SABOOLNIMADA DAMIIRKA

Ismail A. Hassan (Khaliil)

October 26, 2005

Bani Aadamku waa dhimane kala dhantaalan caqli iyo awood midkay doontaba ha noqotee. Waa uu is mahadiyaa maalinta ay wax isugu toosaan. Markaasuu inta uu kor u kaadiyo ayuu kibir is qaad qaadaa. Wuxuu is moodaa in dunidu sidan weligeed ahaanayso oo timaadada kama fikiro, tagtadana wax kuma qaato.

Hase yeeshee mar walba waxaa iyana jira dhanka kale kuwa ka dhiidhiya xumaha, u dooda caddaaladda, ka taliya wanaaga tusaale fiicana u noqda bulshada inteeda kale.

Hadaba waxa ay taladu faraha ka baxdaa marka bulshadu dulmi wadaha ay ku daba saftaan oo garab iyo gaashaan u noqdaan. Taasina wax faa'ido ah ma keento burbur iyo barakac ayuun baanay natiijadeedu noqotaa.

Soomaalida ayaa tusaale inoogu filan. Waa dad tiro yar, is wada yaqaan, wax isu wada ah, wada dhaqma isjecel hadana isneceb oo cuqdad kala qaba oo aan waxba isu ogolayn. Waa dad Muslim ah, hadana aan dhaqan Islaam lahayn.

Dilka, dhaca, eexda iyo dhaqamo kale oo liitaa waxay ka mid yihiin nolol maalmeedkooda. Ma jiro wax ay qadariyaan oo malaha aan ahayn Qabiilka.

Qabiilka ayaa wax walba u ah. Isaga ayaa u dawlad ah, isaga ayaa u damiir ah, isaga ayaana u diin ah. Qofka Soomaaliga ahi ma laha aragti aan qabyaalad ku dhisnayn, haddii uu jiro qof lihina waa tuke cambaar leh oo bulshada dhexdeeda aan wax qiimo ah ku lahayn.

Qabiil ayay ku dagaalamaan, qabiil ayay isugu eexdaan, qabiil ayay isu bahaystaan, qabiil ayay isu takooraan, qabiil ayay ku heshiiyaan, qabiil ayaanay wax walba ku qaybsadaan.

Noloshoodii qabyaaladda, beelaysiga iyo reer guuraanimada ku dhisnayd ayaa saancaddaalayaashii reer Yurub ka fadareeyeen. Markaasay wax aanay aqoon u lahayn oo dawlad la yidhaa u dhoobdhoobeen.

Dhaqankii iyo dabeecaddihii reer guuraanimada ayaa magaalo lala yimid oo nidaamkii dawladeed lala dhex galay. Markaasay isla wareertay.

Inkastoo ilbaxnimo iyo wax barasho casri ah la helay, hadana taasi ma awoodin in ay tirtirto saboolnimada damiirka ee qofka Soomaaliyeed ku abuuran. Taasi ayaanay eedday ugu dambeystii dawladdii Soomaaliyeed oo ay ku burburtay.

Dulmi iyo dambiyo badan ayaa dhacay intii ay dawladdu jirtay iyo marxaladda dawlad la'aantaba. Dadkii dambiyadaas geystay in lala xisaabtamo daaayo waxaaba la huwiyay darajooyin qaran iyaga ayaana maanta hogaanka u haya qaranka Soomaaliyeed.

Waxaa laga yaabaa in ay is ilawsiiyaan dhibaatadii ay kumaan aan waxba galabsan u geysteen, laakiin dhibbanuhu ma mooga.

Waxay mar walba ku hadaaqaan waa la is cafiyay iyadoo cid u dambi dhaaftay aanay jirin.

Hadaba waxaa markii ugu horeysay maalmihii aan soo dhaafnay la maqlay eedaysane loo haysto dambiyadii laga galay shacabka Soomaaliyeed. Waxay ahayd arrin uu ku diirsan karo qofkii damiir leh ee ka fayaw cudurka qabyaaladda xadhigii Cabdi Qaybdiid oo lagu soo eedeeyay inuu xasuuq u geystay dad Soomaaliyeed.

Waxay ahayd in loo kala baxo eedaysanaha iyo sharciga haddii uu dambi leeyahay iyo haddii aanu lahayn intaba.

Taasi ma dhicin. Waxaa loo kala saftay qabyaalad sidii Soomaali lagu yiqiin. Qaarbaa markiiba sidii ay maxkamad yihiin dambigii dusha u saaray. Waxay ku tilmaameen gacan ku dhiigle la qabtay. Intaa kumay ekaan ee waxayba u dhaadhiciyeen dhinacaa iyo makamadda Adduunka ee Hague.

Kuwo kale waxay u noqdeen qareeno. Waxay ka dhigeen xalay dhalay iyo nin aan weligii il qaloocan qof ku eegin. Waxay huwiyeen darajooyin is khilaafsan. Waxaa iigu yaab badnaa qoraal caadifadaysan oo ay qortay mid ka mid ah shabakadaha Soomaalida. Waxay mar ku sheegeen Janan, isla qoraalkii ayaa hadana mar kale ku sheegay G/ sare!

Waxaad moodaysay in dib loogu noqday sanadihii waalida ee bilawgii sagaashaneeyadii.

Waxaa soo shaac baxday cadaawadda iyo cuqdadda ay kala qabaan Soomaalidu oo dad badani u haystay wax laga gudbay. Waxaa mar kale la dareemay saboolnimada damiirka shakhsiga Soomaaliyeed.

Waxaa dib u soo noolaaday nabaro wakhti badan dusha laga dheyayay oo la moodayay in ay bogsoodeen. Waxaa la soo xasuustay xanuunkii dagaalada sokeeye.

Hooyadii ku gablantay, caruurtii ku agoomawday, odaygii ku ubad waayay, maatidii diyaaradaha lagu duqeeyay iyo gabadhii ku inanimo seegtay intuba waxbay dib u soo gocdeen. Waxaa maskaxdooda ku soo maaxdy maalmo murugo iyo naxdin leh.

Waxay ay dib u dhugteen dhiiladii soo martay. Waxaa galay dareen farxad iyo naxdin isugu jira.

Yididiilo iyo rajo caddaaladeed ayaa u soo bidhaantay. Waxay xaqiiqsadeen in aan caddaaladda laga quusan . Haddii ay wadankoodii caddaalad ku waayeen waxay ogaadeen inay jiraan dad iyo dawlado uu weli damiirkii ku hadhsanyahay. Waxay is yidhaahdeen yaa adduunkoo dhan Sweden oo kale ka wada dhiga.

Waa dareen Bani aadanimo ku dhisan. Waa dareen caddaalad u ooman. Waa dareen sugaya inta damiirka leh, inta damqata, inta diinta leh iyo guud ahaanba inta Eebihii abuuray ka cabsata.

Hadaba dareenkaasi waa mid aan duugoobi doonin. Qof kastoo ummadda dambi ka galayna ha ogaado in aan la ilaawin ee mar uun qoorta la soo qaban doono. Haddii aan adduunyada lagu abaal marin tii Eebbe ayuuna marnaba seegi doonin.

Ugu dambeystii laakiin ogow dambi ma laha dagaal oogahayagu ee yaan lagu soo deg degin. Taasina waa saboolnimada damiirka Soomaalida ee qabyaaladdu hagto.

Ismail A. Hassan ( khaliil)
London, U.K.
E-Mail:khaliilha484@hotmail.com

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright © 2005 Wardheernews.com