Jacaylkii Barni Seed

Ibraahin Yuusuf Axmed

October 3, 2005

Barni Seed Warfaa aqalkoodu waa ka tuulada oo dhan ugu sumcad xun. Waxaa jirta sumcadxumo la galabsado, tanise waa mid lagu heshiiyey. Waxaa lagu heshiiyey aqalkaas iyo qoyska ku nool in lagu tilmaamo kuwo sumcad xun. Waxaa la yidhaahdaa: “Waxaa ka soo ura saamo iyo subag gorayo.” Waxaa kale oo la yidhaahdaa: “Waxay cunaan oon aan aadamiga kale cunin.” Waxaa kale oo la yidhaahdaa: “Aqalkaas haddii la baadho waxaa laga helayaa ceebo aan caqligu rumaysan karin.”

Waa mutul yara weyn oo saddex qol u kala xidhan. Daaradda ciidda ah waxaa ku wareegsan ood badankeedu baxday oo dhir noqotay. Farasmagaalaha tuulada ayuu bari kaga soo jeedaa, haddii albaabku furan yahayna waxaa la arkaa ilaa dalqada.

Isaga oo ah aqalka tuulada ugu sumcad liita haddana goor iyo ayaan ragga oo dhami xaggiisa ayey wada eegaan. Waa la isla og yahay maalin walba meelo kadinka ku qumman in ogaan loo fadhiisto, laakiin danta halkaa loo fadhiisto la islama qiro. Qoyska deggan qof aan ahayn oo weligii aqalkaas foodda geliyey lama sheegin, haddana eegmada lagama daayo.

Waa tuulo yar oo gabbalku mar wada dhaco waaguna mar u wada beryo. Qof waliba waxa uu ku seexdo iyo wax uu ku soo tooso waa laga wada war hayaa. Waa dad yar oo iswada yaqaan, laakiin qoyska Seed Warfaa waa ka keliya ee aan la ogayn waxa uu ku seexdo kuna soo tooso. Waa qoyska keliya ee aan la malayn karin waxa calooshiisa ku jira.

Barni Seed Warfaa maanta waa siddeed iyo toban jir. Nafle la qurux ah gabay waa lagu sheegay laakiin dunida laguma arag lagumana maqal. Iyada oo aad u yar ayaa xaqiiqadaas la wada qiray. Sagaal jir bay ahayd maalintii ay gole rag waaweyni fadhiyaan hor martay, dabadeed nin raggii ka mid ah afkiisa laga maqlay: “Furuq ku dil, maxay qurux la soo kacaysaa!” Waa la wada qoslay, waayo hadalku kama duwanayn mid lagu yidhi ceesaan ama sabeen. Ma aha ammaan loo quudho qoyska sumcadda xun. Quruxda iyo wanaagga kale ee Barni Seed waxaa loo arkaa wax ku khasaaroobay meel qaldan, sida roob beer looga baahnaa oo bad ku da'ay. Hayeeshee weedhaas habaarka iyo ammaanta isugu dhafan ayaa noqotay halhays muuqa Barni Seed ku lammaan. “Furuq ku dil, qurux badanaa!”

Ragga inta ay halkaa yuurursadaan sidii xoolo horan xagga mutulka indhaha u wada jeediya, waxaa ku jira Warsame Geeddi oo ah sagaal iyo toban jir isaga iyo qoyskoodaba la qaddariyo. Jacaylka ay isaga iyo Barni Seed isu qabaan cidna kama qarsoona, waxaase loo arkaa jacayl xaaraan ah oo aan bannaanayn ama habboonayn. Haddii uu jacaylku yahay wax Ilaahay dadka qalbiga ugu rido, ka Barni Seed dadka ugama duwana cudur sheydaan qalbi miskiin ku tuuray. Haddii ay quruxda iyo wanaaggu ka mid yihiin shuruudaha jacaylku ka beermo, iyada teeda isla marka la qirsan yahay ayaa la inkirsan yahay. Waxaa loo arkaa qurux iyo wanaag aan la mid ahayn ka dabiiciga ah ee dadka lagu jeclaado, sida ka lagu tilmaamo noolaha kale iyo walxaha aan noolayn.

Warsame Geeddi iyo Barni Seed waxay garaadsadeen iyaga oo isjecel. Midkoodna ma garan karo dareenka wanaagsan ee uu ka kale u hayaa goortii iyo sidii uu ugu bilawday. Laakiin maraggaa soo-jireenka ahi markii ay weynaadeen garta waxba ugama tarin. Haddii awel jacaylkooda la moodayey carruurnimo, maanta waa lala xisaabtamayaa oo waxaa laga sugayaa in ay dhawraan xeerarka adag ee dhaqanka. Warsame markii uu ku baraarugay qosolka quudhsiga leh ee qayrkii ayuu ku qancay ceebta iyo magacxumadu in ay u jiraan inta ay Barni Seed u jirto. Haddiise uu ku guulaystey in uu jidhkiisa iyo keeda kala fogeeyo, weligii kuma guulaysan in uu naftiisa ka fogeeyo. Run ahaantii naftiisu teeda ayeyba ka mid tahay.

Barni aabbeed Seed Warfaa waa shan iyo afartan jir laf iyo xoog loo dhammeeyey. Wuxuu caan ku yahay, oo muddo dheer degmada oo dhan u haystey, legdanka, orodka iyo toogashada. Taa ka sokow keligii ayaa tuulada u qaabbilsan xirfadda kabotolista. Waa nin furfuran oo bulshay ah.

Dadka cayda iyo cadaadiska badan la kulma qaarkood waa ay jabaan oo waxaa ku dhaca cuqdad iyo daciifnimo nafsadeed, gunnimada ayeyna qaayibaan. Qaarkoodna waa ay ku dhismaan oo waxay ka qaadaan adayg. Seed Warfaa wuxuu ahaa noocan dambe. Subaxdii uu tallaabo qaaday ilaa maanta naftiisa waxaa lala dhacayey nabarro aan tudhid lahayn oo qof jilicsani ku daadduumi lahaa, isagase waxay ka dhigtay birlab aan wax karayaa jirin. Ninka erey qalloocan ku yidhaahda toban erey oo qallooca kala daran ayuu ku gaggabiyaa, ninka mar hoos u eegana toban jeer ayuu hoos u eegaa. Nin waliba isaga oo og in aanu Seed Warfaa si kale u liicin karin ayuu haybtiisa iin uga dhigaa. Intaas ayaa lagu mintidaa oo la iskaga celiyaa.

Goor walba dadka uu u shaqaynayo iyo qaar kale oo u soo sheeko iyo xifaale toontay ayaa agtiisa dhooban. Waqtigana mar walaba weerar iyo weerarcelis laguma dilo ee in badan waxaa laga dhegaystaa sheekooyin waayo'aragnimada ka soo burqada. Wuxuu jecel yahay in uu ka sheekeeyo xasuuso farxad iyo xanuunba leh oo ugaadhsi ku saabsan. Tusaale ahaan afkiisa lagama jeesto marka uu ka sheekaynayo “Guuldarradii labada goodir”. Mar iyo laba in ka badan ayuu taas ka sheekeeyey waayo naftiisa ayuu ugu tacsiyeeyaa. Wuxuu u bilaabaa sidan:

“Afadu waa fool, afar toddoba jirku ugu weyn yahayna way ag yaxoobaan. Waa abaar ba'an, wax afka la geliyana lama hayo. Wax beerkiisa bahal calaaliyo waxaa ii daaqa qaalin weyd ah oo aan ilmaha xamaamada ugu qaado. Ma isaga ayaad u qashaa? Maya ee caawa qadoodi ku seexi, berrina qoriga xun ee Ustarka ah ee ay xabbada keli ahi ku hadhay kaynta kula jarmaad. Haa, waxaa ku hadhay xabbad aan ku ilaalinayo, waayo bundukh aan rasaas lahayni dogob xaabo ah kama duwana oo dhenged baa lagaaga furan karaa. Dhulku ma ugaadh badna dadaalkase laguma qado.

Salaaddii hore intii aan nin iyo geed la kala garan ayaan qaalinkii heeryo fudud iyo laba yeelood garbaha u saaray lana dhaqaaqay. Laantii ay dabayli ruxdaba waxaan dhaayaha la raaco, dhawaaqii baxaba dhegta u dhigo, dhulkana raadba ka uu ka dambeeyo dul joogsado, goor ay tahay maalinweyn waa kuwan laba goodir oo geed wada daaqayaa. Rag waa damaaciye, waxaan qoondaystay labadaba in aan xabbadda ku wada dilo. Way dhacdaa oo horeba laba saryan baan toogasho keliya ku wada diley. Weliba goodirku sida biciidka uma feejigna. Sidii baan yeelay oo inta aan u dhowaadey suryo ay isku beegan yihiin ka wada shiishay. Baw! Mise wallaahay labadiiba way isaga baxday!

Markiiba kii soke inta uu qalabarogtey ayuu geesaha barkaday. Kii kalese inta uu wareeray   oo marba dhan isu qaaday ayuu markii uu i arkay dhanka kale u booday. Degdeg ayaan kii dhulka yaalley gawrac ugu jiidey oo kii kale ka daba orday. Meeshu waa xas jiq ah. Markii aan bidhaantiisa waayeyna raadkii ayaan cagta saaray. Shaki kama qabo xabbaddu in ay saableyda ka ruubatay. Cawska iyo laamaha uu jiidhayo dhiig ayuu ku duugayaa. Ma foga; ma foga goorta aad isaga oo itaal u run sheegay oo hortaada yaal arki doontaa, ayaan ku niyadsamahay.

Wax aan ordo oo raadka eryadaba, guushii aan gacanta la tiigsanayey mar keliya ayey guuldarro noqotay. Gelin dhan baa ordayaa, qorraxdii galab ayey u hoobatay, dabadeed harraad iyo daal ayaan la dirgan waayey. Dani waxay tidhi dib isaga noqo oo kii kuu dillaa habeenka ka gaadh. Gabbaldhac baan aniga oo geeri iyo nolol u dhexeeya bartii uu goodirku ii yaalley ku soo baxay. Mise meeshuba meeshii ma aha! Siigada duulaysa iyo dagaalka ka socda waxaad mooddaa goob lama qabiilo oo doqommo ahi isku galeen. Dhirta geed walba waxaa saaran tobannaan gorgor oo qaarkood bilaabay in ay dheelmadaan. Halkii aan goodirka kaga tegey waxaa filiqsan lafo habaas leh oo ay dhawr tuke sii feenanayaan. Waar illayn ciil iyo caloolxumo uma dhimatid!...”

Seed Warfaa isaga oo afar iyo labaatan jir ah markii uu guurdoon noqday hablaha degaanka oo dhan saddex keliya ayuu kala doorasho u lahaa. Boqollaalka kale iyo isagu waxay kala ahaayeen sida geela iyo idaha. Ha yeeshee doorashadii saddexda ku koobnayd ayuu Alle u barakeeyey. Wuxuu calfaday Dhudi oo uu ku badhaadhay, taas oo maanta u haysa lix carruur ah oo caafimaadkoodu taam yahay.

Seed Warfaa mood iyo nool weligii wax aan muruqiisa iyo maskaxdiisa ka soo shiilmin ma dhadhamin mana yeelan. Ooridiisa iyo ubadkiisu afarta xilli ee sannadkaba iyo goor walba waxaa ka muuqda daryeel iyo dufan. Isla markaas aqallo badan oo sharaf loo hayo habeenno badan dab lagama shido.

Waxaa u dareerta xayn yar oo adhi ah, wuuse og yahay si walba in uu uga nolol wanaagsan yahay qoysas kadin geel ah iyo tirooyin adhi ah dareersada. Muddadiiba mar buu qorigiisa Ustarka ah qaataa oo kaynta ka soo dishaa goodir, ama biciid, dibtaag ama cawl, amaba gorayo. Marnaba ubadkiisa oon dux leh uma waayo. Subagga gorayada ee urtiisa qoyska lagu yaso, Seed Warfaa wuxuu hubaa in ay tahay dawada ugu waxtarsan ee ubadkiisa cudurrada ka difaacda. Duumo, qaaxo, xiiqdheer, hargab iyo aafooyinka la midka ah ee ay carruurta tuuladu goor walba u daadato, qaarna u dhintaan, cudurradaasi isaga minankiisa ma soo galaan. Kaneecadu carruurtiisa in ay qaniinto iska daaye korkoodaba kuma joogsato.

Dadka beesha waxa kab maas ah cagta ugu jirta intooda badani waxay ka soo baxeen labada gacmood ee Seed Warfaa iyo inamadiisa uu ka ugu weyni gugan labaatan jirsadey. Kabatolennimadu ma aha xirfad uu dhaqaale kala soo baxo oo keliya, mana aha dhaqan awoow oo uu sii waday oo keliya, waxayse u tahay farshaxan iyo fannaannimo ay naftiisu caashaqday oo ku raaxaysato. Marka uu saan weyn oo agtiisa duuban marba sar uu calaamadiyey mindiil af badan kaga soo jeexo, uu sii jaangooyo una egaysiiyo raad qof, uu mid kale iyo mid saddexaad sidii si la mid ah u qaabeeyo dushana iskaga wada nabo, uu kabatoli iyo suun dhuuban qaato oo saddexdii sarood tolan ku wareejiyo, uu suuman yara balballaadhan sarihii uu isku dhisay dusha kaga xidho musbaarrana ugu qodbo, uu cidhib iyaduna dhawr sarood ah gunta dambe kaga fadhiisiyo, uu suundambeed gadaal kaga wareejiyo, uu sidii ilmo uu dhalay cabbaar marba dhaban ka daawado, uu Aji cagaag dilooday cagaha ugu jufo, farxadda iyo liibaanta uu ka helo ma jiraan wax kale oo uu ka helaa. Run ahaantii markaas lacagta uskagga leh ee loo soo taago kama fekero.

*

Waa duhur kulul oo ay qorraxdu iyada oo qaawan cirka badhtankiisa dangiigto. Geedku waa jinaw weyn oo cufan caleentuna aad u hadoodishay. Hooskiisa waxaa hadhac qabow ka sii dhigay ciidda rayska ah. Waa ciid ay roobab isdabajoog ahi nadiifiyeen. Barni Seed jirridda ayey dhabarka ku tiirisay, labada lugoodna rayska qabow ku kala bixisay. Geedka xiga waxaa hoganaysa xayntoodii. Dhabta waxaa u saaran duub maydhax ah oo ay xadhig ka soohayso. Cod ay raalli ka tahay ayey ku qaadaysaa heeso cayaareed cusub oo degmada laga tiriyey. Heesaha ay qaadayso iyo maydhaxda ay soohayso midna kuma baraarugsana oo waxay ku maqan tahay duni kale. Laba dareen oo cadaw isu ah ayaa nafteeda ku legdamaya. Wejigeeda ayuu dagaalkaasi ka muuqdaa. Mar way muunsoonaysaa marna qamuunyoonaysaa. Dhalanteed ay dhex mushaaxaysey waxaa ka dhabqiyey sagaal jir geedka gadaal ka soo galay.

– Ayaanle,   waad naga nixisaye waa la isa soo muujiyaa.

– Adigu fulaysanidee maxaad ka baqaysaa?

– Ma waxaad ka timid tuulada?

– Haa.

– Yaa joogey?

– Dadkii joogi jirey.

– Makhaayaddii Guure ma tagtay

– Haa.

– Yaa joogey?

– Dee dadkii joogi jirey. Yaa kale ee joogi lahaa?

– Odaygii Xaaji Aadan ma joogey?

– Haa, wuu joogey.

– Cartan-Dheere ma joogey?

– Haa.

– Yaa kale ee joogey? Warsame Geeddi ma joogey?

– Haa, isaguna wuu joogey.

Laydh farxadeed baa martay. Intaas baa deeqday. Magacyada kale oo dhami waxay ahaayeen raadgadasho ee ka u dambeeya ayey u dan lahayd, Warsame Geeddi. Waa ay aamustay oo inta ay inankii la fadhiyey illawdey mar kale riyo macaan dib u gashay. Dhibic weyn oo biyo ah oo geedka ka soo dhacday ayey dhabanka iska tirtay, yarkuna wuxuu mooday in ay ooyayso oo illin iska bi'inayso. Wuu eegayaa dareenkeedana fahmayaa. Marar badan buu maqlay dadka oo iyada iyo Warsame hadal haya. Marar badan buu maqlay rag Warsame kula kaftamaya: “Barni haddii Alle kuu geeyo, iska ilaali boqnaheeda iyo baabbacooyinkeedu in ay ku taabtaan!” Hadalkaasi isaga qudhiisa ayuu saamayn daran ku yeeshay oo taabashada ilmo Seed Warfaa wuu iska ilaaliyaa.

Mar keliya ayey qoftii isbeddeshay. Muddo ayey dhaqaaq oo dhan joojisay oo dhulka horteeda ah ku dhaygagtay. Haddana isaga oo yarku arkaya ayey duushay oo dabayl noqotay. Wuu waayey. Meeday? Halkii ay fadhiday waa cidla bannaan! Qoftii ma jin bay noqotay mise xanfalay baa qaadday?!

Yarkii waxaa ku dhacay argaggax. Wuxuu damcay in uu cararo oo beesha u qayliyo. Laakiin haddana waa tan halkeedii fadhida. Sidii buu dareenka wejigeedu liibaan iyo murugo isugu milan yahay.

Barni Seed way og tahay jacaylka ay Warsame Geeddi u qabtaa in uu yahay mustaxiil. Waxay jeceshahay ilaa heerka nolosha iyo dhimashada, haddana ugama duwana iyada oo jeclaatay wax aan jirin. Waa ay diiddan tahay oo ka niyadxun tahay xukunka iyada oo aan dhalan la saaray.

Warsame Geeddi isagu caashaqa uu Barni Seed u qabo cid kale iska daaye naftiisa uma qirsana. Wuxuu isu arkaa nin shil ku dhacay. Dadka kale qudhoodu dhab ugalama hadlaan. In qoyska sumcadda xun la jeclaadaa wax dhab loo qaadan karo loogana hadli karo ma aha. Yarka waxaa kaftan lagu yidhaahdaa : ” Barni Seed haddii Alle kuu geeyo, iska ilaali calaacalaheeda iyo boqnaheedu in ay ku taabtaan, haddii kale weligaa fakhri iyo cirirnimo ka bixi maysid.” Haa, sidaas ayaa la wada rumaysan yahay, isaguna rumaysan yahay. In uuse boqno iyo baabbacooyin iska ilaaliyo wuxuu ka door bidayaa in aan sideedaba Alle u geyn. Fakhriga iyo cirirnimada looga digayo waxaa kala weyn sharaftiisa iyo sharafta tolka.

Sidaas oo ay tahay, jacaylka daran ee naftiisa buuxdhaafay dartii maskaxdiisa waxaa joogto ugu soo dhaca feker uu ka acuudu billaysto. Wuxuu ka fekeraa isaga oo guursadey Barni Seed, dabadeed carruurtiisa abtiyadood noqdeen kabatoleyaal. Markaas inta uu yaxyax la dhidido ayuu qosolgariiraa oo sheydaanka iska naara. Sababtaas ayuu dareenka naftiisa ugu garaabi la yahay. Sababtaas ayuu Barni uga garaabi la yahay. Tallaabo taariikhda iyo dhaqanka degaanka ku cusub oo ay Barni Seed ku dhiirratey isaga ayey hiil uga weydey. Dharaar cad inta ay isa soo hor taagtey ayey ku tidhi: “Waan og ahay inta aan ku jecel ahay in la'eg in aad i jeceshahay. Haddaba maynu danteenna garanno oo isguursanno?” Isaguna inta uu si yasid leh u dhugtay oo muunsooday ayuu iyada oo halkii taagan ka dhaqaaqay. Run ahaantii wuu ogaa in uu dadnimadiisa iyo dookhiisa yasayo. Wuu hubey dunida qof Barni Seed kala weyn oo uu ka jecel yahay in aanay jirin. Iyaduse habeenkii xigay oo dhan waa ay ooyaysey. Waxay la ooyaysey murugo iyo ciil isku jira. "Furuq ku dil, qurux badnaydee!"

*

Goortu waa casar dheere aad u kulul oo dunidu inta ay dhalaashay isu rogtay dhaandabaggaalle. Waxaa la maqlay mashxarad dheer, haddana dhawr xabbadood baa cirka loo riday. Dabadeed aqalkii reer Seed waxaa ka soo baxay nin doob ah oo aan tuulada laga aqoon. Waxaa ka soo daba baxday Barni oo dhar cusub gashan. Waa ay ooyaysaa. Kor iyo hoosba waa ay u ooyaysaa. Caloosha iyo indhahaba waa ay ka ooyaysaa. Ilaa saaka aqalkooda ayey ka dhex barooranaysey, imikase baroortii waa ay ka daashey oo waxaa ku hadhay hiinraag iyo illin dhabannada qulqulaysa. Tallaabada dirqi ayey ku qaadaysaa. Waaba la riixayaa. Dad door ah baa cabbaar sii gelbiyey. Dadka sagootiyey waxaa ku jira Ayaanle. Qunyar qunyar ayey tuulada uga durugtay. Waxay ku baxday xoog iyo xanuun la mid ah ka ay naftu jidhka kaga baxdo. Ninku wuu ka horreeyaa oo isagana waxaa gelbinaya laba nin oo kale.

Markii laga soo wada hadhay tuulada laguma soo noqon ee waxaa la istubay debedda. Waxaa la sii eegay labadoodii oo bari qumman afka ku sii haya. Ninka waxay ka dambaysaa dhawr tallaabo, mana wada hadlayaan. Ugu dambayn waxaa la sii arkayey iyaga oo bankii kululaa ku fogaaday, oo dhex galay dhaandabaggaalle, una egaaday laba laamood oo dhaadheer. Waxay noqdeen laba malluugood, dabadeed waa ay libdheen. “Furuq ku dil, qurux badnaydee!”

Degdeg ayey qorraxdii u dhacday, waxaana soo weydaaratay dhaxan daran oo aan mid la mid ah hore loo arag. Waa la wada qadhqadhay. Qof waliba inta uu gadhka iyo lawyada isgeliyey oo huga isku duubay ayuu keligii meel yaxoobsaday. Sidii loo dhammaa waa la aamusay. Shib. Qof mid kale la hadlayaa ma jiro. Qof waliba mugdiga ayuu ku dhaygagay. Qof walba waxaad mooddaa qallad aan wax ka qabasho lahayni in ay ku gooniyaysatey. Haddana qalladda dhacday waxa ay tahay iyo sida ay tahay la islama qeexi karo. Ma in Barni Seed la guursaday oo dhul kale lala aaday baa? Maya, maya, caqligal ma aha. Maxaan caqligal ahayn? Ma in aanay dhicin, mise in ay masiibo tahay? Maxaan dhicin, maxaase masiibo ah? Weydiimaha caloosha wareegayaa afka kama soo baxaan. Waxba la islama qirsana ee qof walba isaga ayey u gaar tahay, sidii uu jacaylkeedu qof walba gaarka ugu ahaa. “Furuq ku dil, qurux badnaydee!”

Dad badan baa isku raacay habeenkaasi in aanu dhaxan badnayn oo keliya ee xataa hebeennada kale ka dheeraa. Sida uu waagu u soo raagey waxaaba la moodey in aan qorrax dambe soo bixi doonin. Wadaadka masjidku maalintaas eedaankii salaadda makhrib iyo kii cishe labadaba wuu illaawey. Maalmo ka dib waaba la isku khilaafay labadaa salaadood in la tukadey iyo in kale. Galabtaas kulul naftii sida xoogga leh tuulada uga baxday dib uma ay soo noqon; naf baxday ma soo noqoto. Farxad, kaftan iyo qosol maalintaas baa tuulada ugu dambeysey. Indhihii badnaa ee aqalka sumcadda xun eegi jirey maalintaas baa meel ay wadajir u eegaan ugu dambeysey. “Furuq ku dil, qurux badnaydee!”

Guri haddii aan lagu noolayn wuu cimri degdegaa oo dhakhso u daataa. Mutulkii reer Seed Warfaa iyo cariishkii kabaha lagu toli jirey beryahan waxay u eg yihiin hambo duni la rogey ka soo hadhay. Doog baa ka baxay, waxaana gala bisadaha iyo bahalaha hoose. Waxaa laga hayaa oo keliya laba xasuusoos: shakhsiyaddii adkayd ee Seed Warfaa iyo quruxdii inantiisa.

Sidii Barni Seed loo guursadey dhulkii ay ku dhalatay kuma ay soo noqon. Waxaan jirin sabab ku soo celisa, waayo reer Seed oo dhami iyada ayey sannad keliya ka dambeeyeen oo way ka daba hayaameen. Odaygii iyo islaantii iyada ayey dhulka cusub la degeen. Halkaas ayuu Seed Warfaa ka sii waday xirfaddii uu jeclaa. Wuxuuse ka niyadxun yahay raggii uu dhalay oo diiday in ay la shaqeeyaan. Saddexdiiba waxay noqdeen askar. Umadduna beryahan hadhuubraac ayey baratay oo kabaha loo tolo waxay ka jeceshahay kuwa loo soo dhoofiyo. Sidaas darteed shaqadiisa maanta nafci badan kuma qabo. Labadii hablood ee Barni ka yaryaraa qudhoodu waxay galeen magaalo, waxa ay halkaa ku qabaanna Allaa og.

                                                *

Dharaartii ay tuulada naftu ka baxday waxaa laga joogaa laba iyo toban sano. Ayaanle wuxuu baabuur kaga degey tuulo aanu u socon hayeeshee safarku la maray. Wuu sii qorshaystay in uu ku dego, wuxuuna sidaa xalwad iyo nacnac. Waa galab. Albaab loox ah oo ay saboolnimo ka muuqato ayuu garaacay. Waxaa ka furtay cunug qiyaastii kow iyo toban jir ah oo aad u qurux badan, aad u faraxsan, hayeeshee arradan. Waxay ku dhex jirtaa kurdad duug ah oo faraqyo leh. Wuxuu weydiiyey magaceeda, waxayna ugu sheegtay Ladan. “Furuq ku dil, maxay qurux la soo kacaysaa!”

Ayaanle gudaha waxaa ku qaabbishay haweeney iyaduna sida yarta u qurux badan una arradan. Waa Barni Seed oo shan dhal ah. Yartii albaaka furtay ayaa curad u ah.

Carruurtii iyo dhawr kale oo deriska ahi markiiba waxay ku degeen xalwaddii iyo nacnacii. Qayladoodu waxay aad u dhabqinaysaa sheekada Ayaanle iyo Barni. Markii ay lahayd: “Kaalaya abtigiin salaama”, dheg uma ay jalaqsiin. Wuxuu isweydiiyey sababta ay abti ugu sheegtay, ee ay tusaale ahaan adeer ugu sheegi weyday. Malaha mar haddii ay isku degaan ahaayeen waxay ka soo qaadday walaalkeed oo kale. Malaha dadka ninkeeda la degaanka ah ayey carruurta ugu sheegtaa adeer iyo eeddo.

Goor dambe oo ay godolkii hore ee iswaraysiga kala maaleen, iyada oo ay indhuhu ilmo godladeen waxay tidhi:

– Waxaan maqlay Warsame Geeddi weli ma guursan?

– Haa, weli ma guursan.

– Waxaan maqlay waxaa diidday ina Xaaji Aadan?

– Haa, labada tii yarayd.

– Taas aniga ayaa kun goor ka qurux badnaa kana karti badnaa.

– Haa, waa la wada ogaa in aad ka qurux badnayd si walbana uga dadnimo sarraysey.

– Laakiin waa ay iga nasabsanayd.

– Ma rumaysni in ay laba qof dhalashada ku kala nasabsan yihiin. Qof waliba waa waxa uu yahay qof ahaan iyo waxa uu kasbado.

– Waan ku fahmayaa waayo mutacallin baad noqotay, waxaase jira dhaqan adag.

– Waa dhaqan abaadey oo aan maskax iyo akhlaaq ku dhisnayn.

Cabbaar ayey kala aamuseen oo midba xasuusta dhan u daaqgeeyey. Wuu hubaa in ay ka fekerayso Warsame Geeddi , iyo waayo waayo . Isaguna wuxuu ka fekerayaa nacasnimada dhaqankii uu ku garaadsaday , iyo dulmigii reer Seed Warfaa lagu hayey , iyo jacaylkii Barni Seed ee maadda laga dhigtay , iyo sidii uu isaga ilaalin jirey taabashada boqnaha iyo baabbacooyinka reer Seed Warfaa . Qudhiisu tuuladii waxba iyada kagama dambayn oo waxaa la geeyey magaalo iyo waxbarasho . Markii uu qaangaadhey ayuu ogaadey waxaasi in uu ahaa dhaqan liita . Gabadhii ugu horraysey ee uu beelaha la haybsooco ka bartay ayuu ogaan boqnaheeda iyo baabbacooyinkeeda u taabtay si uu isaga daweeyo cudurkii iyo cuqdaddii isaga oo yar la geliyey . Booqashadan qudheedu waxay qayb ka tahay dadaal uu denbidhaaf ku raadinayo .

Goor dambe ayey maskaxda dib u soo dheelmiyeen , iyada ayaana tidhi :

– Weligii wuxuu ii jeclaa sida aan jeclaa si la'eg, sababtaas baan uga samri la ahay. Waxaan rajaynayaa guur la'aantiisu in aanay nabsi ahayn.

– Isaga oo ku jecel haddii uu ku guursan waayey waa u doqonnimo.

– Qudhiisa dhaqanka ayaa dabray.

– Haddii uu geesi yahay dhaqan gaboobay uma dabranaadeen.

Waa ay ooydey ilaa wejigeedu dhidid iyo illin la qoyey. Isaguna wuxuu ugu celceliyey ereyo garwaaqsi iyo calool adaygsiin leh. Wax badan ayey iska waraysteen, gaar ahaan tuuladoodii, wax badan ayuuna uga warramay. Wuxuuse ka qariyey Warsame Geeddi in uu bukaan noqday. Haa, uma uu sheegin sidii iyada loo guursadey ninkaasi in uu noqday qof maahsan oo aan la garanayn xiskiisu in uu dhan yahay iyo in uu dhiman yahay. Mooyi sababta uu taas uga qariyey. Malaha wuxuu diiddanaa sawirka ay xasuusta ka daawanayso in uu ka jeexjeexo.

Markii uu Barni ka soo baxay Ayaanle aqalka hortiisa wuxuu ku sii maray yaryarkeedii iyo kuwo kale oo wada ciyaaraya. Wuxuu ka fekeray aayahooda iyo dhaqankoodu in uu ka duwanaan doono kii ay Barni Seed iyo Warsame Geeddi ku dhex barbaareen, jawaabse uma helin. Socdaalkiisii ayuu sii watay isaga oo leh: “Furuq ku dil, qurux badnaydee!”

Ibraahin Yuusuf Axmed
E-Mail: Ibraahinhawd@hotmail.com

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright © 2005 Wardheernews.com