|
|
Nin kastoo dhegaystaa, Dhabannada la haystee, Dharaaraa na soo maray!” Maansada Dhayalsi , Axmed “Genius”, Ogos 1984kii, Jigjiga . Dharaaruhu iskuma jiraane, Qormada maantu waa kuwii nagu soo maray Balli-gubadle oo ahayd qalcad halgameed. Run ahaantii Qormada ayuun baan ku suntadaye, wax maalmo lagu sheego way ka badnaayeen. Habeennaa ku jiray. Waa berya iyo gabbal dhacaba way lahaayeen. Barqooyinkii….fiid-cawlladii….Gudcur iyo caddoba way lahaayeen. Gu' iyo jilaalba way lahaayeen. Xilliyadii samaa ……Xilliyadii tabashada. Malaha waxa ka fiican in aan sannado ku suntado. Haddii aan sidaa yeelana ma ay badnayne waxay ahaayeen laba sannadood oo u dhigmayay afar-laabkood.Waa sannado ku qarqooran Feberweri 1989kii ilaa Feberweri 1991kii. Laba sannadood marka la yidhaahdo waxa la moodaa in ay wax yar tahay, bal se marka maalmo iyo saacado laga dhigo ayay macno badan samaynayaan. Waxay ka sii fiicnaanayaan marka dhacdooyinkii, waayihii iyo dareennadii la raaciyo. Markaas ayuu sawirka dhabta ahi kuu muuqanayaa. Waa laba sannadood oo sannado halgameed ah. Laba sannadood oo gebogebo u ahaa tobankii sannadood ee ay SNM halganka hubeysan ee shacbiga ah kula jirtay nidaamkii digtatooriga ahaa ee Siyaad Barre. Laba sannadood oo haddii aan is-idhaa si kal-furan wax uga qor uu qalinku iga engegayo. Laba sannadood oo hodan ahaa……Sannado farxadeed….Sannado dagaal oo weerar iyo difaacba lahaa. Dagaallo aanu inta badan ku guulaysan jirnay, bal se marar aan badnayn aanu ku guul-darraysannay. Dhawaac iyo dhimashoba way jireen. Inta dhimata waanu aasan jirnay, dhaawacana waa la daweyn jiray, la xannaanayn jiray, la baanan jiray. Dawaynta, qalliinka iyo dhiig-siintaba waanu ka adkayn oo sidii ku dhici jirtay ciidammadii Siyaad Barre gegooyinka dayuuradaha inta aanu xidhanno dadka dhoofaya dhiig kama aanu shuban jirin. Xaasha! Dagaalka aanu ku jirnay ayaa noo sar-go'naayoo, khasaarahayagu mood iyo noolba wuu xaddidnaa. Dagaal shacbiya oo hubeysan ayuu ahaa. Dagaal xaq ah oo Ilaahay iyo shacbigaba taageero ka haysta ayuu ahaa. Sidaas ayaanu ku guulaysan jirnay, ugu danbayntiina ku guulaysannay. Maxaa Dharaarahan iyo Balli-gubadle igu kellifay? Maxaan u soo qaatay ee aan Qormooyinkan ugu suntaday? Mar xus iyo xusuusba waxaan uga dhigayaa Balli-gubadle oo qiimayn iyo qaddarinba naga mudan. Mar kalena waan ku diyaar-garoobayaayoo waa qormooyin qayb ka noqon doona xusuustayda halgankii hubeysnaa ee SNM. Haddii aan ku horreeyo Dharaaruhu waa labadaa sannadood ee gebagebada u ahaa halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Dharaaruhu haddii ay kuwaa noqdaan, Balli-gubadlena waa Xaruntii labadaa sannadood laga hagayay ee laga hoggaaminayay halgankaa hubeysnaa ee SNM. Balli-gubadle waa magaalo ku taal xuduudda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya oo Hargeysa kaga beegan koonfur. Waxay Hargeysa u jirtaa qiyaastii 60 km. Waa magaalo da' weyn oo waayo soo jirtay. Sida magaalooyinka kale ee xuduuddaa ku yaal, waa magaalo xududda oo waddo-baabuur ahi ay laba u qaybiso. Labadaa qaybood ka-sokow, waxa jirta qayb yar oo kale oo wax aan badnayn ka go'an magaalada weyn oo woqooyiga ka xigta. Waa degaan xoolo-dhaqato oo saddexda meesiba lagu dhaqdo oo ay ku badan yihiin beeraha jaadku, gaar ahaan tallowga xuduudda, beerahaas oo aan is-idhi ilaa 1960kii waa la beeranayay. Kolley jaadka beerahaa ku yaallay, jaad tis-qaada oo dhir noqday ayuu ahaa. Waa magaalo markii hore Balli ahaan jirtay oo samaysantay kontonnadii qarnigii hore ka hor. Balli-gubadle dariiqyo badan ayaa mara. Jidka ugu weyni waa ka xuduudda mara ee galbeed ilaa bari u kala gudba. Waxa jira isna dariiq ka yimaadda Hargeysa oo Gunburaha banka soo mara. Dariiq kale ayaa koonfur-galbeed u baxa oo taga Laan-qayrta. Galbeedka waddadaa Laan-qayrta waxa mara waddo yar oo Caraancarrey tagta. Saddex wa Laan-qayrta bariga ka xiga ayaa waxay tagaan: Balli-abaad, Kaam-Barwaaqo iyo Kaam-Haashin Balli-gubadle waxay ku taallaa meel Sud ah oo la yidhaahdo “Sudda Waab-qurux”. Dhulka Gaaroodiga loo yaqaan ayaa xagga sare ee koonfureed kaga beegan Balli-gubadle. “Sii-godan” iyo “Af-meerka Axan-weyne” ayaa ka mid ah meelaha caanka ah ee Balli-gubadle ka sarreeya. Balli-gubadle degaan ahaan wuxu badhaa galbeedka iyo bariga oo geedka sogsogta la yidhaahdo galbeedka Balli-gubadle waad ka helaysaa, laakiin bariga kama baxo. Balli-gubadle waa dhul yar taagan oo ay berkeduhu ku badan yihiin. Waa laf aan sidaa u dhagax badnayn. Qururux yar yar iyo ciid aan badnayn ayaa dhulka intiisa badan dul saran. Xilliyada roobku da'o waa dalsan carro-madow ah oo aanad dhiiqada socon karayn. Xilliyada roobku da'o waxaad is-odhanaysaa dhul dhoobay ah ayaad joogtaa. Mararka qaarkood ayaan Wajaale soo xusuusan jiray, gaar ahaan xilliyada aan ka dego lafta ee aan ku sugnahay dhulka hoose. Intii aanay magaalada noqon Balli ayay ahaan jirtay. Geelii Indho-badane dabadii, waa halkii lagu dhiciyay geelii xigay ee la qaado. Dagaalka geelaa lagu dhiciyay dabadeed ayaa Balli-gubadle loo bixiyay. Waa dagaalkii Faarax Nuur ka tiriyay tixda caanka noqotay ee Sardan oo aan Cali Jaamac Maxamed kaga qoray magaalada Hargeysa 20/3/2005ta. Tixdaasi waxay ahayd ama uu Faarax Nuur ku yidhi: Sergedaa haddii lagala dhaco, sararta guudkeeda, Tixdaasi sidii aan hore idiin ku sheegay waxaan ka qoray Cali Jaamac Maxamed, markii aan ka qorayayna dad kale oo na dul joogay ayaa hadba mid beyd soo tuurayay. Sidaa darteed ayaa laga yaabaa in ay wax ka maqnaadaan, taas oo aan ka cudur-daaranayo, bal se aan hubo in ay saxmi doonto marka la ururinayo suugaantii hodanka ahayd ee Faarax Nuur. Waxa laga yaabaa in ay in badan oo idin ka mid ahi Faarax Nuur u taqaanno gabayaa keliya. Xaasha! Faarax gabayaa wuu ka weynaa waanu ka durugsanaa. Ma aha wax aan anigu iskala damcaye, doorarkii uu qaatay waa wax suugaantiisa laga dheehan karo. Faarax Nuur wuxu ahaa astaanta suugaanta keeno-diidnimada iyo dulmi-diidka. Wuxu ahaa abbaarta suugaanta gobannimo-doonka ah iyo madax-bannaanida beni-aadamka. Faarax Nuur wuxu ahaa: Abbaanduule dagaalyahan ah…..Wuxu ahaa Hoggaamiye aragti dheeraa……Wuxu ahaa siyaasi ku dagaallamayay tab iyo xeel oo yaqaannay habka uu cadawgiisa ama cidda ay is-hayaan ula dagaallamayo iyo sida uu saaxiibbo ama cid taageertaba u yeelanayo. Wuxu ahaa nin-nabadeed colaadda sokeeyaha nebcaa oo mararka ay hurto bakhtiinteeda maanso u adeegsan jiray. Wuxu ahaa nin waddaniya oo ka xumaa kana maansooday sidii Soomaalida uu gumeysigu u qaybsaday. Waa kii tixdiisii caanka ahayd ku soo gunaanadayay: “Waa dhul la kala iibsadaan, nala ogeysiinne.” Marka ay adduunyadu ka hadlayso suugaanta babac-dhigga iyo loollanka dabaqadeed, maansada Soomaaliyeed marka aynu soo qaadanno, waa hubaal kuwa aynu la shir-tegayno in hal-muceedyadii Faarax Nuur kow ka noqonayaan; maansadaas oo qof kasta oo xaqiisa la duudsiyoba ciil-dhacsi, hawl-gal iyo ididiilaba ugu filan. Halgankaa hubeysnaa ee SNM oo socday bilowgii 1981kii ilaa bilowgii 1991kii, horteed ayaan mar arkay ama muddo gaaban ku noolaan jiray degaanka Balli-gubadle. Ku-sinnaan 1961kii ayaan markii iigu horraysay cago- dhigay Balli-gubadle. Aniga oo yar oo arday ah oo fasax ku jira ayaan ku noolaan jiray berked iyo guri ku yaallay dhinaca bari ee Balli-gubadle, meel wax yar ka hoosaysay ama woqooyi ka xigtay waddada baabuurka ee xuduudda u ah Somaliland iyo Itoobiya. Waan xusuustaayoo waqti badan kuma aan qaadan magaalada, bal se waxaan xusuustaa in aan mar iyo lababa imid. Ilaa maantana sawirkaasi xiskayga kama tirmin, intii aanu halganka ku jirnayna in badan ayaan lugeeyay si aan u soo booqdo berkeddii iyo jabadkii aanu berigaa degganayn oo aan yar xusuusanayay jihadii ay ku yaalleen. Magaalo weyn ma ay ahayne, dergedo yar yar ayay markaa ahayd. Taasi waa dhallaannimo iyo xusuusteed. Waxa ii xigtay sannadihii ciil-dhacsiga iyo is-xoreynta ee halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Aan idhaahdo dhammaadkii 1988kii iyo bilowgii 1989kii. Marka aan weliba is-idhaahdo ku sii dhawow taariikhda, waxay dib ugu noqonaysaa dhammaadkii 1988kii oo aanu u diyaar-garoobaynay Kal-fadhigii 2aad ee aan Caadiga ahayn ee Golaha Dhexe ee SNM, kaas oo ku qabsoomay Balli-gubadle bishii Feberweri 1989kii. Halkan inta aanan dhaafin aan wax aan badnayn idiin yar iftiimiyo. Balli-gubadle ka hor waxa jiray magaalooyin kale oo SNM u ahaan jiray xarumo maamul. Waxa ka mid ahaa magaalooyinkaa: Adis-Ababa, Diri-dhabe, Harar iyo Jijiga. Intaas oo keliya ma ay ahayne, intii ugu mudnayd ayuun baan ka soo qaaday. Inta badan xidhiidhkii qarsoodiga ahaa ee aanu la lahayn dawladdii Itoobiya, wuxu qasbay in aanu xarumahaa ula baxno magacyo Soomaaliyeed, gaar ahaan mararka aanu wax qorayno si aanu u raad-gadanno. Dawladda Itoobiya qudheedu si ay noola xidhiidho, waxay adeegsan jirtay af-garasho aanu isla naqaannay. Itoobiyaanka SNM waxay ugu suntanayd “Project: 06”. Weliba mararka qaarkood waxa la raacin jiray “Project: 06-B”, iyada oo ay SSDF-tu ahayd “Project: 06-A”, maa daama ay halkaa nooga soo horreeyeen. Haddii ay Itoobiyaanku sidaa noo yaqaaneen, annaguna xarumahayaga maamul waxaanu ku suntannay: Adis-Ababa oo ahayd “Guulallee”, Diri-dhabe oo “Raamaale” ahayd, Jigjiga oo “Aroori” ahayd iyo Balli-gubadle oo aanu ku suntannay “Almis”. Marka aan “Almis” leeyahay, waxaan u jeedaa Xarumihii SNM ee halkaa ku yaallay. Waxaan xusuustaa maalin dhowr iyo sagaashankii ahayd oo aanu joognay xafiiskii SORRA. Cabdillaahi Cukuse ayaa sawir I tusay oo igu yidhi: “Car halkaa sheeg meesha ay tahay.” Waa cir…..daruuro iyo baro madow oo daruurahaa u dhexeeya. Markaan sawirkii eegay waxa igu soo dhacday in la qaaday goor barqo dheer ah oo ilaa 11.00 saac ee subaxnimo ku sinnayd. Cukuse oo jawaabtii iga sugayay ayaan ku idhi: “Waa cirkii Balli-gubadle.” Intuu qoslay ayuu sawirradii kale ee la socday I tusay. Degel iyo dhirba markii aan daalacday runtay ayay ahayd oo cirkii Balli-gubadle ayuu ahaa. Sawirrada waxa soo qaaday Xafiiska SORRA oo malahayga mashruuc dugsi halkaa ka fulinayay. Sidaas ayuu Balli-gubadle nagu yahay. Waa magaalo ku degmoowday: qarannimo, qowmiyad iyo ururnimo. Waa taallo u mudan halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Inta aanan ka hadlin amaba wax ka qorin sidii ay SNM Balli-gubadle ku degtay ama Xaruntaba uga dhigatay, bal aan wax yar dib ugu noqdo taariikhda oo aan aniga oo dul cararaya idin ka soo daaddaheeyo magaalada Harar oo uu ku qabsoomay Shirweynihii 5aad ee SNM bishii Maarj 1987kii. Waxba yaanay idin la fogaan, waayo ma aha wax aan ku sii dheeraanayo oo aan si dhumuc leh u gelayo. Maxaa yeelay, sida aan qorshaystay waa mowduucyo aan si qoto dheer oo faahfaahsan ugaga bogan doontaan Buug aan ku talo-galay ama aan qorshaystay in aan ku soo ururiyo “Xusuustayda qof ahaaneed ee halgankii hubeysnaa ee SNM” oo la yidhaahdo ama aan u bixiyayba: “Dharaaraa na soo maray”. Intiisii badnayd waa ay qorantay, Ilaahay idamkiina waan heli doonaa waqti iyo fursad aan ku dhammeeyo inta ii hadhay, ka dibna ku daabaco. Hawl fudud ma aha. Waa hawlaha ay galaan ama ay qabtaanba hay'aduhu ama dawladuhuba. Aammiinta ku dedaala. Laba ayaan is-qabanayn: Waa inta qof samayn karo ama qori karo iyo filashada dadka oo aad u kala badan. Anigana waxa weliba taa ii sii dheer, in sidii la iigu disayay la igu qanciyay in qoraalka taariikhdaasi tahay xil aniga si gaar ah ii saaran. Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu ina soo kala furto oo dhammaanteenba wada asturo, dantuna sidaas ayay igula jirtaa. Shirweynahaa 5aad ee SNM oo ku qabsoomay magaalada Harar ee dalkaa Itoobiya markii uu dhammaaday bishaa Maarj ee 1987kii, Dastuurka SNM marka la raaco waxay ahayd in ay qabsoomaan lix Kal-fadhi oo Caadiya oo Gole Dhexe, kuwaas oo sharci ahaan la qabto lixdii biloodba mid. Kuwaasi waa kal-fadhiyada Caadiga ahe, waxa kale oo uu Dastuurka SNM qorayay in ay qabsoomi karaan Kal-fadhiyo Gole Dhexe oo aan Caadi ahayn, hadba inta Dastuurka SNM saamaxo ee hadba duruuftaa taagani qasabto. Abril 1987kii waxa qabsoomay Kal-fadhigii 1aad ee Caadiga ahaa, Oktoobar 1987kiina waxa qabsoomay Kal-fadhigii 2aad ee Caadiga ahaa ee Golaha Dhexe. Sannadkaa iyo sannadihii xigayba waxay ahaayeen kuwii ay SNM ugu muranka iyo is-haysadka badnayd. Si kale ku garan meysaane, Golaha Dhexe oo 45 xubnood ahaa ayaa laba kooxood u kala qaybsanaa oo kooxina maamulka Ururka taageersanayd, kooxda labaadna ka soo hor jeedday. Si kale haddii aan u idhaahdo, badhna muxaafid ayuu ahaa, badhka kalena mucaarad. Waa haddii ay jireenba wax run ahaa oo muxaafid iyo mucaarad lagu kala noqon karayay. Ma idhaahdaa, xaalad aan wax badan oo sidaas ah ka duwanayn ta maanta ka aloosan Somaliland.Maanta ku murmi meynno kooxda hagaagsanayd iyo ta qaldanayd oo waa inoo goorteed iyo goobteede, xaqiiqadu se waxay tahay in aad iyo aad loo kala fogaa. Su'aalo badan oo halkan ku jira ayaa u baahan in goortooda laga jawaabo, kuwaas oo aan ku soo ururin karo:
Su'aalahaa iyo qaar badan oo kaleba waa la is-weydiin karaa. Aan ku noqdo sheekadeenni hore. Murankii iyo is-man-dhaafkii ayaa sii xoogaystay, taasina waxay keentay in dhowr iyo toban xubnood oo haldoorkii SNM ahi ka soo gurmadaan laamihii dibadda. Gurmadkaas ayaa qasbay in Kal-fadhigii 1aad ee aan Caadiga ahayn ee Golaha Dhexe aanu ku gallo magaalada Awaare. Kal-fadhi ay ajendayaashiisu badnaayeen ma uu ahayn. Hawshii ugu mudnayd ee aanu qabannay waxay ahayd in aanu labadayadii kooxood qaybsanno Guddidii Fulinta oo lix xubnood ahayd marka laga reebo Xoghayntii Ciidammada Xoreynta oo uu hayay Guddoomiyaha SNM. Muran iyo muran la'aanba, tii Alle ayay u gudhay oo horraantii bishii Abril 1988kii waa tii ay Heshiiska kala saxeexdeen Maxamed Siyaad Barre iyo Mengistu Xayle Mariam. 27kii Meey iyo 31kii Meey, waa tii SNM ku waa-bariisatay Burco, magaalada Hargeysana ka hillaacday. Dagaalladaasi waxay keeneen in Ururkii SNM kala xidhiidh-furmo oo waxna ku go'doomaan xarumihii maamulka ee danbe waxna ku mashquulaan jiidihii hore ee dagaalka iyo dalka gudihiisii. Waqti ayaan la isu socon jirin oo la kala go'naa. Si loo qiimeeyo gudo-galkii iyo waxyaabihii ka soo baxay isla markaana qorshe mustaqbalka ah loo dhigto, qaylo-dhaan ayaa ka timid qaybtii ku sugnayd jiidaha hore ee dagaalka, taas oo daarranayd in la qabto Kal-fadhigii 2aad ee aan Caadiga ahayn ee Golaha Dhexe ee SNM. Beryahaa Golaha Dhexe ayaan ka tirsanaa aniga oo isla markaana ahaa ama hayayba labada xil ee kala ahaa: Xoghayaha Golaha Dhexe iyo Xoghayaha Guddida Joogtada. Laba xil oo uu I saaray ama ii doortay Golaha Dhexe ee SNM.Marka la raaco jaranjaranda kala-sarreynta ama hab-maamuuska ee SNM, xilkaa waxa ka sarreeyay oo keliya Guddoomiyaha oo uu Shirweynuhu dooran jiray iyo Guddoomiyaha Guddida Joogtada oo uu Golaha Dhexe dooran jiray. Golahaa Dhexe ee aan kala-qaybsanaantiisii wax idiin ka taabtay ayaa xilalkaa ii doortay. Kaaga-daranta, weliba xilka Xoghayannimada Golaha Dhexe waxa madax iigu ahaa Guddoomiyaha SNM, halka xilka Xoghayennimada Guddida Joogtada ah uu madax iigu ahaa Guddoomiyaha Guddida Joogtadu. Gees kale marka aad ka joogsato, labada Guddoomiye waxay kala hoggaaminayeen labadii kooxood ee Golaha Dhexe u qaybsanaa. Guddoomiyaha SNM waxa kale oo uu kala hayay xilalka kale ee kala ahaa: Guddoomiyaha Golaha Dhexe iyo Guddoomiyaha Guddida Fulinta. Ma ay ahayn xilal la iskala jeclaadaye, waxa loogu igmaday ka-fiirsasho iyo go'aammo Shirweyne. Si kooban haddii aan u idhaahdo, dan ayaa sidaa la biday. Waxa kale oo aad sheekada ku darsanaysaan, sidaa ay tahay in aan anigu qof ahaan ka tirsanaa labadaa kooxood mid oo weliba ahayd tii mucaaradka ahayd. Aan ka tirsanaado e', waxaan ku qasbanaa oo aan ku hawl-geli jiray in aan wadarta Golaha Dhexe u adeego aniga oo weliba ku hawl-geli jiray amarrada iyo wada-tashiyada aan la yeesho Guddoomiyaha SNM oo aanaan isku koox ahayn. Ma jecli in aan mowduucaa maanta ku dheeraado oo marar danbe ayaan u dhiganayaaye, waxa se xusid mudan beryahaa siday u adkayd xil-gudashadu. Guddoomiyaha mararka aanu hawl Golaha Dhexe ah ku kulanno, waxaan ku qasbanaa in aan labada kooxoodba ogeysiiyo illeyn xilal baan u hayaye. Kooxdii aan ka tirsanaa marka aan u tago, yaabkoodu wuxuu ka bilaabmi jiray markaan ku idhaahdo: “Guddoomiyihii ayaanu maanta is aragnay.” Waxaanu is-nidhiba ma ay sugi jirine xanaaq ayay is-xidhi jireen, iyada oo ay qaarkood ku celcelinayaan: “Immisaanu lahayn inankan yar aynu iska hubsanno.” Kooxda kalena way ka sii darnaydba oo aad ayay u adkayd in ay wax iga rumaystaan. Mar kasta oo Golaha Dhexe fadhiisto, labada kooxood midkoodna ma soo dhigi jirin in xilalkaa la iga wareejiyo, aniguna doqon ma ahayn oo weligeey xilalkaa istiqaalad kama keenin. Laba xil oo ka dhib badnaa garan maayo. Waxay ahaayeen laba xil oo saamayn badan ku yeeshay noloshayda, wax badanna ka qorqooray qofka aan ahay maanta. Ma aha xilal aan qabashadoodii ciil-kaambiyayo bal se waa qaar aan ku faanayo oo qiimayn iyo qaddarinba iga mudan. Duruuftaa adag ayaan ku hawl-geli jiray. Sida maanta dadku yahay ma aanu ahayne, waanu ka bisayl badnayn. Markii aanu talada qabashada Kal-fadhiga 2aad ee aan Caadiga ahayn ee Golaha Dhexe jiidaha hore ku gaadhnay, aniga oo ka wakiil ah qaybtaa jiidaha hore ku sugnayd ayaan wada-tashi ula tegay intii Diri-dhabe joogtay ee Golaha Dhexe ka tirsanayd. Ka-sokow in aanu qaybtaa Golaha Dhexe kulannay, waxaan si fiican u xusuustaa in Guddoomiyaha SNM oo hawlo dibadeed ku maqnaana tilifoon kula xidhiidhay oo aanu Kal-fadhigaa wada-tashi midho dhalay ka yeelannay. Waxaanu hadba dib u dhigno si ay noogu soo gaadhaan qaybihii jiidaha danbe ee maamulka joogay, waxay dantii nagu qasabtay in aanu go'aansanno in aanu Kal-fadhigii furanno. Dadka naga maqnaa ee aanu sugaynay waxa ka mid ahaa oo weliba ugu mudnaa Guddoomiyihii SNM oo ay ahayd in uu Kal-fadhiyada Golaha Dhexe guddoomiyo. Waa sida uu Dastuurku dhigayay, isaga oo isla markaana qorayay in: “Haddii uu Guddoomiyuhu sababo jira awgood ku maqnaado oo kala-badh oo mid lagu daray codasdaan Kal-fadhi Gole Dhexe uu guddoomin karo GuddoomiyahaGuddida Joogtadu iyada oo ay Ururka qasab ku tahay in la hirgeliyo Go'aammada Kal-fadhigaa ka soo baxa.” Qodobkaas ayaanu cuskannay oo Guddoomiyihii Guddida Joogtada oo ahaa Hadraawi ayaanu ka codsannay in uu Kal-fadhigaa 2aad ee aan Caadiga ahayn guddoomiyo. Habeen dhan ayaanu arrintaa u soo jeednay oo Hadraawi ku qancinaynay in uu sharci ahaan guddoomin karo Kal-fadhigaa. Bal idinku Hadraawi isku daya in aad u sharaxdaan Dastuur dhan si uu ugu qanco hoggaaminta Kal-fadhigaa. Been ku hadli maayo haddii aan idhaahdo: “Waagii ayaa sidii noogu beryay.” Nasiib wanaag se wuu ku qancay. Ku-sinnaan bilowgii Feberweri 1989kii ayaan goor ay saacaddu ku beegnayd ilaa 5.30kii galabnimo, xafladdii furitaanka ee Kal-fadhigaa ku qabsannay geed qudhaca oo ku yaallay berkedda Xasan Cabdi Carwo oo Balli-gubadle bari kaga beegan. Waxaan xusuustaa in aanay tiradii ansixinta ee Kal-fadhigu noo dhammayn, taasina nagu qasabtay in aanu Aadan Maxamed Hoorri (Mataan) oo sakaraad ahaa rarrab ku soo qaadno si uu tirada ansixinta noogu buuxiyo. Halkii ayaanu Mataanna ugu ducaynay, taas oo anaan ku khasaarine Ilaahay nagu asturay oo Mataan xanuunkii ka kacay ilaa maantana caafimaad qabo. Sidaa ayuu kal-fadhigaa 2aad ee aan Caadiga ahayni ku furmay. Markiiba waanu xidhnay oo dhowr maalmood oo kale ayaanu sii sugnay qoladii Diri-dhabe ku maqnayd, markii aanu ka quusannayna Kal-fadhigayagii halkii ayaanu ka sii wadannay ilaa uu ka dhammaanayay. Sidaas ayuu Kal-fadhigaa 2aad ee aan Caadiga ahayni ku galay taariikhda SNM Kal-fadhigii keli ahaa ee aanu guddoomin Guddoomiyaha SNM. Go'aammadii Kal-fadhigaa 2aad ee aan Caadiga ahayn ee Golaha Dhexe ee SNM ayaa waxa ka mid ahaa in Xarunta ururka SNM loo soo raro Balli-gubadle. Sidaas ayuu Balli-gubadle ku noqday Xaruntii Ururka SNM. Waa bishii Feberweri 1989kii, maalinta ay ka ahayd waxay iiga baahan tahay in aan feylashayda iyo waraaqahayga dib u baadho. Intaa raalli igaga ahaada maanta. Go'aammadii Kal-fadhigaa ayaanu sii qaadanay oo u geynay Guddoomiyihii Ururka oo Diri-dhabe markaa ku sugnaa. Laba ilaa saddex fadhi oo aan rasmi ahayn ka dib waxaanu isla garannay in Go'aammadii Kal-fadhigaa sidii ay ahaayeen loo hirgeliyo Urur ahaan, marka laga reebo xubin Guddida Fulinta ka tirsanayd oo uu Guddoomiyuhu beddelay taas oo aanaan annaguna wax dhibaato ah u arag. Idinka oo iga raalli ah, sidii loo yidhi: “Midho Daray ah duudduubkaa lagu liqaa,” Kal-fadhigaa iyo hawlihiisii sidaa ku liqa. Kolleyba Xarunnimada Balli-gubadle ayaa ii la gashaye, wax ii qorshaysan ma ay ahayn in aan mowduucaa maanta sidaa ugu talax-tagaa. Maa daama ay Xarunnimada Balli-gubadle ahayd Go'aan Gole Dhexe, bishii Abril 1989kii ayaan go'aansaday in aan Xafiiskii Xoghaynta Golaha Dhexe iyo Guddida Joogtada u soo raro Balli-gubadle. Baabuur u lahaa nin la odhan jiray Axmed Nuur Kirix ayaan ku soo rartay wixii qalab iyo feylal iga yaallay Diri-dhabe, casar gaaban ayaan soo galay Kaam-Barwaaqo oo ahayd Xarunta taakuleynta ee SNM halkaas oo aan u hoyday habeennimadii. Subaxnimadii danbe ayaan ka kallahay, waxaanan qalabkaygii ku rogtay sandaqad ku taallay berkeddii Xasan Cabdi Carwo, halkaas oo noqotay Xaruntii Ururka SNM. Waxaan ahaa xafiiskii ugu horreeyay ee halkaa soo dega. Maalinba sidii uu Xafiis u soo guurayay ayaa xaruntii la cammiray oo Guddoomiyihii iyo Guddidii Fulinta oo dhammina soo guureen. Halkaasi haddii ay Xaruntii SNM noqotay, waxa kale oo jiray xarumo kale oo ka baxsanaa Xaruntaa Guud. Meel bariga ah oo aan ka fogeyn waxa laga dhisay Taliskii Ciidammada Xoreynta ee SNM. Xadka tallowgiisa waxa ka samaysmay laba xarumood oo ay Idaacaddu hadba mid deggenayd. Meel galbeedka kaga beegnayd qaybta hoose ee magaaladana waxa ku yaallay Barta Caafimaadka. Kuwaas ayay ahaayeen xarumihii ay SNM ku lahayd Balli-gubadle. Sidii aan horeba uga afeeftay aniga o aan Dharaarahaa Balli-gubadle Qormadan kaga wada bogan karayn, bal haddana aan isku dayo in aan wax idiin ka taabto. Dharaarahaa waxa ka mid ahaa dharaarihii Idaacadda. Waa Idaacaddii Radio SNM oo aanu si rasmiya uga furnay Balli-gubadle 5/5/1989kii. Muddo toddobaad ku dhaweyd ayaanu jitaabinaynay. Jitaabada waxaanu ku dhammaysannay Xaruntii SNM, markii aanu hawada gallay se waxaanu u guurnay xarun kale oo Balli-gubadle koonfur kaga beegnayd oo wax yar u jirtay waddada baabuurka ee Kaam-Barwaaqo tagta. Waxba igu raaci maayaan haddii aan idhaahdo Idaacadda ayaa ahayd xafiiskii labaad ee Balli-gubadle soo dega. Dharaarahaygii Balli-gubadle intoodii badnayd waxaan ku qaatay xarumahaa Idaacadda. In kasta oo ay Idaacaddu ilaa saddex meelood degtay, haddana anigu laba meelood ayaan la wadaagay. Dadkii beeraleyda ahaa ee halkaa degganaa abaal aan duugoobin ayay nagu lahaayeen. Inta dharaarood ee ay noo soo gurmadeen! Ma hubkii ay na siiyeen ee Idaacadda difaaca u ahaa! Ma dharaaraha ay maqlaan weerarro ayaa jira sidii ay Idaacadda isu soo tubi jireen iyaga oo dab waxay lahaayeen sita! Ma sidii ay isu qaybin jireen ee kooxiba saacado noo ilaalin jirtay! Ma dharaarihii ciyiga iyo sooryada ay na siin jireen! Ma beedka digaaggii ay dhaqan jireen ay nooga soo ururin jireen! Ma intii neef ee ay noo qaleen iyo marduufyadii jaadka ahaa! Miyaan idiin ka sheekeeyay Odayaashii ay ka midka ahaayeen Nadiif iyo Maxamed Faarax! Dhabanka iyo gacanta ayaa isku kiin engegaya. Miyaad malayn karaysaan marka aan idin leeyahay Balli-gubadle waxay ahayd Xaruntii SNM? Bal ka warrama macnaha xarunnimadu xanbaarsan tahay? Ma waxaad moodaysaan in ay badhaadhe iyo barkhad keliya xanbaarsan tahay? Waa Xaruntii SNM markii ay afkayaga ka soo baxday ee aanu Idaacaddiina ku rakibnay ayay bar-tilmaameed u noqotay ciidammadii cadowga. Xarun iyo bar-tilmaameed cadow markii ay noqotay, difaacii ay naga mudnayd SNM ma u habaysay? Bal adba! Kaaga daranta sheekh iyo shariif, shar iyo kheyr wixii ay SNM lahayd ayaa halkaa isugu yimid oo ay Balli-gubadle ku qasbanayd in ay raalli-geliso, kii ceebo lehna u xil-qariso. Ma lacag baa la wada haystay oo wixii laga qaataba waa la bixin jiray? Bal caddo-jebiskii beeraha jaadka ka warrama. Xil-qarsiimo badnaydaa! Dareen iyo dulba badnaydaa! Meelaha aanu ugu nuglayn waxa ka mid ahaa daryeelka dhaawaca dagaallada. Balli-gubadle waxa ku taallay xarunta Waaxda Caafimaadka. Waxa kale oo ku taallay Barta Caafimaad ee ugu mudnayd Baraha Caafimaadka. Waxaan is-leeyahay waxa ka hawl-geli jiray dhakhtarrada iyo kaaliyayaasha ugu badan. Haddii ay meel uun noo yaalleen tallaajado aanu dawooyinka ku ridannaa waxay noo yaalleen Balli-gubadle. Qaarkiin ayaa laga yaabaa in ay ka fekeraan laydhka tallaajadahaa lagu shidi jiray. Gaas ayaanu ku shidan jirnay ayaa la idin ka yidhi. Waxay ahayd Bar caafimaad oo aad u habaysneyd. Iyada oo si wanaagsan loo daryeeli jiray intii hadba jiiftay, ayaa haddana loo diyaar-garoobi jiray hadba dhaawaca cusub ee iman kara. Kedis ma ay ahayne dagaalladu way qorshaysnaayeen oo waa loo sii diyaar-garoobi jiray. Kuma aaan darin shil dhaca ama baabuur qallibma. Anigu waxaan ka mid ahaa dadkii u diiwaan-gashanaa Bartaa Caafimaadka. Dhiiggayga ayaa ahaa A+, markaa inta aanu baadi-soocdaa dhiig ku wadaagno diiwaan ayaa nala geliyay. Kolley Idaacadda saddex ayaanu ku ahayn. Markii danbe mid ayaa naga dhintay oo waxaanu ku soo hadhnay aniga iyo Rashiid Maxamed Jaambiir sida aan u malaynayo. Dhaawaca dagaalka uun ma aha e', beryihii danbe waxaanu dhiig- wadaag noqonnay wixii dhiig baxa ee aanu isku bah ahayn. Beryihii danbe ummushana waanu u shubi jirnay. Bartaa Caafimaadku waxay ka mid ahayd meelihii ay haweenku gacanta ku hayeen. Waxaan xusuustaa Ururkii Alla-Aammin iyo doorkii uu ka qaatay gacan-ku-hayntii Bartaa Caafimaadka. Waxaan xusuustaa kaalintii lama-illaawaanka ahayd ee ay haweenku guud ahaanba ka galeen. Haweenkaas oo aanan magacyadooda halkan ku soo wada koobi Karin, waxaan tusaale u soo qaadan karaa: Faa'iisa Xaaji Cabdillaahi oo ku magac-dheerayd Faa'isa-Dheer Alla ha u naxariistee, Dhudi, Canab Cago-dable, Jamaad Ismaaciil Qabille iyo qaar kaloo badan…. Iyo qaar kaloo badan. Ururkaa haweenka hawl-galladiisu kuma ay koobnayn Balli-gubadle oo keliya bal se waxay iskaga dab-qaadi jireen Xeryihii Qaxootiga oo dhan: Darroor, Rabaso, Kaam-Abokor, Balliyaley iyo Dul-cad. Balli-gubadle u daa halkii laga hagayay hawlaha dagaalkii dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd sannadihii 1989kii-1991kii, taas oo ka dhigtay meel ay daqiiqad walba saarnayd diiraddii cadawgu oo halis u ahayd in mar walba laga soo wareeraro cir iyo dhulba. Qorshaha iyo ogaanshaha cadawga marka aad iska dhaafto, waan xusuustaayoo annaga ayaaba habeennada qaarkood idaacadda iska xusuusin jirnayoo odhan jirnay: “Bal halkaas ayaanu idin kala soo hadlaynaaye, marna taagtii marna tamartii.” Carin iyo dhafoor-taabasho joogto ah ayaanu ku haynay. Qormadan uguma ambo-bixin in aan maalin walba wixii dhacayay ka sheekeeyo oo weynaan ka geyoonayn. Haddii kale waxa loo baahanayaa in la isu soo ururiyo daymooyinka dadkii badnaa ee daawanayay dharaarihii iyo dhacdooyinkii Balli-gubadle. An isku dayo in aan dharaarahaa badnaa qaarkood isku yar koobo maanta. Dharaaraha aan jeclahay in aan xuso oo hoosta ka xarriiqo, waxa ka mid ah dharaarihii uu socday Kal-fadhigii 2aad ee aan Caadiga ahayn ee Golihii Dhexe ee SNM. Waa Kal-fadhigii aan wax idiin ka soo taabtay ee Balli-gubadle ku qabsoomay bishii Feberweri 1989kii. Ergooyinkii, Goob-joogayaashii, dadkii ka adeegayay, ciidankii ilaalinayay, kooxdii Fanka ee SNM iyo intii kale ee kor-joogta ka ahayd marka la isku daro, waxaan is-leeyahay isugeyntu kama ay yarayn 100 ilaa 120 oo qof. Ku darso oo waqtiga Kal-fadhigaasi socday in uu ka bato mooyaane kama uu yarayn toban maalmood. Marti-gelinta intaa le'egi waxay guudka ka fuushay oo dhabarka u ritay shacbiga reer Balli-gubadle oo ay hor-kacayeen odayaashu oo uu hormood u ahaa Suldaan Maxamed Suldaan Faarax. Hawlihii Kal-fadhigaa wax kharash ah oo SNM ka galay ma jirin ee dhammaantii waxa bixiyay shacbigii Balli-gubadle deggenaa. Odayaashii ku lammaanaa Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, waxaan ka sii xusuustaa: Nuur Libaax, Jaamac Gaabane,Dhabbeeye, Xaaji Cabdillaahi Gaashaammo-samays, Maxamed Gaaxnuug, Cabdi Ismaaciil Qabille (Cago-dable), Nadiif, Maxamed Faarax iyo qaar kaloo badan……iyo qaar kaloo badan. Halkan kuma soo wada koobi karo magacyadii oo dhan ee sidaa raalli ha lagu ahaado. Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo aanu saaxiib ahayn marna awoow ii ahaa, iima ay suuro-gelin in aan wax ka qoro maalintii uu dhintay. Saaxiibkay Mataan Al-Humaami ayaa maqaallo taxane ah ka qoray oo waan ka waabtay in aan qormooyin kale barbar eryo. Suldaan Maxamed ma ahayn qof I seega. In kasta oo aanan qormadaydan maanta isaga ugu ambo-bixin, haddana ka fursan meyso in aan sunneeyo oo aan Suldaan Maxamed wax yar ka iftiimiyo. Wuxu ka mid ahaa foolaadka madax-dhaqameedyadii ballaysimay halgankii hubeysnaa ee SNM. 1982kiiba waxaanu wada joognay Qaaxo oo uu hawlo abaabul iyo dagaal-gelinba lahaa kaga jiray. Wuxu ahaa qof caadiya oo aad iyo aad isugu kalsoon. Si caadiya ayuu u lebbisan jiray dadkana ula noolaa. Muu ahayn qof kala dhiman oo isku buuxiya cumaamado rishwaan ah iyo go'yaal shaal ah. Dhar-xidhashadiisu waxba dadka kama ay duwanayn. Wuxu ku kalsoonaa in wax badani madaxa ugu jiraan. Dad-la-socodkiisii iyo dhex-jooggiisii ayuu ku kasbaday kalsooni buuxda oo uu hiil iyo hooba cid kasta kaga helo. Wuu jimidh yaraa, dhererkana dhex-dhexaad ayuu ahaa. In kasta oo uu nin weyn oo da' ah ahaa, haddana waxaad la yaabaysa fudeydka tallaabadiisa iyo dhaqdhaqaaqiisa. Isaga oo Ciidammadii Ingiriiska ka tirsan oo jooga magaalada Qardho ayuu aabbihii dhintay oo dayuurad DC3 ah lagu soo qaaday Hargeysana lagu caleemo-saaray afartannadii qarnigii hore. Wuxu lahaa gadh uu had iyo jeer xinne marin jiray oo inta badan xagga hoose ee cunaha u badnaa. Sigaarka aad ayuu u cabbi jiray. Surwaal iyo macawisba wuu xidhan jiray. Wuxu noolaa nolol caadiya oo aan kibir iyo isla-weynaan lahayn. Taasina waxay keentay in wax tabashadiisu yaraato oo aanay baahidiisu sidaa u badnaan. Muu ahayn odayaasha ururka iyo dadkaba dhiba. Dharaaraha Balli-gubadle ka geyoon mayno e', miyaan idiin ku daraa dharaarihii uu halkaa ka socday Shirweynihii 6aad ee SNM oo ku beegnayd intii u dhexeysay 31/3/1990kii iyo 28/4/1990kii. Galab Ramadaan ahayd oo aanu soo afurray, ayaa bishii Maarj 31dii, 1990kii, ku-sinnaan xilli ay saacaddu ku beegnayd 7.30kii fiidnimo uu Shirweynahaasi si rasmiya uga furmay meel wax aan badnayn woqooyiga kaga beegnayd magaalada Balli-gubadle. Meel keyn ah oo barwaaqo ah ayay ahayd. Waxa laga dhisay waab weyn oo si wanaagsan loo bilay. Wuxu ahaa waab dad badan qaadayay oo dadab looga dhigay agabkii aqal-Soomaaliga ee xariirta ahaa. Ma waxa cawsas iyo kebdo xariir ahaa halkaa lagu dadbay. Aloolka iyo qobtolkaa ka darraa. Dusha sare sarab ayaa lagu taxay iyada oo tirarar badan loo dhisay. Dusha sare waxa lagaga deday bacihii Qaxootiga ee bal-ballaadhnaa ee UNHCR ku taallay. Dhowr berkadood ayaa goobtaa ku yaallaay. Ergo waliba waxay dhisatay wixii ay heli karaysay, iyaga oo is-abaabulay oo cuntadoodana karsanayay. Raashin qallalan iyo saliid ayuu Shirweynuhu u qaybin jiray Ergooyinka, wixii iidaan ahna iyaga ayaa ku darsan jiray. Maa daama aan ahaa Isuduwihii Xoghaynta ee Shirweynahaa 6aad ee SNM, waxaan si fiican u xusuustaa sidii loo aloosay, loo abaabulay iyo siduu Shirweynuhu u socdayba. Ergooyinka rasmiga ah ee Shirweynuhu waxay ahaayeen 314 Ergay. Waxa kale o Shirweynahaa ka qayb-galay: Goob-joogayaashii, adeegayaashii (Service), Ciidankii Ammaanka, Kooxdii Fanka ee SNM, Wakiillo ka socday Jabhadihii Soomaaliyeed ee kala ahaa: SSDF, SPM iyo USC. Markaan qiyaaso dadkii Shirweynahaa si dadban iyo toosanba uga qayb-galay, been ku hadli maayo haddii aan idhaahdo way ku dhawaayeen ilaa 600 oo qof. Shirweynahaasi wuxu socday 28 maalmood oo aan loo kala kicin. Wuxu ahaa Shirkii ugu dad badnaa ee ay SNM isugu timaaddo. Waxa kale oo uu ahaa Shirkii ugu weynaa ee intii SNM jirtay la marti-geliyo, dhacdadaa taariikhiga ah oo ka dhacday degaanka Balli-gubadle. Waa xil taariikhiya isla markaana lama-illaawaan ah oo si aanay ceebi ka raacin ay u guteen reer Balli-gubadle iyaga oo aan u kala hadhin. Dharaaraha Balli-gubadle nagu soo maray waxa ka mid ahaa kuwii uu martida noogu ahaa General Maxamed Faarax Caydiid oo beryahaa ka soo noqday dalka Hindiya oo uu Dawladdii Soomaaliyeed Safiir uga ahaa. Jananku wuxu goostay in uu ka qayb-qaato halgankii hubeysnaa ee lagula jiray nidaamkii Siyaad Barre. Jananka Balli-gubadle waxay u ahayd halkii uu ka sharaabay ee aanu ku qulaaminnay. Waa madaarkii uu ka duulay markii uu u qalab-qaadanayay halgankii hubeysnaa ee uu ku waayay naftiisii qaaliga ahayd. Markii uu Balli-gubadle ka tegay ayuu Jananku qaban-qaabiyay Shirweynihii ugu horreeyay ee USC-da ee lagu qabto jiidihii hore ee dagaalka halkaas oo jananka loogu doortay Guddoomiye. Dharaaraha nagu soo maray Balli-gubadle waxa kale o ka mid ahaa dharaarihii Jabhadihii Xoreynta ee Soomaaliyeed shirarka iyo wada-tashiyada halkaa ku lahaayeen. Dharaarihii aanu anqarinaynay SPM intii aanay u guurin saldhigyadeedii koonfureed. Dharaarahaa waxa ku jiray dharaarihii ugu khasaaraha badnaa ee Balli-gubadle nagu soo mara. Iyagana miyaan idiin mariyaa? Hadda waa dharaarihii cadowgu na soo galay. Bishii Diisambar 28ii, 1990kii ayaanu ka soo baxnay magaalada Diri-dhabe. Waxaanu wada soconnay Maxamed Cali Carraale oo ahaa Xoghayaha Waaxda Caddaaladda ee SNM. Wefdi ayaanu ahayn ka soo laabtay magaalada Ayshaca halkaas oo aanu ku wada hadlaynay odayaal ka socday Beesha Ciise iyo Taliskii Guutadii 99aad. Jijiga ayaanu habeen u hoyannay. Habeennimadaas ayaanu Maxamed Cali Carraale cabbaar ku murannay in aanu marka hore Balli-gubadle wada tango. Wuxu igu maslaxayay in ay baabuur I soo siin doonaan oo laba ama saddex maalmood ka dib reerka ku soo noqon doono, anna waxaan ku adkaysanayay in aan marka hore reerka ku horreeyo. Markii aanu isku xiiqnay ayaanu taydii isku raacnay. Waxaan xusuustaa habeenkaa in aan ku wareejiyay soddon ama afartan kun oo Birr oo Miisaaniyaddii Ururka ahayd oo aan anigu hayay. Waxba kama aan sii qaadan, waayo waxay ahayd in lagu qaybiyo Fadhi Guddi-fulineed oo Waaxba walba qaybteeda la siiyo.29kii Diisambar, subaxnimadii ayaanu ka soo kallahnay Jijiga oo aanu u soo ambo-baxnay Balli-gubadle. Intii aanaan Jijiga ka soo bixin ayaan ilaa toddoba marduuf oo jaad ah u soo iibiyay Mujaahidiintii ka hawl-gelaysay Radio SNM. Laba baabuur oo Toyotayaal ah oo cad cad ayaanu wadannay. Mid wuxu ahaa kii Guddoomiyaha SNM oo Cabdi Xiis ayaa waday, ka labaadna wuxu ahaa kii Xoghayaha Maaliyadda oo ahaa Axmed Jaambiir, waxaana waday nin la odhan jiray Carab. Alaabta kale ee aan sitay waxa ku jiray qorigaygii Ak-ga ahaa oo uu ii hayay Cabdi Xiis. Markii aanu wax yar u jirnay Harta-sheekha ayaanu labadii baabuur waddada ka yar leexinnay si aanu alaabta isugu wareejinno maa daama aanay labada baabuur wada tegayn Balli-gubadle. Baabuurka Guddoomiyaha oo Maxamed Cali Carraale la socday ayaa Balli-gubadle tegayay aniga iyo Carabna waxaanu kala tegaynay Durya oo xaaskaygu deggenaa iyo Dibiile oo uu Carab deggenaa. Baabuurtii ayaanu ku kala wareegnay. Hartii-sheekha ayaanu sidii ku gallay. Labadayadii baabuur waanu kala ambo-baxnay. Cabdi Xiis waxaan kula dardaarmay in uu qoriga ii sii hayo, jaadkana u geeyo Mujaahidiintii Radio SNM. Markii aanu shaahaynay ayaanu kala ambo-baxnay. Iyaguna waddadii Xarshimeed ayay cagta saareen annaguna tii Durya. Ilaahay wuu ogaaye, haddii aanu in yar kala maqnayn ayaan is-beddelay oo Carab ku idhi: “Baabuurkii kale inaga daba gee.” Carabna yaab oo igu yidhi: “Ma wax baad gocatay mise xusuusatay?” “Ina dhaqaaji”, ayaan ku idhi. Waa baabuurkii Cabdi Xiis waday oo taagan kantaroolkii Harta-sheekh ee bariga oo aan xadhiggii laga qaadin. Inta aan degay ayaan ku idhi: “Jaadkii iyo qorigii I sii.” Cabdi Xiisna yaab. Hadalkii ayaan ku celceliyay kuna adkaystay. Wuxu iigu dhaartay in uu jaadka innamada u geynayo qorigana ii haynayo. Waan ka diiday. Markii hore wuxu I siiyay jaadkii oo uu wax kala baxay. Qorigii ayaanu cabbaar ku murannay. Isna waan ku adkaystay. Cabdi Xiis isaga oo yaabban ayuu qorigiina I siiyay. Hadda Balli-gubadle ayaanu maalin iyo laba ka dib ku ballansanayn. Sidii ayaanu ku kala tagnay. Durya ayaan tegay oo xaaskaygu deggenaa. Iska qayilay oo habeenkiina sidaa ku seexday. Waxa la I toosiyay goor aysaacaddu ku beegnayd ilaa 10.30kii ama 11.00kii saacadood ee subaxnimo. La-ye: “Balli-gubadle ayay ciidammadii cadowgu qabsadeen shalay gelinkii danbe.” Duryi, magaalo yar oo tuulo ah ayay ahayd. Meel aan war ka raadiyo ma ay lahayn, arrintiina way ila cuslaatay. Hadba sidii filimmada ayay xogtii iyo alaabtii halkaa taallay ii soo hor maraysay. Ma Xaruntii! Ma Taliskii Guud! Ma Idaacaddii! Ma magaaladii iyo maatidii! Ma keydkeygii cajalado, faylal waraaqo iyo noocyo kaleba lahaa . Degdeg intaan u lebbistay ayaan Hartii-sheekha isku qaaday si aan warka u xaqiiqsado. Markiiba waxa la ii xaqiijiyay in ay arrintaasi dhacday shalay galabnimadii. Durya ayaan ku soo noqday subaxnimadii danbena Balli-gubadle ayaan u ambo-baxay. Beryahaa aanu halgamaynay waxa nagu badnaa sheekooyinka awliyada, muddaakaraadka iyo laambadaha. Markii ay sidaa wax u dhaceen aniga qudhaydii ayaa tuhun damac I galay oo inta aan hoosta iska qanjiidhiyay is-idhi: “Laambad yar baad leedahaye, waanad is-ogeyn.” Waxaan hubaa in ragga qaarkii haddii ay taas oo kale ku dhacdo in ay BBC-da ka sheegi lahaayeen oo karaamooyinkooda meel walba laga sheegi lahaa. Marka aan sheekadaa idiin soo gaabiyo sidan ayay wax u dhaceen. Waa 30kii Diisambar, ku-sinnaan 4.15 saac ee galabnimo ayay ciidammadii cadowgu ka soo galeen Balli-gubadle meel kaga beegnayd woqooyi-bari. Markiiba waxay soo dhex galeen magaaladii, cabbaar ka dibna waxay qabsadeen Xaruntii Ururka iyo Taliskii Guud ee Ciidammada oo isku ag yaallay wax badanna aan isu jirin. Gaadhigii Guddoomiyaha oo sidiisii u raran oo aan waxba lagala degin ayay halkii ka kaxaysteen. Idaacaddu waxay deggenayd meel labadaa xarumood ka yar sarreysay oo xuduuddana wax aan badnayn ka tallowsanayd. Baabuur Jiib ahaa oo ay SNM lahayd ayaa Idaacadda tegay oo dhowr jeer ciidammadii cadowga ka soo toogtay. Mujaahidiintii Idaacadda joogtay waxay ku guulaysteen in ay qalabkii Idaacadda oo dhan la baxsadaan oo ay saldhiggii ay deggenaayeen ka raraan. Wax kale kuma garatide xataa Anteenadii dheerayd ayay furteen. Keydkii cajaladaha iyo waraaqaha ayay kaga tageen taanbuugyadii. Ciidammadii cadowgu subaxnimadii danbe ayay saldhiggii Idaacadda madaafiicdii taangiyada ku soo rideen oo ay halkaa ku gubeen wixii yaallay. Habeennimadii ayaa la isu habar-wacdayoo, Isla subaxnimadaa ayaa ciidammadii cadowga dhinac walba laga soo galay oo cagta cagta loo saaray. Waa hubaal in khasaare badan oo dhimasho, dhaawac iyo hanti la gubayba lahaa maalintaa Balli-gubadle ka dhacay. Weerarkaas oo aanay reer Balli-gubadle eed ku lahayn bal se amar Eebbe iyo dagnaantii SNM ku dhacay, waxa kale oo uu Balli-gubadle siinayaa qiimo gaar ahaaneed oo ay ku mutaysatay naf-hurka ay samaysay. Aan hoosta ka xarriiqo in dadkii maalintaa shahiiday uu ka mid ahaa Cali Jaamac oo macallin ahaan jiray isla markaana ku naf-waayay difaacii Balli-gubadle. Waxa kale oo uu isla markaana xusuus gaar ah ku lahaa intayadii Radio SNM ka hawl-geli jirtay maa daama aanu ku jillayn reerkiisa berkeddiisana aanu biyaha ka qaadan jirnay. Guriga Cali Jaamac wuxu ka mid ahaa guryihii quraacda nalooga soo dubi jiray ee aanu nolol iyo naf-qaybsigaba lahayn. Isaga iyo intii shahiiddayba Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo. Aammiin Falaadkii iyo fal-celiskii ka dhashay weerarradaa cadowga ayaa SNM iyo intii taageeraysayba ku dhaliyay in ay shir ballaadhan oo wada-tashi isugu yimaaddaan Balli-gubadle. Afarta dhinacba waa la iskaga yimid. Guurti, dhallinyaro iyo haweenba waa la dhammaa. Golayaashii Dastuuriga iyo hoggaankii SNMba way joogeen. Taliyayaashii Ciidammada iyo madaxdii Waaxaha ayaa iyaguna goobtaa ku sugnaa. Xeryihii qaxootiga oo dhan baa la iskaga yimid. Wada-tashi ballaadhan ka dib markii arrinkii la rogrogay ee hawl iyo hantiba la qaybsaday, ayay Golayaashii hoggaamintu go'aammadii ma-dhaafaanka ahaa qaateen. Dharaarahaa go'aammadii iyo qorshayaashii ka soo baxay ayaa lagu hawl-galay. Berbera ayaa loo qorsheeyay in ay noqoto “Jihada Jugta weyn” marka aan raaco erey-bixintii Kornayllada. Sidii dharaarahaa loogu dhuftay cidhibtii barakada lahayd ayaa dalkii lagu xoreeyay maalmo gudahood. Waxa weliba intaa noo sii dheerayd iyada o ay Mujaahidiintu dariiqa Berbera ka heshay sarkaalkii maalintaa hoggaaminayay weerarkii Balli-gubadle cadowgu ku soo qaaday. Sow tii uu Hadraawi hore u yidhi: Markay ciinka daaqdaan, Dabka ugu xiddigiyaa.” In kasta oo aan maalintaa halkaa ka maqnaa aan yiqiinsadayna in ay Mujaahidiintii halkaa ku sugnayd dedaal iyo naf-hur la yaab leh sameeyeen, haddana markii aan arkay wixii la gubay iyo wixii maqnaa, waxaan hoos isu idhi: “Malaha waxa ka fiicnaan lahayd iyada oo Mujaahidiintu mudnaanta siiyaan oo ay ku horreeyaan wixii aan la helayn oo ay marka danbe qaadaan wixii la heli karayo ama la soo iibsan karayo.” Haddana waxaan u soo noqday tallaabooyinkii mudnaanta lahaa ee ay qaadeen, waayo haybad, magac iyo milge ahaanba waxa nagaga darraan lahayd iyada oo la yidhaahdo: “Idaacaddii ayaa laga soo qaatay.” Taas oo si fudud loo xaqiijin karayay marka habeennada xigaba hawada nalaga waayo. Cajaladaha iyo waraaqaha gubtay ama ay qaateenba ayaan ahayn wax nuqulkooda ama beddelkooda la helayo. Cajaladaha ay maalintaa gubeen oo huq badan igu reebay ayaa waxa ku jiray keydka cajaladahii Radio Halgan oo ay SNM iyo SSDF wadaagi jireen kuna yaallay Adis-ababa. Waan xusuustaayoo wada-hadallo waqti badan qaatay ayaan kala galay mas'uuliintii Itoobiyaanka ee Adis-ababa joogtay, ugu danbayntiina waxay go'aansadeen in ay SNM u soo raraan. Mowduucan aan halkaa ku joojiyo, maxaa yaalay waxa hadba igu soo kacaya ladhka dhaxalkii halkaa ku dhacmay. Aan idiin ku bushaareeyo in markii Hargeysa la soo galay aan wax badan oo keydkii maalintaa la soo qaatay ka mid ahaa aan ka dhex helay Xaruntii Nabad-sugidda oo ay mar kale ka mid noqdeen keydka aan ku hayo gurigayga. Kal-fadhigii 2aad ee Caadiga ahaa ee SNM oo qaybtiisii hore bishii Meey 1991kii ka furantay magaalada Burco, waxa qaybtiisii danbe lagu qabtay laguna soo gebagebeeyay magaalada Hargeysa. Ka-sokow in uu Kal-fadhigaasi qaatay go'aammo SNM iyo Somalilandba saamayntooda ku lahaa, waxa xusid gaar ah mudan in uu Kal-fadhigaasi magaalada Balli-gubadle u aqoonsaday Degmo, ka dib markii qiimayn iyo qaddarinba lagu sameeyay kaalintii uu degaankaasi ka soo qaatay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd. SNM haddii ay abaal-marin badani ku maqan tahay, waxa hubaal ah in ay ilaa xad abaal-marisay Balli-gubadle oo ahayd xarun halgameed oo muddo laba sannadood ah laga hagayay hawlihii halgankii dibuxoreynta Qaran. Balli-gubadle in kasta oo aanay helin abaal-marintii ay ka mudnayd SNM, haddana intaasiba waa sed. Xaqiiqadu waxay tahay in Balli-gubadle iyo dadka ku nooliba dedaal muujiyeen marka la eego siday ugu guulaysteen dibudhiskii magaalada. Tan iyo maalintii Somaliland lagu dhawaaqay, Balli-gubadle waxa laga hirgeliyay mashaariic aan laga hirgelin degmooyin in badan ka horreeyay oo ka da'-weynaa. Taasina waxay ku timid dedaal iyo is-xilqaan naf-hur leh oo ay sameeyeen reer Balli-gubadle. Si kale kuma garataane maalin aan booqday oo ahayd 2001dii, ka warrama haddii aan idin ku idhaahdo: “Waan garan waayay markii aan magaalada soo gelayay aniga oo xagga Sallaxlay ka imid.” Waxaan ku salaamay: “Il iyo cawri la'ow.” Markii aanu dhammaysannay hawlo cilmi-baadhiseed oo Akaademigu lahaa, ayaan gaadhigii qaatay oo aan soo booqday xarumihii aanu deggenaan jirnay. Waxaan ku horreeyay Xaruntii Ururka, ka dibna waxaan soo booqday Saldhiggii Idaacadda ee koonfur-bari. Booqasho waqtigeedu igu fillaa ma ay ahayn oo waxaan xaq-dhowrayay saaxiibbadii aanu hawl-wadaagta ahayn, shaki se kuma jiro in aan mar, laba saddex jeerba ku noqon doono Balli-gubadle iyo meelo kale oo badnaa oo noloshayda xidhiidh la lahaaba. Waan sar-ka-xaadsadaye, kuma aan talax-tegin dharaarihii iyo xilalkii taariikhiga ahaa ee ay guteen Balli-gubadle iyo dadkii ku noolaa gaar ahaan maalmihii ay magaaladaasi ahayd Xarunta SNM. Inta aan maanta idiin ka soo qoray dharaarihii Balli-gubadle waa koob bad laga daray. Dharaarahani waxay dhammays ku dhawaan karaan marka qof waliba intii uu ka ogaa ama u muuqatay qoro ama si kaleba inoogu soo gudbiyo. Bal hawshaa ka warrama! Hadda wax adagna ma aha oo waxa inagaga filan qofka oo rikoodh qaata oo duuba intii uu ka ogaa. Marka intaas oo dhan la qoro ee la tifaf-tiro miyaynaan sawir dhammaystir ku dhow nolosheenna ka helayn! Dedaal iyo is-xilqaan ayaa ina faran si aynu dhaxal ugaga tagno carruurteenna dhinac kasta oo nolosha ahba ka oomman. Waxa suurto-gal ah in qaarkiin la yaabaanba waxan aan qorayo, xaqiiqadu se waxay tahay in mid kasta oo idin ka mid ahi intaa aan qoray iyo waxyaabo badan oo weliba ka sii xiiso badan kana sii yaab badan hayo. Mushkiladdu waa sidii loo gudbin lahaa. Gudbintu waa hawl danbe e' bal marka hore ma isku deynaa in aynu duubno ama qorno? Maalin iyo dhacdo inaga maqnaanaysaa ma jirto waayo mid kasta oo inaga mid ahiba wax buu hayaa. Waxa aynu hayno marka aynu isu geegeyno ayay macno samaynayaan taasina hawl adag oo la kari waayo ma aha. Ummad ahaan marka aynu isu qiimayno innaga oo aanu waqtiga inoo qorshaysnayn sannad, bil iyo saacad mid ay tahayba bal ka warrama haddii aynu wax aan badnayn ka faa'iidaysanno saacadaha aan qiyaasta lahayn ee aynu ku luminnno hadal-tirada qayilaadaha? Maalin kasta soddon daqiiqadood oo keliya haddii aynu qof xusuustiisa ka duubno ka warrama? Ma wax adag baa? Miyaynaan maalin walba ku aakhiro-seegin waxaan qiimo lahayn oo aan nolosheenna wax ay yeelaan mooyiye aan waxba tarin? Bal ka warrama marka aynu maalin walba wax yar duubno ee aynu weliba la qab-qabanno qofka duubaya si aynu u sugno dhacdooyinka iyo taariikhahaba! Aaya-xumida ku soo fool leh carruurteenna aynaan waxba u dhigin ama uga tegin malahayga qof og oo dooc iyo dareenba lihi ma sii eegto xaaladda aynu ku sugan nahay. Ma taas ayay weliba inoo sii dheer tahay iyada oo maalin kasta la yidhaahdo: “Hebel ama heblaayona shalay ayaa la aasay.” Qormadaydan maanta aan intaa kaga baxo aniga oo Ilaahay ka rajaynaya in aan fursado danbe u helo si aan dharaarahaa iyo kuwo kaleba inta ugu badan ee aan ka xusuusan karo uga qoro. Ugu danbaynna Balli-gubadle: Dhammaad Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale
Copyright © 2005 Wardheernews.com |