|
|
Hadda ayay isu dheelitirantey dooddii ka oogneyd cidda daahfurtay miisaanka maansada Soomaalida mar haddii dhinacii maqnaa la heley - waa Abwaan Maxamaed Xaashi dhamac (Gaarriye) e. Bishan August markay ahayd 23, ayuu Abwaan Gaarriye qirtey in ay jirto dood ka oogan Daah furka maansada Soomaalida. Taas oo ka dhexeysa isaga iyo Saaxiibkii Professor Abdillahi Diiriye Guuleed (Carraale).
Dooddani, waxay soo shaac baxdey dhammaadkii 2006-kii markii sida la sheegayo Abwaan Gaarriye qabtey kulanno uu kaga hadlay maansada Soomaalida iyo xididadeeda isla markaana sheegtey in isagu uu yahay qofkii ugu horreeyey ee soo saara miisaanka maansada Soomaaliyeed. Kullanadaas ka dib, arrintani waxay dhalisay muran joogto ah oo ay is waydaarsadaaan dadweynaha xiiseeya suugaanta Soomalida guud ahaan iyo aqoonyahano ku xeel dheer afka Soomaaliga gaar ahaan dhinaca suugaanta sida Professor Cisman Aadan (Cisman Xoog), Abdiraxmaan Faarax (Barwaaqo), Ibraahim Yusuf Ahmed (Hawd), Abwaan Maxamed Xirsi Guuleed iyo rag kale oo badan. Inkastoo doodayaashu aaney aqoon isku mid ah u laheyn halka sartu ka qudhuntey iyo midhka muranku ka taagan yahay, waxay doodoodu dheerigelisay akhristayaal badan oo aan ku jiro, waxaaney nolol u yeeshey afkii Soomaaliga ee dhintey. Sidaan qabo, waxaa doodayaasha laga korodhsadey aqoon iyo farshaxanimo fara badan oo dhex muquursaneyd mawjadaha afka Soomaliga ee in yari fahamsaneyd. Sidoo kale, waxaa soo baxay shebekado raadiya doodan iyo ciddii ay khuseysay aqoontana u hiiliya sida WardheerNews. Waxaanan leeyahey wardheerNews, waad ku mahadsan tihiin sida aad isugu dayeysaan kobcinta wacyiga iyo aqoonta dadka af Soomaliga ku hadla. Sida ku cad, wararka uu saxaafadda siiyey Maxamed Xaashi Gaariye (WardheerNews & Lughaya news), waxaa uu imanayaa London bisha Oktoobar ee foodda inagu soo haysa.,waxaanu diyaar u yahey in uu dood cilmiyeed la galo saaxiibkii Cabdillahi Diiriye Guuleed si fool ka fool ah. Si kastaba arrintu ha ahaatee, hadda waxaa la soo gaadhey xilligii la soo afjari lahaa dooddan ciddii gartu siisana si dhab ah loogu aqoonsan lahaa xuquuqda uu mudan yahay iyo magaca ay leedahey hawsha uu qabtey. Su’aalshuse waxay tahey mar haddii aaney Soomalidu aqoon iyo waayo aragnimo hore u laheyn ka garniqidda arrimaha cilmi-baadhista, sidee si xaq ah loogu garnaqi karaa Carraale iyo Gaariye? Waxaan filayaa in aaney ka maarmeynin in lala kaashado garyaqaano aqoon u leh ka garnaqidda hanti maskaxeedka (intellectual property) iyo xuuquuqda la ahaanshaha. (Copy rights). Ali Jama |