Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Opinion
  • Slideshow

Barashada iyo Bartaha

IDIRIS M. CALI

Heesta hoosta ku qoran waxa aan June 21, 2014 kaga qaybgalay xaflad-qalinjabineed (sanadguuradii sagaalaad) oo ka qabsoontay magaalada Boston—xafladdaas quruxda badan oo ay soo agaasimeen bahda SALSI (Somali Association for Literacy & Social Improvement). Heestu waa masafo, leh jaangoynta “heesta-maqasha.” Heestu waa masafo oo waxa ay u taxan tahay bayd-bayd (labo-labo-meeris). Waxa ayna dulucdeedu tahay: Weynayn la weynaynayo doorka bartaha ee waxbarashada.

Sida suubban, diinta na ku sugan, waxa ay heestu ku furmaysaa bisinka, mahadinta Eebbe, iyo ku-sallinta Rasuulka (NNKH). Tuducda xigta ayaan ku qeexayaa waxbarashada. Boohintiisa koobaad illaa iyo bud-dhiggiisa, waxbarashadu waa sad qof kastaa wax ku yeesho. Haddaba, waxa ay waxbarashadu hoy u tahay basar (hannaan) iyo aqoon, oo ay dadku uga baxaan jahliga daleesha ah. [Qof dhaxanta aan wax ka baran ma “hoy” buu yeeshaa?]

Ka dib waxa aan tuducda saddexaad ku sifaynayaa astaamaha bulbulka, kaas oo ujeeddada uu wax u barto tahay tiirinta wanaagga. Bulbulku waa xariif u taagan (oon u doortay inuu u taagnaado) waxbarashada lafteeda, maaddaama oo uu xariif ku yahay waxbarashada! Tuducda xigta waxay ka warramaysaa in qofka wax bartay uu bare u noqon karo dad wixii uu bartay sii baran kara, dugsi la’aan. Waayo, waxbarashada iyo barennimadu way ka baaxad weyn yihiin in dugsi (iskuul) lagu soo uruuriyo, oo waliba beeso uun lagu raadsado. [Qalinshubatadu saw meel kasta hunguri ka ma dayin?]

Waxa ay heestu ku soo xidhmaysaa farriin ku socota jiilasha hore ee bulshadeenna; farriintaas oo dulucdeedu tahay in bartayaasha maanta loo hagar-baxo, oo la ogaado qiimaha ay mustaqbalka ku fadhiyaan. Haddii ba aan bartayaashan waxbarashada lagu taageerin (duca na waa wax buuran e), sidee ayay u hanaqaadi karaan oo isaga dhawri karaan hogoggii (halista lahaa ee haybsooca, qabyaallada, isdilka, iwm ee) ay jiilashii hore ku hoobteen? [Qofka qashinkaaga kaa qubaya miyaa la xasdaa?]

Waa tan heestu (macnaha ereyada dugulka ah na hoosta ka eeg):

Magac Baydaraan

Boqorow Adaa

Baxsanaha Rasuul

Inta raacday bili

 

ku bilaabayaa

mahad buuxda lee

naxariis u beeg

iyo sii badhaadh

 

Barashadu naftay

Illaa laga bud-dhigo

Waxay buul u tay

Dadku baylah iyo

 

ballaysimo u tay

qofna kama biddoo

basar iyo aqoon

jahli uga ga baxo

 

Dadaal baaxad weyn

Samiriyo buruud

Xaqdhawriyo bisayl

Iyo waa “bashaash”

 

oo aan ba’ayn

balaayada duwiya

saaxiib u bogo

bulbul summadihiis

 

Bartayahow bal eeg

Waxa loo bartaa

Noqo buunni bilad

Billaahiye bartow

 

hadda beeso uun

bulbul ma ba dhalaan

ku mutaysta barid

ku gal ballan middaa!

 

Berritada aduu

Waxad bi’isayuu

Taageero bad ah

Bulshayeey bartaha

ku baddalahayaa

wada baananoo

waw baahanyee

ma u bixin kartaa?

MACNAHA EREYADA:

Baydaraan (Baydariga ayaan); Baydari: Al-Casiis (Eebbe). [Xirsi Magan Ciise, maan se xaqiijin!]

Biddoo (biddo oo); bidid: Buubto, duusho.

 

 

W.T. Idiris M. Cali,

Dhanjac: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.