|
|
Maqaalkii seddexaad waxa aynu ka hadalnay arrimaha la xidhiidha xuduudaha gobalada oo sharciga doorashadu leeyahay ha noqdaan kuwii lixdankii. Waxa la yaab ah, in Wasaaradda Gudahu sida Komishanku sheegay tobaneeye jeer ballan baajisay ay soo saartay arrin la yaab leh. Waxa ay Awdal raacisay 7 goobood, Hargeysana 2 Goobood, Ceel Sheekhna waxa la yedhi waxa wadaagaaya seddexda gobal ee Awdal,Hargeysa iyo Saaxil. Waa go'aan ka fog xaqiiqda sida ku cad khariidadii doorashada ee lixdankii oo gacanta ugu jirta Wasaaradda Gudaha. dhoweeyey labadan murashax ee qiimaha badan, una muujiyey sida ay ugu kalsoon yihiin. Waxa ha sii darran in Komishanka xalkiisu noqdo laalis. Waxa si sharaf leh yeelay xisbiyada oo seddexduba ku adkaystay in sidii lixdanka la yeelo. Waxa markaas la filaayey in hawsho fududaato. Ogow dhulkani ma aha dhul Somaliland ku soo biiray lixdankii ka dib, waa dhul jiray oo la og yahay halka ay raacsanayd, laga se werwereegaayo. Waxa se soo baxday in komishanku garab maro sharcigii doorashad iyo xaqa distooriga ah ee muwaadin kastaa xaq u leeyahy in loo helo hab iyo meel uu ku codeeyo. Maxaa loo waayey garsoor cad. Miyey tahay in xeer jabjab iyo la jiifiyaana banaan lagu dhiso hay'adda loo igman doono sharci dejinta.Arrintan yaan loo arkin qabyaalad, yaan cidna laga sheegan. Cidna laga rarimaayo, waayo dalku waa mid loo siman yahay. Waxa keliya ee ay tahay in la eegaa, waa sidii sharciga doorashada ee baarlamanku ansixiyey Madaxweynahuna sexeexay , loo hirgelin lahaa. Arrintana waxa eedeeda leh waa Wasaaradda Gudaha iyo Komishanka. Marna eed ma leha labada gobal ee Hargeysa iyo Awdal, waxa arrinta qasaayaa waa garsoorkii oo baaqday. Waxa aan filaaya inkastoo ay saacad dambe tahay in ammuurtani ku dhammaato nabad iyo xaq, ooyna marna noqon mid dhooqaysa doorashada. Maqaalkii hore waxaan ku guubaabiyey in labada musharax ee Maxamed X Maxamuud Cumar Xaashi iyo Cabdirahmaaan Cabdiqaadir, Hargeysa iyo Burco ay sharaf u tahay inay ka mid noqdaan tartamayaasha. Waxaan mahad u celinaaya dadweynaha Hargeysa iyo Burco ee sida heerka sare ah ugu soo dhoweeyey labadan murashax ee qiimaha badan, una muujiyey sida ay ugu kalsoon yihiin. DAB DHAXAMOODAY MAXAA LAGU DIIRIYAA Su'aashan waxa aan uga jeedaaa,kolka cidda hawsha loo diray ee loo igmaday inay dalka hagto oo ay hoggaamisaa gaabiso ,maxaa lagu toosiyaa?. Waxa jawaabteedu tahay in la shido oo la dardar geliyo. Taasina waa tan maanta looga baahan yahay inay dadweynahu gartaan. Waa inay doortaan xisbiyada mucaaradka ah si ay u helaan ciddii faraska shaabuuga la dhici lahayd, si uu xawliga orodka u badiyo. Dawladda maanta jirtaa waa mid fadhiidnimo ay u weheliso daacad darrro. Mid siyaasadeedu tahy danaysinimo shakhsiyadeed, oon marna u jiidh nixin maatida, makasta iyo miskiinka toona, mid aan ixtiraamin sharciga iyo distoorka, mid xaqsoorka ka aradan, mid xaqa muwaadinku u yahay col. Waxa dhibaatadaas oo dhan lagu xakamayn karaa marka aad shacbiyahow garataan inaydun u coddeysaan ciddi tubta toosan ku soo ridi lahayd, ciddii tusi lahayd inay dhowraan sharciga., ciddii ka horjoogsan lahayd inay laba canleeyaan hantida danyarta laga uruuriyey.Golaha wakiiladu waa xakamaha dabraaya kol kasta ooy dawladdu dar dhaafto. Waa wakiilada ka turjumaaya dareenka iyo doonista dadweynaha, kuna qasban inay la xisaabtamaan dawladda, waayo iyagana waxa daba jooga dadkii soo dirtay. Bal aan dhan kale ka eegnee, maxaa laga sugayaa xildhibaanka la dooranaayo, sidee se loo asteeyaa kan hawshan fulin kara. Waxa laga rabaa inuu noqdo mid u hawlan sharci dejinta iyo la xisaabtanka dawladda. Taas marka ay tahay hawsha keliya ee laga sugaaya, waxa habboon in qofka loo igmanayaa noqdo, mid akhriyi kara oo fahmi karaa qawaaniinta, mid garan karaa nidaamka dawliga ah ee ka dhexeeya seddexda waaxood ee Fulinta, Sharcidejinta iyo Garsoorka.Qof baran kara oo horumarin kara aqoontiisa la xidhiidha barlamaanka adduunyada horumartay. Wax uu reer hebel gaar ahaan wax ugu qaban karaa ma jirto. Sida keliya ee loo rabaa reer ahaan waa in reer waliba iska dhex arko inuu talada ka dhex muuqdo.Waa mid bedeli karta in degmo waliba maamulka guud ka tirsanaato.Ogow inaga degmo iyo reer waa isla mid, waayo degmooyinkeena ayaa ku saalaysan qabiil. Waana arrin adag si looga baxaa. Sidaas arteed waxa habboon in halka afka baarkiisa lagu duraayo qabiilka dadka wax la baro, oo loo sheego in xildhibaanka ay dooranayaan noqdo mid hawsha golaha wax ka tari kara. Wanaaga uu xildhibaan leeyahay waa mid saamayn doonta gobalada oo dhan. Xildhibaanka xumi reerkiisa iyo dalkoo dhanba xumaan ayuu u soo jiidayaa, kan fiicanina waa mid wanaagiisa la wado dhadhamin doono. Sifooyinka xildhibaan tayo iyo taag lihi, waxa u hormood ah aqoon iyo khibrad. Waa in laga dheeraadaa qalin doorayaashii lahaa "dawladdu waa aniga".Iyagoo isku qaldaayaa Golaha Fulinta oo ah tan dawladda loo yaqaan, iyo hay'adii la xisaabtami lahayd oo ah Golaha sharci- dejinta amba golaha wakiilada. Ninka labadan isku QALDAYAA MEEL INA GAADHSIINMAAYO.Waa nin la doortaa cid aan dhaameel loo ruxin, cid cadaaladda ku sifowday, codkar ah, dad-wedid leh, hogaan adag, maskax furan, samir badan, aakhlaaq qoys iyo mid qofeedba leh, Nin Alle ka cabsi leh, naxariis badan oo u damqada marba inta dulman, inta itaal yar iyo inta taakulaynta u baahan. Sifooyinkaas kolba cidda aad dooranayso cidda ugu dhow ayaa ku habboon inaad ku kala saarto tartamayaasha. Waxa taas dhinac socta midda xisbiyada. Waxa habboon inaad eegtis wax qabadka dawladda oo ka turjumaaya tayada xisbiga xukuumadda ee UDUB. Haddaad dhaliishantay hawlgalka dawladda, u codee mucaaradka si aad u xakamayso daw-dhaca aad ku aragto UDUB. Dheelitir masuuliyadda qaranka ee dhan ka raran. U ogolow in miisaanka mucaaridku ka dhex muuqdo talada dalka, taasi ayaa dhelitiraysa hab ku dhaqanka dawladnimo. Waxa weli socota magacaabistii aan maqaam iyo meel toona loo eegin. Waxa soo kordhay wasiir ku xiggen lagu magacaabay Wasaaradda Boosta. Muwaadinka la magacaabaa ha ogaado inuu yahay nin xaq u leh inuu hawl qaran qabto, ma aha in lagu magaabo mansab kolka ujeedo ka baxsan tan wasiirnimo laga rabo. Waa inuu ogaadaa in haddii uu fuliyo hawl ka dhan ah musuuliyadda loo dhiibay isaga iyo qeerkiiba in if iyo aakiraba xisaabi ka horeyso. Ma aha sida waiiradii dhowaan la magacaabay u dhaqmayaan, in hawshoodu noqoto inay si ka baxsan sharciga ugu ololeeyaan UDUB oo shalayto ay meel walba ka ceebeeynayeen. Waxa murug leh, in ruux muwaadin ah oo shaqada loo dhiibay xaq u lihi, noqdo mid xaqa ka gabada, una dhaqma siduu yahay ajnabi.Hawsha laguu igmaday taag oo qaranka u qabo, cidna ha ka yeelin inaad sharciga ka hortimaadid. Cidna kursiga ha ku duudsiyin. Kolkaad naftaada sharafto eed ka ilaaliso inay noqoto daabka midida lagu dilaayo cadaaladda, yaad if iyo aakiraba sharaf ku noolaan doontaa. Askari ilaa wasiir ha ogaadaan in ruux kasta oo qaangaadh ihi naftiisa ka masuul yahay. Marna ma banaana in lagu andacoodo waa ley amray. Wax ka baxsan diinta islaamka ah iyo sharciga dalka cidina kuguma amri karto. Haddii sharci darro lagugu amro, awood sharci oo aad ku diido ayaad leedahay. Waxa loo raaci doona qof waliba waxuu gaysto, reer, sareeye iyo hooseeye midna ku kafaale qaadimaayo. Haddaad addunka ciqaabteeda ka baxsatid, waxa hubaal ah inaad miisaanka aakhro la hor uman waxaad fashay. Waa ley amray iyo hebelbaa sargaal ahi kuma samato bixinayso. Cid kale wax ha tarin, ee badbaadi naftaada, u nax ubadkaaga oo xusuuso ciqaabta aakhiro.Dhandhan maalmeed iyo waji dhaq, ha u loogin dantaada ma-guurtada ah.Waxaad tahay muwaadin xor ah oo dalkiisa u shaqaynaaya. Adiga iyo Madaxweynahu dalka waa u siman tihiin, midba hawl gaar ah ayuu hayaa, Sharciga iyo distoorka ku dhaqankiisa waad u siman tihiin ee ogow. Haddaad ku cabirtid cidda aad foodka siinayso aqoonta, kartida, daacadnimada iyo akhlaaqda, xataa haddaynaan isku raacin cidda aynu xulanayno, waxa xaqiiq ah in la heli doono gole hormood u noqda qaran ku dhisan sharci iyo nidaam.Haddaynu se ku cabirno dheef maalmeed gaar ah, iyo dan shakhsi, waxa meesha iman rag dhaameel sugayaal ah, oon waxba doorin kuwii hore loo eeday. Qubanaha Ololaha. Waxa dalka gees ilaa gees ka socda olole siyaasadeed oo si nabad ah u socda. Waxa se ayaan darro ah in xisbiga UDUB ee Awdal gacan saar ula tago taageeryasha gabadha keliya ee Gobalka ka sharaxan Ikraam Xaaji Daa'uud, taasoo dhalisay in walaalkeed nabar 9 qodob qaatay lagu dhufto. Iyana waa tilmaan wax ku qaadasho leh, oo iftiiminaysa hab dhaqanka UDUB.Waxa lama arag ah in ninka lagu eedaynaayo qaska iyo shacri jebinta uu yahay odaygii Buuni, ee 1960 ahaa Raisal Waasre Ku Xigeen...Somalilaanday odaynimo waa taas. Madaxweyne Riyaale Oodweyne gaadh isna caano libaax soo dhan,kolka Ku-xigeenkiisu tegay meesha aad looga yaqaan ee Dhoqoshi oo dadkeedi xusuusiyey sida Wasiirka Guduhu ula dhaqmay markay guteen waajibkii wadaniga ahaa ee ay ku qabteen argagaxisadii dishay gabadhii Kiiniyaanka ahayd. Gudoomiye Siilaanyo isna siyaaradii sheekha sanadka booqay,Guddoomiye Faisal Boorame booqay wacdaran geysay, isagoo dhan walba u riday. Odhaah Xusuus mudan: Madxaweyne ku Xigeen oo Berbera ka hadlay waxuu yidhi:..."Udub waa digo, digana waa lagu gubtaa". Waa dhab, oo gubasho adigaa ku gubtay oo waxa xusuus mudan badhtankii sanadka weedhihii kaa soo baxay eed sida cad kaga run sheegtay maamule xumida UDUB. Digada aad ku sheegtayna waa run kale ood u duur xushay. Waxa se is qaban la ficilkii ka dhashay dacwadaadii meel ay ku dambaysay cidi ogeen, iyo durdurada aad ugu ololeynayso xisbiga, madaxdiisa aad KA MID TAHAY KU TILMAANTAY QAAR SHARCIGA KU TUNTA. Waxa soo baxaysa in shaqaalaha dawladda loo cago jugleeyo, oo lagu kalifay inayna ka maqnaan banaanbaxa UDUB, kii lagu arko golaha mucaaridkana la rukhsayn doono.Waxa la sheegay in caaqil reer Burco ah u xidhnaa badhasaabka Burco si loogu dirqiyo inuu UDUB u ololeeyo.Waa tabo aan shaqaynayn oo ku danbayn doona guul darro. Dadku maaha kii hee Dadku maaha kii hee Dadku maahe kii hee Ha noqon daabka Hadraawi sheegay, hana yeelin in cid aad taqaan laguu tilmaamo, ha iloobin inta ballan laguu qaaday. Garo inaad shaqo, iskuul, dhakhtar, jid iyo biriijba aad xaq u leeday. Maalka maanta laamida lagu qurxinaaya yahay kii aad adigu bixisay. Yaan maalkaaga lagugu laaluushin. Ahmed Arwo
Copyright © 2005 Wardheernews.com |