|
|
Madaxweyne C/ laahi Yuusuf Axmed waxaa lagu tilmaamaa nin muddo dheer ku hamiyi jiray sidii uu mar uun u hanan lahaa jagada ugu saraysa Jamhuuriyadda Soomaaliya . Si uu jagadaas u hanto ayaa C/ laahi yuusuf waxa uu u soo galay halgan hubaysan iyo mid siyaasadeed intaba . Hadaba hamigaas waxa uu u rumoobay 10 Oktoobar 2004 oo ay xildhibaano ay soo xuleen madaxda qabiilooyinka iyo dagaal oogayaashu u doorteen Madaxweynaha Soomaaliya muddo shan sano ah. Waxaan shaki ku jirin in kursiga uu C/ laahi Yuusuf ku fadhiistay uu aad uga geddisanyahay midkii uu ku hami jiray , Soomaaliyada uu hogaanka u qabtayna aanay ahayn Soomaaliyadii hore ee la yiqiinay. Soomaaliya oo 14kii sano ee aan soo dhaafnay aan lahayn wax dawlad ah una kala qaybsan deegaano ay ka taliyaan maamulo iyo dagaal oogayaal kala geddisan ayaa ay beesha caalamku dadaal u gashay sidii loogu samayn lahaa dawlad dhexe oo soo celisa amarkii iyo kala dambaynta. Hadaba shir muddo laba sanno ah uga socday kooxaha Soomaalida dalka Kenya ayaa lagu soo dhisay dawladda FKMG Soomaaliya oo Madxweyne loogu doortay Mudane C/ laahi Yuusuf Axmed oo isagu hore u ahaan jiray Madxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Waxaa maanta oo bisha Okt . tahay 10 u buuxsantahay hal sano intii uu xilkaas hayay Madaxweyne C/ laahi Yuusuf Axmed. Hal sano inkastoo aanay ahayn wakhti badan marka la fiiriyo wax ka qabashada hawlaha murugsan ee sugayay Madaxweynaha iyo dawladda cusub hadana waa wakhti ifafaale inaga siin kara rajada shacabku ka qabaan wax qabadka dawladda iyo ku guulaysiga ujeeddooyinkii loo sameeyay. Ma ahayn hadaba markii ugu horeysay ee Soomaaliya yeelato dawlad lagu soo dhisay wadanka dibaddiisa hase yeeshee waxay dad badani is weydiinayeen waxa ay middani kaga geddisnaan doonto kuwii ka horeeyay oo dhammaantood ku fashilmay inay wax ka qabtaan dhibaatada muddada badan ay ku suganyihiin shacabka soomaaliyeed. Sababihii ugu weynaa ee ay dawladihii ka horeeyay midda hadda hogaanka haysaa siiba tii Cali Mahdi iyo middii Carta ee uu hogaamin jiray C/ qaasim Salaad Xasan u guul daraysteen ayaa la sheegaa inay ugu weynayd kooxaha hubaysan oo iyagu ka hor yimid dawladahaas iyo mujtamca caalamka oo aanay ka helin taageero badan. Hadaba dawladda uu Madaxweynaha ka yahay mudane C/ laahi Yuusuf Axmed ayaa dad badni u arkayeen mid ka geddisan dawladahaas ka horeeyay ee fashilmay maadaama ay iyada ku wada jiraan hogaamiyayaasha hubaysan oo hore caqabadda ugu ahaa dib u heshiisiinta iyo dib u soo celinta qaranimada Soomaaliyeed. Waxay ahayd rajo fiican oo shacabka intiisa badani si niyadsami ah ku soo dhaweeyay inkastoo ay jiraan kuwo badan oo u arkayay abaal marin la siiyay dadkii ma'uulka ka ahaa dhibaatada shacabka iyo burburinta wadanka halkii ay ka ahayd in caddaaladda lala tiigsado. Kala qaybsanaanta iyo is kooxaysiga cadaawadda iyo is nacaybka ku dhisan ee soo shaac baxay muddadii dheerayd ee shirka Nairobi socday ayaa ahayd mid sii adkaynaysay in dawladda shirkaas lagu soo dhisaa noqoto dawlad midnimo qaran oo si wax ku ool ah hawlaheeda u gudata. Iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana aqlabiyaddii weynayd ee uu kaga guulaystay C/ laahi Yuusuf kuwii la tartamayay loo fasiran karayay kalsooni buuxda oo ay Xildhibaanada Baarlamaanka KMG siiyeen Madaxweynanimada C/ laahi Yuusuf Axmed. Hadaba midnimadaas iyo kalsoonida buuxda ee Baarlamaanku ku doortay Madaxweynuhu ma noqon mid laasata muddo dheer ee markiibana waxaa soo shaac baxay kala qaybsanaanta iyo is aamindarrada ka dhex jirta dawladda guud ahaanba. Madaxweyne C/ laahi Yuusuf inkastuu ku dhawaaqay inuu ka shaqayn doono nabadda iyo dib u heshiisiinta ummadda hadana wuxuu u muuqday nin shaki weyn ka qaba kooxaha hubaysan taasi oo keentay in wixii ugu horeeyay ee uu caalamka weydiistaa ay noqdaan ciidamo nabad ilaalin oo loo soo diro. Arinta ciidamada nabad ilaalinta oo ay ku jiraan kuwa wadamada deriska oo Itoobiya ka mid tahay ee uu madxweynuhu dalbaday ayaa markiiba sababay inay sii kala fogaadaan dagaal oogaysha oo intooda badani xilal sare ay ka hayaan dawladda KMG ee Soomaaliya oo iyagu arintaas si cad gaashaanka ugu dhuftay. Murankan oo ay weheliso arinta kale ee ah meeshii ay dawalddu xarun kmg ah ka dhigan lahayd inta laga nabadaynayo Muqdisho ayaa noqday labada qodob oo caqab ku noqday dawladda uu hogaanka u hayo Madaxweyne C/ laahi yuusuf sidii ay wadanaka gudihiisa uga hawl geli lahayd. Khliaafkaas ayaa wuxuu keenay in xubno badan oo dawladda ka mid ahi ay isaga huleelaan Nairobi oo ay Muqdisho ka degaan iyagoo aan wax ogolaansho ah ka haysan madaxda sare ee dawladda siiba Maxaweyne C/ laahi Yuusuf. Ra'iisal wasaare Cali Geeddi. Xubnahan oo ka kooban inta badan hogaamiyayaasha hubaysan ee Muqdisho iyo Xildhibaano uu ku jiro Guddoomiyahah baarlamaanku ayaa maanta iyagu ka hawl gala magaalada Muqdisho halka madxweyne C/ laahi Yuusuf iyo Ra'iisal wasaare Geeddi oo ay weheliyaan inta badan xubnaha xukuumaddu ay iyana saldhig ka dhigteen Magaalada Jawahar ee Xarunta shabeelada dhexe. Isku day badan oo la rabay in lagu dhexdhexaadiyo labadan kooxood ayaa fashilmay iyadoo ay qolowaliba sheeganauso in iayadu tahay ta sharciga ku taagan umana muuqato in khilaafkan noqdo mid si dhib yar lagu xaliyo. Kooxda Muqdisho oo uu higaamiye sharafeed u yahay Guddoomiyaha baarlamaanku oo iyagu bilihii aan soo dhaafnay waday wax ay ugu yeedhaan hawlaha nabadaynta Muqdisho oo ay ugu weynatahay qaadista jid gooyooyinka ayaan wax natiijo ah ka gaadhin arintaas iyadoo ammaanka caasimadana wax weyn oo iska bedelay aanay jirin. Dhanka kale kooxda Jawhar ayaan iyana wax qabad la taaban karo ila hadda ka muuqan iyagoo hawshooda ku koobay ka qayb galka shirarka dibadaha taasi oo ah arin ay dawladdii Cartaba samayn jirtay. Hal sano ka dib weli waxa uu Madaxweyne C/ laahi sugayaa in ciidamo ay u soo diraan beesha caalmaku si uu xilka culus iyo hawlaha badan ee horyaala uu u gudato iyadoo kooxda Mudishana ay la rafaadsantahay qaadista isbaarooyinka iyo sugiidda ammaanka caasimaadda. Waxaa ayaan darro ah in maanta aanay shacabku wax weyn ka sugayn Dawladdan ayna lumisay kalsoonidoodii , Madaxweyne C/ laahi yuusfna waxa uu u muuqdaa nin cagta saaray dhabihii ay Cali Mahdi iyo C/ qaasim Salaad hore u mareen. Inkastoo ay dhici karto in ay waxyaabo badani is bedelaan hadana ilaa hadda ma muuqdo ifafaale fiican oo aan ka arki karno in dawladda uu hagaanka u hayo Madxweyne C/ laahi yuusuf noqoto mid hawsha iyo waajibaadka laga sugayo gudata. Xidhiidhada iyo wadahada keliya ee maanta dhex mara laba qaybood ee dawladda ayaa ku kooban cayda iyo aflagaadada ay qoloba qolada kale uga jeediso idaacadda BBC- da iyo qalabka kale ee warbaahinta Soomaalida . Hadaba ma laga yaabaa kooxaha is khilafsan ee dawladdu inay tanaasulaaad isu sameeyaan si loo badbaadiyo qaranka Soomaaliyeed mise waxaan sugnaa waa afar sano ka dib iyo shir kale oo dib u heshiisiineed iyo Madaxweyne mar kale wadanka dibaddiisa lagu soo caleemo saaro. Ismail A. Hassan (khaliil)
Copyright © 2005 Wardheernews.com |