|
|
Qaybtii afraad, waxa ka dhashay in dad badan ila soo xidhiidhaan, iyagoo tilmaamaaya, sida boliska iyo hawl wadeenada dawladdu u aqoonin xaqooda, iyo sida aqoon la'aantaas ay dawladdu uga faa'iidaysanayso. Waxa muuqata in shaqaalaha dawladdu isu arko inay addoon u yihiin wasiirada, oo sharci iyo sharci darraba fulinayaan waxii afka wasiirka ka soo baxa.Waa hawl sida looga baxaa u baahantay tababar iyo in la helo hoggaan aan ka faa'idaysan jahliga dadweynaha. Sidoo kale ayaa looga faa'idaysanayaa caadifad qabiil, oo si badheedha uga soo baxaysa rag wasiiro ah. Dadweynahu ha gartaan marka wasiirku sidan ula hadlaayo in reerka uu fogaynaayo, kula jiro golaha wasiirada. Waxa Burco wado jooga koox wasiiro ah, oo midba kan kale qabiilkiisa wax ka sheegaayo, isla markaasna wada socda oo isku hadaf ah. Waxa habboon in dadweynahu gartaan ciyaarta ay dheylaayaan inay tahay ANAGU WAANU WADA SHAQAYNAYNAA EE IDINKU HAYS RAACIN... NINKA WANAAGSANI XAQUU DOONAA KAN XUMINI MACAASHBUU RAADSADAA Hadalkan waxa uu ku jiraa xikmadaha laga dhexlay fayloosuufkii Conficius ee Shiinaha ahaa. Waxaan u soo qaatay markaan akhriyey, hadalo ka soo baxay madaxda dalka ugu sareysa, oo weliba is leh wanaagiina muujiya oo dadka soo jiita. Waxa uu yidhi M/Xigeenku isagoo Borame jooga: Waa xaraan in gobalkayga iyo kan Madxweynaha ka soo baxaan mucaarid" Waa arrin muujinaysa hab-u-fakir qaldan, kuna salaysan danaysinimo iyo dulmi.Waaa mid cadaynaysa inuu si badheedh ah u gees maray distoorka iyo sharciga ilaalintiisa lagu dhaarshay..Waxa sidoo kale ka muuqata inaanu qadarin cidda dooratay. Waayo ma jiro nin mansabyada uu sheegaayo ku fadhiya oo gobal keeni karaa. Berbera iyo Boorame horta yaa ku tartamaaya? Ma qaarbaa shisheeye ah? Muwaadinnimada Berbera iyo Boorame ma madaxtooyadaa laga bixiyaa? Odhaahda xaaraantimaysay in mucaarid ka soo baxaa waa mid qef ku ah nidaamka dimuquraadiga ee maal iyo nafba loo huray. Waxay meel ka dhac ku tahay reer Boorame iyo Berbera oo uu ula dhaqmay inay isaga iyo madaxweynahu keli ku yihiin talada deegaanka, oo inta kale tahay dad aan fikir iyo ficil toona loo ogolayn, oo iyaga loo fakiro lagana raba ogolaansho iyo maqal aan su'aal wadan. Waxa xaqiiq ah in madaxtooyada kursiga yaalaa ka dhigay qaar degdeg u kibra, oo ilooba shalayto waxay ku sugnaayeen. kibir ka dhigay ciddii la tartantaa inay yihiin qaar aan u dhigmin oo ka maqaan liita, kibir ka indhosaabay wanaaga iyo wadaninimada ay leeyihiin muwaadiniinta reer Berbera iyo Boorame. Kibir ilowsiiya inaan gobalna geli ku ahayn doorashadii la doortay.Bal haddaba ragga sidan wax u argaa, halkay geyn dalkan hayaanka ah, miyaa laga filayaa inay meel doog iyo biyo leh inoo horseedi doonaan . Waxa markhaati ma doonta ah inay garab maraan dhabbadii dimuquraadiyada, cagtana saareen nidaamka keli-taliska. Maantana dadweynow waxaad haysataa fursad aad ku soo dabaasho dariiqii aad u jeexday. Taas waxa suurtagal ka dhigaaya waa adigoo u codeeya Mucaaridka. Waxaan Doonayaa Dawlad Dadku Leeyahay Haddaba iyadoo ay reer Boorame iyo Berbera ay muujin doonaan inay iyaga tahay kuwa xaq u leh inay cidda ay doonaan doortaan, ooyna u xidhnayn madaxtooyada. Bal aynu soo qadano wasiiro iyo Madaxweynaha laftiisa oo ku dhawaaqay inaan xisbi wasiiro,ciidan iyo bolis lahayn waxba tarayn. Waxa ayaan darro ah in qalad intaas leegi ka yimaado talis dawlad isku tilmaamaysa inay tahay dimuquraadi.Tani waxay ka dhigaysa in dawladuu leedahay ciidanka iyo boliska qaranka, lana odhan karo waa DAWLAD DADKA LEH. Habka noocan ihi waa kaynu ka dagaalnay. Waxa aynu u soconaa dawlad dadku leeyahay oo u shaqaysa danta dadweynaha, waana laga guuray dawlad u isticmaasha ciidanka qaranka wax ka baxsan sharciga. Horta waa maxay dawladi?. Waxa dawlad afka Somaliga loogu yeedha waa la'aanta fulinta oo ah Madxweynaha iyo Golaha Wasiirada, taas oo carabiga ku noqonaysa Xukuumad, Ingiriiskan government. Haddii sidaas loo sifeeyo dawladu ma leh ciidan iyo bolis toona. Ciidanak iyo Bolisku waa heer qaran. Wey u siman yihiin mucaarad iyo muxaafidba. Waa qaar u xil saaran ilaalinta nabadgelyada iyo sharciyada ay dejiyaan golaha wakiiladu. Cid wax sharciga ka baxasan ku amri kartaa ma jirto. Haddaba waxa la yaab leh in wasiir si badheedh ah u yidhahdo dawladdaa leh boliska iyo ciidanka, oo weliba xisbibaa leh. Taasi ma aha mid looga fadhiyo xisbi ku tartamaaya nidaamka dimuquraadiga ah. Waxayna tahay in muwaadiniintu u arkaan waxa UDUB yahay, oo ah xisbi diktaatooriyad u horseedi doona dalka. Afkaarta ka imanaysa masuuliyiinta UDUB waa qaar ka fog nidaam dimuquraadi ah. Waana in laga digtoonaadaa. Waa iga digniin, haddii maanta loo codeeyo UDUB, waa la qoomamayn. Waayo waxa la dhisi doonaa, dawlad aan xisaab ogolayn, musuqa oo la sii xalaashado iyo weliba in ciidanka iyo boliska loo adeegsado cabudhinta iyo dabarka xorriyadda muwaadinka ee distoorku qeexay.Waana diliil ma doonto, oo waa kaa hortiina sida qaawan loogu faanaayo.
Madaxweynahu isna waxa uu yidhi" Haddaad mucaaridka doorataan dawladdan waxba iska bedelimaayaan". Bal u fiirso iska hor imaadka hadalada xilwadeenada UDUB. Arrintoodu waa alif wax ma leh iyo wuu leeyahay. Waa dar aan is maqal oon lahayn siyaasad cad oo hadaf leh. Waxay ku hadlaan hadalo is burinaaya, xaqiiqdana ka fog, iyagoo marba meesha ay joogaan hadal caadifad ku subkan oo sacab doon ah dadka maqashiiya.Waxa xaqiiq ah haddad mucaaradka foodkaaga ku hubsatid inaad heli doonto, barlamaan xoojiya dimuquraadiyada aad u soo dhimmatay. Waxa hubaal ah in isbedel degdeg ah aad arki doontid. Waxaad arki doontaa dawlad barnaamaj leh, oo lala xisaabtamo. waxaad arki doontaa xafiisyada dawladda oo la dardar geliyo.Waxaad arki rag maalintooda ku dila Hargeysa Club iyo Bar Xaraf iyo hoteelada kale oo miiskooda laga helo. Waxa xusuus gaar ah mudan hadal waayeel Madaxweynaha ku yidhi markuu maraayey Oodweyne. Oday la yaabay tirada ciidanka iyo tiknikada la socta wafdiga ayaa ku tibaaxay.."Madaxweyne dalku waa dalkaagii waana nabad, yaad ka baqaysaa..waxaan kaa codsanayaa inaad doorka dambe noo timaadid adigoo ul galool ah wata...." Aan maqaalka ku soo gunaanado, ereyo ka mid ah xikmadii Hadraawi, kuna sheegaayo sida hubsami la'aanta ah ee aynu wax u doorano. Waa digniin waxtar leh oo xiligeeda joogta. Waxu yidhi"degmadayadu Waxuu yidhi"degmadayada Ahmed Arwo
Copyright © 2005 Wardheernews.com |