Saturday, August 18, 2018
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Been iyo Barafuun (Qaybtii 2aad)

W.Q. Cabdullaahi M. Cawsey 

Sheekadii xiisaha badnayd ee Boosteeyo iyo Faahiye dhex martay waxay ahayd sheeko qaab dabiici ah iskugu duba dhacday sida shinbiro sheekaysanaya oo kale. Inkasta uu Faahiye sheekada billaabay, haddana Boosteeyo kama aysan dhicin oo dhinaceeda ayay sheekada ka gashay waayo waxay muddo dheer si qarsoodi ah u xiisaynaysay in Faahiye mar uun ku soo booqdo maqaayadda oo cidlo ah.

Marka laga soo tago qaabka talantaaliga ah ah ee sheekada iskula jaan qaadeen , Faahiye waxaa aad u soo jiitay muuqaallada qurxoon ee ku qarsoon garashada Boosteeyo. Sawir ka duwan sawirkii uu Boosteeyo ka haystay ayaa sheekadan dabiciiga ah uu ka dhex helay. Sidaan horay u soo xusnay, badanaa Faahiye wuxuu arki jiray dabeecadaha is diidan ee Boosteeyo marka ay ku mashquulsantahay shaqada maqaayadda sida qosol iyo qaylo wada socda daqiiqad gudaheed. Balse maanta wuxuu Faahiye daawanayaa shaqsiyadda hoose ee Boosteeyo.

Boosteeyo qudheeda waxay daawanaysaa furfurnaan iyo farxad aysan wali ku arag Faahiye. Badanaa Boosteeyo waxay arki jirtay Faahiye oo maqaayadda gees ka fariista dabadeedna kor ka daawada buuqa guud ee dhex mara ayada iyo macaamiisha maqaayadda Camalow. Balse maanta waxay maqaadiirta qortay in Faahiye oo ku labisan shaar midabkiisu yahay huruud xigeen iyo surwaal kaaki ah in kushiinka maqaayadda qaab kada-loobsi u soo fariisto asaga oo qoslaya oo waliba ay ka muuqato xoogaa qajilaad ah.

Si ay qajilaada uga saarto, oo qosolkiisa kaliya u maqasho, Boosteeyo waxay go’aansatay in koob maraq ah oo kulul u shubto Faahiye. Ayada oo dhoola cadeyanaysa ayay tiri “Ina-abti, koobkan maraqa ah ee dhalaalaya bal ku dhufo” Faahiye oo ka mahad celinaya deeqsinimada Boosteeyo ayaa billaabay kabashada maraqii ku jiray koobka. Maraqii kululaa wuxuu Faahiye ka dhaxlay inuu ka nasto buuqii maskaxdiisa ka socday. Sida waa danbe laga soo xigtay Faahiye, koobkaas maraqa ah loogama horreyn, loogamana danbayn.

Waa markii ugu horreysay ee Faahiye laabta ka dareemo dux iyo xasilooni ka madax bannaan subaga ku jira koobka maraqa ah ee uu kabanayo. Duxdaas uu ka dareemayo laabta waa dareen billow ah oo qalbigiisa u soo xaluushay. Faahiye wuxuu billaabay in su’aalo dabacsan weydiiyo Boosteeyo. Tusaale ahaan wuxuu Boosteeyo weydiiyay goortii ay Muqdisho timid. “ Ina-abti wax badan kaama soo horreyn, saddex sano kaliya ayaa halkan joogaa” Sidaa waxaa tiri Boosteeyo oo la dhacsan su’aalaha dabacsan ee ka imaanaya wiilka horteeda ku kabbanaya koob maraq ariga ah!

Faahiye wuxuu dareemay buufis iyo baqdin lama filaan ah waayo wuxuu la yaaban yahay sababta erayga “ Ina-abti” Boosteeyo ugu billaabayso jawaabaha su’aalihiisa duur xulka ah. Wuxuu ka baqayaa in Boosteeyo ka mid tahay qaraabada ku qarsoon magaaladda Mudisho ee wali si fiican uusan u baran. Dhan kale wuxuu dareemayaa buufis ku aadan in Boosteeyo ku fogeynayso “ Ina-abtinnimada” aan la hubin. Badanaa Faahiye wuxuu dareemaa buufis iyo baqdin marwalba oo sheeko dabacsan ama caadi ah uu ka qayb qaadanayo waayo boqollaal su’aalood oo lama filaan ah ayaa sheekooyinka dabiiciga ah ka ka qasa!

“Ina-abtinnimadan – soo shaac baxday maanta markaan kugu soo booqday ayaa la yaabanahay” Sidaa waxaa yiri Faahiye oo diiddan in laga dareemo buufiska iyo baqdinta. “ Waan jeclahay

reer abtiyaashey, waxaana ii kaa sheegay ina-abtigay in aad tahay gabadha ay dhashay Eeddo Dhimbilo ee lagu magacabo Dhiin” Sidaa waxaa tiri Boosteeyo oo suxuuntii maqaayadda dhaqaysa.

Faahiye wuu ogaaday in Boosteeyo ka hayso xog badan oo ku saabsan taariikhdiisa hoose mar haddii Dhiin iyo Boosteeyo is yaqaanniin. Dhiin waa gabar dhiiran oo aad u furfuran marka la fiiriyo caruurta kale ee Faahiye eedadiis Dhimbilo ay dhashay. Inkasta oo Dhiin si fiican u soo dhoweysay Faahiye markii uu Muqdisho yimid, haddana dhowr jeer ayay isku dhaceen waayo Faahiye kama helo duul-duulka badan.

Boosteeyo way dareentay in farxaddii iyo furfurnaantii Faahiye gabaabsi ay noqotay markii uu maqlay magaca Dhiin. Ayada oo raacaysa qaacidada ka rog oo laba saar ee lagu maareeyo sheekooyinka murugsan ayay tiri “ Ina- abti, anigaba ina-abtidaa ayaan ahay.” Faahiye oo ka fekeraya xogta Boosteeyo ay ka hayso ayaa fahmay in Boosteeyo ka soo jeedo qabiilka reer abtiyaashiis. Sidoo kale wuxuu ogaaday in Boosteeyo garanayso qabiilkiisa.

Sidii caadada u ahayd, Faahiye waxaa sheekadii dabiiciga ahayd ee socotay ka qasay feker caato ah oo ku saabsan guud ahaan qabyaaladda. Waqtigaas oo ku beegan billowgii lixdameeyada, waxaa magaalada Muqdisho aad u yimid dhalinyaro ka soo hayaamay miyiga iyo gobollada dalka ka dib markii ay maqleen in Soomaaliya dawlad madax bannaan noqotay. Inta badan dhalinyaradii miyiga ka timid ee Muqdsiho joogay waxay isku bartilmaamsan jireen calaamadihii qabiilka ee miyiga ka shaqeenayay.

Markii uu Faahiye Muqdisho yimid, wuxuu la yaabay in qabyaaladdii miyiga ka jirtay maagaalooyinkana ay ka shaqayso. Yaabkaas waxaa u sii dheeraa yaab kale oo ah in Boosteeyo qudheeda sheekadii maanta ku walaaqday qabyaalad lagu soo dhex qariyay qaraabannimo.

Boosteeyo iyo dhalinyaradii kale ee miyiga ka timid kuma ayasan qaldanayn in qabylaaddii miyiga magaalada loo soo xawilo waayo jawiga guud ee dalka ka jiray ayaa aha mid qabyaaladaysan. Waqtigaas waxaa dalka ka dhici jiray doorashooyin lagu sheegay dimoqoraaddi balse qaab qabyaaladaysan u abaabulan. Boqollaalka xisbi ee waqtigaas ka qayb gali jiray doorashooyinka baarlamaanka waxay badanaa codka ka raadin jireen qabiilka ay ka soo jeedaan xubnaha xisbiga furtay. Dhalinyaradii miyiga ka timid waxay si fudud ugu dhex milmeen qabyaaladdii ka socotay caasimaddii qaranka.

Boosteeyo way dareentay in Faahiye feker hoose ku maqan yahay. Ayada oo qoslaysa ayay tiri” “Maxaad u maahsantahay ina-abti? ”Faahiye oo la yaaban sida Boosteeyo ku fahantahay fekerkii uu qarinayay ayaa ku jawaabay “Maya ina-abti, ma maahsani balse maraqii aad i siisay baa si fiican ii saaqay. ”

Qosolkii Boosteeyo wuxuu isku badalay qajilaad waayo waxay u qaadatay in maahsanaanta ka muuqata Faahiye ayada sabab u ahayd! Jikadii ay fadhiyeen Faahiye iyo Boosteeto aad ayay u kululayd. Faahiye oo daawanaya dhididka ka socda luqunta quruxda badan ee Boosteeyo ayaa maqaayaddii waxaa soo galay labo nin oo soo qado doontay waayo waxaa la gaaray waqtigii la qararamsan lahaa qadadii maalintaas.

Mid ka mid ah labadas nin waa Dhuxul oo Faahiye miyiga isku garanayeen. Dhuxul wuxuu u qaadan waayay inuu arko Faahiye oo barqo cad afka u dhuubaya Boosteeyo waayo wuxuu ogaa in Faahiye barqo cad iska dhaafee in xattaa habeenkii uusan gabdhaha la hadli jirin waagii baadiyaha la joogay! Faahiye wuu ka soo kacay fadhigii kushiinka wuxuuna soo fariistay kursi u dhow halkii Dhuxul uu fadhiyay.

Dhuxul waa nin gal gal badan oo hadba wixii hareerihiisa ka dhacaya asaga oo aan fekerin dhexda uga dheca. Waqtigan Dhuxul waa labo alifle ka tirsan ciidanka xoogga dalka balse maanta wuxuu soo qaatay fasax. Dhuxul iyo Faahiye isku mar ayay qorteen ciidamada, waxayna ka wada qayb galeen dagaalkii kun sagaal boqol lixdan iyo afartii (1964) dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya. Dhuxul wuxuu waligiis la yaabbanaa sababta Faahiye u necebyahay guud ahaan dagaallada waayo wuxuu ogaa in isla markiiba ciidamada uu ka ruqseestay iyo in dagaalladii miyiga ka socon jiray dadka uu ka wacdin jiray.

“Ina adeer wali ma sidiibaa dadka u wacdisaa” sidaa waxaa yiri Dhuxul oo la yaabban sida Faahiye ula qabsan la’yahay jawiga qabyaaladaysan ee Muqdisho. “Wacdigii waan yareeyay waayo sheekadii miyiga aan ku haynnay mid la mid ah ayaa halkan ka socota” Faahiye ayaa sidaa ku jawaabay asaga oo tusaya Dhuxul in wacdiga magaalada iyo midka miyiga aysan waxba ku kala duwanayn.

Dhuxul wuxuu galay xasuus ku saabsan maalintii Faahiye asaga iyo saaxiibkiis marxuum Dhalad ka waaniyay dagaalladii beelaha ku dhex mari jiray baadiyahii ay ka yimaadeen. Dhuxul oo raba in xasuustaas xannuunka badan is illowsiiyo ayaa Faahiye kula kaftamay sidan: “ Ina adeer maxaa Boosteeyo ku aqrisay maanta waa ayadan qushuucsane.” Faahiye oo geesaha iska eegaya ayaa yiri “ Bal marka hore aan qadayno aniga si fiican kuugu sheekayn doonee!”

La soco qaybta 3aad.

W.Q. Cabdullaahi M. Cawsey
Email: exmurux@gmail.com

 

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2018 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.