|
|
Qabashadii iyo sii dayntii Cabdi Qaybdiid ee dhowaan magaaladan Gothenburg ka dhacday, iyo dacwaddii Janaraal Maxamed Cali Samatar Maraykanka lagaga oogay, labaduba qof kasta oo arrimaha soomaalida daneeya waa ay baraarujiyeen. Shisheeye iyo sokeeyeba labadaas dhacdo waxay xasuusiyeen dhaqanka qabyaaladda ee yaabka leh. Laakiin arrimahaas halkan kagama hadli doono, waxaanse ku soo qaadayaa qabyaaladda aynu u afduuban nahay sideedaba halka ay innala marayso. Marnaba la iskuma diido Soomaalinnimada in ay balaayo ku dhacday. Waa la isla qiraa in la is eeday. Waana la isla qiraa dawladnimadii lagu midaysnaa in ay dhimatay dibna loo soo noolayn kari la yahay. Waxaa kale oo la isla qiraa dawlad in la raadiyaa waajib in ay tahay. Illaa halkaas heshiis baa la yahay oo shaaha waa la wada cabbaa. Markase la gaadho in laga hadlo sababta ay sidaas wax u noqdeen iyo ciddii ka dambaysey, ama maanta wadda, markaas baa afarta jaho loo kala jeestaa, dibna la isuma fahmo. Marka cidda wax xumaysay ama xumaanta wadda tilmaanteeda la soo gaadho ayaa la bilaabaa in la isxanaajiyo. Markaas baa hadalka la dhooqeeyaa oo jinniyo la isku ridaa. Markaas baa loo wada dhaqmaa si cadaawad leh oo la mid ah sidii ay awelba balaayadu ku timid. Sababaynta burburka iyo dhibaatada taagan sida la isugu raaco iyo sida la isugu khilaafaa caqli iyo xaqiiqo kuma dhisna. Mana adka ee waa si aad u fudud. Waa sida isku qabiil loo yahay ama aan loo ahayn. Qolo waliba iyada ayaa wanaagsan oo xaqa iyo xaqiiqada sacabbada ku haysa. Qolada kalena? Ilaahay sidooda kaama dhigo! Haba yaraatee cabbir aan qabyaalad ahayn oo wax lagu eego meesha laguma hayo. Qabyaaladduna waxay leh dahay cabbir keliya kaas oo ah "mar walba innaga ayaa sax ah iyaguna waa ay qaldan yihiin, mar walbana innaga ayaa fiican iyaguna waa ay xun yihiin". Haddii soomaalida oo dhan miis la isugu keeno, oo afar iyo labaatan saacadood muran la wado, erey kasta iyo fikrad waliba waxay ka soo baxayaan qaacidadaas kor ku xusan oo keliya. Dooddu marka ay u soo gudubto heerka sababaynta iyo qeexidda dhibaatada, caqliga waxaa la raacsadaa weylaha, caaddifadda ayaana lagu garramaa. Sidaas ayey mushkiladda soomaalida oo ah ta dunida ugu fudud u noqotay ta ugu adag. Waxaa la diiday marnaba arrinta in si caqli iyo run ah loo wajaho, dabadeed waxay ku dilindillootay haadaan aan gun lahayn. Isla marka ogaan sidaas loo yeelayo ayaa ogaan kale la iska yeelyeelaa in dawladnimo la raadinayo. Run ahaantii dawladnimada habeen iyo maalin hadal haynteeda la isku xiijiyaa ma aha ta la yaqaan ee aadamiga kale haysto. Waa dawladnimo uu qof waliba rabo in ay isaga qoladoodu gaar u lahaato. Marka ay tooda tahay oo keliya ayey dawlad tahay, haddii kale waa cadaw. Fekerkaasi wuxuu ka imanayaa geelii la kala lahaan jirey ee aan la wada lahaan jirin. Waan hubaa soomaali kasta oo aan doqon ahayn ama garaadkiisu fayow yahay xaqiiqadaas in uu og yahay. Waxaan kale oo hubaa in uu og yahay dhaqanka sidaas ah ee danta ka fog in aan xalku ku jirin. Haddana waa la wadayaa. Ma garanaysaa sababta loo wadayo? Waxaa jira wax inaga tan badan oo aynaan u taag hayn. Awoodda ay caaddifadda qabiilku nafteenna ku leh dahay ayaa aad uga weyn caqliga maskaxdeenna ku jira. Waa aynu dulman nahay. Waxaa ina dulmay garaadkeenna oo u babac dhigi kari waayey caaddifaddeenna. Waxaad arki kartaa nin soomaaliyeed oo xanuun la ooyaya. Bal malee xanuunka hayaa waxa uu yahay? Waa xanuun ka dhalanaya soomaalinnimada iyo qabyaaladda naftiisa ku dhex dagaallamaya. Waa xanuun ka dhalanaya denbi uu ka dareemayo in uu dawladnimadiisa uga hiilin kari waayey qabyaaladdiisa cunaysa. Wuxuu hubaa in ay kala yihiin shar iyo khayr, laakiin awooddii uu ugu kala hiilin lahaa ayaa ka maqan. Wuxuu awood u leh yahay oo keliya in uu soomaaliga kale la ficiltamo oo iska celiyo. Halganka noocaas ahi dadaal ugama baahna waayo unugyada jidhkiisa ayaa ka samaysan oo uu kun awoow ka soo hiddaystey. Soomaalinnimaduse waxay u baahan tahay qaddar dadaal ah iyo in garashada iyo anshaxa kor loo qaado. Marka sidaas wax loo eego waxaa la xaqiiqsanayaa dawladnimada in aan loo bislayn. Dawladnimada uu shisheeyuhu carriga keenay waxay ahayd dhaqan ka duwan hab-nololeedkii qabaliga ahaa ee la yaqaanney. Run ahaantii doonista iyo qaadashada dawladnimadu waxay ka dhasheen laablakac iyo ku dayasho cid kale, ee ma ahayn wacyi iyo garasho dadka soomaalida dabiici ugu jirey. Ma waxaa dabiici ahayd mas'uul soomaaliyeed marka uu xafiiska shaqada fadhiyo in uu u sinnaado nin isaga la qabiil ah iyo nin qabiil kale ka dhashay? Ma waxaa dabiici ahayd qofka soomaaliyeed in uu taageero siyaasiga wanaagsan ee qabiilka kale ah, kana hor yimaaddo siyaasiga xun ee ay isaga isku tolka yihiin? Maya, waxaa dabiici ahayd in uu qofka ay isku tolka yihiin u eexdo oo si walba ugu hiiliyo. Haddii aad maqashid qof soomaaliyeed oo ka hadlaya dhibaatada dalku goortii ay bilaabatay, markiiba waxaad garanaysaa qabiilka uu yahay. Nin walba maalintii isaga qabiilkiisu dagaallamay ayey taariikhdu uga bilaabatay. Nin walba maalintii ay isaga qoladooda maamulkii Oktoobar isqoonsadeen ayey dawladdu xumaatay. Intii kale oo dhan wax waliba waxay ahaayeen "abboosto". Sannadaha kala ah 1969, 1978, 1988 iyo 1991 taariikho keliya ma aha ee waa calaamado la isku afgarto oo dareenno kala gaar ah lagu wadaago. Lambarradaas mid kasta oo aad yeedhisid dad baa isu taagaya, kuwo kale ayaana iska dhegoolaynaya. Tobannaan kun oo soomaaliyeed oo marxalado kala duwan la gumaaday, ama darxumo kale u le'day, waxba kama gelin qof aan la qabiil ahayn, haddiiba aanu ahayn kii gumaaday. Sidaas oo ay tahay cawo iyo dharaar waxaa laga hadlaa soomaalinnimo, dawladnimo iyo midnimo. Waa afgobaadsi shaahu ku dhadhamo sheekaduna ku baxdo. Haddii ay sidaas tahay, oo ay qabyaaladdu si buuxda dawladnimada liddi ugu tahay soomaaliguna qabiili yahay, xaalku ma quus baa? Rajo ma jirtaa? Jawaabta aynu ka raadinno taariikhda. Ummad ku dhaqan hab-nololeed qabali ahi habkaas kama bixi karto illaa ay hesho hab kale oo kaas hore burburin kara. Xaqiiqadaas ayeynu raadraaca taariikhda ugu tegaynaa. Habka cusubi waxa uu doonaba ha noqdo: mid siyaasadeed, mid dhaqan, mid aqooneed, mid diineed i w m, waxaase shardi ah in uu lahaado awood iyo tamar cusub oo uu fekerka iyo dhaqanka markaas jira ku doorin karo. Tusaalaha la isla wada yaqaan ee la soo qaadan karaa waa isbeddelkii ay Diinta Islaamku carabta ku samaysay. Carabtu waxay ahayd ummad dirqi ku nool, sideenna maanta, xagga nabadgelyo xumada iyo loollanka qabyaaladeed. Ninkii carbeed macnaha keliya ee noloshiisu wuxuu ahaa qabiilka. Haba yaraatee qiimo dadnimo oo kale ma uu lahayn. Carabtu waxay qarka u saarrayd in ay dhaxal wareegto oo ay ummado kale u gacan gasho. Markaasba saddex quwadood baa waqooyi, bari iyo koonfur kaga soo durkay: Rooma, Beerashiya iyo Itoobbiya. Inteeda kalena waxaa ku socdey farogelin aad u xooggan. Dabadeed waxaa soo korodhay dhacdadii carabta iyo dunida oo dhan beddeshey: Diinta Islaamka. Maalintaas baa ninkii carbeed ee macangegga ahaa qabiilkii uu ku dhegganaa dhenged lagaga furfuray. Waxaa loogu beddelay wax u dhaama. Maanta innaga Diintu sidii si la mid ah qabyaaladda ma inooga saari kartaa? Maya, waayo iyada iyo qabyaaladda oo isku jira ayeynu muddo dheer ku soo noolayn. Aayad kasta iyo xadiis walba oo xumaanta qabyaaladda tilmaamaya kumanyaal goor ayuu qofka soomaaliyeed maqlay, sidaas darteed wuu caadaystey oo dhiillo cusub gelin mayso. Waxa wax lagu beddelayaa waa in ay lahaadaan dardar iyo carcar maskaxda iyo dareenka dadka dhiillo culus ku rida. Carabta oo ay qabyaaladdu dib ugu soo noqotay iyagaba diintu maanta waa ay ka saari kari la dahay, waayo waa ay la falgashay. Isbeddel dhaqan oo qabyaaladda lagaga baxo waxaa keeni kara oo keliya fikrad cusub, xooggan, firfircoon oo abaabulan. Fursaddaasi laba jeer ayey ina soo martay, labadii jeerbana waa aynu luminnay. Ta hore waa markii dawladnimada la qaatay oo ay waddaniyaddu dareenka umadda aad ugu shidantay. Fursadda labaadna waa dhalashadii Kacaanka Oktoobar. Kacaankaasi in kasta oo uu ku yimid si sharcidarro ah, haddana fikradihii uu ku baaqay iyo kartidii uu bilawgii muujiyey, iyo sidii aadka ahayd ee uu bulshada u abaabulay looguna wada jiibiyey, waxay ahayd mid loo aayi lahaa haddii aan goor dhexe la afduubin lagana dhigin awood lagu qawlaysto. Maanta xaalad cusub oo wax beddeli kartaa in ay inaga dhex abuuranto ifafaalaheedu ma muuqdo. Qof waliba wuu ku qanacsan yahay in aan sidan lagu sii socon karin, waxaana jira dad aan badnayn oo ka koray heerka hoose ee ay bulshadu joogto, laakiin waxaan jirin fikraddii isbeddelka loo adeegsan lahaa. Waxaad mooddaa dadka soomaalida in uu ku dhacay ”nabaadguur” ama ugu yaraan ”xaaluf” maskaxeed. Waa marka la yidhaahdo "soomaalidu waa ay bugtaa". Sideedaba in qabyaaladda debedda la iska taago waxaa suurto gelin kara saddex arrimood: 1) barbaarin wanaagsan oo uu qofku yaraanta helo, kuna saabsan sida uu ula dhaqmayo garaadkiisa iyo dabadeed dadka kale. 2) in uu yahay qof garasho wanaagsan aqooni u weheliso, aqoontaas oo aan dad kale oo badan waxba u kordhin. 3) in uu dabci ahaan u abuuran yahay qof anshax suubban, taas darteed uu xumaanta qabyaaladda si shakhsi ah u dareemayo. Haddaba dadkaas tirada yar laakiin fayow ayey rajadu ku jirtaa. Waxayse ku xidhan tahay qudhooda sida ay fikrad cusub oo lagu badbaadi karaa uga soo dhex baxdo. Wax macne ah samayn mayso in ay meelahaas qabyaaladda iyo dibudhaca umadda ka caayaan iyaga oo aan waxba qaban. Nasiibxumo dadkaasi waxay ku hoos jiraan bulsho weynta qarriban. Laakiin ma aha in ay inagu hoos jiraan ee waa in ay kor inooga baxaan, hoos inoo eegaan, oo aad inoo xaqiraan. Waa in ay inoo arkaa ummad daacuun qabta oo dhexgalkeeda lagu sadhoobayo. Waa in ay u dhaqmaan sida nebiyada, isuna arkaan in ay sidaan dhambaal uga baahan gudbin iyo gudasho. Waa in ay ku farxaan, ku faanaan, oo iskula weynaadaan in ay ka sarreeyaan inteenna weli dacda qabyaaladda dhex rafanaysa. Waa in ay noqdaan dabaqad feker oo higsi iyo hiraal u noqota faca soo koraya ee ay hiraal la'aantu hayso. Markaas ka dib ayey noqon karaan qarax weyn oo ina jahowareeriya, dabadeed inagu khasba in aynu dhanka aynu u soconno mooyee dhan kale nafta ula yaacno. Aan ku gunaanado Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye" oo leh: kala daadsanaantii habkii duunyo dhaqatada iyo kala dambayntii dawladnimo lahayd baa isku kay dul haystoo jeeroo doc loo dhaco hawl baa dambaysee... Ibraahin Hawd
Copyright © 2005 Wardheernews.com |