Guddoomiyaha Baarlamanku ha Noqdo Harti-Waqooyiya

Ali Gulaid

October 23, 2005

Ciddii aan aheyn Harti-Waqooyi ee ku fadhiisata kursiga Gudoomiyaha waxa aay Somaliland (SL) kaga fadhiisatay Ictiraaafkii. Mahad Eebaa leh Ammaana shacbiga leh. Doorashadii nabadgelyo ayaay ku dhamaatay hase yeeshii wakhti la nasto lama joogo ee waa in hawsha lagu dhaqaaqaa oo laga bilaabaa isku dheeli tir. Xukuumada maanta ka jirta SL isuma dheeli tirna marka laga eego gobolada iyo beelaha toona. Beelaha gobolka Sool iyo degmooyinka Sanaag Bari waa ku teel teel hogaanka SL. Labada daraf (Awdal iyo Sool) waxa had iyo jeer ka jirijiray dareen ah ina aan waxba looga ogoleyn SL. Nasiib wanaag dareenkaasi maanta ka ma jiro dhinaca Awdal waayo qeyb libaax ayey ka heystan hogaanka. Hase yeeshee dhinaca Sool dareenkii maalinba maalinta ka danbeysa ayuu isa soo tarayaa. Dad badan baana aaminsan siyaasada ah yaanu Harti Waqooyi xoog ku yeelan SL aay tahey siyaasad uu qorsheeyey Madaxweyne Riyaale oo uu ku la ciifinaayo tartan kee ka dhaxeyn jiray labada gobol (Sool iyo Awdal) mid kooda ku xoog badan SL. Sida aay doontaba ha noqotee waxa hubaal ah in beelaha Sool iyo Sanaag Bari aanay ka dhax mooqan hoogaanka SL. Taasina waa nasiib daro. Haddaba si la isugu dheeli tirro waa ina Kursiga gudoomiyaha baarlamanka loo qoondeeyaa Harti Waqooyi. Kursi baroortu ka weyn laakiin waa bilaw. Ciddii kale ee ku fadhiisata kursiga Gudoomiyaha waxa aay SL kaga fadhiisatay Ictiraaafkii.

Dhawr arrimood oo aay ka mid yihiin xukun xumo iyo marxaladda Sool iyo Sanaag Bari ayaa SL ka hortaagan ictiraaf siyaasi ah. Haddi aan labada arimood wax laga qabana geedi socodka loogu jiru Ictiraafka wuu daba dheeraan. Nassib wanaaga baarlamanka maanta la soo doortay wax bay ka tari ka raan labadaba.

Xukun xumida haddan ku horeeyo doorashada maanta nabadgelyada ku dhacday ee mucaaridku ku guuleysteen xukumaduna ku guul dareysatey waxa aay ka turjumeysaa dadkii oo ku dhawaaqey UDUB duuni meynu. Marka waxa mucaaridka la gudboon ina ay oo fiyaan oo aay hirgeliyaan dalabka shacbiga SL oo aay gacanta is qabsadaan oo aay ku ba hoobaan sidii aay u xakameyn lahaayiin xukuumadan bahal ka noqotey oo aay ku soo dabaalaan distoorka la dhigatay.

Haddi aan u soo noqdo arinta Sool iyo Sanaag Barri, hore aniga waxa la iga hayaa Ictiraafka SL ka doon dooniyso dibaddaha siiba Mareykan, Yurob iyo Afrikaba waxa uu ku jiraa gundaha Harti Waqooyi. Inta Sool iyo Sanaag maqan yihiina SL WAAX ayaa maqan. Xukuumada maanta joogta ee Riyaalana uu ma eeka mid dan ka leh Harti Waqooyi haddo maqan yahey iyo haddoo joogu toona.

Waxa laga war qabaa in maalintii Riyaale xukunka qabsaday uu calanka SL ka taagnaa Sool iyo Sanaagba. Waxa laga war qabaa ina uu Riyaale macalimiintii askartii iyo shaqaalihii kale ee Xukuumadiisa uu ka soo saaray mushahaaradiina ka joojiyay markii ciidama yar oo Puntland ihi ka soo eryeen isaga oo halka u tegay si uu uugu soo ololeeyu doorashadiisii. Imikana waxa laga war qabaa in xadkii la soo laabay oo uu maanta ku siman yahey Ceynaba oo Sool iyo Sanaag Bariba aay ciidamada Puntland gacanta ku dhigeen inteeda badan. Waxa laga war qabaa in Sool kuraastee aay xaqa u laheyd laga dhimay oo laba iyo toban (12) lagu soo celiyay iyada oo islamarkaana loo kurdhiyay Gobolka Awdal

Halkaa waxa ka cad ina Sool iyo Sanaag aay SL ka maqantahey macnaweyan. Hore waxa kale oo aan u idhi Harti Waqooyi Riyalaa fogeeyey Riyaalana waxa aan ku booriyay ina uu gacanta u fidiyo hase yeeshe taladii ma qaadan.

Haddaba maaanta waxa aan ku boorinayaa in Baarlamankan cusubi uu Harti Waqooyi gacanta u fidiyo si aay u arkaan ina aay SL wax ku leeyihiin. Talaabooyinka u baahan in la isku dheeli tirro ha uugu horeyso kursiga Gudoomiyaha baarlamanka oo Harti Waqooyi mucaaridku u doortaan

Dadka siyaasada SL u koor gala ee aay ka mid yiheen Ambasidoor David Shiin iyo Matt Bryden (ICG) waxa had iyo jeeraali hadal kooda amba qoraladooda ku waajahan SL ku xarreeqan sida aay Sool iyo Sanaag   carqalad uugu noqon karto himilada SL haddi aan wax laga qabana oo aay weeqi karto himilada SL.

Su'aasha had iyo jeer SL hor taagani waxa weeyey horta ma wada socootan? Waxa aan qabaa Harti Waqooyi oo maanta gacanta loo fidiyaa oo la tuso ina aay SL wax ku leeyihiin oo aay iska dhax arkaan ina ay wax weyn ka tari laheyd Ictiraafka.

Haddii aan meel kale iska tusno. Dad badan ayaa Madaxweyne Riyale uugu codeeyey in qof aan Issaq aheyn oo Madaxweyne loo doortaa aay wax ka tari karto amba soo dhaweyn karto Aqoonsi caalami ah. Midh kaasi ma aheyn fikrad xun nasiib daro se doorashadii Riyaale ictiraafkii waay sii fogeysay. Taana waxa uugu wacan tayu la'aantiisa iyo tamara daridiisa iyo isaga oo faqashnimo miciinsaday. Waxa ay se wax ka tartay   ina aay Samaroon iyo SL inteeda kale isu soo dhaweyso oo dad badan oo khaasatan u badan mutacalimiinta Samaroon oo markii hore ku liddi ahaa guuni isu tag SL aay maanta wax ka bedesho markay arkeen ina ay iyago Madaxweyne ka yihiin.

Nasiib daro sida maanta Samaroon isaga dhax arkeyso SL Harti Waqooyi isaga ma dhax arkaayo xukuumada SL. Harti Waqooyi qeybta loo qondeeyeyna haddi aay wasiir tahey iyo haddi kalaba waa inta uugu awooda yar. Marka waxa lagama maar man ah in loogu liso sidii Samaroon loogu lisay lagagana bilaabo in mucaridku nin Harti ah u doortaan gudoomiyaha baarlamanka. Ka bacdina arrinta Sool iyo Sanaag loo galo si hagar la'aan ah.

Waxa aanan ka dardaar werinayaa ina aay   haweystaan gudoomiyaha baarlamanka beelaha aan aheyn Harti Waqooyi. Taasi waxa aay ka marag kici doontaa in Harti Waqoooyi aan SL waxba looga ogoleyn.   Waxa aan ku celinayaa Harti Waqooyi gacanta ha loo fidiyo sidii Samaroonba logu fidiyay. Waalaalnimo iyo sinnaan iyo nin walba oo qeybtiisa la siiyo ayaay cid walba uugu badineysa.

Ali Gulaid,
San Jose, CA

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright © 2005 Wardheernews.com