|
|
Qabyanimada qoraalka af soomaaligaIbraahin Yuusuf Axmed ”Hawd” Qoraalkani ma aha baadhitaan dhammays ah wuxuuse ku kooban yahay waayo’aragnimo toban sano jir ah, waanan hubaa in ay tahay tabasho uu ila qabo qof walba oo af soomaaliga wax ku qoraa. Qabyannimada qoraalka af soomaaliga marka aynu ka hadlayno ugu horraynba eedda waxaynu dhabarka u saaraynaa far soomaalida oo aan maalintii la hirgeliyey ka dib wax horumarin ah, wax turxaanbixin ah iyo wax cilmibaadhis ah lagu samayn, hawlahaas oo haddii la qaban lahaa dhaliilo badan oo maanta jira lagu fardaamin lahaa. Eeddaas waxaa kale oo qayb ka ah iyada oo aanay maanta jirin hay’ad iyo cid aqoonsi ummadeed haysata oo u xilsaaran xallinta dhibaatooyinka jira. Haddaba dhibaatooyinkaas waxaynu ku koobi karraa saddex kala ah: 1) af soomaaliga eraydiisa oo aan la isla wada aqoon mar haddii aan qaamuus lagu koobin; 2) kala duwanaanta dhawaaqyada af soomaaliga oo aan qoristooda xeer laga dejin; 3) farta loo doortay in wax lagu qoro oo haddana adeegsigeeda lagu kala duwan yahay mar haddii aanay lahayn halbeeg lagu wada khasban yahay. Saddexdaas cilladood waxay keeneen qoraaga af soomaaligu in uu shaqadiisa kala kulmo rafaad badan, hadhowna waxa la qoro akhristuhu kala sii kulmo rafaad kale. Haddaba arrimahaas bal aynu sii kala furfurro oo mid walba meesheeda ugu tagno. 1. Af soomaaliga Af carbeedka oo af soomaaliga deris la ah xidhiidh xooggan la leh ayaa ka mid ah afafka soomaaliga aad u saameeyey, kaas oo erayo badan oo jiray ka takhallusay kuwo kale oo badanna soo kordhiyey. Afafka Yurub oo iyaguna muddo dheer dhulka soomaalida ka talinayey ayaa iyaguna af soomaaliga dhirbaaxooyin kulul la dhacay. Taas macnaheedu ma aha afafkaas aynu ka soo hadalnay saamaynta ay af soomaaliga ku yeesheen mar walba in ay xumayd. Run ahaantii erayo aad u badan oo aan af soomaaliga ku jirin ayey afafkaasi soo kordhiyeen, taas oo hodantinnimo u noqotay. Afafkaas qalaad saamayn weyn ha yeesheen, waxaase xaqiiqo ah af soomaaligu in uu si aan la rumaysan karin isaga caabbiyey. Bulshada xooggeeda oo reer miyi ahayd saamaynta shisheeyuhuna ku yarayd, iyo af soomaaliga oo sida la wada yaqaan aad u firfircoonaa oo lahaa suugaan aad u kulul oo aad u nool ayaa keenay halgaadda afafka shisheeyaha badankeedu in ay kari waydo. Gaar ahaan loollankii suugaaneed oo ee sida joogtada ah u oognaa waxaa eedday nolosha bulshada, waxaase u aayey af soomaaliga. Ha ahaatee qoraal la’aantu waxay sababtay in ay jiraan ereyo badan oo degaannada ku kala filiqsan kuwaas oo aan la isla aqoon. Taasi waa dhibaato dabiici ah oo aan laga bixin jeer afkaasi noqdo mid qoran. Suugaanta ka dib qoraalka iyo akhriska ayaa erayada lagu kala duwan yahay faafiya oo degaannada oo dhan u kala gudbiya. Haddaba markii af soomaaliga la qoray waxay ahayd in awood la saaro ururinta dhammaan erayada afka la isuguna keeno qaamuus. Halkaas ayuu qof waliba ka raadsan lahaa erayga degaankiisa ka baxsan kana baran lahaa. Qaamuusku wuxuu kale oo suurtagelin lahaa afka in isku si loo qoro ee aanu qof waliba u qorin sida ay isaga la noqoto. Labadaas xaaladood (erayadii oo aan la isla wada baran iyo qoraalkoodii oo aan la xaddidin) waxaa ka dhalatay foolxumo aad u weyn oo ilaa maanta ina hortaal. Fikrad ama dareen aad doonaysid in aad qoraal ku soo gudbiso ayaad waayeysaa eray habboon oo aad ku tidhaahdo, taas oo aan ahayn saboolnimo afka ah ee ah aqoondarro adiga kaa haysata. Waxaad u baahnayd eray aadan aqoon kaas oo qof kale yaqaan, ama aan degaankaaga ka jirin laakiin degaan kale oo soomaaliyeed ka jira, amaba degaankaaga qudhiisa ka jiray adigase qoraal la’aan kaaga lumay. Laga soo bilaabo markii af soomaaliga la qoraal geliyey iyo ilaa maanta oo ay warfaafinta soomaalidu xoogaysatay waa dhab afku in uu faafay haddii la eego erayada la isla wada garanayo. Laakiin isla jeerkaas waxaa ku dhacaday saboolnimo weyn, waayo erayada la isla wada yaqaan ee ay habeen iyo maalin saxaafaddu ku soo celcelisaa aad ayey u tiro yar yihiin marka loo eego baaxadda af soomaaliga. Sidoo kale erayada faafay mararka qaarkood waxaa loo adeegsadaa si aan habboonayn oo ka duwan macnahoodii runta ahaa. Tusaale aynu ka dhiganno erayga ”baqoole”. Afar iyo labaatanka saacadood ee habeenka iyo maalinta af soomaaligu wuxuu u qaybiyaa dhawr xilli oo mid walba lagu tilmaansado socodku goorta uu ku beegan yahay. Aroorta hore inta aan waagu dillaacin socodka la bilaabo waxaa lagu magacaabaa ”kallahaad”, waabberiga ilaa cadceed-soobaxana ”jarmaade”, barqinka ilaa hadhkana ”baqoole”, hadhka ilaa casar-dheerahana ”dhalandhool”, casarka iyo gabbaldhacana ”carraabe”, gabbaldhaca ilaa fiidkana ”gudoodi”, fiidka inta ka dambaysana ”guure” ama ”guuregal”. Intaas oo eray saxaafadda soomaalida maanta waxaa laga adeegsadaa oo keliya ”baqoole”. Xitaa nin madax ahi haddii uu socdaal guure ah ku baxo waxay dhahayaan ”wuu baqoolay”! Dhibaatooyinka sidaas ah waxaa lagaga bixi karaa qaamuus guud oo si dhammays tiran loogu ururiyo erayada afka oo dhan iyo macnahooda. Waxaa kale oo faafinta iyo sixidda afka kaalin wanaagsan ka qaadan kara xoojinta qoraallada, siiba kuwa suugaanta ah. Taas ka sokow, cidna mugdi kagama jirto baahida loo qabo eray-bixin firfircoon oo lagaga maarmo afka qalaad siiba xagga fekerka, cilmiga iyo farsamada cusub, kuwaas oo cidhiidhi weyni inaga haysto. 2. Dhawaaqyada degaannada Waxaa jira dad moodaya dhawaaq kasta oo erayga dhexda kaga jira oo marka uu koonfurta iyo bariga joogo r ahi jeerka uu waqooyi iyo galbeed tago in uu noqonayo dh. Dabadeed haddii la isku dayo dhawaaqaas aan loo dhalan in la raaco waxaa ka dhashay qalad aad u weyn, waayo waxaad arkaysaa dh meel aanay lahayn hawaarta ama r xeradeedii ka dibbootay. Tusaale ahaan haddii erayga baraare yahay badhaadhe, erayga baruur ma aha badhuudh. Sidoo kale haddii uu xiriir yahay xidhiidh, dhiidhi noqon maayo riiri. Nasiibxumo dad ayey sidaas la tahay. Arrinku sidaas uma fududa waayo kala duwanaantu ma aha dh walba iyo r walba oo erayga dhexda ka gasha, waase erayo gaar ah oo leh xeer u gaar ah. Erayadaas ama xeerkaas ilaa imika cilmi ahaan lama qeexin, sidaas darteed aqoonteedu waxay ku xidhan tahay in uu qofku labada dhawaaqba ku barbaaro oo ay dareenkiisa si dabiici ah u galaan. Anigu qof ahaan labadaas dhawaaq adeegsigoodu waa ay ii siman yihiin, lagamana yaabo in ay iskaga kay gedmadaan, waayo dareenkayga afka ayey ku wada abuuran yihiin. Xeer ahaan in la yidhaahdo (yiraahdo) labada siyood qof waliba ka uu doono ha u qoro waxaa ka habboon in xal kale la helo, waayo af keliya oo haddana kala si loo qorayo waa laga wanaagsan yahay. Haddaba anigu xalka aan hayaa waa in meesha la keeno xaraf saddexaad oo aan dh iyo r midna ahayn laguna qoro dhawaaqa lagu kala duwan yahay ee mar r:da noqonaya marna dh:da. Xarafka cusub ee dhexdhexaadka ah marka lagu qoro qof waliba sida uu doono ha ugu dhawaaqo iyada oo la isla ogaanayo in uu yahay dhawaaqii lagu kala duwanaa. Ta labaad waa erayada isku midka ah, sida wax iyo walax, annaga iyo unuka, isaga iyo asaga ama usaga. Intuba waa sax, waxaana loo baahan yahay oo keliya in la isla barto. Erayada jaadkaas ah waxaa la mid ah kuwa isku macnaha ah ee adeegsigooda la isku doordoorsan karo, sida: imika iyo hadda, ukun iyo ugax ama ugxan, dabbaal iyo doqon, suugo iyo sanuunad, maddiibad iyo baaquli, gudin iyo masaar, girgire iyo burjiko iwm. Ama kuwa isku midka ah ee dhawaaqoodu yara rogmo, sida: irbad iyo cirbad, suxul iyo xusul, xabaal iyo xawaal. Erayada caynkaas ah waxaa ka duwan kuwa asal ahaan ama hayb ahaan qaldan, sida tallaagad iyo firinjeer oo labaduba ah shisheeye lagu soomaaliyeeyey qaboojiye, iyo beeso oo af soomaaligeedu yahay lacag. 3. Kala duwanaanta adeegsiga farta Tusaale ahaan waxaa jira eray aan anigu qoraal ahaan u adeegsan jiray si ka duwan sida loogu dhawaaqo aniga oo u celinaya naxwihiisa. Dabadeed dad badan baa ka biyadiiday iguna eedeeyey in aan dhawaaqii erayga qarribay. Afka waxaa ku jira eray muujiya ahaansho, sida waan harraaddan ahay, waad xanaaqsan tahay, wuu dhiirran yahay, waa ay qurxoon tahay, waa aynu badan nahay, waad faraxsan tihiin iyo waa ay tuban yihiin. Sida aynu aragno qodobka ahaanshuhu mar walba wuxuu u qormayaa gooni, umana baahna in sifada ka horraysa lagu daro oo la dhaho: harraaddanahay, xanaaqsantahay, dhiirranyahay, qurxoontahay, badannahay, faraxsantihiin iyo tubanyihiin. Waxaase jirta marar ay taasi adkaanayso, waxaana ka mid ah marka ay sifada ka horraysaa ku dhammaato xarafka sh ama d ama lahaansho. Jumladda ah geed ubax leh haddii aynu rogno oo lahaanshaha dhexda gelinno waxay noqonaysaa geedku ubax buu leh yahay. Sow ma aha? Waxaa kale oo jira erayo aad u badan kuwaas oo ay dhawaaqooda iyo abuurta naxwahoodu kala duwan yihiin. Tusaale: xarafka o isaga oo eray ku dhammaaday haddii uu eray kale gadaal kaga taxmo dhawaaq ahaan wuxuu noqdaa a. Xarafka e isaguna marka uu eray ugu dambeeyo haddii ay wax kale gadaal ka raacaan wuxuu noqonayaa a. Tusaale: Timocadde dhawaaqu wuxuu noqonayaa: Timacadde, biyodiid wuxuu noqonayaa biyadiid. Tusalaha labaadna waxaa ka mid ah: tusaale oo noqonaya: tusaalayaal halkii uu naxwe ahaan noqon lahaa: tusaaleyaal. Afka sidaas ah waxaa kale oo ka mid ah laba xaraf oo marka ay israacaan isdiidaya dabadeed midkood ka kale shiiqinayo. Tusaale: aynu wada hadalno waxa noqonaysaa: aynu wada hadallo, aynu isjirno waxay noqonaysaa: aynu isjirro. Intaas ka sokow, waxaa jira siyaalo kala duwan oo dhawaaqa erayada loo qaadan karo loona qori karo. Erayadaas waxaa ka mid ah ayey iyo ayay oo labaduba sax ahaan kara. Taas waxaa kale oo ka mid ah erayo door ah oo la mid ah cadow kaas oo haddii la doono loo qori karo cadaw, ama waji iyo weji, margi iyo mergi, gayaan iyo geyaan iwm. Waxaa kale oo la mid ah eray dhawaaqa lagu gaabsado si aan ahayn runtiisa, tusaale: keliya oo runtiisu tahay keli ah iwm. Waxaa kale oo iyaduna dhibaato ah isu geynta laba eray ama ka badan marka ay eray kale isku noqdaan qoristooda sida loo maaraynayo. Dad badani waxay isugu xidhaan jiitin, dad kale erayada waa ay kala gooyaan iyaga oo aan dan ka gelin in ay eray keliya isku noqdeen, dad aan ka mid ahayna toos ayey isu raaciyaan. U fiirso tusaalahan: af kala qaad, af-kala-qaad, afkalaqaad. Saddexdaas siyood aniga waxaan doortay ilana habboon oo ila qurxoon sida ugu dambaysa. Waxaa kale oo jirta kala duwanaan loo qoro marka ay erayga dhexdiisa laba shaqal isku dhacaan. Tusaale: waayo-aragnimo kaas oo aan anigu imika u qoro: waaya’aragnimo iyo la-aan oo aan u qoro la’aan. Hamsada halkaas ku jirta run ahaantii waxaa loo adeegsan karaa siyaalo badan oo qoraalka qurxinaysa. Siyaalahaas waxaa ka mid ah hamsada in lagu kala sooco marka ay laba shaqal oo kala duwani isku dhacaan, tusaale: Fu’aad, su’aal iwm. Waxaa kale oo ka mid ah labada xaraf ee haddii ay israacaan dhawaaqa kale yeelanaya in lagu kala xidho, tusaale: mad’hab, hud’hud, is’haleel iwm. Waxaase jirta si hamsadaas bilawgii loo hirgeliyey taas oo haddii aynu u fiirsanno noqonaysa macnadarro aan loo baahnayn. Tusaale ahaan waxaynu og nahay hamsadu in ay gadaal kaga dhacdo shaqalka kulul, tusaale: ri’da taas oo haddii laga tago yeelanaysa macne kale oo ah: rida. Waxaa ka mid ah: da’ay, ba’ay iwm. Haddaba eraydaasi marka ay ku go’aan barta hasmadu saaran tahay uma baahna in gadaal laga raaciyo oo la qoro: ri’, da’ iyo ba’. Run ahaantii markan dambe hamsada si buuxda ayaa looga maarmaa waayo dhawaaqu doorsoomi maayo. Arrinta waxaas oo dhan ka sii darani waa qodobbo badan oo erayada gadaal ka raacraaca kuwaas oo aan haba yaraatee sida loo qorayo isku aragti laga ahayn. Waxaa ka mid ah marna oo ay dad u qoraan mar na, adigana = adiga na, hase yeeshee = ha se yeeshee, goortase = goorta se, anigaba = aniga ba iwm. Dhalliilaha jira ee ay tahay in xal midaysan laga gaadho waxaa kale oo ka mid ah taxanaha hadal ee qodobaysan marka loo adeegsanayo xaraf u taagan lambar. Tusaale ahaan ma sida laatiinka ayaa la qorayaa: a… b… c… d… taas oo aan ahayn sida ay far soomaalidu u taxanto? Mise: a… b… t… j…? Mise: b… t… j… x…? Mise haddii la doono: a... e… i… o… u…? Xaalado kale oo taas kore u qaab dhow ayaa jira. Tusaale ahaan qoraalka afafka dunida siyaalo kala duwan ayaa looga dhaqmaa magacyada iyo cinwaannada xarfahooda sida loo waawayneeyo ama sida loo yaryareeyo, innagase taasi weli inooma ay saldhigan. Tusaale ahaan haddii ay tahay xeer la isla wada yaqaan marka farta laatiinka la adeegsanayo in magaca gaarka ah xarafka ugu horreeya la weyneeyo, sida Soomaaliya iyo Afrika, miyaa la weynaynayaa cidda magacaas hoos timaadda sida nin soomaaliyeed iyo dawlad afrikaan ah? Anigu waxaan haystaa xeer diidaya, waxaase jira dad weyneeya. Maxayse u cuskanayaan? Nin soomaaliyeed ma magac gaar ah baa? Haddiise aan idhaahdo dhulka soomaalida ama dawladda soomaalida ama calanka soomaalida, miyey tahay magac gaar ah sow ma jiraan calammo soomaaliyeed oo badan sida ka ka taagan Baydhabo iyo ka ka taagan Xamar iyo ka ka taagan Jawhar iwm? Dawladda soomaaliduna sow ma aha tii musuqmaasuqa, iyo tii Kacaanka iyo tii Carta iyo tii Imbegaati iwm? Sidaas si la mid ah dawlad afrikaan ahi sow ma noqon karto Xabashida, Kiiniya iyo tii kale ee ay doonto? Sidaas si la mid ah magacyada ka kooban (sida cinwaannada) eray walba in xarafkiisa koowaad la weyneeyo iyo in erayga koowaad oo keliya xarafkiisa koowaad la weyneeyaa waa laba hab oo jira. Kee ayeynu haddaba af soomaaliga u qaadanaynaa? Ma waxaynu qoraynaa, tusaale ahaan, Wasaaradda Arrimaha Gudaha mise Wasaaradda arrimaha gudaha? Qoraalkan aad akhriyeyso cinwaankiisu ma waxaa weeye: Qabyannimada far soomaalida? Mise waa: Qabyannimada Far Soomaalida? Waxaan kale oo anigu akhriste ahaan ku mergadaa marka aan arko dad iyaga oo af soomaali wax ku qoraya haddana adeegsada dhawaaqyo (xarfo) aan af soomaali ahayn. Tusaale ahaan magacyada Saynab, Samsam iyo Sahra, oo wada ah carabi soomaaliyoobay, dad badan baa u qora Zeynab, Zamzam iyo Zahra. Dadkaasi marka ay sidaas yeelayaan waxay maskaxdooda ka saari kari la yihiin af carbeedka uu magacaasi asal ahaan ka soo jeedo, waxaana ka ma maqan af soomaaligu in aanu lahayn dhawaaqa carabida ah ee ay halkan ka raadinayaan, uuna ku soomaaliyoobay dhawaaqa ugu dhow ee s:da. Haddii aan la aqbalin abuurta af soomaaliga iyo xeerka dabiiciga ah ee uu isagu isku dhiso suurtagal noqon mayso in dhawaaq walba asalkiisa qalaad lala raadsado. Tusaale ahaan salaad iyo soon miyaa af soomaaliga looga helayaa dhawaaq u dhigma ka ay carabida ku yihiin? Maya. Xitaa gadaal looma rogi karo salaat iyo soom. Sidaas oo ay tahay waxaan akhriyey nin ku talinaya dhawaaqyadaas in af soomaaliga lagu soo daro, sidii uu dhawaaqa afku yahay wax sida la doono iyo goorta la doono la abuuri karo. Af soomaaligu wuxuu ka kooban yahay 26 dhawaaq oo ay weheliyaan shanta shaqal ee jiidma, qofka damca in uu dhawaaq 27-aad soo geliyaana waa qof samaysanaya af isaga u gooni ah. Magaca Ibraahin oo marka uu Jasiiradda Carabta joogo dhawaaqiisu yahay Ibraahiim wuxuu sidaas isugu beddelay waayo af soomaaligu m kuma dhammaado, sida muuqatana shaqalka dheer ee dambe wuu gaabtay. Waxaa la mid ah tobannaan eray iyo tobannaan magac oo kale, sida Ilhaam oo noqda Ilhaan, waana in sidaas lagu oggolaadaa. Taas waxaa ka duwan erayada iyo magacyada aan soomaaliyoobin dhawaaqyada la socda oo ay tahay in sidooda loo qoro, waayo magacyadaas iyo erayadaasi waa wax inaga baxsan oo aynaan si kale isula garanayn, tusaale: Mexico, VOLVO, Tony Blair iwm. Af soomaaliga dhismihiisa iyo taddawurkiisa ma aha in la farageliyo oo sidii la doono loo qaabeeyo ee waa in loo raacaa sida uu isagu dabci ahaan isu abuuro ee isu qaabeeyo. Fadeexadda ugu weyn ee far soomaalida ku jirtaa waa xarfaha lammaan ee kh, sh iyo dh. Run ahaantii saddexdaas dhawaaq in xarfahaas lammaan loo qaatay waxay muujinaysaa oo keliya sidii ay reer yurubka soomaalida maskaxda uga qabsadeen (welina uga haystaan). Saddexdaas dhawaaq markii la dejinayey ugu horrayn waxaa looga aragti qaadanayey lagagana dayanayey afafka reer yurub, iyada oo aan fursad iyo madaxbannaani la siin baahida af soomaaliga u gaarka ah. Dhawaaqa uun lama waafajin afafka reer yurub ee sidoo kale mar haddii far laatiinka la qaatay waxaa muuqata in lagu mashquulay sidii teebka far laatiinka ah loo waafajin lahaa ka soomaaliga. Haddiise ay xitaa sidaas ahayd waxaa taallay, welina taalla, fursad ah in saddexda xaraf ee far laatiinka ku hadhay (p, v, z) loo qaato saddexda xaraf ee sida xun loo dhaandhaamay. Taladaas jeer hore ayaan u soo jeediyey welina waa ay ila wanaagsan tahay. Waxaas oo dhaliil ah iyo in kale oo aanan halkan ku xusin oo wada muujinaya qabyannimada af soomaaliga qoran waxay u baahan tahay wax ka qabasho loo midaysan yahay oo meelmar noqota. Sidii ay u duntay dawladnimadii soomaalidu gaar ahaan hay’addii shaqadaas u xilsaarrayd ee Akaademiyadda cilmiga fanka iyo suugaantu, kaalintaasi waa ay haawanaysaa, lagumana guulaysan in cid loo saaro. Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd” Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews Copyright © 2007 Wardheernews.com |