LUQADA INGIRIISIGA MA LUQADA CARABIGAA U ASAL AH?
IDRIS AXMED CUSMAAN
May 6, 2005

Luqada Carabiga waa luqada Quraanka, waa luqada ahluljannaha, waa luqad aad u fac dheer oo qiimaha ay leedahay aan la soo koobi karin. Waxaa daraasaad iyo cilmi baaris badan lagu sameeyey luqada Carabiga iyo luqadaha kale taasoo lagu ogaaday in ay Luqada Carabigu tahay hooyada ama asalka luqadaha.

Dhibaatada dadweyne badan oo Muslimiin ah ka heysato barashada luqada carabiga oo ah miftaaxa barashada diinta Islaamka ayaa ka mid ah arrimo siyaasi, ijtimaaci iyo afkaar khaldan isugu jira.
Waxaan jeclaan lahaa inaan halkan si kooban ugu soo qaato daraasaad dhowaanahan lagu soo shaac bixiyey in luqada Ingiriiska oo badankeenu amisan yihiin inay tahay luqada ugu horeysa dunida, uguna horumarsan dhinac walba, laga soo qaatay luqada Carabiga. Doktoor u dhashay dalka Ciraaq ayaa sameeyey baaritaan xeel dheer uu ku raadiyey asalka kalimaad ingiriisi ah meesha ay ka yimaadeen, wuxuu sheegay inay jiraan in ka badan toban iyo sideed kun kalimaad oo maanta loo isticmaalo ingiriisi ahaan laakin laga soo qaatay luqada Carabiga.

Doktoorka ayaa taariikh ahaan u baaray luqada ingiriisiga, ka dibna ogaaday in kalimaadka qaamuusyada ingiriisigu leeyihiin kalimadan ma lahan aasaas ama asal (this word has no origin) aysan aheyn mid sax ah. Doktoorku wuxuu baaray luqada laatiinka oo soo martay saddex marxaladood, wuxuuna ogaaday inay jiraan bedelaad lagu sameeyey xuruufaha carabiga ee asalka si loo dareemin in laga soo qaatay luqada carabiga, ama dadka soo guuriyey ay ahaayeen cibraaniyiin oo habkooda ku dhawaaqida ay ku dabaqeen, amaba ay jiraan sababo kale oo ah sida xaalada jawiga.

Iyadoo aynu arrimaha kor ku soo sheegnay mid walba tusaale ahaan u soo qaadan doono ayaa waxaan xusuusin lahaa aqaristaha qiimaha leh inay jiraan taariikh iyo ilbaxnimo weyn oo la xirriirta luqada Carabiga oo badi ahaan faca muslimiinta ee casrigan wax aad u yar ka ogyihiin.

Sylvester II wuxuu ahaa wiil yar oo Faransiis oo uu soo barbaariyey baadari Faransiis ah. Sylvester asigoo dhallinyaro ah ayaa waxaa loo diray deeq waxbarasho inuu wax ku soo barto dhulka Islaamku xukumi jiray ee Andulus ( Spain ). Sida caadada ahaan jirtay Sylvester wuxuu ku biiray jaamicada ku taalay Masjidka Jaamica ee gobolka Fuleifala halkaasoo uu luqada Carabiga, Tafsiirka Quraanka, Taariikhda iyo culuunta sayniska ku xifdiyey. Sylvester ayaa halkaas ku fahmay xaqqa diinta Islaamka kuna islaamay. Ka dib markii uu dhameystay waxbarashadiisa ayaa u yimid fariin laga soo diray Roma oo ay Vatikaanku kaga codsanayaan inuu qabto jagada Boobka. Ergeyga ayuu wuxuu u sheegay inuu noqday Muslim uusan awoodeyn inuu dib u laabto, laakin ergeyga ayaa kula taliyey maadama qof kale oo kaga cilmi roon asiga uusan jirin in uu qabto howsha isla markaana qariyo inuu muslim yahay.

Sannadahii 999-1003 ayaa SylevesterII uu ahaa Boobka Vatikaanka Roma, mudadaas gudaheedana wuxuu saldhiga Vatikaanka keenay kutubo badan oo ku qoran luqada Carabiga, wuxuuna ka dhisay magaalada Reimis ee dalka Faransiiska machado iyo dugsiyo badan oo ilaa maantadan lagu barto taariikhda, luqada Carabiga iyo diinta Islaamka.. Nasiibdarose, markii la ogaaday in SylvesterII uu ahaa muslim ayaa Vatikaanka Roma waxay go'aan ku gaareen inay ka eryaan jagada oo la masaafuriyey.

Ka dib ayaa luqada Carabigu waxay noqotay luqada ay culumada luqawiyiinta iyo mas'uuliyiinta galbeedka ay ku dadaalaan siday uga faaideysan lahaayaeen. Waxaa kuwaasi ka mid ah Bishop Lauwen, William badwell, Geoffrey chaser, iyo William Shakespeare oo asiga si ingiriis ahaan MOT u isticmaalay kalimada dhimasho (MAWT). MORTO , MOR.

Haddii aan wax yar kale u guda galo taariikhda la qalday ayaa ninka ugu horeeyey ee helay qaarada Mareykanka affar boqol sanno ka hor intuusan kashifin Christopher Columbus wuxuu ahaa SHARIIF IDRISI.

Boqorkii Normandy ayaa weydiiyey Shariif Idrisi wxuu ku magacaabay qaarada uu helay, Shariif Idrisi ayaa ku jawaabay waa qaarada Al-Maariqa. AlMaariqa waa kalimad carabi ah oo micnaheedu yahay midda fogeyd ee xag shishe jirtay, waa qaarada shishe.

Haddaba AMERICA waa AL- MARIQA oo laga tuuray (L), (Q) dana lagu bedelay (C).
AMARIQA, Sidoo kale ayaa magacyada qaaradaha asalkoodu yihiin Carabi: EUROPE waxay u taagan tahay YAGHRUB oo micnaheedu yahay galbeed ama halka ay qorraxdu u dhacdo, ASIA waa ADDHIYA oo iyaduna la micno ah halka ifku ka yimaado ama ka soo baxo oo ah qorrax ka soo baxa.
Casriyadii hore ee cariga ingiriisku aad u qaboowaa ayaa dadku waxay ka caado yeesheen in aysan ku dhawaaqin xarafka (A) haduu yahay midka ugu dambeeya kalimada. Sidaan kor ku soo sheegnay taasi waxaa u sabab ahaa jawiga oo marka ay ku dhawaaqaan ay qasab ku noqoneyso inay afka kala qaadaan oo ay diidanaayeen.

Kalimaadka asalkooda Carabiga ee sidaa darteed ku bedelmay waxaa ka mid ah:
MEDICINE oo asalkeedu ahaa MAADA SIINAA. Waxay noqon laheyd MEDECINA, waxaa lagu gaabsaday CINE oo laga rogay CINA. Micnaha Carabigu waa maadada Siinaa oo loogu magac daray dhakhtarkii caanka ahaa ee la oran jiray IBNU SIINAA.

INFLUENZA waxay ka soo jeedaa asalkeeda ANFAL CANZA oo micnaheedu yahay SANKA RI'DA maxaa yeelay qofka qaba cudurka durayga ama hergebka ayaa sankiisa waxaa ka soo duuda dheecaan sida midka mar walba laga helo sanka ri'da oo ay dhakhaatiirtu ugu magac dareen.
CAPSULE waxaa laga soo qaatay KAXA SAAYIL oo micnaha carabigu yahay KAXA qunfaca, SAAYIL waxa dareera ama sharaab ah.

MEAT waa kalimad asalkeedu ahayd META, Shakespeare wuxuu qoraaladiisu isticmaalay kalimada siday u qorneyd asalkeeda oo ahaa META, iyadoo (A) da loo tuuray sababta aan soo sheegnay darteed ayaa waxaa jirtay in hilibku aad iyo aad qaali iyo macduum u ahaa casriyadii hore. Dadka ingiriisku ma heli jirin hilib oo marka ay helaan waxay dhihi jireen inoo keena META oo ka soo jeeda kalimada MATAAC oo Carabi Ah, wax qaali ah oo lagu raaxeysto leysku madadaaliyo.

IDOL waa kalimad micnaheedu yahay wax walba oo la caabudo ama si aad u daran loo weeyneeyo, asalkeeda carabiguna waxay raad ku leedahay dibigii reer banii Israaiil loo sameeey oo ay caabudeen. Asalka carbaigu waa CIJL. Waxaa laga dareemi karaa ku dhawaaqida labada kalimad siday isugu mid yihiin.

IDLE waa qof aan wax howl ahba haynin waxayna ka timid kalimada carabiga ee CAADHIL oo la micno ah qof aan howl heyn ama shaqo laheyn.

HARASS waa fuduulin iyo dhibitaan waxayna ka soo jeedaa kalimada XARRASH oo la micno ah dhibitaan. (X)da waxaa lgu bedelay (H).

ANTIQUE waa shey qadiimi ah waxayna ka timid kalimada CATIIQ oo la micno ah. Waxaa halkaas lagu daray xarafka (N). Asalkeedu waa ATIQUE=CATIIQ.

GEOLOGY waa barashada dhulka waxayna ka kooban tahay labo kalimad oo kala ah GEO=QAAC iyo LOGY = LUGHA. Qaac waa kalimad carabi ah oo micnaheeda yahay dhul ama goob, lugha waa baabka ama qeybta barasho.

POWER waxay la xirriirtaa kalimada QUWWA oo ah awood. Waxaa kaloo jirta in kalimada QUALITY iyaduna ay ka timid QUWWA, laakin si ay u kala saaraan awooda tayada iyo mida xooga oo midna loo dhaafay Qda midna lagu bedelay (P).

STAND UP waa kalimad la xirriirta ISTANID oo ah kalimad carabi micnaheedu yahay ku tiirso, qofka markuu istaago wuxuu ku tiirsadaa meesha uu ku taagan yahay, sida dhulka.
TABLE waxay ka timid DHABL.

SHOULDER waxay ka timid SADR, qaacidada waa in kalimaadka xuruufaheeda (LD) ama (LT) isdaba xigaan asalka carabigu yahay mid keliya ee (L)da aan lagu dhawaaqeyn.
SHELTER waxay ka timid SITR oo ah meel lagu gambado ama laysku qariyo, sidoo kale ayaa (L) da loogu dhawaaqin halkan.

SHOUT waxay ka timid SAWT, sidoo kale halkan waxaa xusid mudan in dadka soo guuriyey ay (S) da asalka carabiga ku bedeleen (SH) oo tusaale u ah in ay ahaayeen cibraaniyiin.
GUIDE waxaa laga soo qaatay kalimada QAA'ID ee carabiga.

JURY waxay ka timid SHUURI oo carabi ah micnaheeduna yahay kuwa lala tashado go'aan gaarida.
JUST iyo JUSTICE waxay ka yimaadeen QISDH iyo QISDHAAS oo labaduba micnahooda carabiga yihiin cadaalada.

DEMOCRACY waa kalimad ka kooban labo qeybood oo kala ah DAHMAA oo micnaha carabigu yahay shacabka iyo KURSI oo ah kursida ama fadhiga, micnaha waa kuraasta ama fadhiga shacabka.DAHMAKURSI.

HOUSE kalimadan asalkeeda ingiriisiga waxaa loogu dhawaaqi jiray HUSA, waxaa laga tuuray (A)da sidaan hore soo sheegnay oo loo bedelay HOUSE; waxayna ka soo jeedaa XAWZA oo carabi ah micnaheeduna yahay guriga ama daarta, sidoo kale kalimada:

HOME oo ka timid HUMA oo asalkeeda carabigu yahay HOWMA oo ah xaafada ama guriga.
NATIVE waxay ka timid NUTFA oo ah asalka bani'aadamka sidaa darteed ayaa loo isticmaalay asalka qofka ama halkuu u dhashay ama u asal sheegto.

CROWN oo ah taajka boqoradu madaxa xirtaan ayaa wuxuu la xirriiraa geesaha ay boqoradu madaxa suran jireen waqtiyadii hore QARN, sida Quraankeena kariimka lagu sheegay qisada DULQARNEYN oo ah boqorkii geesaha madaxa xiran jiray, waxaa la sheegaa in ingiriiska la isticmaali jiray waqtigii Shakespeare kalimada loogu dhawaaqi jiray sida CRUN.

COVER waxay ka soo jeedaa kalimada carabiga ee QABR. (B) da waxaa lgu bedelay (V), sidaan soo aragnay (Q) da waxaa lagu bedelaa (C). OVER waxay ka timid CABR oo ah gudub, sidoo kale ayaa (B) da lagu bedelay (V). RIVER waxay ka timid REY-BARR, waa labo qeybood oo carabi ah sida RAY oo ah waraabinta, BARR oo ah barriga. Waraabinta barriga waa webi.

CHARITY waxaa laga soo qaatay KHEYRIYA, (KH) da waxaa lagu bedelay (CH).
Sidaa darteed ayaa CHAIRMAN loo yiri qofka maamula ama u madax ah ururada, shirarka, iwm. Waxaa loola jeedaa ninka KHEYRka ka taliya.

GUILT waxay ka timid kalimada GHALADH oo ah qaladka.
TALK waxay ka timid DHALQ oo micnaheedu yahay afka oo la furo.
WALK waxaa laga soo qaatay WALAQ oo ah socodka.
TAIL asalkeedu waa DEYL oo ah dibka.
SAFE waxay ka timid SACAFA oo ah badbaadin.
SOCIETY ayaa laga soo qaatay SUUQ oo astaan u ah meesha shacabka ay ku badan yihiin, xuruufaha IETY waa dheeraad. SOC=SUUQ.

CONDEMN waxay ka timid QAD DAMMAH oo micnaheedu yahay waa cambaareeyey.
QUEEN waxay ka timid QUWEYN oo ah kalimad carabi oo ah boqorada.
GIRL ayaa iyaduna ka timid AL JAARIYA waxaa muuqata in GIR ay u taagan tahay JAARIYA waxaa gadaal laga raacsiyey ( AL ) oo ka dib (A) da laga tuuray.

HELLO waa XILLUU oo micnaha carabiga yahay rar dhigta ee dega marka qof marti ah yimaado.
LAND waxay ka timid ALARDH, waxaa kalimada ingiriisiga lag daray (N) halka ay ahayd (R) asalkeeda carabiga, sidoo kale kalimada:
EARTH oo asalkeedu ah ARDH.

MAGIC waxay ka timid MAJUUS oo ah dadka Majuusiyiinta oo isticmaali jiray sixirka iyo indho sarcaadka.
CAPABILITY waxay ka soo jeedaa QAABILIYA oo ah micnaheeda in awood iyo ku haboonaasho loo lahaado waxqabadka shey.

KNOW waxay ka timid QANCA oo ah ku qanacsanaan ama ogaasho shey.
TERRITORY waxaa laga soo qaatay THARAA oo ah dhul.
SURFACE asalkeedu waa SHURFA waana meel sare oo soo muuqata.
BODY waxaa laga soo qaatay BADN oo la micno ah jir.

SILLY waxay leedahay taariikh diineed oo ku saleysan casriyada ay dadyowga reer galbeedka ka xiiso beeleen, kana caajiseen khuraafaadka kaniisadaha iyo bilowgii ka xorooowdiooda wax walba oo la xiriira diinta kiristanka, kalimada bax kaniisada aad ee soo duko ayaa waxay noqotay wax laysugu caayo oo qofka lagu yaso. SALLI oo ah carabiga duko.

ELASTIC waxay ka soo jeedaa ALLASIQ oo carabigu micnahiisu yahay wax dhegdheg ah oo jiitama.
Waxaan ku guubaabin lahaa dhamman walaalaheyga inay si xiiso leh dib ugu soo noqdaan barashada luqadan carabiga oo runtii ah mid faaiidooyin aan la soo koobi karin ay ku jirto barashadeeda. Sababta dad badan oo muslimiin ah aysan u xiiseyn barashada luqada carabiga waa inay ka fiiriyaan meel gaaban oo ah dib u dhaca ku dhacay shucuubta ku hadasha luqada, horumarka maadiga ee dadweynaha ku hadla luqadaha ingiriisiga iyo faransiiska.

Inay jiraan khilaafaad ijtimaaci ah oo la xirriira sida shucuubta ku hadla luqada carabiga ay ula macaamiloodaan walaalahooda iyo fursado waxbarasho, shaqo, caafimaad, degaan iyo soo dhoweyn oo aan si fudud looga heleyn wadamada carabta.

In dadkaasi aysan aqrisan oo aysan aqoon taariikhda hore, raadka ay luqada carabiga ku leedahay ilbaxnimada reer galbeedka, tusaale ahaan in Islaamka uu xukumayay waddanka maanta loo yaqaan SPAIN oo loo yiqiin waagaa ANDULUS oo aheyd meel dhulalka Yurubta kale oo dhan looga soo doonto waxbarashada, sida CIRAAQ iyo SHAAM, culuunta sayniska, xisaabaadka, falaka, caafimaadka,taariikhda, luqadda carabiga, iwm.

Qorayaasha iyo mufakiriinta reer galbeedka ayaa iyagoo muujinaya sida Islaamka ugu dadaalay horumarinta cilmiga, dhiirogelinta culumada, baahinta iyo xifdinta cilmiga.

Runtii taariikh iyo ilbaxnimo aad iyo aad u qiimo weyn ayaa inaga qarsoon oo loo baahan yahay inaan dib u soo nooleyno, ugu yaraan aynu wax ka ogaano weliba ugu yaraan si fuduulinimo ah. Run ahaantii maanta ma u fududa in qofku cilmi baaris sameeyo ama wax ka ogaado taariikhda iyo ilbaxnimada ay muslimiintu lahaayeen sida ay u fududahay in uu wargeysyada, buugaagta, majalooyinka, telefiishanada, internetka, idaacadaha, maktabadaha, dugsiyada, jaamacadaha ka aqristo, daawado, ama barto taariikhda iyo ilbaxnimada reer galbeedka oo run ahaantii siday iyaguba qirtaan ka soo farcantay ilbaxnimada Islaamka.

Iyadoo wax qofka ku dhiirogelinaaya arrintaasi aysan jirin ayaa waxaa intaas u dheer inay jiraan ka niyad jebin, qarin xaqiiqada, bedelid iyo si qalad u soo bandhigid taariikhda runta ah. Intaas waxaa ka sii daran in dad badani ay ku dhaceen qalad aad u weyn oo ah isku qaladka muslim (shaqsi) iyo Islaam (diin muqadas Allah doortay oo ka nazahan wax walba oo xun), carabta iyo luqada carabiga, taariikhda iyo ilbaxnimada weyn ee Islaamka iyo xaalada muslimiinta maanta. Waxaan Allah ka baryaa inuu ina waafajiyo xaqqa ina tusana xaqqa iyo xaqiiqada.

IDRIS AXMED CUSMAAN

IDAHOS@HOTMAIL.COM

.

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright © 2005 Wardheernews.com