Websiteyada & Xisbiyada Somaliland waxay ka turjumayaan Dadweynaha
Axmed Carwo
May 30, 2005

Waxaan muddo akhriyaayey eedayn isku tuur-tuur ah oo qaybaha dadweynaha Somaliland, midba mid ku canbaaraynaayo qaran dumis iyo ictiraaf diid. Waxa leysu galay internetka iyadoo rag dano gaara lihi ay dadweynaha ku jaah wareerinayaan ammuuro ay ogyihiin inay runta ka fog tahay.
Websiteyada oo midba mid caayaa, ma aha waxtar. Ma aha wax qiimo u samaynaaya xataa kan qoray. Waxa aynu qaadanay habka dimuquraadiyadda, isla markaas waxa aynu diidnay mabda'iisa kowaad. Mabda kowaad ee dimuquraadiyaddu waa in ra'yiga leysku khilaafo, in aragtida lagu kala duwaanaado, in xor loo noqdo wax sheegga, dhaleecaynta iyo faa'qidaada rayiga kale. Waxa ka reeban cayda shakhsi, xisbi, urur, gobol, degmo,beel iwm.
Waxa laga yaaba in rag badani si dadban u diidan yihiin mabda kowaad ee dimuquraadiyadda. Diidmadaas lafteeda ayey balan qaadaysaa dimuquraadiyadu.Waa nidaamka keliya ee fasaxaaya in laftiisa laga hor yimaado.Waxaad dalalka nidaamkan qaata, ku dhex arkaysaa ururo ka soo horjeeda jiritaankeeda, oo si sharci ah loo ogol yahay.
Anigoo taas ka duulaaya waxa aan u arkaa in websiteyada iyo xisbiyaduba yihiin qaar xalaal ah, aragtiyada ay ku kala duwan yihiina ku dhisanyihiin  nidaamka aynu qaadannay. Waxa habboon in loo fahmo in warbaahintu ka turjumto aragtida dadweynaha, isla markaas laga yaabo inay dhan u janjeedho. Taasi kama dhigayso mid xaraan ah, amba sida looga bartay nidaamkii faqashta, qaran dumis. Kalmaddan QARANDUMIS, oo laga dhaxlay nidaamkii diktaatooriyadda, ayaa si hawl yar leysugu tuurtuuraa. iyadoo la iloobay in nidaamkan aynu qaadannay yahay mid ka koray in qofba kan kale rayigiis ku qasbo, hadduu ku guulaysan kari waayana ku tilmaamo qaran dumis.
Dacaayadaha noocan ah, waxa ku lumaaya danta guud, iyadoo runta iyo beenta la kala garan waayo.Waa tan keentay in lagu sifeeyo siyaasaddu inay tahay been. Kolkaas oo loo arko cidda siyaasad ka hadashaa inay tahay beenleey. Waa amuur runta ka fog. Siyaasadddu waa nidaamka lagu hoggaamiyo bulsho weynta. Waxaa u sal ah mabaadi iyo qorshe habaysan, kuna dhisan aragti iyo fikir ay xisbi wadaagaan, waa kolka nidaamka xisbiyada badan lagu eego.Waxa go'aanka leh dadweynaha, oo kol walba haya midida daabkeeda.
Haddaba waxa habboon, haddii website u janjeedho dhinac, in loo arko mid uu xaq u leeyahay. Waxaad ogaataa in cidda sidaas u argtaa tahay iyana mid xaq u leh. Waayo janjeedhida lafteeda ayaan leysla meel dhigi karin. Anigu kollayba aragti shakhsi ayaan ka qabaa websiteyada, oon u arko in qaar ay aad xag u jiraan. Marna se uma arko inay yihiin QARANDUMIS.Waxaan ku dadaalaa inaan akhristo intooda badan weliba kuwa iska soo horjeeda. Kolkaas ayaan caqligeyga la kaashadaa .Ma aha haddaan akhriyo war aanan jecleysan inaan xumaan iyo cay u kiilo ciddii qortay. Waa inaan garwaaqsadaa xoriyadda muwaadinku u leeyahay inuu rayigiisa cabiro, iyo inuu xisbiga uu doono raaco. Dadka aan qaadi karin weedha ka soo horjeeda, waa qaar aan caqligoodu diyaar u ahayn inuu koro, kuna qufulan fikrad qof kale leeyahay. Taas lafteedu ma aha wax leysku caayo. Waayo qofku xor ayuu u yahay inuu indho la'aan cid ku xidhnaado. Waxaase la gudboon inuu isna dhowro in dadka kale xaq u leeyahay inay ka biyo diidaan fikradiisa. Kolkaad jeceshay in fikradaada la daabaco, lana akhristo ogolow in tan kaasoo horjeedana fursaddan oo kale la siiyo.
Waxaan u arkaa guud ahaan in websityada Somaliland, ay dhan uga soo wada jeedaan dhismaha dalka, ictiraaf doonka iyo baahinta fikradaha kala geddisan ee muwaadinka. Waxa jira website rayi ahaan aan u arko mid isku kooba gobal. Waa webka la magac baxay Awdalnews.com. Magaciisa ayaa muujinaaya gobalnimo, waana laga yaabaa in ujeedada loo aasaaasay ku koobantay qaddiyadda gobalnimo. Mana xuma, ee waa mid uu xaq u leeyahay. Waxaan se jeclaan lahaa inay baaxadda ay ka waramaan ku ballaadhiyaan qaddiyadda Somaliland oo dhan. Waa inay doodaha ku saabsan dhismaha dhaqan dhaqaale, siyaasadeed, bulsho iyo aqooneedba ay heer qarannimo ka qaataan, oo ayna isku koobin arrimaha sida gaarka ah u taabanaaya gobal khaas ah.
Webkani waxa kale oo uu ku khaas yahay, in lagu soo bandhigo maqaallo xasaasi ah oo dhammaan ku qoran afka ingiriiska. Waxaad mooddaa inay iloobeen raggan oo dhammaan qori kara Soomaali, in gobalka Awdal afkiisu yahay Soomali. Waa gobal hodon ku ah fanka iyo suugaanta. Waa beer ay ka soo baxaan abwaano caan ku ah daafaha Soomaalidu degto.
Waxa aan is idhi, malaha raggani waxay ka gabanayaan in afkaartooda ay akhristaan dadweynaha Awdal oo arki lahaa qaab-fikirka ragga qaarkii. Marna waxaan is idhaahdaa, malaha weli waa qaar ku faanaaya aqoonta ay u leeyihiin afka ingiriska. Kolkaas ayaan idhaahdaa, miyaan la dhaafin xilligii raggeena afka ingiriiska bartay loo arki jiray aqoon yahanno aan cidi gaadhin. Sowkan boqolaalka kun ee Soomaali ku dhalatay carro Ingiriis, oo afkooda hooyaba noqday Ingiriis.Waxaan jeclaan lahaa in fursad la siiyo reer Awdal ku qiimeeyaan fikradahan ay qabaan raggan af-Ingiriiska u yaqaan af reer Awdal fahmi karaan. Waxaan qabaa inay jawaabo culculus ka heli lahaayeen dadweynaha Awdal oo arki lahaa guraca ku jira maqaalo dhowr ah, oo lagu asturay af-shisheeye. Hadday rabaan inay qaddiyadda Awdal ka hadlaan, ha ku dhiiradeen inay ku soo qoraan afka Awdal leedahay, oo ha noqoto mid dadweynuhu fahmi karo. Ma se aha wax lagu caayi karo,hadday ku adkaystaan inay aragtidooda ku dhiibtaan af-shisheeye. Waa mid ay xor u yihiin. 
Xadiiska Rasuulkeenu SCW, wuxuu ahaa:" walaalkaa la jeclow waxaad naftaada la jeceshay" . Waa mabda xaqiijiya jiritaanka dimuquraadiyada. Haddii mabda kowaad yahay xoriyadda qofku u leeyahay inuu fikradiisa iyo rayigiisa cabiro. Waxa taasi rumoobi kartaa, kolka qof waliba kan kale, u ogolaado inuu fulin karo mabda kowaad. Waana taas tan xadiisku inoo sheegay. Xadiiskan waxa laga dheegay fikradda dimuquraadiyadda oo odhanaysa qofku wuxuu xor yahay illaa xadka uu gaadhaaya inuu xoriyadda qof kale wax yeeli karo. Waxa tafsiirkeedu yahay in qof waliba xor u yahay fikirdiisa iyo falkiisa inta aanu wax yeelayn xuquuqda qofka kale.    
Haddba waxa la yaab ah dacaayadda ay dad xisbiyo sheeganayaa iska sheegaan. Sida eedaynta wadar ahaan ee barlamaanka. Hadday jirto in laaluush la baxshay, lana hubo, waxa waajib ah in tallaabo laga qaado. Xildhibaanka laaluush qaatay waa in sharciga la mariyaa oo xildhibaannimada uu waayaa, xabsina loo riixaa. Madaxweyne marka uu afkiisa tan oo kale soo marinaayo, waa ceebayn hay'adda sharci dejinta loo gaystay waana mid canbaar ku ah sharafta iyo maamuuska dalka Somaliland. Taas macneheedu ma aha in laga aamuso cidda laaluushka bixisay iyo cidda qaadatay. Balse waa in sharciga la mariyaa oo aan arrinta lagu dhooqayn ceeb wadar ahaan loo yidhaahdo. Waxay noqonaysaa laba mid uun. In arrintu tahay been, oo meel lagaga  dhacay Golaha Wakiilada, Iyo inay tahay run, oo u baahan in cidda laaluushka qaadatay la mariyo sharciga. Taas haddii la waayo, arrintu waa male-habaabin iyo  baayactan si xeeladaysan loo soo agaasimay.
Dhismaha dalka iyo horumarinta bulshadu waxay ku dhisantay sharciga oo la ilaasho, loo sinnaado, lana wada dhowro. Xeer-jabjabka inoo noqotay caadadu waa mid aan meel ina gaadhsiinayn. Sidoo kale ayaa caadifad qabiil, gobal, iyo shakhsi midna xaqiijin karin himilada dadweynaha. Dan-yarta Somaliland meel kastoo ay joogtaba waa la hagraday. Kan jooga Burco wuu ka aradan yahay waxtar dawladeed, sidoo kale ayuu kan Booramena uga qaawan yahay. Ma aha in midna loo abaabulo muxaafidnimo midna mucaaridnimo. Waa inay isla gartaan in waxa ka maqan ay ku heli karaan iyagoo garta danta ka dhexaysa. Taas ayaa qaranka dhisi karta oo waxtar inoo noqon karta dhammaanteen . 
Waxa iyana la yaab ah in masuuliyiin sare sare oo dalka xilal u hayaa ku tilmaamaan xisbiga Kulmiye QARANDUMIS. Waa yaabe ma xisbiga dadka somaliland kala-badh u fooday ayaa arrintan lagu sheegi karaa. Taas mecneheedu miyaanu ahayn  in kala badh dadka Somaliland doonayaan inay dalkooda burburiyaan! Waa arrin maskaxda fayoobi ka biyo diidayso. Waana mid lala xidhiidhin karo jiradii uu dalka kaga tegay nidaamkii aaminsanaa in dadweynaha lagu abuuro shaki iyo cabsi. Waxa la odhan jiray, cidda kacaanka wax ka sheegta, amba wax u sheegtaa waa QARNDUMIS, WAA QURMIS, WAA DABA DHILIF.....Dadweynahu wuu ogaaday halka arrintani ku dambaysay. Garaadka dacaayaddu, waa inay la kortaa garashada dadweynaha. Waa in la ogaadaa in dadweynahu soo jeedo, kalena garanaayo, kan talada loo igmaday ee horumarkooda, iyo dhismahooda ka gaabsaday, iyo kan qaylada la dabo jooga ee wirta haya. Iyagaa kala saari maalinta ay midada daabkeeda loo dhiibo. Waa maalinta doorashada.
Ugu dambayn aan soo dhoweyno inay maalinta la cayimay, ay doorasho xalaal ah oo ka turjumta doonista dadka Somaliland ay dhacdo.Websiteyadu waa u xor inay fikradaha xisbiyada kala qaataan kii ay doonaan. Kii rabaana uu dhexdhexaad ahaado, inkastoo ay adag tahay. Waa in la joojiyaa eedeynta ah keygaa waddani ah, kaa kalena waa qaran dumis. Wax dheef ah laga helimaayo, waana  mid jaahwareer ku ridaysa inta caadifadu ku badan tahay.

Waa in aynu ixtiraamnaa nidaamka aynu qaaddanay, oo aynu u darbanaano in qof waliba xor u ahaado inuu fikradiisa cabsi la,aan odhan karo, qori karana, isagoo aan ceeb iyo been abuur samayn. Arrimahana siday yihiin ha loo eego, oo ha laga daayo shakhsiyaynta. Yaan fikradda fiican loo nicin, hebelbaa yidhi. Wadanka weyno wada leenahay, websiteyaduna waxay ku hadlaan afkeena. Fikradda aynu ku kala geddisannay waa wax lagu faano, ee ma aha wax laga naxo.Wey ina soo martay dal qof keliye wax yidhaahdo, halkay inaga xoortayna weynu ka dheregsanay. 

Ahmed Arwo
Cardiff Wales
U. K.

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright © 2005 Wardheernews.com