Saturday, May 26, 2018
Wardheer News
  • Featured
  • Maqaallo
  • Slideshow

Burburka Soomaalida iyo Baaba’ Da’yarta

W/Q Faysal Cabdi Rooble

“Qarni Waliba Sabankii, Qoraxiba Dharaartee, Qaalinwaliba Awrkeed, Qiso timidba Subaxeed, Qoonkii waliba Garashadiis.”
  Muxumed Tukaale

Wiill yar oo abwaan Darbi-Jiif ka hadlay Baaba’ Da’yarta

Maanta oo bishu tahay May 13, 2018, waxa magaalo madaxda Soomaaliya ka furmaya Shirweynihii dib u eegista Dastuuraka qabyada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.  Shirkaasi waxaa isugu imanaaya Aqoonyahan, Hawlwadeeno, Qurbojoog, iyo Culimaa’u diinka Soomaaliyeed oo ka socda dalka oo dhan.

Xiligii uu Maxamuud Tukaalee, Rabi naxariistii Janno ha siiyee, tiriyey ereyadaa kor ku xusan, waxa laga joogaa 40 sano; waxay ku aadanaayeen cabashada dumarka Soomaaliyeed oo xiligaas ragga Soomaaliyeed oo aad dibadaha u dhoofayey dumarkiina dayacay.

Soomaaliyada maanta joogta waxay si gaar ah u dayacday DARBI-JIIFka da’yarta.
Sida Ina Tukaale oo kale waxaan waayaha Darbi_Jiifka qeexay wiil ka mid ah bahdaas. Waxa wiilku garnaqsi u dirayaa Soomaali oo dhan, gaar ahaan qoraaga, culimada, hawlwadeenada, iyo Dastuurka Soomaaliyeed oo intuba maanta isku arkaya Shirweyanaha lagaga xaajoonayo dhamaystirka Dastuurka. Garnaqi aan gabasho lahayn waxa wiilka aan magaciisa la garanayn, waa sidii uu James Baldwin yidhiiye, “Nobody Knows my Name,” u diraayaa bulshada Soomaaliyeed, kana codsanayaa gacan Soomaalinimo.

Waxa erayada wiilkan Darbi-Jiifka ah gali doonaan diiwaanka xasuus qorka Soomaaliyeed.

Buuggaagta ugu akhriska badan ee dunida waxaa ka mid ah buugga layidhaa “The Diary of a Young Girl,” (ama loo yiqiin baryihii hore “Het Achterhuis,” oo marka hadana Ingriis loo badalo noqonaaya “The Secret Annex” – Buulkii Sirta). Waxaa buugga qortay gabadh Yuhuud ah oo dalka Germalka u dhalatay taariikhdu markay ahayd 1929.

Waxaay xusuus qor biyo kama dhibcaan ah ka qortay gabadhu dhibtii iyada iyo qoskeedu ay soo mareen xiliyadii Naasigii Hitlar Moofada holoca ah la beegsanayey Yuhuuda.  Anne Frank way ka badbaaday dilkaas xasuuqa aha; hase ahaatee xusuus qorkeedii ayaa aduunku dhaxal ka dhigtay.  Buuggaasi kow ayuu ka yahay rukunada iyo udubyada lagu xasuusto wixii dhacay.

Soomaali dhibkii ka soo gaadhay burburkii dawladdii milatariga waxyaabo badan ayaa laga qoray, Ajnabi ha u badnaadee.  Qaybo badan oo bulshada ah ayaa waxyeelo badan oo kala duwani ka soo gaadhay. Waayeel, askartii cimriga gaadhay, dumar aan shaqaysan karayn, hoboladdi dalka, bahda Isboortiga iyo qayba badan oo bulshada ka tirsan ayaan la soo koobi karin wax yeelada soo gaadhay.

Ha noqoto Alle ha u naxariistee Guduuddo Carwo oo cidla fadhidda, ama Binti Cumar Gacal oo beerka dhulka ku haysa, Sahra Axmed Jaamac oo saboolnimo ku dhimatay, ama Abwaankii qaran ee jiilaalka guumaysigu xididkiisa gooyn kariwaayey, waa Abwaan Sangub e, oo la ildaran cudur iyo caawimo la’aan, bulshadii Soomaaliyeed burbur aan caadi ahayn ayaa ku habsaday.

Tollow ma tanaa inakana inoo dambaysa?  Soomaaligu ma ku nabad galayaa arligan aynu ku noolnahay, mise markaynu da’ gaadhno waxa inoo dambeeye sida Janaraalka Soomaaliyeed ee dacasku xaafada Islii kaga dhamaaday; ma sidii Maxamed Abshir, Abdirazaaq X. Xuseen oo qaxooti ku dhintay, ma sida Danjire Kiimiko oo ciil darted carri fog ku lumay, ma sidii Cali Sugule oo illaa 60 sano wadaniyaddii uu u halgamayey laga dhigay hal bacaad lagu lisay.

Mar hadii Cali Sugule la soo qaaday, waxa soo maaxanaayaa xasuus fog oo isla markaana waayaha maanta la joogo inagu talaalaysa: Waa erayadii Hiddiiyoy Hidii.  Waa ereyo uu curiyey AU Cali Sugule, oo ka turjumaysa ciilkaambi, gucasho iyo daryeel ummadda haysata.  Taariikhdu markay ahay 1962, waxaa midnimadii Soomaaliyeed saluug ka muujiyey qaybta Waqooyi Galbeed; Markaasuu Cali qaaday:

Diiyoo Hiddii Ooy Hiddidiiyooy Ax Hidii

Roobka Qow qowlow Qadhqadhay

Qaawanantayduu Arkaaye

Ee Qudhayda Helkeen Dhigaa

Aduunyo Hal baan Lahaa

Hashiina Horor baa Latagy

Haaneed baa loo Hayaa

Waxa heestan iyada oo la badalay laga qaadi jirey Magaalada Jigjiga xiliyada Amxaaradu aad isugu taxalujinayeen in ay gacanta ku dhigaan duubka iyo oday-dhaqameedyada deegaan kaas.

Nin heesaha curiya oo rer-Jigjiga ayaa dheegay erayadii Ina Sugule, oo markaa aad u garaacay oday-dhaqameedyada deegaankaas – Waa ereyo aan hada ilduuf qasdi ah ku dhaafayo.

Sideedaba, Hiddidiiyoy Hiddii waa hal qabsi calaacal oo oohin iyo ciilkaambi ku dheehanyihiin.  Waa nooc heesaad (genre wax af-Ingiriiska loo yaqaan) isqiimayn iyo xaalka ama waaqiciqa aad wakhtigaa ku jirto oo si kama dambeeysa ah uga hadlaysa.

Waa kii yidhii qoraagii weynaa ee James Baldwin (oo ahaa Maraykan Madow oo ku koray Xaafada xadaarada dheer leh ee Harlem): “The unexamined life is not worth living,” ama “Nolol ma ahan nolol aan la qaadaadhgin”!

Tacadiga, rajo xumada, qadoodiga iyo silica hasyta Darbi-Jiifta da’yarta Soomaaliyeed waxaa si aan inaba caadi ahayn u qaadaa dhigay wiil yar oo laftiisu Darbi-Jiifka Soomaaliyeed ka tirasan.

Waakii James Baldwin meelkale ku qoray “Nobody knows my name,” ama “cid magacayga taqaanaa ma jirto.”  Wiil kan yare e Darbi-Jiifka magiciisa ma naqaan, erayadiisase kuwo la ilaawi karo ma noqonayaan?. Wiilkan wax uu u hadlayaa kumanaan da’yar Soomaaliyeed oo dacalada aduunka ku dhibaataysan, sida ay Anne Frank ugu hadashay ama u qeexday xanuunka Yuhuudii Hitlar ugaadhasanayey.

Haddaba hoos  ka akhriso erayda wiilka Soomaaliyeed ee wakiilka u ah DARBI-JIIFKA da’yarta Soomaaliyeed. Waliba waxaa beerka ku jeexaya ku luuqanyta iyo oohinta bilaa ilinta ah ee wajiga wiilka ka muuqatay.

Ereyada dhiiga dhaqaajinaya ee wiilkan DARBI-JIIFKA waxaa ka mid ah sidatan – biyo kama dhibcaan:

Farxada waan kala Dagnaa  –           Waxaan Gashadaa Dirays

Guryaha Duugee Qubtaan     –           Dux iyo Iidaan Macuno

Dugaag waxaan Qaybsanaa  –           Hambada aad Daadisaan

Badhbaa Daacuun Ugo’ay     –           Markay Waayeen Dabiib

Badhbay Dhaxamuhu Dileen  –          Dufaankiyo  Qabawga Daran

Badhbaa Daad Soo Rogmaday –        Habeen Dumay uu la tagay

Naftooda Badhbaa Daldalay              -Markay Nolashii Naceen

Aqooyahan Nama Darsaan   –           Xaalada Darbi Jiifku Yaal

Digriga Culimadu Wado         –           Dar Alle Nooguma Hadlaan

Dastruukuna wuu Na gabay  –           Qoraaguna wuu Na dagay

Dadweynaha uma Bandhigo –           Ciilka iyo Dacaskaa Na dilay

Faysal Roble
Email:faisalroble19@gmail.com


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2018 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.