|
|
Madaxweyne ‘isbaarada” shirka ka hor qaad. “Isbaarada” iyo shirka waan u soo noqon ee aan ku horeeyu ta e balbeleysa. Wax yaa laha SL ka hortaagan Ictiraaaf siyassi ah waay fara badan yihiin waxa se aan halkan ku naqdiyayaa laba fadeexadood oo kuwa sartu ka qudhuntay ah oo kala ah a) SL oo waaxi ma qantahay iyo b) SL oo sidee oo aay dayeysantahay dawgii ka halowday. In kasta oo uu Madaxweyne Riyaale markasta oo uu safar ka soo noqdo amba madax ajnebi ah la kulmo uu ku luuqeeyu ictiraafkii maantuu inoogu dhaw yahay haddana dadka u kuur gala arimaha SL waxa aay aaminsan yihiin intii Riyale xukunka maxkamada sare u garatay in SL wax ka dhaca mooyani wax u kordhay aanay jirin ictiraaf keena sii fogaanaayo. Waxa aany isku raacsanyihiin haddi aan labadda fadeexadood ee kor ku xusan aan lagu dhameyn si aduun weynaha iyo reer Sool ba u cuntanta in geedi socdaka ictiraafku gaabis noqon doono. Khudbadii uugu horeysay ee uu Riyaale ummada u jeediyo markii uu kursiga fuulay waxa uu ku balan qaaday in uu mudnaanta kowaad siin doono soo xero gelinta Ictiraaf siyaasi ah. Isaga oo taa ka duulaaya waxa uu suuqa ku soo daayay dad farabadan oo aan diblomaasiyada aqoon u laheyn oo nin welba uu la cararaayo xaashi yar (oo far hunguri lagu qoray) oo loo gu soo xil saaray ictiraaf raadis oo uu ka mid yahay ergeyga khaaska ah e la yidhaahdo Cumar Duxood oo isagu ku tiraabay in Ictiraafku aanu meel jirin si dhakhsu ahna uu u keeni doono. Haddaba nidaam daradda ceynkaas ah awgeed iyo siyaasada ku saleysan ciiji, cabudhi iyo kelidii talis nimo ayaa la isku raacsan yahay ina aay naafeysay geedi socotka Ictirafka. Xaashiyaha far hungurida ku qoran ictiraaf wax aay ka dhiciyeen moyaani waxba ka maay tarin. Waxa se wax ka tari laha oo aan la isku deyin waaxda SL ka maqan oo gacanta loo fidiyu laguna soo gelbiyo maamuus iyo mash xarad. Haddan Caddoorow se kuu bal balaadhiyo ictiraaafku waxa uu ku jiraa gondaha Dhulbahante . Maxaan sida u edhi? Dawlado aay ka mid yihiin Ingreeska iyo Mareykankuba waxa aay in badan ku cel celiyeen anaku idin ictiraafi maynu EEGGA dawga se idiin ku toosan sidii aa ictiraaf u heli laheydeen waa idinka oo ka raad sada dawladaha Afrikaanka ah khaastana jaarka. Taasi kor ayaay inoogu sheegeen waxa se aay hoos inoogu sheegeen in arinta Harti Waqooyi oo nabad lagu dhameeyaana aay ka turjumeysu SL oo mid ah oo wada socoto. Haddan kuu sii jelciyu taa waxa aay u jeeedan haddi aa tihiin dalkii loo yaqaanay maxmiyadii Ingreeska ee dhulka Somalida (British Somaliland Protectorate) waxa ka haboon idinka oo kala qeybsan inna idinka oo dhan dad ahaan xudduudduna sugantahay aa aduun weynaha ictiraaf ka raadsataan. Taasi wax cilmi ah oo aay u baahantahay ma jirto. Midh ka ah in SL waaxi maqan tahayna ciddi dafirimeyso. Waxa kale oo aan cid dafireeyn in maalintii xukuumada Riyaale xukunka gacanta laga geliyay aay waax daa maanta maqani aay iyada oo caafimaad qabta oo xawligeedii u dhan yahay aay iyada iyo waaxa ha kale ee SL ul iyo deerkeed isku ahaayeen. Waxa kala dheegay ul iyo deerkeed dad badan ayaa aaminsan ina aay tahay siyaasad Jabooti lagu soo ma leegay ee ku saleysan fikradii Ismaaciil Cumar Geele ee aheyd in aan SL degin inta aay Xamar qasan tahay. Siyaasadaa oo ku caan baxday gorigaa abaarta ah ee dulinka leh ha iigu dabranaato ee adiguna gu kor joog. Haddaad si cilmi yeysan iyadana u eegto waxa uu cilmi siyaasigu inoo sheegay in xad sugan uu ka mid yahay shuruudaha lagu qiimeeyu ummad gooni u taagan ee is xukun taam ah leh (soverign). Waxa kale oo iyana lagu qiimeeyaa sida xukunkiidu xuduudaha aay sheeganeyso u gadhsan yahay iyo xooga uu ku leeyahay. SL ina aay waax ka mid ihi (Sool) aay maqan tahay la iskuma hayu waxa kale oo iyana aan la isku heyn in togdheer xukunku ku yahay teel teel barrina iskaba dhaafba (Bariga ka sokeeya carru dhulbahante). Waxa kale oo iyana intaa dheer oo laga war qabaa bariga iyo galbeed midna in aanay lacagta SL ku socon. In ilaa maantadaa qoyan weli shilinkii Afweyni lagu qaato Burco iyo Bariba oo shilinka SL aanu ku socon. Taa cidi dafiri meyso. Waxa se aan dad badani ogsooneyn in gobolka Awdal lacagta Xabashida ee loo yaqaano “Birta” iyo faran gaadka Jabooti ku socdaan kagana mudan yihiin shilinka SL. Waxa yaalo kale oo badan oo aay ka mid yihiin xuduuda galbeedka ee aay ciidamada Jabooti ka haawl galaan marka ay doonaan uu gana haawl galaan sida aay doonan sidii oo aay ka mid tahay xaafad Jabooti ka mid ah ayaan ka hadli laha waxa se aan filayaa in intaasi igaga filantahay toosaale sida xuduudii iyo xukunnkiiba uugu soo yaranaayu Bari iyo Galbeedba Inkasta oo qarran lagu af gobaadsado haddana Somaliland runtii maanta waa qabaail qaranna waa ka aay rabto ina aay uuga diga ro go to. Qabiilka ayaa qaranka ka soo horeeyay. Haaninna gunta ayay ka tolantaa. Sida awgeed nabada oo la suga waxa aay ku xidhan tahay qabaailka oo hesheeya. Haddaan qabiil loo hesheen qarran dhismi maayo. Haddaba dad badan ayaa aaminsan in Riyaale uu qabiilkii xoogeyey qarranimadeena laciifiyay. Maxaan sida u edhi? Dhowr siyoodba waan kuu tusi karraa. Waa mid e nabada SL maanta ka taagan inta gacanta SL ku jirta iyo inta Puntland gacanta uugu jirtaba waxa aay ku timid qabaailkii oo iyago iskood iyo dhexdooda ka hesheeyay ee kumaay iman mid qaran. Taa kowdhi. Midna ku darso xukunku wadanka intiisa badan waa meel uu ka maqanyahay iyo meel uu teel teel ku yahay marka laga reebo gobalka Hargeysa oo ciidankii SL oo dhan la isugu geeyay sidii gobol xoog lagu qabsaday. Waxa kale oo kuu cadeynaaya in xukuumadanni aay sii xoogeyneyso qabiilka miisaaniyada sanadkan oo loo qoondeeyay in sadddex boqol (300) oo caaqil oo cusub loo cumaamado. Halkaa waxa ka cad in aay xukuumado iyada oo qabiil ku gabraaraneysa aay qarana ku af gobaaadsaneyso. Waxa kale oo ku cad in aay caaqil loo cumaamado ka door biday macalin tabaashiir loo dheebo. Taana labba dhi Aan kuu gu daro tu ka sii daran. Sida laga war qabo Madaxweynihii wadanka dhan heystay waa kii ku muusa naabay in haddan qof reer kiisa ka soo jeedaa aanu xubin ka noqon Komishanka doorashada in aanu aaaminaad ku qabin. Bal adaaban kuu dhiibee Madaxweeynaha midhkaa ku tiraabay sideebaa loo odhan karaa qaranimo ayuu aaminsan yahay. Taana saddex dhi. Waxa iyanna ku cadeyneysa in gudoomiye-ku-xigeenka koobaad mudane Cabdilqaadir Jirde uu had iyo jeer inna xasuusiyu in uu meesha u fadhiyu beesha ARAB kana qeyb qaatay shirkii beesha ee soo saaray go'annadii ka hor imanaayey kuwii golaha uu madaxda ka yahey soo saaray. Taana afar dhi. Waxa kale oo iyana kuu caddeynaaya barlamankan qabiilka lagu fadhiyo iyo saami qeybsiga qabiil lagu gorgor tomaayo IWM. Labadaana lix ku dhi. Halkaa waxa ku cad in SL sidii qabaail u dhaqmeysu qarana lagu af gobaad sanaayu. Markaa beenta oo lagu dhaqmo waxa ka raad dheer runta oo lagu dhaqmo. Sida awgeed xukuumada xilka saaranni waa ina aay qabbaailka isku wada wado. Waxana run ah in dad badan oo ka soo jeeda jeedaa Dhulbahante oo iyagu aaminsan SL midnimadiida oo uu ka mid yahay Fuaa'd Adan Cadde aay ka dardaar werinayaan xukun xumida SL ka muuqata kuwii aay la kaftami jireen ee aay isku reerka ahaayeen ee iyago xaga Puntland u xag linayayna aay kula kaftamaan maxaaydun kordh saneysaan Cabdilahi Yusuf iyo Riyaale waa kud ka goor oo qanjo u goor e ka ku xiga iska raac iyaga oo cuskanaaya reboodhada si is daba jooga ah u dhaleeceynaaya xukun qarqooshka SL ee ka kala imanaaya wasaarada debeda ee Mareykanka www.state.gov/g/drl/rls/hrrpt/2004, Amnesty International, www.freemedia.at/wpfr/africa/somalia.htm, Africa Right, Committee for the protection of journalists (CPJ) IWM. Dhulbahante waxa uu tabanaayo isagaa Garaado u naqdeya u leh waxa se aan ku qanacsanahay in haddi gacantii loo fidiyay reer Awdal mid sideeda u suuban loo fidin laha in aay inta ka soo dhawaan la haayeen. Madaxweynow kuliyadda ciidan ee aad ku tiraabtay in aad Caddadley ka dhisi doonto waxa aay dad badani u turjumanayaan in aad dagaal oogeyso Dhulbahante iyo aduun weynahana waay sii didineysa ee waxa aad ku bedeshaa iskool aad Buhoodle ka dhisto. Meel hadal kaga filan yahayna hadimo lagu la ma kaco. Sidaan qoraalo horeba ugu sheegay Dhulbahante iskama tegin ee wax uu ku tagu ayaa la tusay. Imika iyo haatanna sidii inoo caaddada ahaan jirtay marka khilaaf reeraha soo ka la dhix galo cida aay dhaleen amba ka qabta amba isku ooda yiheen ha loo diro si aaminaade u timmaado. Salaadiinta iyo cuqaasha Madaxweynow isu daa iyago ha isu baanani oo farta ha iso lulaanne(I leen haddi xukuumada farta loo lulu qori baay soo qaadaneysaye markaana buutoy buuto wareen ayaay noqon doonta). Xukuumaddan iyada oo aan shirka lagu casuumin iska soo dooyeysatay waxa aay ka dhigan tahay “isbaaradii” qawleysatada Xamar wadada ku jarijirtay waxanna loo turjumanayaa waan ku gu sanduleyin. Talaabada aay xukuumada “isbaarada” ku gudub tay hesheeskii salaadiinto dhigtiin waa mid lagu duud siyaayo in doorasho ka dhacdo Sool iyo Sanaag. Marka Madaxweyne haddi aad daneyneyso in sulux lagu dhameeyu khilaafka Sool iyo Sanaag “isbaarada” aad ku hor gooysay ka qaad. Waxa aan inta ku darayaa Riyaale waxa uu ku hanjabey Khudbadiisi uu beerta xoriyada uuga jeedeyay ummada 18kii May 2005 in haddi xilka laga xayuubiyu aanay midnimada SL Jiri doonin. Halkaa waxa ka cad in Madaxweynuhu marlabaad cuskanaayu qabiil. Waxa se xusid mudan in reer Awdal Riyaale uu aan saaxada siyaasadeed ka muuqan aay dantooda u arkeen in ay ku jirto midnimada SL sida awggedna aay qeyb libaax uuga qaateen iyaga oo aan cidna uugu daneeyneyn. Haddaba waxa loo baahan yahay in sidoo kale reer Soolna aay u arkaan in dantoodu ku jirto SL. Si kastaba ha noqoto ee waxa lagama maar maan ah in xukuumada la gu la xisaabtamo waxa aay iyado wax ka qaban karto amba kacanta ku heyso ee aanay ka murmi kareyn oo aay ka mid yihiin waaxda SL ka maqan oo ‘isbaarada” lagu gudbay laga hor qaado iyo qeynoonka iyo axdi qarameedka lagu hesheeyay oo loo hogaansamu Waxa aan ku soo gunnaanadayaa SL waxa aay ka dhigan tahay innan guur doona ah. Innan guur doonena waxa aay calaf ku doonata qurux (weji) amba raga nimo ka danbeyso. Qurux iyo qurux la'aanba waa ina aay ka reebanaata XAMASHO oo aan la xaman magac loo gu soo hirtana sameeysatay. Waa ina aay amaanto ka soo horeeyso oo ay istaa hishu in bahal iyo colba loo gu beegsado. Dadka hadaba u kuur gala qiimeynta SL waxa aay isku raacsan yihiin in SL la xanto laguna xanto in dhowr fadeexadood oo qaar lafa jebis yihiin sida a) waaxda maqan iyo b) soofdaran haboow aay ka kala dhantaaleen waafinimadii iyo wejigii quruxda badnaa. Ictiraafku sidii uu ku iman lahaa waa la hakranayaa hadba gidaarkan la isku qaadayana waa qawda ma qashii waxana how qaban. Ali Gulaid, San Jose , CA Copyright © 2005 Wardheernews.com |