|
|
Hooyo waa insaan cajiib badan,waa qof nagu reebta raad aan tirmayn,waa qof nolosheenii hore ku xirnayd markii aanu yarayn. Waa qof awood u yeelatay in ay naga dhigto qof fiican. Waxyaalahaas oo dhan waa wax Ilaahay Subxaanahu watacalaa ka dambeeya in ay hooyadu awooddda sidaas u faraha badan ku yeelato jiritaankeenna. Dadku waxay jecel yihiin in ay wax kasta ogaadaan oo ay ka sal gaaraan. Khubaro ku xeel dheer arrimaha nafsadda iyo midda bulshada ayaa maalinba maalinta ka dambaysa waxay inoo soo gudbinayaan waxyaalo cusub oo aan hore loo ogayn. Muddo hadeer laga joogo illaa dhawr iyo toban sano ayaa waxaa soo shaac baxday in hooyada inta ay quruxdeedu le'egtahay uu ilmahdeedu caqligiisu la'egyahay. Yacni haddii ay hooyadu qurux badan tahay waxa ay dhalaysaa ilmo maskax badan. Hayeeshee dad badan ayaa taasi ka hor yimii. Waxay sheegeen in aysan isku xirnayn caqliga ilmaha iyo quruxda hooyada, ee ay arrintu tahay in labada waalidba laga dhaxlo caliga. Waxa kale oo iyana jirta in hadba sida ay hooyadu u korsato ilmaheeda uu caqligiisuna u sii kordhayo. Waxa ay aad isugu raaceen xeeldheerayaashu in gacanta hooyada uu ku jiro caqliga iyo horumarinta ilamaheeda.
Waxa kale oo ay inoo xaqiijiyeen khubaradu in hooyooyinka qaarkiis uu ku badan yahay maadooyinkaas wanaagsan, qaarne uu ku yar yahay. Laakiin waxa ay inoo raaciyeen in haddii hooyo kasta ay u dheerayso siinta naaska ilmaheeda in uu xiriirkoodu noqonayo mid caafimaad qaba oo aad u fiican. Waxa ay gaar ahaan yiraahdeen hooyada ayaa hantinaysa ilmahaas. Yacni aad ayuu ugu kaalmaynaya illaa inta ay nooshahay.
Nasiib xumo ayay yiraahdeen khubaradu maadooyinka ka samaysan murugada, shakiga tan yaraysa ama u jilicsanaanta dhibaatada iyo qaar ka mid ah cudurrada ayaa hooyadu samaysa xilliga ay uurka leedahay. Haddii marka ay hooyadu uurka leedahay weydo xanaano jirka iyo ruuxiga ama la kulanto dhibaato ay qaadi weydo, waxa ay u sii gudbisaa ilmihii yaraa ee ay caloosha ku siday. Ilmahaas yar oo boqolkiiba boqol ay noloshiisu ku xiran tahay hooyadiisa malaha difaac uu iskaga difaaco hormoonadaas ama maadooyinkaas ka samaysan waxa xun ee hooydiisu ku sii daynayso. Marka waxa wanaagsan in dhibaatada ay iska dhowrtu hooyadu marka ay uurka leedahay. Zahra Abdi Hersi. Holland E-mail: umubakar@hotmail.com Copyright © 2005 Wardheernews.com |