Tuesday, March 19, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Baaq guud oo ay soo saareen Beelaha SADE, HARTI, GERI, TANADE, AWRTABLE IYO MEHERI oo ku aadan arinka Baarlamaanka Jubaland

KU: Madaxwaynaha Jumhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
KU: Raysalwasaaraha JF ee Soomaaliya
KU: Guddoomiyaha Baarlamaanka JF ee Soomaaliya
KU: Beesha caalamka (UNISOM, IGAD, EU, AU)

May 4, 2015

Waxaanu si sharaf leh ula socodsiinaynaa dhamaan mas’uuliyiinta uu baaqani ku socdo, mawqifka beelaha kor ku xusan, ka gadaal shirwayne wada tashi ah oo ay khadka teleefonka ku wadaageen Siyaasiyiinta, Culumaaudiinka, Madaxdhaqameedka, Aqoonyahannada, Ururada Haweenka iyo Ururka Dhallinyarada ee ka soo kala jeeda beelaha SADE, HARTI, GERI, TANADE, AWRTABLE IYO MEHERI . Shirkaas waxaa ka soo baxay qodobadan soo socda:

1) In guud ahaan beelahan kor ku xusan oo bud dhige u ahaaa yagleeliddii maamulka kumeelgaadhka ah ee hadda ka arrimiya Kismaayo, aysan marnaba aqbali doonin Baarlamaan- ku sheegga maamulka Axmed Madoobe kaga dhawaaqay magaalada Kismaayo bishii April, 2015.

2) Beeluhu waxay caddaynayaan in waddadii loo maray soo xulista xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka Jubbaland ay gabi ahaanba ka hor imanayso kana baxsantahay habraaca dastuurka dalka u yaal, ee qeexaya nidaamka loo marayo soo xulista Baarlamaanka iyo cidda awoodda u leh.

3) Waxaa beeluhu caddaynayaan in xubnahan lagu sheegay in ay yihiin mudanayaal Baarlamaan aysan soo xulin madaxdhaqameedkii soojireenka ahaa ee gobolladaas, balse ay soo xuleen siyaasiyiin dano gaar ah leh. Kuwaas oo doonaya in ay ku sii haystaan maskab aysan u marin waddada sharciga ah.

4) Waxaa beeluhu diidanyihiin sad bursiga iyo boobka qaawan ee ay ku kaceen Axmed Madoobe iyo kooxdiisa isku bahaystay dulmiga iyo xaqdarada.

5) Si loo gaaro xal waara iyo nabad kuwadanoolaansho ka dhasha gobollada Jubbooyinka, waxaa beeluhu ku talinayaan in dib loogu noqdo habkii loo maray soo xulista Baarlamaanka, loona celiyo awooddii iyo doorkii ay ku lahaayeen isimada soojireenka ah iyo waxgaradka kale ee daneeya arrimaha Jubbaland.

6) Waxaa beeluhu cod dheer ku sheegayaan in dhulka iyo dadka dega Jubbaland aysan ahayn kuwo la dhashay maamulka ku meelgaadhka ah ee la sameeyay sanadkii 2013, balse ay dhulka iyo dadka ku nooliba yihiin kuwo ku noolaa gobolladaas qarniyo farabadan, si sahlanna aan lagu barakicin Karin laguna duudsiyi karin xuquuqdooda iyo masiirkooda siyaasadeed.

7) Waxaa beeluhu ka digayaan in koox ama qabiil gaar ah oo wata dano guracan ay isku dayaan in ay ku riyoodaan malo-awaal aan u soconayn, kaas oo ku dhisan, barakicin, dil, cabudhin, dhulboob iyadoo la adeegsanayo gacmo shisheeye.

8) Waxaa beeluhu kula talinayaan in maamulka Axmed madoobe dib u milicsado taariikhda sooyaalka ah ee ay leeyihiin gobolladani tan iyo markii ay burbrtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya, taas oo ahayd taariikh madow loona baahnaa in la soo afmeero, balse Axmed Madoobe maamulkiisu raacay wadadii ay faleen dagaaloogayaashii soo maray gobolladan.

9) Waxaa beeluhu diyaar u yihiin in ay si dhaw ula shaqeeyaan cid kasta oo diyaar u ah xal u helidda xasaradda siyaasadeed ee ka aloosan Jubbaland sida dawladda federaalka ee Soomaaliya, ururdada caalamiga ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya sida IGAD, AMISOM, AU iyo EU.

10) Beeluhu waxay ka dalbanayaan madaxwaynaha , raysalwasaaraha iyo guddoonka baarlamaanka Soomaaliya in ay si toos ah u soo faragaliyaan arrimaha dhulboobka iyo barakicinta uu maamulka Axmed Madoobe ka wado gobollada Jubbooyinka.

11) Beeluhu waxay ku baaqayaan in ummadda reer jubbaland ay u diyaargaroobaan doorashada dhismaha dawlad iyo Baarlamaan loo dhanyahay oo ku dhisan caddaalad oo lagu wado in uu qabsoomo bisha August 27keeda ee sanadkan 2015 markaas oo ay ku egtahay muddadii loo asteeyay maamulka kumeelgaarka ahee lagu Saxiixay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya sanadkii 2013kii.

12)  Ugu danbayn waxaa beeluhu ay diyaar u yihiin in ay ka qayb galaan shirka looga arrinsanayo sidii loogu diyaargaroobilahaa sal u dhigidda dawlad goboleedka Jubbaland oo dhawaan ka furmi doona gobolka Gedo gaar ahaan magaalo madaxda Garbahaarray.

Waxaa go’aankan u saxeexay beelaha kor ku xusan:

  1. Shiikh Maxamed Nuur Cabdille – Beesha SADE
  2. Cumar Maxamed Madar – Beesha HARTI
  3. Sulaymaan Maxamed Sh. Cumar (Qaaddi kabacad) – Beesha GARI
  4. Nabaddoon Carte Xaaji Jimcaale – Beesha AWRTABLE
  5. Maxamuud Cali Bile (Huurshe)- Beesha MEHIR
  6. Maxamed Cabdiraxmaan Wardheere – Beesha TANADE

 Wabillaahi Towfiiq
Sulaymaan Maxamed Sh. Cumar (Qaaddi kabacad)
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

3 Responses to “Baaq guud oo ay soo saareen Beelaha SADE, HARTI, GERI, TANADE, AWRTABLE IYO MEHERI oo ku aadan arinka Baarlamaanka Jubaland”


    Fatal error: Uncaught Error: Class 'Roots_Walker_Comment' not found in /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/comments.php:11 Stack trace: #0 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/comment-template.php(1554): require() #1 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/content-single.php(46): comments_template('/templates/comm...') #2 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template.php(772): require('/home/forge/war...') #3 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template.php(716): load_template('/home/forge/war...', false, Array) #4 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/general-template.php(204): locate_template(Array, true, false, Array) #5 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/single.php(1): get_template_part('templates/conte...', 'single') #6 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/base.php(23): include('/home/forge/war...') #7 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template-loade in /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/comments.php on line 11
    WordPress › Error

    There has been a critical error on this website.

    Learn more about troubleshooting WordPress.