Shirka Balcad :Qado Mise Qalalaase?

Ismaaciil C. Xasan (Khaliil)

September 25, 2005

Waxaa maalmihii aan soo dhaafnay aad loo hadal hayay kulanka maanta uga furmay Wasiirada hubaysan ee Muqdisho iyo taageerayaashooda magaalada Balacad ee Gobolka Sh.Dhexe .

Waxaa la is weydiinayaa waxa uu kulankani ku soo kordhin doono siyaasadda cakiran ee Soomaaliya oo weji cusub yeelatay wixii ka dambeeyay dhismihii dawladdii lagu soo yagleelay dalka Kenya .

Ka qayb galayaasha kulankan oo ka kooban xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho oo iyagu ka biyo diidsan siyaasadaha ay ku socdaan Madaxweyne C/ laahi Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa ahaa kuwo dhawrkii bilood ee aan soo dhafnayba ay kulano iyo shirar joogto ahi uga   socdeen magaalada Muqdisho .

Kulanadaas oo inta badan ay kaga wada hadlayeen xaaladda Muqdisho iyo nabadaynteeda ayaa u muuqday kuwo lagu fashilmay maadaama xaaladda magaalada Muqdisho wax weyn oo iska bedelay aanay jirin .

Isbaarooyinka Muqdisho

Ololaha nabadaynta Muqdisho ee kooxdani waday oo uu horseed u ahaa gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh . Adan ayaa u badnaa isku day la doonayay in Isbaarooyinka ku taxan dariiqyada magaalada Muqdisho gudaheeda iyo kuwa dibadda uga baxa in meesh laga qaado, hase yeeshee nasiib darro arintaas natiijo fiican lagama gaadhin .

Shacabka Muqdisho oo si aada u soo dhaweeyay ololaha nabadaynta caasimadda ayay arintani ku abuurtay niyad jab iyo shaki, iyagoo isla markaana u arkay hogaamiyeyaasha hubaysan ee Muqdisho kuwo aan daacad ka ahayn hawlaha nabadaynta caasimadda .

Dhanka kale markaan fiirno xukuumadda kmg ah ayaa iyagu guulo diblomaasiyadeed gaadhay muddadaas siiba markii uu Midawga Afrika xafiis ka furtay magaalada Jawhar iyadoo ay isla markaana magaaladaas booqdeen safiiro iyo diblomaasiyiin kale oo fara badani .

Abuuristii ciidanka qaranka oo laga soo ururiyay gobolo kala geddisan oo hadda tababarku uga socdo xerada Koongo ee nawaaxiga Jawhar ayaa iyana ahayd guul kale oo ay gaadheen hogaanka sare ee dawladda kmg ee fadhigoodu yahay Jawhar .

Waxaa kaloo iyana jirta in maalmahan Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha dawladda Federaalaka K.M.G. Soomaaliya ay ka soo yeedhayeen baaqyo nabadeed iyo dhammaynta khilaafka ragaadiyay wax qabadkii ay shacabka Soomaaliyeed ka sugayeen dawladda .

Qorshaha nabadda ee uu Ra'iisal Wasaare geeddi ku dhawaaqay dhawaan ayna taageertay beesha caalamku ee uu wadahadalada kula yeelanayo kooxda Muqdisho isagoo la filayo in dhawaan uu u ambabaxo xagga Muqdisho ayaa ah tallaabo muhiim ah oo shacabku soo dhaweeyeen .

Hadaba waxaa ah arimo aad u kala fog dhaqdhaqaaqyada nabadeed ee ka socda Jawhar iyo dhawaaqyada colaadeed ee ka soo yeedhaya dhinaca Muqdisho .

Qanyare -Wasiirka Amniga

Hadaladii wasiirka amnigu uu ugu baaqay in hay'adaha caalamigu iskaga baxaan magaalada Jawhar maadaama laga yaabo in halkaas uu dagaal ka dhaco ayaa dad badani u arkeen kuwo aan munaasib ahayn wakhtigan, abuurayana colaad iyo xiisad cusub.

Qanyare ayaad isagu mooddaa beryahan dambe in aanu wax   rajo ah ka qabin dhammaynta khilaafka u dhexeeya iyaga iyo xukuumadda Geeddi haddii aan loo yeelin sida ay kooxdiisu rabto, waxaanu meesha ka saaray in xaggoodu haba yaraatee aanu wax tanaasulaad ah ka samaynayn arimaha muranku ka taaganyahay .

Hadaba shirka hadda ka dhacaya Balcad iyadoo xaaaladda siyaasadeed ee wadanku ay meel xasaaasi ah marayso ayaa ay dadku siyaabo kala duwan u fasiran karaan .

Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi yalaxaw oo isaga maleeshiyooyinka taageersan ay gacanta ku hayaan Balcad ayaa kulankan ku tilmaamay mid aan wax ujeeddo siyaadeed ah laga lahayn balse uu yahay qado ay dadka reer Balacad u sameeyeen xubnaha labada gole ee Xamar ku sugan , hase yeeshee waxaa iska cad in ujadeeda kulankani ay qado keliya aad uga weyntahay .

Warar laga helay ilo xog ogaal ah oo ku dhaw abaabuka shirkan ayaa sheegaya in aad la isugu khilaafay qabashada shirkan taasoo ay xubno badan oo ka tirsan garabka labada gole ee Muqdisho fadhigoodu yahay ay ku tilmaameen qabashada kulankan mid abuuri kara xiisad cusub siina adkayn kara xal u helidda khilaafka ka dhex jira dawladd halka ay xubno kale ku adkaysteen inuu yahay mid muhiim oo xilligan loo baahan yahay qabashadiisa .

Dad badan ayaa waxay u arkaan shirkan mid boodhka looga tumayo Isbahaysigii Samata Bixinta oo hore loogu aasaasay magaalada   Balcad waqtigii uu socday shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee Nairobi uuna guddoominayaha u ahaa Muuse Suudi .

Kuwo kale waxay u arkaan falal lagu carqaladaynayo hawlaha nabdaynta ee dawladdu waddo , loogana hortegayo taageerada sii kordhaysa ee Madaxweyne Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaare Geeddi ee shacabka Muqdisho oo iyagu ka daalay ballan qaadyada iyo go'aanada aanay waxba ka fulin ee ay maalin walba gaadhaan Wasiirada hubaysan ee Muqdisho .

Hadaba arintu si kastaba ha ahaatee waxaa is weydiin mudan waxa kulan kanani kaga duwanaan doono kulamada ay maalin walba magaalada Muqdisho hore ugu yeelan jireen kooxdani ?

Maadaama ay kooxdani ku fashilmeen in ay wax ka qabtaan xaaladda Muqdisho, kulamada ay hadda ku yeeshaan Xamarna aanay dadku beryahan dambe wax weyn u arag ayaa si ay u soo jiitaan indhaha shacabka, una muujiyaan in kulankani ka gedisanyahay kulamadoodii caadiga ahaa ay markan go'aansadeen in lagu qabto meel aan Xamar ahayn.

Hadaba kulankani sabo raashin laga darduurto ama siyaasad midkuu doonaba ha ahaa waxaan shaki lahayn in aan wax la taaban karo ka bedelayn xaaladda siyasadeed ee Soomaaliya oo ku qabashada Balcad aanay wax isbdel ah keenayn , horaana loo yidhi dhadhaarada oo la kala bedelaa waxba kama bedesho dhadhanka raashinka.

Xubnaha dawladdu Muqdisho ama Jawhar meeshay doonaanba ha ku sugnaadeene kolley wakhtigan xaadirka ah waxay u muuqdaan xilalkii loo igmaday kuwa gabay, dhibbanuhuna mar walba waa shacabka Soomaaliyeed ee nidaamka dawladnimo u ooman .

Ismail A. Hassan (khaliil)
London, UK

E-Mail: khaliilha484@hotmail.com

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright © 2005 Wardheernews.com