Thursday, April 18, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

BANDHIG-DHAQAMEEDKA TODDOBADKA SOOMAALIYEED ( Somali Week Festival-2015)

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen

Samaliweek
Toddobaadka Soomaalida

GUDO iyo DIBED, Soomaalida ku nooli muran kama keento in ‘Bandhig-Dhaqameedka Soomaaliyeed ee sannad walba lagu qabto LONDON uu yahay muraayadda ugu iftiinka iyo ilayska weyn ee dadka Soomaaliyeed ka arkaan sawirkooda. Mid laab-doojin leh, lagu diirsado, lagu faano oo lala shir tago adduunka.

MAXAA UGU WACAN?

Laba arrimood ayaa barnaamijkaasi ku dadaalaa, oo inuu si weyn u oofiyo culayskiisa saaraa. Tan hore waa qaybaha ugu qaayaha roon dhaqanka in lagu soo bandhigo sida suugaanta- tix iyo tiraab kay ku tahay, dood-wadaag mawduuca ku habboon loo dooranayo, heesaha, cayaaraha hiddaha, daah-furka buuggaagta cusub ee Af-Soomaliga lagu daabacay, aqoon-isweydaarsi, barnaamijka carruurta iyo barbaarintooda iwm. Kuwaas oo loo xulo dad aqoon xeel dheer iyo magac maamuusan ku leh.

Arrinta kale ee xuska mudani waa dadka lagu martiqaado oo ka kala yimaadda degaannada Soomaaliyeed ee Geeska Afrika iyo qaarradaha adduunka, Afrika,Yurub, Kanada, iyo Maraykanka sida qaalibka ah.

MAXAA SANNADKAN U GAAR AHAA?

Sidii sannadihii ka horreeyay, rag iyo haween da’weyn oo aqoon iyo waaya-aragba lagu yaqaan ayaa sannadkan laftiisana goobjoog ka ahaa oo kaalintoodii laga filayay ka qaatay. Hase yeeshee, xiisaha ugu weyn ee sannadkan ku cusbaa waa kaalinta dardarta leh ee ay haweenka Soomaaliyeed ka qaateen BANDHIG-DHAQAMEEDKII sannadkan tobankii maalmood ee uu soconaayay, bilawgiisa ilaa dhammaadkiisa. Qiyaastii boqolkiiba in aan toddoobatan ka yarayn ayay ku lahaayeen. Haddii hore loogu yiqiin in haweenka Soomaaliyeed fagaare kasta oo la isugu yimaaddo – ku dhaqan iyo ku doorasho – ay dadka ugu farabadan yihiin, bandhigga sannadkan waxaa u dheeraa iyagaa abaabulkiisa, wadistiisa, jeedintiisa, daadahayntiisa gacanta ku hayay. Waana sababta uu sannadihii hore uga bullaan iyo bilic weynaa.

JUDHIIBA kulankii furitaanka oo tigidhadiisii dhawr maalmood ka hor lagu kala tegey xiisaha loo qabay, ayaa ifafaalahan cusub si weyn uga muuqday:

Ayaan Maxamuud, hoggaamiyaha iyo agaasimaha ururka KAYD ayaa ereygii soo dhowaynta si diirran ugu salaantay martidii iyo dadkii madasha isugu yimid.

Xildhibaanka ugu darajada sarreeyay ee madashaa joogay waa Rushanara Cali, xubin barlamaanka Biritayn, oo kasoo gasha Tower Hamlets, oo xarrunta bandhiggan lagu qabtaa ku taal. Iyadaa ereygii furitaanka barnaamijka iyo ahamiyaddiisa lagu sii daayay.

Prof. Cawo Maxamed Cabdi oo Bare sare ku ah cilmiga bulshada, Jaamacadda Minnessoto, iyo Dr. Sado Mire, Archaeologist, Agaasimaha qalab-taariikheedka kaydka u ah ummadda Soomaaliyeed (director of Horn Heritage Charity) ayaa ka hadlay sida hawlahoodu uga qaybqaataan kobcinta iyo horumarinta dhaqanka Soomaliyeed gaar ahaan casrigan lagu jiro ee xawliga daran uu cilmigu ku socdo. Ladan Cusmaan oo dalka Maraykanka ka socota ayaa iyana maansooyin Af-ingriisi ah, dulucdoodse tahay kuwo toos ula xiriira aayaha Soomaaliyeed kulankaa ka jeedisay.

Maalintaa furitaanka oo loo arko inay tahay maalinta ugu ahamiydda weyn toddobaadkaas, waxaa lagu soo khatimay maansooyin ay soo bandhigeen Caasha- Luul Maxamuud iyo Canab Guleed. Maansooyin isugu jira casharro qiime badan, maaweelin nafaxaad leh, hogatusaalayn dareen reebaya, iyo kaftan muddo dheer lagu xasuusan doono labadaa maansayahan, gaar ahaan Canab Guuleed oo markii ugu horraysay dalka UK safar ku timaadda.

Kulankaa furitanka siduu u dhan yahay waxaa daadihinaysay Qumman J Caqli oo ka tirsan maamulka sare ee ururka Kayd, oo iyada meel loo dhigay inay fadhiyada ugu qiimaha weyn ee ugu adag xilkooda lagu dhaafo. Ina rag kulankaa waxaa erey ku lahaa Maxamuud Sheekh Dalmar oo mawduucii sannadkaa ee ‘Space – Goob.. ama fido’ ka hadlay.

Maalmihii ka dambeeyayna sidaas oo kale ayay ku socdeen, oo haweenka ayaa mayalka u hayay oo si weyn loo mahadiyay. Wax la beero hadduu qofku ugu sito, aan taas marna shaki ka jirin, qof la beerona hooyo iyo haween wax ka khayr badan lama sheegin.

Arrinta kale ee sida weyn uga dhex muuqatay bandhiggan waa kaalinta dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan qurbajoogtu sannadkan ka qaateen barnaamijkan. Kulammo u gaar ah ay dhexdooda kaga doodayeen oo madashana la wadaagayeen ayay ku soo ifbixiyeen tijaabooyinkii ay ka soo mareen safarradii ay ku tageen dalkii hooyo markii ugu horraysay iyo casharradii ay ka soo korodhsadeen. Indha-furka ay kala kulmeen iyo go’aanka ay gaareen ee wada ahaa inay rabaan markay waxbarashadooda ay dhammaystaan, isna diyaariyaan inay dalkii ku noqdaan, ayaa yididiilo wacani ka muuqataa.

Si cad ayay u sheegeen in iyagoo aan ka abaal-dhacayn dalalkan ay wax ku barteen, kuna soo koreen, ayay misna arkaan in meesha baahida weyni jirtaa, wax roonna ay ka qaban karaan ay tahay dalka hooyo oo dhinacyo badan ka tabaalaysan. Dhalinyartaas, ku dartso ee, isku dal keliya sida Ingiriiska ka ma ay wada iman ee dhawr dal oo kala duwan ayay ka kala yimaaddeen. Magaalooyin badan oo Soomaaliyeed ayay dallinyartaasi soo mareen oo Geeska ku wada yaal.. tilmaan Kismaayo, Baydhaba, Xamar, Garoowe, Berbera, Hargeysa, Gabiley, Jibuuti, Jigjiga iyo kuwo kale. Dhallintaasi waa kuwii looga baqayay inay si weyn dalkii iyo ummaddii ay ka dhasheen inay ka calool go’aan.

BK
Maxamed BK

Dhallinyaradu xiisaha iyo jacaylka ay afka, suugaanta iyo heesaha Soomaaliyeed u hayaan waxaa laga garan karaa sida ay maalintii xiritaanka u soo buux-dhaafiyeen golihii (Logan Theatre) lagu soo gebagebaynaayay barnaamijkii Toddobaadka Dhaqanka Soomaaliyeed oo kun qof ugu yaraan qaada. Fannaanka dhallinyarada ee caanka ah Maxamed Siciid BK sida ay heesihiisa korka uga hayaan oo weliba la wada qaadayaan ayaa ku xasuusinaysa sidii beri lagu ahaa fannaankii Michael Jackson. Gabayga, heesaha, maahmaahaa, cayaaraha iyo laama kale ee la hal maala, waa ilaha ugu habboon ee sida ugu fudud ay facaadda soo koraysaa meel ay joogtoba ku baran karto afkeeda iyo dhaqankeeda hodonnimadiisa iyo maqaamka uu ku sugan yahay. Waxaa kaloo bandhigga muunad iyo xiise weyn u sii yeelay barnaamij carruureed ay soo qabanqaabisay Saynab Aadan oo waxbarasho iyo maaweelo isugu jiray.

Si aan loo illaawin ruug-caddaaga musdambeedka u ah barnaamijkaa la mahadiyay, waxaa iyaguna tilmaan mudan Jaamac Muuse Jaamac, la-maamulaha barnaamijka Toddobaadka Dhaqanka, Saciid Saalax USA, Maxamed Caddow Aljazeera, Maxamed Xasan Alto Finland, Rashiid Shabeelle Netderlands, Cabdiraxmaan faarax (Barwaaqo) Somaliland, Dr. Cabdirashiid Ismaaciil Jibuuti, Faarax Gamuute Kanada, Maxamed Xirsi Cabdibashiir Sweden, Cabdi Dhuux SomaliTheatre Mogadishu, Rashiid Gadhweyne UK, Ibraahim Hurre Deyrwaa Somaliland.

Xdidigaha fanka Soomaaliyeed, bal horta soo qabo Maryan Mursal, Daauud Cali Masxaf, Kaltuum Bacado, Maxamed Macalow, Nimco Yaasiin, Siciid Xuseen, Sahra Ilays, Nimco Deggan, Aar Maanta iyo kooxdiisa.

Hambalyo iyo bogaadin waxaa mudan Ayaan Maxamuud, hoggaamiyha iyo agaasimaha ururka KAYD ee barnaamijkan qaayaha leh sannad walba inoo qabata, iyadoo ay mar walba ku weheliyaan kooxdeeda ma-daalayaasha ah ee la’antooda aan shaag inoo rogmeen.

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.