Tuesday, March 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Opinion
  • Slideshow

Baroordiiq: Geerida Xuseen Maxamuud (Gacmodheere)

W.Q. Rashiid Sheekh Cabdillaahi(Gadhweyne)

 Alle ha u naxariisto oo jannaadiisa ha uga guri yeelo, Xuseen. Intii isugu timid aaskiisii ee daacad ugu ducaysay, inshaa’Allee, waa u marag wanaagiisii. Nafta Xuseen awelba amaano Alle ayey ahayd; Alle na asaga, ayaa hadda xaqiisa oofsaday. Gacanta xaqdarro se waxii aynu ka yeello ayaa xisaabta Alle inagu raacaysaa ee maxaa laga yeelayaa? Geeriyi timid naxdinina wax ma qabato, la se deyn maayee, xuska iyo ducada ayuun baa, marka dambe sal ah.

Xuseen, Alle ha u naxariistee, tacsidiisa wiil iyo walaal oo keli ah baa iga leh oo aan siinayaa; ayada oo sidaas ah, anigu na inta ahel iyo qaraabo rixim ah la yidhaa ee loo baroordiiqayo baan ka mid ahay. Alle iyada na ha u naxariisto ee hooyaday Jawaahir Aw Maxamuud Aw Cilmi ayey asaga ilmo abti run ah ahaayeen oo. Awowgay hooyo iyo Xuseen hooyadii baa (labada ba Alle ha u naxariisto) ee walaallo ahaa. Inkasta oo aannu da’ ahaan isleekayn ama isku dhaweyn, haddana adeer baan ugu yeedhi jirey. Sidii waalid iga weyn baan xaqdhawri jirey asagu na uu ii xannaanayn jirey. Cadaadley baanu ku wada kornay yaraatii hore, ka dib na awaalaha nolosha, ayaa midkaayoba jaho u la jeeraartay. Anigu waxbarasho iyo dalka debeddiisa ayaan koreynimo ku aaday, kuna raagay; asagu na asaga oo yar buu hawlaha nolosha toos u la falgay. Muruq iyo maskaxba xooggiisa xalaasha ah buu ku yoolgaadhay. Tiisu waxay ahayd ragannimo ama halyeynimo teeda ugu qaayaha weyn. Waa ta dahsoon ee innaga oo maalin walba arkayna qofkeeda oo la nool, hadda na aynaan dhaadin ragannimada harteenna marmaraysa. Tu adduunyo iyo tiisa aakhiro ba nin rag ah buu ku ahaa. Ciddii ka warhaysa halkii uu ka bilaabay, ayaa ragannimadiisa ka marag noqon kartsa.

Annaga oo aan dhawr iyo toban weyn oo sannadood is-arkin, ayaanu bilowgii sannadkii 1980kii, Muqdisho ku kulannay, asaga oo markan ah canacsade iyo beeldaajiye bulshada ka dhex muuqda. Waa asagii adeerkay ahaa. Waqti kooban buu kulankayagu ahaa, waxase uu la mid ahaa cimri dhan. Waqtigu dadka ilaa muuqaalkooda wax buu ka beddelaa oo qaar badan, marka aad muddo ismoogaataan, arggooda diriqi baad ku masannuunisaa; qaar waad soo saari weydaa oo isweydiisa xaggeed ku arki jirtay. Xuseen (Alle ha u naxariisto) maad moodayn in aannu laba habeen kala maqnayan.

Bishii Maars, 1982kii baan dalka qarsoodi kaga baxay oo xerodhiggi ururkii SNM iyo Etoobiya ayaan ku biiray. Gudagalkii halganka iyo jabkii taliskii Siyaad Barre ka dib, ayaannu Xuseen mar kale isu nimid. Xaalad adag bay ahayd. Ta dalka iyo dadka guud ahaan, iyo tayda qof ahaaneed ba way adkayd. Si bay wax u dhacayeen, dad baana waday aan wada garanayo, dhinac ay jiraanba. Wixii jira ba waxa aan ka lahaa argti aan meel kale igaga imanin ee ah aniga iyo waxa ay maskaxdayda yari i tusto. Colaadin iyo go’doomin baa la igu la kacay, igaga timaadda xataa kuwo aan lama huraan u haystay. Aniga oo taas dusha u ritay oo runtii nafta digiigaxasho u diiday, ayaa la iigu soo warramay in reerka oo Cadan degganaa, gurigii laga saaray. Labada geesood ba, Alle ha u naxariistee, Adeerkay xuseen baa i caymiyey. Kelidii buu iskay barbar taagay.

Waan ka soo guuray Cadan oo Hargeysa ayaan 1993dii soo degay. Wax yar haddii aan joogay baan arkay xaala abuur degaal sokeeye keeni karta. Waxaan is-idhi hadal oo dheh ‘waar ka daaya’. La I lama sugin. Markii imaatinkayga la maqlay ‘duuleedshaay’ baa la yidhi. Markan aniga oo qaxooti keligay ah baan Itoobiya uga kacay. Iyana iska dhammaatay oo la isu soo noqay, nabadi na timid. Markan Xuseen baan isa soo agdegnay oo deris noqonay. Haqabtiraha baahidaada bulsheed, marar badan wax walba ka qaalisan. Dadka aynu nolol maalmeedkeena la kulannaa way badan yihiin; inta se ku xaal og ee aad xogtaada uga warranto ee ku la dareen wadaagtaa waa wax yar. Waa inta seegtaada ka naxada ee sareedaada ku faraxda. Waa ta ugu weyn ee dhab ahaan, aad ku garato qofba waxa uu kuu yahay iyo meesha aad kaga taallo. Badi ba masaajidka guryahaga u dhaw baannu ku kulmi jirnay; markaas ayaanu is xaal warsanaa. Xaaladdiisa ganacsi iyo dhibaatadii cuslayd ee kaga dhacday Sucuudiga ayuu iiga warramay. Marka arrin culusi ila soo derso- xataa war gelin keli ahna ha ahaatee- waan u la tegi jirey. Allow kuu naxariiso oo Jannaada ka waraabi.

Waxaa se igu mudan sababta gacanta uu Xuseen ku baxay. Waxaa la yidhi waa nin Ciidanka Booliska dawladda ah. Ma run baa?! Waxaa lagu daray hubku na waa kii dawladda. Waa wax dhaci kara; marar hore ba way dhacday. Dawladi waa haya’d jiritaan sugan leh oo dadka, qof iyo kooxo ba, la fagasha. Falka ciidammadeeda, sharciga hortiisa, waa in ay ayadu ka masuul noqoto. Dilka uu askarigeedu geesto ma aha oo waa gef in lagu la galgasho qolo iyo koox la yidhaahdo Reer Hebel.

Waxa aan rajaynayaa in dembibaadhistu dembi kasta oo ciidammada dawladdu habku dawladda ku galaan gacanta ku qabato oo ay dembigana ay caddaalad maxkamadeed ka gaadho go’aan kama dambays ah. Waxan habboon in arrimahan oo kale laga jiro kuwo odayaal sheegta oo magta u hunguroonaya oo jecel in dembiga qof galay laga dhigo xaajo laba reer ka dhaxaysa. Taasi waxay dhiirrigelinaysaa dembiga iyo dembiilaha.

Ereyga iigu dambeeya, waxaan tacsida u dirayaa intii uu ka tegyey Xuseen ee qoyskiisa ahayd. Isla mar ahaan Adeerkay oo qalbigayga deggan buu ahaa, Sidaas darteed- haddii ay doonto yaan la iiba ogaannin- tacsidiisa wax baan ku leeyahay. Alle ha naxariisto adeerkay Xuseen Maxamuud (Gacmo dheere).

W.Q.  Rashiid Sh. Cabdillaahi (Gadhweyne)
Email: [email protected]     


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.