawaday. Waa ayeeyadii, awowgii, hooyadii, aabahii, iyo ubadkii halganka. Waa loo dhan yahay oo cidi kama maqna. Waa shirweyne balaadhan oo is wada yaqaan, rag iyo dumar, dhallaan iyo waayeel. Waa barxad mug weyn, oo ka iftiimaysa badhtamaha magaalada. Kor iyo hoos, gees ilaa gees waxa lagu iftiimiyey nalal caynba cayn ah, calamo isagu jira, kuwii halganka iyo kuwa qaranka. Waxa banaanka madasha laga taagay iskiriinyo (Screens) waa weyn oo dadka inta madasha debedda ka joogtaa si toos ah ula socoto barnaamajka gudaha ka baxaaya, maqal iyo muuqaalba. Waxa dadka dhex socda oo nidaamka ilaalinaaya dhallinyaro ka soo jeeda facii halganka. Waa xusuus ay wadaagaan shacbi iyo xukuumadba. Waa mid mideysay dadweynaha. Waa sheeko dhab ah, mana aha riyo iyo malo awaal. Xaqiiqdu wey ku hor iman, haddaad dhammaysatid maqaalka. Waa loo dhan yahay. Dadku waxuu wada sitaa bilad dhinaca midig ugu xidhan oo ka marag kacaysa inay halganka ka soo qayb qaateen. Madashu waa baaxad weyn oo si qurxoon loo sharaxay. Dhinaca midigta waxa lagu qoray magacyadii geesiyadii u geeriyoday gobannimada. Waxa gees ilaa gees lagu qurxiyey ubax midab midab ah, oo kor iyo hoosba laga marshay liiska magacyada. Dhinaca bidix waa loox madow, oo lagu qoray dadkii dalkan u dhashay ee ka tirsanaa ciidanka cadowga. Waa looxa ceebta. Mid dhintay iyo mid noolba lagama tegin. Waa taariikh ma guurta ah, oo ninba abaalkiis la marin. Cidi iskuma haysato, oo waa la kala yaqaan. Wajahada hore ee masraxa waxa fadhiya, ubadkii ay ka tegeen mujaahidiintii dalka u soo dhintay. Waxa ka dambeeya hooyooyinkood. Dhinaca midig waxa safka hore fadhiya ayeeyaashii halganka, oy daba fadhiyaan awoowyaashi. Dhinaca bidix waa mujaahidiinta inta ka nool oy ku jiraan, madaxweynaha iyo xubnaha dawladdu. Waxa iyana daba jooga akhyaar matalaysa shacbi weynaha. Waa loo dhan yahay oo madashu waa jiq. Waxa masraha ka socda heeso iyo gabayo ay tirinayaa halgamayaashii shalayto. Waxa dhextaalo u aha filim muujinaaya marxaladihii uu soo maray halganka guusha iyo gobanimada loo soo maray. Waa dad sawir kasta garanaaya. Isla mar bay qoslaan, oo isla mar bay ooyaan. Mar waxa hor yimaada falalkii xumaa ee loo geysan jiray iyaga iyo rayidkaba. Kolna waxa soo baxa guul ay hanteen. Waa dhacdooyin taariikh leh. Raggu waa mirqin itaal yar, waa se weyd caafimaad. Waxa hogaaminayaa ma aha muruq ee waa qiiro wadan. Waa xaq-ku-dirir aan gaban. Gabdhahu kama maqna, waxay sitaan AK-47, labiskoodu kama duwana kan ragga. Buur kasta wey la koraan, dhufays kastana wey galaan. Waxa soo baxay sawir sacabka loo tumay. Waa madaxweynaha oo kildhi degta u sodhan yahay. surwaal kaaki ah oo goo'ga'an labisan, qori AK ahna sita. Waxa la socda ku-xigeenkiisa. Labada nin madasha shirka wey is dhinac fadhiyaan. Qosolbay la ilmeeyeen. Sawirka waxa ku soo baxay nin cadhaysan oo dhirbaaxo labada dhaban caseeyey madaxweynaha. NInka laba wiil ayaa dhowaan laga dilay. Waxuu ku qaylinayaa " haddaydaan waxba iska celinayn ma dadkaad dhammaynaysaan". Waxuu madaxweynahu ugu jawaabay: Guusha Illaahaybaa hayo, Dhowaan waad arki midhaha halganka" Dhinaca midig ee madasha ayaa la wada eegay iyadoo la qoslaayo, madaxweynahii wuu kacay waxuuna u dhaqaaqay dhinaca ay dadweynahu eegayeen. Waxuu arkay odaygii maalintaas dhirbaaxay, oo labiskii dagaalka ku jeeni qaaran. Intuu fooda ka dhunkaday ayey laabta isa saareen. Waxa iyana madasha ka kacday gabadh ka tirsan wasiirada, iyadoo ooyeysa ayeey labadoodiiba isku duubtay. Madaxweynihiiba kor u eegay, waxuuna la yaabay waxa wasiirka meesha keenay. Intay ilmadii iska biisay ayey tidhi" Madaxweyne odaygu waa awowgay". Madaxweynihii oo yaaban ayaa yidhi" Waan ogaa inaad tahay agoontii halganka, maan se aqoon in odaaygan yahay awowgaa. Kolkaasuu intuu odaygii ilmada masarkiisii kaga tirtiray yidhi, miyeynaan helin midhihii halganka. Odaygiibaa yidhi, weliba, waxaan ahay:Guddoomiyaha Ururka Waalidiinta Mujaahidiinta, innantan waxaa dhalay wiilkeygii curad ee dhimmashadiisa aan kugu dhirbaaxay.". Madashii oo dhanbaa sacab iyo qosol la oogsatay. Waa dharaar dalka farxadi dhammeysay. Waa sanad guuro khaas ah. Waxa la saaray heestii calanka. Markii bandiirada la sudhay, ayaa rashka iftiima (Firework) afka laga furay. Waa sawaxan iyo iftiin farshaxan. Waa muuqaal aan la sifeen karin. Labiska qaranka oo nooc nooc ah ayaa leysla dhex marayaa. Hablahu badi wey timo tidcan yihiin. Weelashu waxay jeeni qaarteen calanka. Hees iyo gabay dhammaa. Ciyaaro dhaqan iyo qoob ka ciyaar lasoo gebagebee. Waxa loo sare kacay waa madaxweynaha oo loogu yeedhay inuu shahaadadu abaal marin u qaybiyo qaybaha halgamayaasha mid dhintay iyo mid nool. Waxa koox koox loogu yeedhay cotabyadii halganka oo mid walba la siiyey shahaado sharaf. Waxa si xishmad leh loo aamusay markii la bilaabay in la akhriyo magacyada ragii halganka u dhintay oo sanad walba qaar laga akhriyo xuskan oo kale. Waxa xafladda lagu xidhay, madaxweynaha oo hadalo qiiro iyo dheerogelin isagu jira ku soo koobay khudbadiisa. Waxuu ka waramay waxii loo qabtay mujaahidiintii halganka oo uu ku jiray muddo rubuc saac ah. Waxa lagu qayliyey guul, guul, iyo heestii qaranka. Hadaba akhristow, madashu waa badhtamaha ASMARA, maalintu waa 28 Dicembar 2004 waa xuskii 26naad ee ka soo wareegay aasaaskii jabhadda xoreynta Eriteria. Waxaan ka daawaday satelaydka , waxayna ka mid tahay TViiyada aan aad u daawado, iyadoo nolasho, taariikhda iyo dhaqankaba aynu aad isagu dhownahay. Barnaamajkan oo lagu sii daayey afka carabiga, waxuu ahaa mid qiiro iyo dheygag igu riday. Waa xuusuus u baahan in lagu daydo.Waxaan filaya in haddaan habkan loo xusin qiimaha ay 18ka May leedahay, ay iman doonto mar sidan iyo si ka sarreysa loo xusi doono. Waxa maanta la yidhi xusku waxuu ka dhacayaa beerta xoriyadda ee Hargeysa. Waa guul hor leh. Waana mid qiimaha maanta kor u qaadaysa.Waxa aynu ognahay kal hore dhibaatadii lagu sameeyey dhallintii lagu xidhay xukunka degdega ah. Waxa ayaan darro ah in maanta uu weli xukunkaasi sii jiro. Waa se mid iyana si isku mid ah loo wado arkay. Waxa ka marag furay jiritaanka sharcigan guracan Madaxweynexigeenka, waxaana ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn distoorka, kana hadhay xukunkii Siyaad Barre, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare. Haddaba waxa loo fadhiyaa in la tirtiro xukunkan, furaha u ah cadaalad darrada. Waxa iyana inagu soo biirtay Idaacad Xor ah, waa Radiyow Horyaal, oo noqday codka keliya ee shacbiga Somaliland leeyahay. Mid si dhexdhexaad ah oo madax banaan u baahiya,dhawaaqa dadweynaha,dawladda, iyo xisbiyadaba. Waa guul iyana qadaris mudan. Waxaynu u soconaa doorashadii barlamaanka, oo dhammaystiri doonta dawladnimada Somaaliland oo noqonaysa mid dadweynaha matasha.Taasi waxay dhidibka u aasaysaa dimuquraadiyadda, waana furaha ictiraafka iyo horumarka bulsho weynta Somaliland. Gebegabe, aynu u ducayno intii u dhimmatay gobannimadeena, aynu qiimayno agoontii ay ka dhinteen, oo aynu qadarino inta ka nool rag iyo dumarba.Aynu ilaashano cadaaladda, iyadaa nabadda iyo horumarka haysa.Aynu u naxno inta itaalka yar. Danta guud ha dhowraan kuwa hawsha qaranka loo igmaday.Taariikhda aynu qorno, oo aynu xusno. Waa in loo diiwaan geliyaa qof waliba qaybtuu ka qaatay dhismaha iyo difaaca dalka.Taariikhdaa kala soocda xumaha iyo samaha ee ha la ogaado. Salaanta Eebe korkiina ha ahaato. Ahmed Arwo, Cardiff UK.
Copyright © 2005 Wardheernews.com |