Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Badbaadintii Ku-Xigeenkiisa: Dhacdo Dhab ah

WQ: Cabdirisaaq Saalax

Sheekada: Maxamed C/laahi “Carab

…من قَتَلَ نَفْسًا بِغَيْرِ نَفْسٍ أَوْ فَسَادٍ فِي الْأَرْضِ فَكَأَنَّمَا قَتَلَ النَّاسَ جَمِيعًا وَمَنْ أَحْيَاهَا فَكَأَنَّمَا أَحْيَا النَّاسَ جَمِيعًا ۚ…

Qur’an Kareem, Suratul Maa’idah, Aayadeeda 32-aad

Marka uu kula hadlo ayaad dareemaysaa, in ay Afkiisa wax ka qaldan yihiin. Haddiiba uu u ho’llado in hal kelmed yidhaa, waxaad arkaysaa, hadallada xoogaa is dhaafku ku jiro, iyo ilkaha aad moodo in ay isku dheggen yihiin.

“Adeer, siday wax kuu gaadheen?” ayaan Habeen habeenada ka mid ah, anaga oo ku haasaawayna guri uu magaaladan ka deggen yahay oo ay wax ka deggen yihiin qoys aanu qaraabo nahay.

“Xabbad ayaa igu dhacday” ayuu jawaabtiisii ku gaabsaday.

askariAniga oo yar quuddarayna in bal sida ay ugu dhacday iyo dabcanba cidda ku dhufatay uu iiga sheekeeyo, haddana aan ku dhiiran karin in aan xusuusiyo xanuunkii uu soo dhandhamiyay, ayaa waxaa hadalkii boobay, wiil ay xigto ahaayeen, isla markaana ahaa wiilka caawinaayay.

“Duqa, Filim aan wali soo bixin uu metelay!” ayuu isaga oo qoslaya, uu nagu soo dhex tuuray. Haddiiba waan qoslay, yaabay oo haddana dhan aan u saaro garan waayay.

Maxamed C/laahi oo loo yaqaano Carab waa Agaasimaha Madaarka Magaaladda Caabud-Waaq ee gobolka Galguduud. Waa 52 jir, Culuumta Diinta Islaamka Wax ka bartay. Waxa uu haatan xaalad caafimaad u joogaa magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya (India). Waxa uu iiga sheekeeyey dhacdadii sababtay in uu halkan yimaado .

“Waa maalin Isniin ah, bisha Juun, waa 27. Waxa ay ku beegan tahay Ramadaan 21-keedii. Goorsheegtu, waxa ay ibo garaacaysaa labadii duhurnimo. Waa maalin uu cirku qaawan yahay, oo uu xoogaa kul ahi jiro.

Shaqada ayaan hadda uun ka soo rawaxay, waxaanan soo hayaa jidka dhererkiisu yahay 8km ee isku xidha magaalada iyo Madaarka. Waxaan wataa gaadhigaygii gaarka ahaa oo noociisu yahay gaawaadhidan Tukhaanka loo baxshay (ama Vitz). Shan qof oo aan ku jiro ayaanu ku saaranahay, oo u badan dad aan jidka ka soo qaaday.

Haddiiba aan magaaladii kaabiga soo saaray, mid ka mid ah dadkii aan waday ayaa ii sheegay in uu meeshii uu u socday soo gaadhay. Waan u hakiyay. Dage. Waxa uu saarnaa kursiga hore ee baabuurka. Dadka gaadhiga saaran oo aanay aqoon saas ahi naga dhaxayn awgeed, cidina kursigii hore kuma ay soo ruqaansan. Anna maba maan waydiine, oo horey ayaan uga sii socday.

Haddiiba aan magaaladii hore u sii galay, ayaa waxaan mar qudha meel boqol ilaa laba boqol oo mitir ii jirta aan ka maqlay dhawaqa rasaas daran-doori u dhacaysa. Xoogaa ayaan ku durkay. Mise waa laba nin oo is baacsanaya. Mid ayaa qori sita, kan kalena wuu faro-dhabanayaa. Rasaas ayuu la beegsanayaa, kan kalena, kolba gidaar ama geed wixii ku soo baxa ayuu gabbaadsanayaa.

Haddiiba aan qiyaastii 50 ilaa 70 tallaabo aan u soo jirsaday, qudh iyo maan ayaan u aqoonsaday labada ninba. Midka la baacsanayaa waaba ku xigeenkaygii (Agaasime-ku-xigeenka Madaarka Caabud-Waaq). Kan kale ee baacsanayaana waa mid ka mid ah xammaaliintii madaarka ka hawl galaysay.

Xabbaddii ayuu marba mar kula sii siqayaa, kan kalena gabbaadkii ayaa ku soo yaraanaya, oo kolka in ay cidlo iskula baxaan laba gidaar wax aan ahayn ayaa kaga gudban. Dad ayaa I saaran, wax aan samayn karaana waabay iska yar tahay.

Aniga oo yaabban, wax aan sameeyona garan la’ ayaan gadaal fiiriyay. Saddexdii nin ee aan siday ayaan il muggeed ka qaatay. Mise waxa uu dareenkooda argaxaxii la aamusay uu ii sheegay, in tallaaboda aan qaadoba ay toodii tahay! Inta aan Marshadii (geerkii) labaad gaadhiga siiyay ayaan damcay in aan ku dhaqaaqo kii xabbada soo ridayay. Mise haddiiba aan ku dhaqaaqayba, inta uu il muggeed iga qaatay ayuu jihada ii beddelay, oo uu u booday, meel aanan kaba gaadhi Karin.

Go’aan kale ayaan ilbidhiqsiyo gudohood gaadhay. Isteerinka gaadhiga ayaan dhinnicii ninka la caydhsanayay uu igaga beegnaa aan u soo dhuftay. Qiyaas 30 tallaabo ii jirta, ayaan ku soo beegay.

Toban tallaabo wax gaadhaya, haddaan u soo jirsadayba, siigadii iyo uuradii ay rasaastu dhulka ka kicisay  ayaan u soo galay, oo wax ala wax aan arkayaa ma jirto. Ninkiina rasaastii, oo marka hore uu hal hal, ama laba laba u ridayay, haddba inta uu ninka ka arko ayaabu oodda ka qaaday, oo baas furay.

Haddiiba dhawr tallaabo oo qudha aan u soo jirsatay, ayaa waxa aan dareemay in aan dhexda ugu jiro, labadoodii. Rasaastii yaa durba bilowday, in ay kolba dhan naga dhaafto. Qaarkood gaadhiga ayaan dareemayaa in ay hoosta ka cuskadeen. Raggii  saarnaa, meeshii ay fadhiyeen, ayay jiif cabbeeyeen, oo masaafadii kuraasta hore iyo kuwa dambe dhexdooda ka banaanayd ayay is le’ekaysiiyeen.

Alle ayay hawlihiisu socdaane, Waxaa ii banaan daaqaddii uu ninku goor dhawayd ka degay. Mise haddaaban saddex ilaa afar tallaabo ninkii ku soo beeganahayba, waxa aan hal mar u jenjeedhsaday, oo aan laacay daaqadii kale. Inta aan furay, ayaan dib u hirdiyay. Isla markiibana, bireegii (fareemkii) iyo Kalaashkii ayaan mar ku wada joogsaday. Waxaa isku beegay, taayirka rogmashadiisii u dambaysay iyo Ninkii siigada dhex boodayay, oo inta uu I gartay, markiiba daaqadda furan haleelay oo ku soo booday.

Baabuurkii ayuu si deg-deg ah, oo boobsiis ah uu ugu soo booday. Haddiiba uu wali lugtiisii dambe dhulka ku sii hayo, gaadhigii oo in uu joogsadoba in yar u jira ayaan marshadii saddexaad (Geerka saddexaad) ku tuuray, leewarkiina gudaha ku geeyey.

Xawaarihii sare ee aan ku dhaqaaqay, ayuu xafarkii taayirku dhulka baac hoos u qoday. Ilaa aan ka baqayba, in ay taayiradu noo qarxaan. Siigo ayaa cir iyo dhulba aan ku asqeeyey, markaasaan ka dhex booday.

Bisinka iyo tabaaragga ayaan u cuskaday, markaasaan taag iyo tabarba wixii aan hayay aan isugu geeyey baabuurkii. Isteerinka ayaan labada dhegood ka buuxsadey, leewarkiina sagxadda aan soo taabsiiyay.

Kolba gees ayaan gaadhiga intaa u gundhinayaa, si aan u habaabiyo yoolkiisa. Qiyaas gaadhaysa, ilaa laba boqol oo tallaabo ayaanay waxba na gaadhin, marka laga reebo, rasaasta gaadhiga kor iyo hoosba ka shanqadhinaysa; Wax yar uun ka hor intii aanan Maskax guurin!

Mar-qudha, ayuu dhegex aad mooddo in uu nin xoog weyni, meel dhaw ka soo gamay, af-weynta iga haleelay (Halka dambe ee ay qoorta, qadaadka iyo dhegtu iska galaan). ‘Gigtiiba’ inta uu hore ii gundhiyay, ayaan isteerinkii baabuurka soo dhunkaday. Maskaxdaydu sidaa deg degga ah uma ay kala garan karin, in waxa I cuskaday ay rasaastii tahay iyo in kale. Ka hor intii aanu dhiigii ay xabbaddu la soo fuqday shagax ku odhan, hortaydii iyo hareerahaygii.

Xooggaa haddii aan is adkayn door ah  isku dayay, boqol tallaabo oo dambeba intaanan gaadhin, ayuu gaadhigii gacan taydii ka baxay. Inta uu ila baydhay ayuu jirdiino (kaabad) waddada u dhaw uu afka saaray, oo uu ku qaboobay. Halkaas ayaa isugu kaaya dambaysay, oo ay afartoodiiba raggax iga yidhaahdeen. Anna aan cabbaar gaadhigii ku sii jiray.

Haddiiba aan nabarkii haabo idhi, si aan u hubiyo sida ay wax ii gaadheen; aniga oo daanka bidix ee ay xabbadu soo jiidhay oo uu tog dhiig ahina, haw-da hayo gacanta ku haya, waxaa daaqaddaydii isa soo taagay ninkii wax baacsanayay.

Indhihiisu laba jeer ayay, ka wayn yihiin indhaha qofka caadiga ah. Dhidid kuus-kuusan ayaa oogadiisa ku jooga. Inta uu xarraabay, ayuu xiiq darteed neef-tuurkiisu ku qaadi gaadhayaa. Afkuna inta uu kala xaydmay ayay gows dambeedyadu muuqdaan. Waxa uu markii ba wajigiisu ku siinayaa in uu wixii uu qofka binu aadamka ahi qof ku ahaa uu ka laalan yahay. Iimaan la’aantu isma qarisee ishiisaad ka garataa.

Gees ayaan u jalleecay, isaga oo qorigiisii inta uu labada gacmood ka buuxsaday diyaar la ah, aniga oo is waydiinaya waxa uu samayn doono.

Inta uu cabbaar muusanaabay, ee kolna dhankaa qabtay, kolna dhanka kale. Ayuu inta qorigii garabka sudhay, daaqaddii aniga isoo xigtay haleelay. Inta furay, ayuu gacanta isoo qabtay. Aniga oo kolka tabar gab ku dhaw ayaan cagta soo raaciyay. Waaban istaagay. Isna inta garabka iga galay, ayuu dhankii kale iga wareejiyay. Wali ma aan garan waxa uu samayn rabo. Daaqaddii kale ayuu furay, oo uu si aan u galo uu igu garab galay. Wax juuq iyo jabaq ah midkaayana male. Haddiiba aan fadhiistay, ayuu daaqadii kale u soo wareegay, oo soo galay.

Furihii haddiiba aanu wali gacanta saarinba, asee uu maagan yahay in uu gaadhiga istaadho ayuu markale dhankayga soo jalleecay. Mise wuxaabu arkay dhiigga sida xawliga ah gacmahaygii u soo jiidhaya. Waxa uu haddana hoos u eegay, galka uu lugaha ku hayo, ee hoostiisa fadhiya. Markaasbuu maankiisu siiyay. Mindhaa, waxa uu is yidhi, ‘Kani Naf Meelna la gaadhi maayo’e, meesha ka carar’. Inta daaqaddii furay, ayuu iisoo xidhay, oo cararay. Anna waxaa markiiba ii billaaban tay indhaha oo isoo madoobaada, iyo tabar aan isku dhaqaajiyo in aan waayo…”

La Soco Qaybta Labaad

Cabdirisaaq Saalax
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.