Siyaasadda Socodbaradka ah ee Somaliland
Ibraahin Yuusuf Axmed "Hawd"*
April 15, 2008

"Jamhuuriyadda Somaliland waxaa saldhig u ah nabad, talowadaag, dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan” – Xeerka Somaliland, xubinta 2-aad, qodobka 9-aad, faqradda 1-aad.
______________

"Dimuqraadiyadda dalka ee imiku waa fikrad 'concept’ isticmaalkeedu uu ku kooban yahay wakhtiyada doorashooyinku socdaan. Matalan wixii ka danbeeyay doorashooyinkii hore ee dalka ka dhacay xukuumaddu ma ay isticmaalin mabaadii ku salaysan fikrad dimuqraadi ah. Mana jiraan ka qaybgal muuqda oo ay talada iyo arrimaha qaranka ku leeyihiin hay’adaha dastuuriga ee dalka, sida Golaha Wakiillada, xisbiyada mucaaradka ah iyo ururrada bulshaduba. Hawlgallada siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee hadda jiraa waxay intooda badani ka yimaaddaan dhinaca xukuumada, wax latashi ah ama qaddarin ah oo hay’adaha kale ee dastuuriga iyo kuwa bulshadu ay ku leeyihiin taladana ma jiraan [...] Dimuqraadiyadda oo hoos loo dhaadhiciyaa waxay wax ka beddelaysaa arrimahaas oo dhan.” – Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar, www.jamhuuriya.info, 10/04/2008.
______________

Haddii beri fog lagu heshiiyey in cawga loo gooyo hannaanka dibudhaca ah ee tolnimada siyaasadeed, lana qaatay oo si aan kala reebbanayn la isugu raacay dimuqraadiyadda oo ah hab kaa hore ka habboon, ka nabdoon, kana casrisan; haddii si habsami leh loo doortay xeerkii, xeerdejintii, golayaashii degaannada iyo madaxweynehii intaba, xaggee baa haddana Somaliland weli daloosha? Maxaa muranka iyo jahawareerka joogteeyey? Maxay u kala hawlgeli waayeen ee isku murgiyey hay’adihii kala madaxa bannaanaa?

Si walba oo ay tahay, qoraalkan jeerka aynu akhriyeyno iyo jeer walba waa in laga digtoonaadaa dimuqraadiyadda raad’dhaqaajiska ah ee Somaliland in loo qiimeeyo sida ta dunida ay ku xididdaysatay. Haddii sidaas wax loo eego xaqiiqooyin badan baa laga boodayaa, dabadeed waxaa imanaya niyadjab iyo shaki aan loo baahnayn.

1.Dimuqraadiyadda iyo maamul dawladeedyada kale

Inta jaad maamul dawladeed ee dunida laga yaqaan haddii la wada rogrogo, si walbana loogu fiirsado, la iskuma diidayo go’aan qaadashada dimuqraadiyadda dhabta ahi in ay tahay wax aad uga wanaagsan si walba oo kale. Waa hab haddii garashada hagaagsan lagu eego aad u caqligalsan, haddii anshaxa suubban lagu dayana aad u dadnimaysan, haddii danta guud iyo wadajirka loo fiiriyana aad u habboon. Waa si hawlaha umadda u maaraynaysa go’aan qaadasho wadajir ah oo sinnaan iyo nabad leh, qof walba oo muwaaddin ahna fursad u siinaysa in uu kaalintiisa ka qaato.

Dimuqraadiyaddu waxay si isku kalsooni leh uga jawaabtay weydiin aad u culus oo ay nadaamyada kale oo dhami ku mergadaan, taas oo ah: yaa xaq u leh go’aaminta talada la wadaago? Jawaabta dimuqraadigu waxay tahay: go’aaminta talada la wadaago waxaa xaq u leh dhammaan dadka wadaaga iyada oo la tixgelinayo lana raacayo marba dhanka loo bato.

Weydiinta ay dimuqraadiyaddu sidaas hufan uga warcelisay kelitalisku wuxuu kaga jawaabaa: go’aanka waxaa leh Aniga oo ah Aabbaha umadda. Ururka talada ku gooniyeystaana wuxuu kaga jawaabaa: go’aanka waxaa leh Xisbiga Xaqa ah. Boqortooyaduna waxay kaga jawaabtaa: go’aanka waxaa leh Boqorka Muqaddaska ah. Dadka siyaasadda diinta u adeegsadaana waxay kaga jawaabaan: go’aanka waxaa leh Ilaahay.

Saddexda hore faallo uma baahna waayo bani aadan si habboon u fekerayaa xumaanta iyo dulmiga halkaa ka buuxa iskuma diidi karaan. Jawaabta ay qolada diintu bixinayso ayaase mudan in lagu hakado waayo waxaa ku jirta dagid ama khatalid weyn. Arrintan Ilaahay waxaa looga dhiganayaa marag beenaad, mar walbase fasirka diineed ee la wataa wuxuu gaar u yahay cidda sidaas wax u fasiratay, wuxuuna ka duwan yahay fasirro kale oo badan oo jira. Kooxda fasirkeeda diineed wax ku doonaysaa ma caddayn karto in uu Ilaahay iyada gaar u wakiishay oo kooxaha kale iyada ka doortay. Markaas fikraddaas qudheedu waxay ka mid tahay kuwa muquuninta ah ee cid walba oo fikrad kale qabta lagu jujuubayo.

Guud ahaan haddii aynu isha marinno maamul dawladeedyada dunida ka jiraa aad ayey u kala dudduwan yihiin waxaana ka mid ah: 1) boqortooyo dhaxaltooyo ah oo aan hannaan dawladeed oo kale la maqashiin karin (sida Reer Aal Sacuud iyo Qoyska Marooko); 2) kelitaliye balaayeysan oo aan amarkiisa laga daba hadli karin go’aankiisana weydiin la gelin karin (sida Qaddaafiga Liibiya iyo Bin Caliga Tuunis); 3) xisbi ku dhisan aragti muquunsan oo aan oggolayn mid tiisa ka duwan, laakiin haddana xisbiga dhexdiisa hoggaamiyaha la dooran karo, waxtar iyo waxyeellana umaddiisa u siman (sida Ururka Hantiwadaagga Shiinaha iyo Golaha Mullayaasha Iiraan); 4) dimuqraadiyad afduuban oo indhasarcaad ah, natiijada doorashada dhalanteedka ahna mar walba sida la doonayo laga dhigo (sida Yaman iyo Xabashida); 5) dimuqraadiyad kacaakuf ah oo ay jananada ciidanku dusha ka ilaashadaan (sida Bakistaan iyo Turkiga); 6) dimuqraadiyad ishaafalato ah oo cidda ay ugu badisaa oggolaato cidda ay ugu yaraysaana diiddo (sida Kiiniya iyo Simbaabwi maanta ka jirta); 7) dimuqraadiyad dhab ah laakiin duruufo fursaddeeda koobayaa ku xeeran yihiin (sida ta Maraykanka); 8) dimuqraadiyadda Yurubta Galbeed oo ah hababka maanta jira ka ugu bisil marka la eego inta ay gaadhsiisan tahay ka qaybqaadashada muwaaddinka ee go’aannada iyo saamaynta uu ku yeelan karo jihaynta aayaha dalkiisa siyaasad ahaan.

Haddaba Somaliland maanta waxay maraysaa marxalad isqaabayn ah oo aan weli si dhab ah isu raacin. Bulshadu waxay aad ugu heellan tahay in lagu socdo lana dhaqangeliyo hannaanka dimuqraaddiga ah ee la doortay. Run ahaantiise UDUB wuxuu isku dayayaa xaaladda in uu u rogo sida ka jirta Xabashida iyo Yaman. Waana taa sababta uu hawlaha doorashooyinka iyo xorriyadda dadka u fadqalallaynayaa.

Damacaas xun ee aan xilkasnimada lahayn waxba kama suurtoobi doonaan, waayo ma jirto cid oggolaanaysaa. Sidaas darteed waxaa lagu khasban yahay in hore loogu socdo oo la kobciyo dimuqraadiyadda la qaatay geeddiga dheerna la guuray. Mana jiro maanta hannaan kale oo bannaani marka la eego duruufaha jira oo ay ka mid yihiin:

1) qaab-dhismeedka bulsheed ee ka abuuran tolalka iswada eeganaya oo aanay ka dhex shaqayn karin awood aan si walba loogu sinnayni.

2) waaya’aragnimada xanuunka badan ee laga helay Kacaankii Oktoobar oo si buuxda u diidaysa madaxweyne iyo maamul kelitaliye ah.

3) ma jirto aydoolajiyad abaabulan oo leh awood ay dalka ku qabsato iyo xoog ay wax ku muquuniso (xitaa islaamka siyaasadeed ee koonfurta ka jiraa Somaliland xoog kuma leh), sidaas darteed isku day walba oo lagu hawaysto xukunka dalka iyada oo aan la haysan kalsoonida umadda waxaa ka dhalanaya burbur.

4) qodobbadaas hore oo ay weheliso tamar yarida UDUB waxay baajinaysaa ururkaasi sinaba in uu ugu guulaysto in uu noqdo xisbiga qudh ah ee weligii dalka ka taliya.

2. Bisayl la’aanta iyo afrikaanaynta

Dimuqraadiyadda Somaliland weli waa socodbarad, sida wax walba oo socodbarad ah lagu yaqaannana waxaa ku jira dhacdhac iyo kacaakuf badan. Dabadeed waxaad arkaysaa hay’adihii dimuqraadiyaddaas saldhigga u noqon lahaa oo weli ku jira xaalad laga naxo. Soo qaado garsoorka, gaar ahaan Maxkamadda Sare iyo Xeerilaaliyaha Guud. Soo qaado Xisaabiyaha Guud. Soo qaado Bangiga Dhexe. Soo qaado Golaha Guurtida. Xitaa ha dhaafine soo qaado Golaha Wakiillada. Oo weliba soo qaado warbaahinta iyo xorriyaddeeda qiilqiilka ah. Sow dhab uma muuqato giddigood haddii aanay xukuumadda ka tirsanayn ama hadba ninka Madaxtooyada fadhiya midiidin u ahayn in la dayrinayo oo ay shaqada waayayaan ama xabsi gelayaan? Markaa sow dhab uma muuqato in ay meesha ka baxeen awoodihii loo baahnaa in ay xukuumadda dheellitir u ahaadaan? Markaa maxaa loo eersanayaa budhcadnimada ay nimanka talada hayaa ku kacayaan?

Dhibaatooyinka dimuqraadiyadda Somaliland maanta laga dhex arki karo ee ay arrimaha kor ku xusani sababeen waxaa loo kala qaadi karaa dhawr markii ay isbiirsadeen baajiyey wanaaggii loo dan lahaa, waxayna kala yihiin: 1) kala garasho la’aanta iyo kala saarid la’aanta dawladda iyo maamulka (qaranka iyo xukuumadda); 2) kala soocid la’aanta tolnimada iyo dawladnimada; 3) isa siinta talada umadda iyo awoodda qarannimada ee maamulka jira; 4) tayo xumada iyo hoosaynta aqoonta xirfadeed ee masuuliyiinta; 5) kala faquuqnaanta muwaaddinka iyo maamulka dawladda; 6) qalaanqalka guurtida iyo oday dhaqameedyada hawlo aan loo dooran goor walba faraha kula jira.

Waxaas oo dhibaato ah ayaa oogan, run ahaantiina ta ugu darani waa tii weligeedba Afrika haysatay ee ay raaf la dhaqaajin wayday. Waa madaxda mar la doorto oo jeerka laga maarmo aan lahayn garasho iyo xilkasnimo ay si nabad ah xilka ugu wareejiyaan.

Madaxa afrikaanku (madaxweynaha uun ma aha ee nin madax ah oo dhan) maalinta xilka loo dhaariyo ayuu sida carruurta dalka oo dhan iyo waxa yaalba isagu isa siiyaa sida uu doonana ugu falaadaa. Maskaxdiisa yar kama dhaadhici karto awooddiisu in ay lee dahay xad iyo xeer qabanaya. Maskaxdiisa yar kama dhaadhici karto in uu ka mid yahay malyuumaad muwaaddin oo giddigood xaq iyo waajib u leh in ay sidiisa, haddii ay doonaan, dalka madax ka noqdaan. Dabadeed maalinta xilka loo dhiibo ka dib isbeddel kasta oo arrinta ku yimaadda iyo xisaabtan walba oo laga daba keeno wuxuu u qaadanayaa gardarro. Taasi wax kale ma aha waa doqonnimo iyo damac ay maangaabnimo ka dambayso. Sidaas marka uu dalku ku burburo isaga caqligiisa xumi weli wuxuu tusayaa in ay ciddii isaga wax u diiddanayd wax ku wayday. Laakiin ”Karisxun iyaduna wax ku la”.

Maanta qof waliba wuu ogaa qolada talada Somaliland haysaa weligeedba in ay ismoogaysiinaysay doorashooyinka soo socda iyo hawlaha la xidhiidha. Ismoogaysiin uun ma aha ee ulakac iyo badheedh ayey u carqaladaynayeen fulinta hawlaha doorashooyinka ka horreeya sida diiwaangelinta iyo xorriyadda warbaahinta. Ogaan ayeyna u faragelinayeen una fadqalallaynayeen Guddida Doorashooyinka. Sidaas ayey marba kooxda xukunka haysaa isaga dhegoolaysaa baahida loo qabo horukaca dimuqraadiyadda, dabadeed goorta doorashada la gaadho keentaa kun cudurdaar oo xukun jeclaysi ah. Waa tabtii uu Maxamed Ibraahin Cigaal yeeli jiray.

Bisayl la’aan aad u weyn oo dawladnimada iyo dimuqraadiyadda labadaba ah ayaa jirta. Waxyaabaha ugu yaabka badan waxaa ka mid ah iyada oo dhibco siyaasadeed laga raadiyo arrimo halis ku ah nabadda iyo nolosha umadda. Wax aad u xun oo ay fidno weyni ka dhalan karto ayaa had iyo jeer si fudud oo aan xilkasnimo lahayn loo sameeyaa ama la isugu eedeeyaa. Tusaale ahaan sidee bay ku dhacday in madaxdii Ururka Qaran sida tuugta la iska xidho iyada oo aan xeerka, dimuqraadiyadda, xushmadda muwaaddinka iyo xasilloonida bulshada midna la tixgelin?

Tusaale kale waxaa inoo ah qaraxii dhowaan ka dhacay aqalka Golaha Guurtida iyo sidii looga hadlay. Judhiiba waxaa la bilaabay in si rasmi ah loo yidhaahdo urur hebel iyo nin hebel baa ka dambeeya. Qaraxaasi cid geysatayba waa fal dembiyeed aad u culus iyo dhaqan argaggixiso iyo dagaalooge, mana aha in lagu doono dhibco siyaasadeed oo aan ku jirin waayo waa dhagar soo jiidi karta colaad iyo burbur. Waxa keliya ee furani waa in laga qaado tallaabo nabadsugineed laguna eego indho garsoor. Waa dhacdo ay tahay umaddu iyada oo midaysan in ay wax ka qabato, cidda ay ku caddaatana ciqaab daran la mariyo.

3. Siyaasadda ”saddexda xisbi”

”Tirada xisbiyada siyaasiga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland kama badnaan karaan saddex (3) xisbi” –  Xeerka Somaliland, xubinta 2-aad, qodobka 9-aad, faqradda 2-aad.

Siyaasadda ”saddexda xisbi” haddii dhan laga eego waxaa lagaga fursaday fawdo badan oo laga yaabo doorasho walba in ay la bilaaban lahayd. Haddii aynu dabeecadda dadkeenna naqaan, kana waaya’aragnimo qaadanno dimuqraadiyaddii lixdannadii qarnigii tegay ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya, haddii aan la xakamayn doorasho walba waxaa la bilaabanaya kacdoon iyo abaabul qabyaaladaysan oo aan marnaba la waayeyn nin xun oo ku danaysta.

Iyada oo ay caynkaas tahay haddana run ahaantii siyaasadda ”saddexda xisbi” waxaa ku jirta nusqaan weyn oo ah in ay aad u koobayso fursadda tartanka siyaasadda iyo fursadda kala doorashada. Taasi waxay si cad u soo shaacbaxday markii la abuuray Ururka Qaran taageeradii laxaadka lahayd ee uu helay iyo fadeexaddii ahayd xadhigga madaxda si taageeradaa loo dhiciseeyo.

Qaabab kala duwan ayey dunidu siyaasadda xisbiyeynta u raacdaa. Tusaale ahaan sida la og yahay Maraykanka dhaqankiisu wuxuu ku dhisan yahay laba xisbi. Taasi waxay aad u koobaysaa doonista iyo aragtiyaha siyaasadeed ee ay bulshadaasi qabto ama qabi karto. Maxaa talo ah haddii ay jiraan lag iyo laguug muwaaddin oo aan labadaa xisbi midna la dhacsanayni? Waxbana tari mayso fursadda yar ee la siiyey ciddii doontaa in ay u tartami karto si ka baxsan labada xisbi, waayo marnaba looma babacdhigi karo labadaas aadka u gaammuray ee gacanta ku haya hantida, warbaahinta iyo guud ahaan awoodda qaranka. Natiijaduna waxay noqotay in ay labadaas urur weligood talada dalka isu dhiibdhiibaan sidii laba nin oo gaawe caano ku wadaagaya.

Qarammo kale oo ay Yurub u badan tahay waxay raacaan hannaan ka Maraykanka ka jimcoon. Tusaale ahaan Iswiidhan doorasho walba waxaa isu taagi kara urur kasta oo keena xubinnimada tiro dad ah isla markaa sharci ahaan isdiiwaangeliya. Markaas boqollaal urur ayaa doorashada isu taagi kara, iyada oo Golaha Wakiillada uu gelayo urur kasta oo hela ugu yaraan 4% codka umadda. Taa macnaheedu waxaa weeye, doorasho walba waxaa ku jirta fursad ah xisbiyadii hore oo dhan in debedda loo dareeriyo oo qaar cusub la soo doorto, in kasta oo in ay sidaas u dhacdaa adag tahay.

Haddaba in lagu khasbanaado saddex magac oo la kala yidhaahdo UDUB, KULMIYE iyo UCID waa xayiraad weyn. Taas waxaa uga sii daraya haddii la og yahay saddexdaas urur run ahaantii in aanay lahayn, haba yaraatee, wax aragtiyo siyaasadeed ah iyo wax barnaamij hawleed ah oo ay ku kala duwan yihiin, farqigooduna yahay oo keliya magacyada. Markaa maxaan midkood ugu xishaa haddiiba aanay jirin aragti gaar ah oo aan kala midaysan ahay? Maxay macno lee dahay qolada mucaaradka ahi in ay iska yidhaahdaan ”xilka UDUB gabay ayaanu gudanaynaa”? Waa taa sababtii uu Qaran isaga oo aan cagahaba isku taagin taageerada badan u helay. Waana firaaqadaas halka ay badanaa ka soo baxayaan qabyaaladda iyo qof xigtaysiga bulshadu.

4. Golaha Guurtidu dan ma aha

Guud ahaan dhaliilaha badan ee aynu isla soo aragnay oo jira haddana, run ahaantii, cadawga koowaad ee dimuqraadiyadda Somaliland waa Golaha Guurtida. Malaha dad badani maba oga golahani, sidiisaba, in aanu sharci ahayn xeerka dalkana ku xusnayn? Nimankaas waxaa la ururiyey marxalad loo baahnaa xasilinta iyo kala hagaajinta tolalkii kala daadsanaa marna isku daadsanaan ee isku mashaqoobay. Haddaba guurtidaasi xilkoodii iyo hawshoodii waa ay soo guteen, xilligooduna wuxuu ku ekaa maalintii ay umaddu soo dooratay golayaasha sharciga ah. Maanta nimankaas nafci dambe kuma hadhin, haddii aan siyaasadda laga saarinna waxay dib u jiidayaan dimuqraadiyadda la qaatay, waxayna baajinayaan heer casri ah maamulka dawladeed loo gudbiyo.

Aad ayey u badan yihiin tusaalayaashaa dunida looga soo heli karo urur asalkiisu wanaag ahaa dabadeed markii xilligiisu dhammaaday halkii uu baabbi’i lahaa isu rogay awood xun oo bulshada baabbi’isa. Waxaa ka mid ah maafiyada caanka ah ee Talyaaniga loo yaqaan Brigate Rosse taas oo ku bilaabatay xaqudirir gobannimadoon ah maantana aynu wada og nahay dadqalatada ay tahay.

Doorashadii hore agteeda, markii ay weji xumada Golaha Guurtidu aadka u muuqatay, ayaannu annaga oo dhawr ah ku sheekaysannay odayadan si looga nabadgalo, siyaasadda dalkana looga badbaadiyo, in ay habboon tahay in loo ballanqaado inta ay nool yihiin maamuus gaar ah iyo masruuf joogto ah.

Golaha Guurtida haddii loo arko in loo baahan yahay waxaa habboon odayada imika fadhiya in lagu beddelo madax dhaqameedyada kale ee tolalka: suldaannada, garaadyada, ugaasyada iyo boqorrada. Iyaga qudhoodaba waa ay ku jirtaa cilladdii ahayd sida loo kala maarayn karo awooddooda iyo awoodda masuuliyiinta la doortay. Iyagubana bulshada waxay ku sii haynayaan dhaqanka tolaysiga oo ay tahay in dhakhso looga guuro. Waxayse kuwani qolada hore ku dhaamaan in ay jirto cid ay si uun u matalaan ama u matali karaan. Sidaas darteed inta ay dimuqraadiyaddu cagadhiganayso nimankani waxtar ayey u noqon karaan kaladambaynta iyo kalsoonida dadka.

5. Waxay ila tahay

Waxaa ii hadhay in aan sidan hoose u qodobeeyo aragtidayda ku saabsan sida loo kobcin karo dimuqraadiyadda Somaliland, loona xannaanayn karo nabadda iyo xasilloonida qaaliga ah ee maanta lagu naalloonayo:

1) ugu horrayn nimanka talada hayaa xil sidan dhaama ha iska saareen ku dhaqanka xeerka iyo guud ahaan waxyaalaha heshiiska lagu yahay, ha ka waantoobeen xukun jeclaysiga kaas oo kalsooni darro badan abuuraya, faca iyaga ku xigana ha uga tageen dhaxal wacan oo la sii ambaqaadi karo.

2) golayaasha iyo hay’adaha sharciga ahi ha isu arkeen in ay yihiin awood madaxbannaan, hana la xisaabtameen xukuumadda ay maanta midiidinka u yihiin, umaddana ha ugu adeegeen si xor ah.

3) Golaha Guurtida degdeg ha loo kala diro waayo sharci ma aha, haddii dan la moodana ha lagu beddelo suldaannada, garaadyada, boqorrada iyo ugaasyada.

4) saxaafaddu tayadeeda kor ha u qaaddo hana adeegsato halkudhigga ah ”xorriyad xogogaalnimo iyo xilkasnimo leh”, hana isu xilqaanto wargelinta iyo wacyigelinta bulshada iyada oo isla markaa dhawraysa xasilloonida iyo kaladambaynta.

5) dadka aqoonta lihi, gudo iyo debedba, ha isgeliyeen firfircooni ay ku jiheeyaan aayaha nololeed iyo siyaasadeed ee umadda, iyaga oo tixgelinaya una siman dhammaan xoogagga u jira sida xeerka dalka waafaqsan.

6) qof walba oo bulshada ka tirsani ha ku dadaalo in uu saamayn wanaagsan oo joogto ah ku yeesho siyaasadda dalkiisa, hana ka digtoonaado in isaga iyo qoyskiisa loo adeegsado ujeeddooyin burburin ah.

7) ugu dambayn, qaybaha kor ku xusan oo dhami si adag iyo wadajir ha u ilaaliyeen nabadda lagu soo tabcay, nabarka iyo gacanqaadkuna ha noqdeen wax dhaqanka Somaliland ka reebban sidii horeba loogu heshiiyey.

*Ibraahin Yuusuf Axmed " Hawd" waa qoraa madaxbannaan oo deggen dalka Sweden. Waxa lagala xidhiidhi karaa:Ibraahinhawd@hotmail.com
_____________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews                                                                                   


Copyright © 2008 WardheerNews.com