Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Baaq Cambaareyn ah oo ku Aadan Xulista xubnaha Baarlamaanka ee Jubbaland

Anaga oo ah beesha Geri, kana mid ah beelaha dega gobalka Jubbada Hoose, isla markaana ka soo qaatey qayb libaax dib u xoreyntii iyo yagleelitaankii maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo madaxweynaha KMG   Axmed Maxamed Islaan,  waxa marag ma doonta ah in beesha Geri hiil iyo hooba la garab taagneyd   maamulka Jubbaland gudaha iyo dibadaba.

Anaga oo ah beel ku caan ah maslaxadda iyo nabad kula noolaanshaha ummada Soomaaliyeed, isla markaana jecel midnimadda iyo wada jirka beelaha ku nool deegaanada Jubbaland, waxaan halkan ku soo gudbineynaa tabashadeyda ku aadan caddaal daradda nalagula kacay ee ku aadan soo xulistii xubnaha Baarlamaanka ee maamulka Jubbaland saamigii aanu ku lahayn deegaanada beesha Geri ay degan tahay sida degmada Afmadow , Jamaame , Kismaayo , iyo waliba xagar iyada oo si cad looga duudsiyey xaqii ay ku lahaayeen loona awood sheegtey.

Arrintaas oo wax ka qabashadeeda aanu in badan kala xaajooney masuuliyiinta u sareysa maamulkaas, ilaa madaxweynaha , gudiga xalinta khilaafaadka iyo cid kasta oo ay khuseyso arrintaas aan kor ku soo xusey. Masuuliyiintaas oo dhamaantood noo balanqaadey in aanu helayno saamiga aan ku leenahay xubnaha Baarlamaanka ee Jubbaland. Waxaase ayaandaro iyo lama filaan nagu noqotey in aan habba yaraate wax tixgelin ah la siin codsigaygii, si kas iyo maan ah na nalooga duudsiyay golaha Baarlamaanka ee maamulka Jubbalnd.

Haddaba waxaan rabnaa in aan beesha caalamka iyo ummada Soomaaliyeed  aanu halkan uga cadeyno in aaney noo cuntameyn arinkani, isla markaana aanaanu ku qanacsaneyn natiijada ka soo baxdey xulistii xubnaha Baarlamaanka ee Jubbaland, taaasi oo ku saleysan caddaalad daro iyo xaq daro..

Beesha Geri waxay diyaar u tahay difaaca sharafta iyo karaamadooda , xaqayagana aanu ku raadsayno marin kasta iyo si kasta oo aanu ku heli karno.

Wa Bilaahi Tawfiiq

Saleebaan Maxamed Sh. Cumar (Qaadi Kabacad)
Gudoomiyaha Beesha Geri ee Deegaanada Jubooyinka

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.